Gabadh 4 Jir ah oo la Qafaashey
By Somalimirror on 28 Jul, 2008 1:43 PM in Main, Wararka
Gabadh yar oo 4 jir ayaa Duhurnimadii Maanta waxaa kooxo aan la garaneyn ay kala baxeen Dugsi Qur’aan oo ku yaalada Degmada Shibis ee Magaalada Muqdisho. Gabadha yar oo lagu magacaabo xafsa yuusuf cusmaan, ayaa ilaa iyo hadda aan la garaneyn ujeedada rasmiga ah ee ka danbeysa in la gala baxo dugsigii qur’aan ee ay qur’aanka ka baraneysay. Sida ay ku warameen dad goob joogayaal ahi waxa ay sheegeen in Gabadha yar loo kaxeytan dhanka Degmada Xamar Weyne ee isla Magaalada Muqdisho. Qaar ka mid ah Eheladeeda oo Saxaafada u waramey ayaa sheegay in aysan garaneyn cidda qafaalatey Gabadhooda iyo sababta rasmiga ah ee ka danbeysa qafaalashadeeda. Waalidkii Gabadha ee Hooyadeed iyo Abaheed oo aad uga wal walsan Gabadhooda yar ee la qafaashey ayaa dad dheeraad ah ugu jira sidii raq iyo raad mid uun uga war heli lahaayeen Gabadhooda Arintan ayaa Dadka Muqdisho soo xasuusineysa xilligii Hogaamiye Kooxeedka, oo sidan oo kale Caruurta iyo Dadka kale aan waxba galabsan loo qafaalan jirey ka dibna Lacago madax furasho ah laga qaadi jirey Ehelada Dadka la qafaasho, falalkaas oo ahaa kuwo ay fulin jireen Maleeshiyaadka Hogaamiye Kooxeedka ka mar qaata.
www.somalimirror.com
Daabaco
U dir saaxiib

Loading ...
Fikrad ka dhiibo