Shabakadda Somalimirror waxa ay idiin soo gudbinaysaa Qeybtii 2-aad waraysi dheer oo aan la yeelanay Xoghayaha Warfaafinta Isbahaysiga dib u Xoreynta Soomaaliya Axmed Cabdullahi Sheekh Maxamed oo ku sugan magaalada Djibouti.
Axmed Cabdullahi waxaanu ka waraysanay:-
B) Arinta xil ka qaadista ay sameeyeen garabka Isbahaysiga ee AsmaraT) Shirkii sanca iyo waxyaabihii ka soo baxay
J) Khilaafka Isbahaysiga iyo saameyntiisa
X) Iyo sida uu u arko xalka Soomaaliya waraysigan oo aad u dheeraa ayaan u kala qaybinnay labo qeybood, qeybta koowaadna waxay u dhacday sidatan soo socota:-
Waraysiga Qeybta labaadna waxa uu u dhacay sida tan:-
Qeybta 2-aad
SomaliMirror:- Asal ahaan maxaa keenay Khilaafka Isbahaysiga?
Jawaab:- Isfaham la’aan ayuu ku saleysan yahey, isfaham la’aantii uu ku saleynaa sancaa la geeyay waxey aheydna diirkaa laga qaadey oo waa laga doodey, markii laga doodeyna waa la daaweeyey.marka waxaan is leeyahey intaas bay aheyd in ay ku filaato dacwo iyo daawaba.
SomaliMirror:- Ma ku talo gashantihiin in mar kale aad dib isugu keentaan Isbahaysiga Dib u xoreynta ee ku kala jabay heshiiskii Djibouti?
Jawaab:- Run ahaantii wanaaga iyo wada shaqeynta iyo walaltinimada, mar kastaba waa la doonayaa oo Soomaali oo dhan baa la doonayaa in ay isu timaado dhibka heysta wada hadal iyo wanaag ku dhameysato, walaalaha isku ujeedada ah ee xoogaga yar ee sheydaadku soo galey isu doonistoodu waa wax waajib ah oo ka sii xoog badan oo ka sii waajibsan, waxaana aaminsanahay in wadadu isku soo dhici doonto, mar haddii ujeedooyinkii midaysan yihiin inta la kala maqnaan karo inaysan dheerayn baan filayaa.SomaliMirror:- Maxaad isleedahay oo la isugu keeni kara Isbahaysiga?
Jawaab:- Wax qabad ayaa la iskugu keeni karaa, waxaa loo sameeyay isbahaysiga ujeedooyin, haddii ujeedooyinkiisa xaqiiqsamaan oo laga run sheego oo ujeedooyinkii uu lahaa laga howl-galo lana fuliyo, waxaan isleeyahay taasaa noqon karta waxa ugu sahlan ee wadada la iskugu soo dhici karo, cidina ma dhahayso Itoobiya ha noo jooto, Itoobiya oo dalka joogtana oo dadkii dhibaysa oo xasuuq iyo Barakicin iyo waxa hadda Gobolada Dhexe iyo Baladweyne ka socda dhibka ay ku hayso cid dhahaysa gacmaha ha laga laabto oo madaxa ha laga salaaxdo ma jirto,marka intaas oo dhan waa ujeedooyin wada midaysan oo laga midaysanyahay, wax-qabadka ayaana dadka midayn kara.
Somalimirror:- saameyn intee la eg ayay ku yeelanaysaa kala Jabka isbahaysiga xoogaga ku sugan gudaha Dalka?
Jawaab:- Ma Aaminsani aniga hadda in Warar Idaacadaha ka baxa ay muqaawamada aragtidooda iyo ahdaaftooda midna leexin karto, waxa ay tahay waa wax cad oo lagu midoobay oo la iskugu yimid oo dadkana isku keenay, oo haday howshaas tagtana shaqooyin kale lakala qabsan doono oo lagu kala tagi doono ayaa jirta, dadka hadda meeshan iskugu yimid, Gumeysiga dhulka Haysta in laga saaro oo la nadiifiyo oo amni iyo cadaalad iyo horumar wadankaan wadadiisa loo jeexo ayay iskugu yimaadeen, marka ma aaminsani hadda aniga dadkii isku ujeedooyinkaas ahaa wax kala leexin kara waa haddii ay markii hore ujeedadu saxnayd lagana mideysnaa, ianay kala qeybsanto muqaawamada waa sida uu cadwgu rabo, Insha Allaahuna ma helayo, oo inta uu sal mugii u fadhiyo sarbida laga deyn maayo .
Somalimirror:- inta badan garabyada mujaahidiinta ee gudaha iyo garabka isbahaysiga Asmara waxay qaadaceen Heshiiskii DJibouti, hadaba la’aantood ma dhaqan galayaa Heshiiska aad gasheen.
Jawaab:- heshiiska la galay wuxuu ku saabsanyahay in Itoobiya Dalka laga saaro, marka waxaan isleeyahay haddii si dhab ah loo fikiro aniga ma ogi cid diidaysa in Itoobiya Dalka ha laga saaro, Itoobiya Dalka ha joogto heshiiska kuma jirto, Itoobiya Dalka ha laga saaro way ku jirtaa, marka walaalahana ma diidana, muqaawamaduna ma diidana in Itoobiya Dalka laga saaro, laakiin waxaa laga yaabaa tarjumaada iyo sida warka loo dhahayo iyo waxyaabaha mararka qaar fahm ahaan laga qaato warbaahinta waa lagu kala duwanaan karaa haday taasi hirgashana waa la wada hirgalinayaa.
Somalimirror: - Ma laga yaabaa in aad ka tanaasushaan heshiiskii Djibouti si loo badbaadiyo midnimada iyo jiritaanka Isbahaysiga?
Jawaab:- waxaan isleeyahay heshiiskaasi waxa uu ku dhisnaa in Itoobiya Dalka ha laga saaro nuxurka heshiiskaas oo dhan hal xabo waaye oo ah “Itoobiya Dalka ha ka baxdo”, marka Itoobiya Dalka ha ka baxdo in laga tanaasulo haday qumantahay taas ha la is weydiiyo .
Somalimirror:- sideed u aragtaa in uu xalku ku jiro?
Jawaab:- waxay ila tahay, ujeedooyin iyo ahdaaf baa waxan loo sameeyay, · ujeedooyinkaas iyo ahdaaftaas in laga wada shaqeeyo oo wadadaa la wada qaado ee laguna xaqiijiyo ujeedooyinkii loo sameeyay Isbahaysiga ayaanu isleenahay waa waxa ugu sahlan ee hadda la iskugu imaan karo.· mida kale xalku wuxuu ku jiro waxaa weeye wax-qabad.· xalka waxaa kaloo uu ku jiraa in la joojiyo adeegsiga warbaahinta khaldan, wada hadalka tooska ahna la abaaro wixii tabasho ahna halkaa sla geeyo. · qodobka kale waxay tahay qof kasta mas’uuliyad baa saaran, masuuliyada saaran waa in uu guto, cid ka cafinayso masuuliyadiisii ma jirto, mas’uuliyadiisii shakhsiga ahaydna waa in uu guto, midi mu’asadda ahaydna waa inuu gutaa, oo dhankiisa walaalnimada, midnimada iyo wada shaqeynta ka baadi-goobaa. · mida kale ee ugu danbeysa waxa ay tahay marka laga soo tago xaga Isbahaysiga, Midowga Maxaakiimta maamul dhisan oo masuuliyiin leh, ayuu ahaa waa in uu is weydiiyaa waxa dhacay maxaan ku leenahay ? markaa iayaguna waa in ay mas’uuliyadooda iyo waxa ay leeyahay..
Somalimirror:- Jabhadda Islaamiga Soomaaliyeed Waxa ay soo saartay Warsaxaafadeed ay iskaga fogaynayso Heshiiskii aad la gasheen DFKMG ah, sideed u aragtaan arintaas?
Jawaab:- Jabhaddu muqaawamada wax la taaban karo ayey ku soo kordhisay, haddii ay ahaan lahayd dhanka xanuunjinta cadawga, haddii ay ahaan lahayd anshaxa, kala dambeynta iyo la dhaqanka dadweynaha. Ujeedadii loo asaasayna way taagan tahay, waxaa ila haboon inaysan jabhaddu ku mashquulin hawl ay qeyb walaalaha ka mid ah gacanta kula jiraan, aanna Allah idinkii ku rajo weynahay inay ugu dambeynta hal waddo isla qaadi doonto. Waxaa intaa dheer inay jabahaddu odoyaal iyo meelo looga arrimiyo ayey leedahay waanna aaminsanahay inay ku filan yihiin hagidda masiirka Jabahadda. Sidaasi darteed su’aasha munaasibka ah waxa ay tahay sideen hadafkii weynaa ee aan isutaagnay u xaqiijin karnaa annnaga oo wada jirna? Waayo waa hubaal annaga oo kala soconna oo isku mashquulsan in aanan meel gaari Karin.
Somalimirror:- maxaad ugu Baaqeysaa shacabka iyo xoogaga Mujaahidiinta Soomaaliyeed?
Jawaab:- Waxaan ugu Baaqeynaa .
§ in Midnimada & walaaltinimadooda adkeeyaan.
§ qof kastana Mas’uuliyada Shakhsiyan u saaran uu qaato, oo uu ogaado in howshan aysan ahayn howl cid kaliya u taalo oo cid kaliya in ay wax wanaajiso laga sugayo, cid walba waa laga rabaa, qof kasta waxaa laga doonayaa in kaalinta uu ku leeyahay sidii dalkaan cadowga looga saari lahaa inuu qaato.
§ Waxaan kaloo ugu Baaqayaa xoogaga Muqaawamadana inay ogaadaana in howl-galkooda uu ku aadanyahay cadowga sidii Dalka looga saari lahaa insha allaah.
§ In dadweynaha dan yarta ah la taakuleeyo, loona turo, lana ogaado in dadweynuhu yahay lafdhabarta muqaawamada iyo shidaalkeedii.
§ Waxa kale oo aan ugu baaqayaa sida ay muqaawamada u taageereen inay nabaddana u taageeraan marka loo baahdo.
DhamaadHalkan ka akhriso waraysiga qeybtii 1-aad:-
http://www.somalimirror.com/2008/07/27/axmed-claahi-%e2%80%9ctallaabada-ay-walaaluhu-qaadeen-waa-khalad-siyaasadeed-oo-taariikhi-ah%e2%80%9d/#more-1316
www.somalimirror.com
Daabaco
U dir saaxiib

Loading ...
hadal la qurxiyo wax weeyn ma aha umada islaamkana allaha mideeyo culumadeena jihaadka aabaha u aheeydna allaha dhoowro sida 2da xassan
muftigeena sh.shariif c/nuur allaha noo dhoowro jabhada islaamka (jabiso) alaha xifdo ururka dhalinyarada soomaaliyeed iyo afhayeenkoodaba allaha xifdo kuwa jabuutina hadii rabigeey hanuun u qoray allaaha u soo dadajiyo
deeqa | Jul 28, 2008 | Reply
ilaahay baa mahad iska leh marka hore …waxaanan ka baryayaa inuu quluubtiina isu keeno isagaa boqor ah oo quluubta mideeya ,,,aamiiin, marka labaad
hadalka ahmed waxaan ka dhadhansaday in khilaafku salka ku hayo kii wiiqay dowladii curadka ahayd ee maxkamadaha iyada oo aan wada gaadhin sagaalkii bilood ee ay ku dhalan lahayd looguna wan qali lahaa geyiga iyo carrada soomaalyeed
runtii waa mid ilaa hada taagan waana ka hada dhaxgalay isbahaysiga kana soo if baxay mar labaad ragii ugu sareeyay sh shariif iyo sh xasan waana mid mar walba leh xanuunkkiisa waana mid murugo tiiraanyo, niyad jab,calool xumo, iyo quus ku keenaysa qofkasta oo dani ka hayso shacbiga soomaaliyeed ee ku dulaysan kuna tabaalaysan dibad iyo gudaba,
MIYAANAY MUDNAANTU KU JIRIN SHACBIGA DHIIGBAXAY EE GEERIDA XAD DHAAFKA AHI SOO GAADHAY WAXAAN FILAYAA INAY KU YAR TAHAY QOYS SOOMAALIYEED OO AAN CIDI KA DHIMAN…dhibaatada heerkaas leeg ee soo ku habsatay shacniga miskiinka ah miyaanay arkayn madaxda isbahaysigu maxay ka door bideen fikir magac gaara oo lagu higsanayo milgaha dowlad aan laba gaadhin ,,
hadiiba laba jeer la is khilaafay oo la isla jaan qaadi waayay waxaan leeyahay ahmadow waxaa dhaanta quluub qaniya oo wada jirta in yar oo kooban oo isku fikrad ah hugunka iyo farabadnaantu waxba ma keento ee ka socda ka socda oo ASMARA YAAN LAGU HASAAMIN,
wali arintu khilaaf micrifoon ayay maraysaa ee hadaan laga gudbin wax kale ayaa kasoo bixi …
waxaan kusoo koobayaa ahmadow hore uga socda …
WACANE | Jul 28, 2008 | Reply
heshiiska jabuuti lagu gaadhay wuxuu ahaa luqad ay fahmayaan nimanka dabadhilifka iyo axmaaradu …. waxaad u fiirsataan oo dib u jaleecdaan wadahadaladii dhexmaray dowladdii curadka ahayd ee maxkamdaha iyo dukaanka iyo dowlada reerka ah ee cabdilahi yusuf madaxda ka yahay wadahadalkaas maxkamaduhu waxay la lahaa xabashida oo daba ka riixaysay cabdilaahi yusuf waxaan ayaan daro ah nimankii hogaaminaayay waftiga maxkamadaha oo garan waayay kana door biday xoog iyo addis baanu ku soconaa fikradaas baa ilaa hada taagan oo leh xoog xabashi halagu saaro waxaan leeyahay qoladaas xabashi hashiis lalama gaadhin lamana heshiin xabad xoog baa naga dhaxaysa ee waxaanu la heshiinay dabadhilifka kasoo horeeya kuna guuldaraysay riyadiii beenta ahayd ee dowladnimo ,
heshiiska jabuuti wuxuu soo saaray xanuunka iyo guuldarada ku dhacday ciidamada gumaysiga waxaa la yidhi maxaa dhariga karka ka keenay shalay khartoum waxaa lagula hadlaayay xabashi soo gashay shaadh soomaaliyeed maantana jabuuti waxaa soo fadhiistay xabashi lagtiisii oo soo dirsaday ilaa safiirkooda u fadhiya jabuuti iska soo xaadiriyo madasha shirka waase laga diiday waxaana lagu yidhi xoog iyo xabadii meeday suugii iyo kaarihii meeye sirdoonkii seerihii adkaa ee aad ku faanaysay meeye taasi waa inoo dhiman tahay,, laakiin waxaa laga soo saaray saarkii dowlanimo ee cabdilahi yusuf u hayay …
AHMADOW HORE U SOCDA OO YAAN LAGU HABSAAMIN QORI KALIYA LAGUMA GAADHO HIMILOOYINKA DOWLNIMO LAAKIIIN FIKIR , QALIN , AF, ADIN INTABA WAA LOO BAAHAN YAHAY MAANTANA WAXAY TAAGAN TAHAY INTA HADHAY AAN BADBAADINO OO NAF IYO DHIIG MISKIIIN AH OO QUBA IN LA QABTO OO DHIIG JOOJIN LAGU SAMEEYO WAA MUDAN TAHAY,,,
ASMARA WAXAAN LEEYAHAY MARNABA HADAAD NALA GARAN WEYDEEN ISBAHAYSI IYO MAGAC QIIMO MA LEH EE XAL CAAFIMAAD QABA IYO DOOG LA DAAQO KEENA CAWS KANA KASOO KACA ,,,,,
JIHAADKA IYO HALKANKUNA IDIIN JOOGSAN MAAYO
WACANE | Jul 28, 2008 | Reply
waxaan filayaa ururka dib xoreynta markii ay dhismayeen isku fikrad, aragti, hadaf iyo faham ma ay ahayn nin walbana ujeedo uu uga soo horjeeday gumaysiga iyo gumaysi kalkalka ayaa jirtay.
laakiin midda muhiimka ahi waxaa weeye qof walba oo damiir lihi waa inuu akhriyaa ama akhrin karaa xaaladda shacabka soomaaliyeed maanta ku jiro.
waxaan filayaa in aan looga gudbi karin kaliya in hoobiyayaal lagu tuuro amxaarada ayna ku soo jawaabaan madaafiic wax marisa.
ee loo gudbo in shacabka dhibta sidii looga saari lahaa ha ahaato mid ihaano ku ah kooxaha kacdoonka wada oo dan u ah shaqab weynaha soomaaliyeed.
geelle | Jul 29, 2008 | Reply