Suxufiyiin lagu soo tabobaray Itoobiya oo ku soo fool leh Muqdisho.

caezct6j.jpgWasaarada Warfaafinta Itoobiya ayaa xadka ka soo gudbisay Wariyayaal ay Saxaafada ku soo bartay gudaha Itoobiya kuwaas oo ay sheegtay in ay ka qeyb qaadan doonaan waxa ay ku sheegtay isku soo dhaweynta shucuubta wadamada Itoobiya iyo Soomaaliya sida uu sheegay Wasiirka warfaafinta Itoobiya Burhaan Xaylow Ilo wareed lagu kalsoonyahay ayaa sheegay in tababarkani uu ahaa mid lagu baranayay qeybaha warbaahinta sida Radio media, qeybta Qoraalka (Wargeysyada iyo Website-yada) iyo Farsamada. Burhaan Xaylow Wasiirka warfaafinta Itoobiya ayaa sidoo kale sheegay in Tababarkan suxufinimo ay siiyeen wariyayaal ka yimid Muqdisho isla markaana tagay Adis Ababa, isaga oo carabka ku dhuftay in wasaarada Arimaha Dibada Itoobiya ay in mudo ahi ku talo jirtay sidii ay xukummada Itoobiya u soo saari lahayd ama u heli lahayd Suxufiyiin Soomaaliyeed oo garaadkooda saxafinimo aysan ku jirin cadowtinimo ay u qabaan Itoobiya isla markaana ka shaqeyn kara isku keenida labada shucuub. Wasiirka ayaa sheegay in ay Suxufiyiintani yihiin dad ka soo cararay shaqaaqooyinka ka jira Dalka Soomaaliya, waxaana uu si gaar ahi u sheegay in ay ka soo carareen waxa ay ugu yeereen handadaad uga timid Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo Ciidamada Midowga Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliyeed. Burhaan Xaylow ayaa sheegay in ay suxufiyiintani ka kala yimaadeen qeybo ka mid ah warbaahinta Muqdisho ka jirta gaar ahaan idaacadaha kala ah:-

1)     Idaacada iyo TV-ga Horn afrik2)     Idaacada Somaliweyn3)     Universal TV4)     Idaacada DFKMG ah5)     idaacada GBC  war ka soo baxay Wasaarada Arimaha Dibada Itoobiya ayaa lagu sheegay in dadkaasi ay u shaqeynayeen shaqsiyaadka ka tirsan idaacadaha kor lagu soo xusay. Burhaan Xaylow waxa kaloo uu sheegay in ay sii wadi doonaan tabo barada noocan oo kale ah ee ay siinayaan qeybaha kala duwan ee suxufiyiinta ku sugan gudaha Dalka Soomaaliya. Arintani ayay dadka qaar ku micneeyeen in ay tahay sidii ay Itoobiya oo hadda xooga ku qabsatay Soomaaliya ay maskax ahaana ugu qabsadaan warbaahinta iyada oo adeegsanaysa wariyaal ay u soo tabo bartay sida ay u doonayso in laga dhigo warbaahinta Soomaaliya oo ah xiligani mid madaxbanaan.   

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco        U dir saaxiib U dir saaxiib
1 Star2 Stars3 Stars4 Stars5 Stars
Loading ... Loading ...

6 Comment(s)

  1. As wr wb walalaha musliminta ah waxan kusalamay salanta islamka
    inta kadib wan kaxumahay in cadawga uu nagu xididaysto lakin waxan lenahay sida ay usoo sarayan kuwo u shaqeeyo ayan usoo saraynaa jilal aad ufiican oo ayaga kahortago
    insha allah kuwaas waxba maqaday wayna jabaya
    ee walalka muslimka ahoow gaar ahan kan saxafiga ahaaw kudifaac fikirkaga saliimka ah diinta islamka iyo umada soomaliyeed
    wabilahi altawfiiq

    alrayhaan | Jul 28, 2008 | Reply

  2. S/c salaantasi Islam ah kadib waxaa la yaab leh in maanta aan maqalno saxafi itoopia lagu soo tababaray ayaa soo galay somali iyadoo sida muuqato maskaxdii laga soo dhaqay wax kalane lagu soo shubay, hadaba waxaan sugnaa shiikh lagu soo tababaray itoopia!! Hadaba arinta na hortaa waxay tahay in aan u midowno oo aan cadowga iska xureyno Allane talo saarano, tan kale dadka yaan la dilin!! ee bal dacwada ha gaarsiiyo si dadka cadowga la safan ay birito noola saftaan oo wadanka noola xureyaan, tan xigta ninka itoopian Rufyaan u ahow Alle ka cabso oo ogow in Riziqadda adigoo uurka hooyadaa ku jiro la qoray, s/c

    Mohamedirshad | Jul 28, 2008 | Reply

  3. Assalamu Caleykum,
    Walaalayaal yaanan saxaafadda loo gefine hala yiraahdo Mooryaan loo soo tababaray sidii saxafiyiin, waayo anigaa saxafi Soomaaliyeed ah, mana rumeysni in nin aqoontiisa ay gaarsiisan tahay Saxafinimo uusan Itoobiya tagi karin, waayo xitaa inuu wax ku baro iska daaye Barhan Heylu Naftiisa ayaa cuni lahaa.
    Tan kale, dadka aaminsan waxa la yiraahdo dhaxdhaxaadnimo waxaan u sheegayaa in Dhaxdhaxaadnimadu aheyn tan u dhaxeysa Soomaaliya iyo Cadowgeeda, arrinta in dhaxdhaxaad laga noqdo u baahan waa arrimaha hoose ee shacabka Soomaaliyeed.
    Saxafiga Itoobiyaanka ah ee jooga addis Ababa wuxuu rumeysan yahay inuu dalkiisa halgan kula jiro argagaxiso, kuwa Muqdisho imaanayana waxey gashan yihiin tuutaha ciidanka, marka ma jirto sabab qof Soomaaliya oo aqoon yahan ah oo Saxafi ah uu dhaxdhaxaad uga noqdo Natiisa iyo Cadowgiisa (Amxaar iyo Soomaali)
    Mahadsanidiin

    Abukar Albadri | Jul 28, 2008 | Reply

  4. ASC WR WB:
    WAA JAWAASIIS UU SOO DIRSADEY EYGA MAREEKANKA U ADEEGA EE LOOGU MAGAC DARO MALES:
    WAXAASE ISWEYDIIN LEH ETHIOPIA AQOONTA TAALO EE KU SAABSAN XAKA MEDIAHA AH MAXEY TAHEY MASE JIRTAA WAA MAYA:
    EE WAA RAG LOO SOO TABABAREY JAWAASIISNIMO EE LAGU DABAQAYO IN AY WARIYAYAAL YIHIIN:
    WCS WR WB:

    Rooble | Jul 28, 2008 | Reply

  5. salaama dhamaan waxaaan,salaan gobeed u dirayaa bahda somalimiror oo ciyaaray
    runtii gool wadaniyad ku dheehantahay guulaysta
    idam alla waxaan idin leeyahay somaliyeey
    hadii aad isleedahay qabiilkaaga tageer
    ethiopia somalia waa usugu mid waxayna doonaysaa diintaada maalkaaga iyo naftaada
    kuseexo intaa waxqabiila oo si khaasa ay u rabtana majirto ee hadba sida ay ukala hor u marsan karto ayay ukala cunaysaa war
    fadhiga ka kaca kii dalka jooga
    xabada ha rido intii uu xaqiiq ama gaal dili karo ha dilo warkii dibada jooga waxuu awoodo
    saxaafad mudaharaad hadal maal intaba ha sameeyo allaahu akbar inshalaah gaaladu waa jabaysaa
    kuwa damiirka xun ee inagu dhaxjira allaah hanaga qabto waxay rabi ka baryayaa in wadankeena cadli helo dhamaantiin khayr ayaan idiin dhaafay

    kolba qarax diyaankii dil dilaaci buuraha | Jul 30, 2008 | Reply

  6. walaal yaal ethiopia waxay doonaysaa diinteena maalkeena iyo ciideena
    ninkii raba shisheeye kal kaal ah
    hala dilo ninkii wadanka jooga xabada ha rido
    kii banaanka jooga hadal saaxafada mudaharaad maal waxuu awoodo ha qabto yaan la fariisan
    intaan iska kici nayno guumaystaha bahda wargayska http://www.somalimiror.com guulaysta idam alla idinkuna ,magacaygu waa maxamed marexaanow nabad galyo

    kolba qarax diryaankii dil dilaaci buuraha | Jul 30, 2008 | Reply

Fikrad ka dhiibo