Warsaxaafadeed ku Saabsan Khilaafka Isbaheysiga iyo Arimo kale

astaanka-gdaarood.JPGGolaha ku dhaqanka shareecada islaamka ee beesha daarood, oo warsaxaafadeed maanta ka soo saarey xasiifkooda magaalada muqdisho ayaa uga Hadley arimo uu ka mid yahey khilaafka isbaheysiga, waxa uuna u qornaa warsaxaafadeedku sedan:- WARSAXAAFADEED Ref: - GGDHSHIBD/006/July/08                                              Date: - 27/07/2008                                                                                                            24 Rajab 1429 Kal fadhigii Labaad ee uu yeeshay Golaha Guurtida ku Dhaqanka Shareecada Islaamka ee Beelaha Daarood oo dhacay 26/07/2008, ka dib markii uu Goluhu arkay Xaalada uu Dalku ku marayo Dood dheer ka dib Goluhu wuxuu isla gartay qodobadaan hoos ku qoran:- 1) Goluhu wuxuu Taageerayaa Halganka Hubaysan iyo kan Siyaasiga ah ee lagaga soo horjeedo Cadowga Soomaaliyeed Gudaha iyo Dibadaba. 2) Goluhu wuxuu dhiirri galinayaa Xoogagga hubaysan ee u taagan Difaaca Diinta iyo Dalka, wuxuuna u soo jeedinayaa inaysan niyad jabin kuna dadaalaan midnimadooda (ولا تنازعوا فتفشلو وتذهب ريحكم) 3) Goluhu wuxuu aad iyo aad uga xunyahay Khilaafaadka soo kala dhex galay Isbahaysiga dib u Xoreynta Soomaaliya, waxaanan kula talinaynaa:-Ø     in ay Khilaafaadkooda ku xaliyaan Kitaabka Alle (SW) iyo Sunada Nabiga (SCW)Ø     in aanay Niyad Jebin Ummadda Soomaaliyeed ee Halganka ku jirtaØ     inay isku tanaasulaan iyaga oo ilaalinaya Midnimada Ummadda Soomaaliyeed iyo Danteeda. (واعتصموابحبل الله جميعا ولا تفرقوا واذكروا نعمة الله عليكم اذ كنتم اعداء فألف بين قلوبكم فأصبحتم بنعمته إخوانا) 4)     Goluhu wuxuu uga Tacsiyaynayaa Ummaddda Soomaaliyeed guud ahaan dhibaatooyinka uu u geysanayo Gumeysiga soo jireenka ah ee Itoobiya, illaahayna waxaan uga Baryaynaa Ummadda Soomaaliyeed in Midnimadeeda tuso, Towfiiqdana uu waafajiyo, kuna toosiyo Tubta Alle.kana dul qaado dhibaatooyinka ku habsadey.  CANBAAREYN Goluhu wuxuu Canbaareynayaan Falalka foosha xun ee ay Itoobiya ka waddo Dalka Soomaaliya, kuwaas oo isugu jira:- Gumaadka, Dhaca, Barakinta, Kufsiga IWM, kuwaas oo ay ugu danbeeyeen Xasuuqa iyo Barakaca cusub ee ka socda Gobolka Hiiraan gaar ahaan Degmada Baladweyne  وبالله التوفيق

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco        U dir saaxiib U dir saaxiib
1 Star2 Stars3 Stars4 Stars5 Stars
Loading ... Loading ...

7 Comment(s)

  1. Masha Allah. Waa war lagu diirsado oo nasteexo Islaami ah wadato.
    May Allah reward all the mutaqiin and muxsiniin.

    Yusuf aldarwiishi | Jul 27, 2008 | Reply

  2. As wr wb

    Waa arin qosol leh!!

    Gaalogowrac | Jul 27, 2008 | Reply

  3. Daroodka wanaagsan warkiisa waakaa
    islamnimo iyo somalinimoba wey ka muuqataa

    Warfaa | Jul 27, 2008 | Reply

  4. Ma ahan in La isku qabta daarod oo dhan RAGA KALe waa laga heli rag wanaagsan Laakiin majeerteen kama heleysid nin kheer iyo diin katalin waa itoobiyaan afsoomaali bartay carkasohel puntalan kacdoon diin hala kalasaaro majeerteen iyo daaroodka kale

    Muxamed shekh | Jul 27, 2008 | Reply

  5. Mr. Gaalogowrac waad iska qososhay.

    Halganka Soomaaliya ka socda Daarood laf-dhabar buu u yahay. Markii dhamaadkii 2006 lagu soo jabay Iidaale iyo Daynuunay, beesha Absame ee Daarood ayay ahayd beeshii lafdhabarka u noqotay halganka diiniga ah ee ee ka socda Soomaaliya.

    xasan | Jul 27, 2008 | Reply

  6. Bismillahi,

    Maxmed Shekhow Beesha majeertaan walaal nin kheyr leh waa laga helayaa bal waxaa laga helaayaa dad badan oo culimo waa weyn ah oo soomaali weyn noocoodu ku yaryahay sida Shiikh Abdulqadir Nur Farah, xafida hullah, walow ay ku jiraan dad xumaan doon sida qabaa’ilka soomaaliyeed ee kale. KALIYA waxaan rabaa inaan baraarujiyo majeerteen waxey lamid yihiin qabaailka soomaaliyeed waxaa ku jira faajir iyo taqi taasina waa mid ilaahey ummada oo dhan dhex dhigey.

    Wabillahi Towfiiq

    Kheyrdoone | Jul 28, 2008 | Reply

  7. Walaalayaal waan idiin salaamayaa waxaan idiin lahay alla kacabsada ee iska dhaafa qabyaalada waxaad ogaadaan qawiil walbo dad xun ayuu lay yahay marka majeerteen iyo mariixaan qof xun iyo qof fiican way wada lay yihiin marka walaalayaal alla kabaqa

    Cabdulaahi | Jul 28, 2008 | Reply

Fikrad ka dhiibo