Kadib markii ay ciidamada gumaysiga Itoobiya cagaha soo dhigeen dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho waxaa magaalada ka bilawday barakac baahsan oo ay dadka rayidka ah uga qaxaayaan degmooyinkii ay deganaayeen ayaga oo ka cabsi qabay inay tacadiyo uga yimaadaan ciidamada gumaysiga itoobiya iyo kuwa dawladda.
Muddo yar ka dib markii ay soo galeen ciidamada gumaysiga Itoobiya caasimadda waxay bilaabeen in ay fariisimo ka samaystaan goobahah ay dadka rayidka ahi ku dhaqan yihiin taas oo sii kordhisay tirada barakacayaasha.
Horaantii sanadkii tagay ee 2007 waxaa caasimadda Muqdisho ka bilawday dagaal kharaar oo dhex maray Xoogagga Mujaahidiinta iyo ciidamada gumaysiga Itoobiya oo ay ka bar bar dagaalamayaan kuwa DFKMG ee u shaqaysa gumaysiga, waxayna ciidamada gumaysigu si arxan darro ah u duqeeyeen goobaha ay ku badan yihiin dadka rayidka ah taas oo ay ka dhalatay khasaaro aad u baaxad weyn oo isugu jira xasuuq soo gaaray dadka shacabka ah, burbur laxaad leh oo haleelay guryihii iyo goobihii ganacsiga ee ay lahaayeen dadka shacabka ah, waxaana dagaalladaas ka dhashay barakacii ugu weynaa ee abid soo mara dalka Soomaaliya.

Sida ay xaqiijisay Q. M. sanadkii tegay ee 2007 waxaa caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ka barakacay dad gaaraya ilaa 1.5 milyan oo qof, kuwaas oo u kala qaybsamay kuwo u qaxay gobollada dalka gudihiisa iyo qaar kale oo u firxaday dalalka dariska gaar ahaan Kenya iyo Yaman, waxaana dadkaas ku haysta goobaha ay u barakaceen dhibaatooyin bani-aadami oo aad looga dayrinayo. Q. M. ayaa sidoo kale warbixin ay soo saartay sanadkan gudihiisa ku sheegtay in sanadkan 2008 ay Muqdisho ka barakaceen dad gaaraya 760,000 oo qof kuwaas oo ku biiray dadkii horay u barakacay isla markaana sii kordhiyay culayskii jiray ee qaxootinimo, waxaana wali si joogta ah magaalada Muqdisho uga socda barakac ay samaynayaan dadka rayidka ah ee ka qaxaya dagaallada aan kala joogsiga lahayn.Hadaba waxaan isku dayaynaa in aan idiin soo gudbino xaaladaha dadkaas ka barakacay guryahoodii oo haatan ku nool xeryaha qaxootiyada gaar ahaan kuwa ku yaala duleedka caasimadda, xeryahaas oo ay ku jiraan dadka ugu faraha badan ee ka cararay dagaalada iyo dhibaatooyinka arxan darrada ah ee ay gaysanayaan ciidamada gumaysiga Itoobiya iyo cawaankooda DFKMG.Ugu horayntii dadka Soomaaliyeed ee ka barakacay rabshadaha ka jira caasimadda Soomaaliya tan iyo markii ay ciidamada gumaysigu soo galeen Muqdiho waxay gaarayaan 2,260,000 oo qof sida ay warbixinteeda ku sheegtay Q. M. waxaana Soomaaliya lagu tilmaamay in ay kaalinta koowaad kaga jirto aduunka dadka ku barakacay dalka gudihiisa, waxayna Q. M. xaqiijisay in bil waliba ay xuduudda dalka Kenya ka gudbaan dad gaaraya ilaa 4,000 oo qof kuwaas oo ku biira qaxootiga Soomaaliyeed ee ku Silicsan xerada Dhadhaab ee Gobolka NFD.Inta u dhaxaysa Muqdisho & Afgooye waxaa ku firirsan Xeryo Qaxooti oo ay samaysteen dadka ka barakacay caasimadda, xeryahaas oo tiradoodu gaarayso ilaa 215 Xero kuwaas oo tan ugu dad yar ay ku nool yihiin 50 qoys.Hadaba waxaa noo suura gashay in aan booqano 7 Xero oo ka mid ah xeryaha Dadka Barakacay ee ku yaala Duleedka Muqdisho kuwaas oo kala ah:- 1. Xerada Qaxootiga ee Raas oo ay ku jiraan 437 Qoys.2. Al-Tawba oo ay ku jiraan 470 qoys.3. Kulmis oo ay ku jiraan 678 qoys.4. Al-xaliib oo ay degan yihiin 372 qoys.5. Taleex oo ay ku jiraan 1100 qoys.6. Israac oo ay deggan yihiin 700 oo Qoys.7. Danwadaag oo ay ku jiraan 650 qoys.

Xeryahaas oo kulligood ku yaalla inta u dhaxaysa KM13 ilaa KM20 ayaan u kuur galnay sida ay tahay xaaladda ay dadkaas ku sugan yihiin, gaar ahaan dhinacyada waxyaabaha aasaasiga u ah nolosha bani-adamka sida: quutul-daruuriga, Amaanka , Biyaha, Caafimaadka, iyo Waxbarashada.1. Xaaladda Amaanka:-Dhamaan xeryaha qaxootiga ee ku yaalla inta u dhaxaysa magaalada Muqdisho iyo Afgooye waxay ka midaysan yihiin dhibaatooyinka uu sababay barakaca. Qodobka ugu horeeya ee aan soo qaadanayno waa xaaladaha Amaanka ee dadka qaxootiga ah. Dadka qaxootiga ah ee daadsan duleedka Muqdisho waxay haystaan xoogaa amaan ah maadaama aysan dhulkaas ka dhicin dirir joogta ah oo dhex maraysa ciidamada gumaysiga Itoobiya iyo kuwa la shaqeeya oo dhinac ah iyo xoogagga Mujaahidiinta oo dhinaca kale ah, laakiin waxaa dhaca tacadiyo ay goobahaas mararka qaar ka gaystaan ciidamada gumaysiga Itoobiya iyo kuwa dawladda marka ay ku safrayaan inta u dhaxaysa Muqdisho iyo afgooye. Waxaa jira falal soo noq noqday oo ka dhacay deegaamada ay qaxootigu ku badan yihiin kuwaas oo ay gaysteen ciidamo ka tirsan dawladda iyo kuwo Itoobiyaan ah, falalkaas oo isugu jira dil bareer ah oo loo gaysto dadka aan waxba galabsan ee ku dhaqan xeryaha qaxootiga. Waxaa sidoo kale deegaanadaas ka dhaca hawlgallo baaritaan oo ay fuliyaan ciidamda gumaysiga Itoobiyaanka kuwaas oo khalkhal ku abuura dadka Rayidka ah ee ka soo barakacay guryahooda. Waxaa intaa dheer gooddi, cagajugleyn iyo is-hortaag hawlaha samafalka oo ka imaanaya dhinaca madaxda dawladda KMG ah ee la shaqaysa gumaysiga Itoobiya taas oo hay’adaha samafalka ee Q.M sanadkii tegay ee 2007 si toos ah u shaaciyeen kadib markii uu wasiirkii arrimaha gudaha ee xilligaas Gacmadheere uu is hortaag ku sameeyay raashin la rabay in loo qaybiyo dadka tabaalaysan ee ku jira xeryaha Qaxootiga. Waxaa sidoo kale qayb ka ah dhibaatooyinka ay dawladdu ku hayso dadka qaxootiga ah hadal uu jeediyay Maxamed Dheere oo dadka qaxootiga ah ku tilmamay kuwo argagixiso caalami ah oo aan wax xuquuq gargaar ah lahayn wuxuuna ku hanjabay in ay kasii barakicin doonaan goobaha ay u qaxeen asaga oo hay’adaha gargaarka ugu baaqay in aysan wax kaalmo ah ugu deeqin dadka qaxootiga ah ee ku dhibaataysan xeryaha Qaxootiga.Dhinaca kale waxaa ka mid ah khataraha dhinaca amaanka ee soo wajahay dadka barakacay afduub iyo dilal qorshaysan oo loo gaysanayo shaqaalaha gargaarka falalkaas oo aan la garanayn cidda ka danbaysa iyo ujeedooyinka loo beegsanayo dadka u shaqeeya hay’adaha samafalka ee ka hawlgala koonfurta Soomaaliya, waxaana arrintaan welwel ka muujiyay dadka soo barakacay isla markaana ka sameeyay banaanbaxyo ay uga cabanayaan falalkaas lagu beegsanayo dadka ka shaqeeya hawlaha samafalka. 2. Quutul-daruuriga:-Dadka Soomaaliyeed ee ka barakacay magaalada Muqdisho ka dib xasuuqyadii foosha xumaa ee ay dadka rayidka ah u gaysanayeen ciidamada gumayiga Itoobiya waxaa la soo gudboonaatay xaalad aad u qalafsan oo dhinaca nolosha ah. Dadka qaxootiga ah ayaa ka cararay guryahoodii iyo hantidoodii waxayna ayaga oo fara maran naftooda ula baxsadeen meel kasta oo ay ka heli kareen gabaad nabadeed. goobaha ay dadku sida weyn ugu barakaceen waxaa ka mid ah dhulka u dhaxeeya caasimadda iyo degmada Afgooye. Dadka qaxootiga ah ee ku jira xeryaha aan kor ku soo xusnay waxaa haysata nolol xumo mana helaan cunno ku filan marka laga reebo xoogaa raashin ah oo ka kooban Masaggo, Saliid, iyo Boorash, kuwaas oo 2-dii biloodba mar ay qaybiso Hay’adda WFP taas oo aan wada gaarin dadka u baahi qaba gargaarka.Qaar ka mid ah shaqaalaha samafalka oo aan xiriir la samaynay ayaa waxay noo xaqiijiyeen in dadka ku jira xeryaha qaxootiga ee ka barakacay magaalada Muqdisho ay qabaan baahi weyn oo dhinaca nolosha ah waxayna sheegeen in aysan hay’adaha gargaarku daboolin 10% ka mid ah baahida dadka tabaalaysan. Sidoo kale xubnahan ka tirsan shaqaalaha samafalka ee ka hawlgala xeryaha qaxootiga ee ku yaalla inta u dhaxaysa Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxay intaa ku dareen in dadka qaxootiga ah ay hadda qarka u saaran yihiin musiibo bani-aadam nimo kadib go’aamada ay gaareen qaar ka mid ah hay’adaha samafalka kaas oo ay ku joojiyeen hawlihii samafalka ee ay gacanta ku hayeen. “Hay’adaha samafalku markii horaba waxay qaban jireen wax ka yar 10% baahida ay qabaan dadka qaxootiga ah waxaana hadda xirmay intii yarayd ee ay qaban jireen, taasoo micnaheedu yahay bilawga musiibo bani-aadam nimo oo ku habsata dadka Soomaaliyeed ee ku dacdareysan xeryaha qaxootiga” ayuu yiri xubinkan oo ka mid ah shaqaalaha Hay’adda Alhijra oo kamid ah hay’adaha maxalliga ah ee ka shaqeeya dhinaca biyaha iyo kaalmooyinka kale.Dhinaca kale waxaa kamid ah baahiyaha nololeed ee asaasiga ah ee ay u baahan yihiin dadka barakacay hoy ay uga gabadaan milicda qorraxda iyo roobabka mahiigaanka ah ee xiligan ka da’aya koonfurta Soomaaliya gaar ahaan caasimadda iyo nawaaxigeeda, waxayna haatan qaxootigaas gabbaad ka dhigtaan cooshado ka samaysan baakado iyo jawaano la’isku tolay kuwaas oo ay aalaa ka hoos dhistaan geedaha hoostooda. Cooshadahaas ay qaxootigu gacantooda ku sameysteen ayaa marka ay qoyaan ah kuwo aanan celin karin roobka maadaama aysan dusha kaga dedneyn bacaha roobka laga jirsado oo hadda ka hor mar ay qeybisay hay’adda UNICEF ay heleen tiro aad u yar oo ka mid ah dadka soo barakacay ee ku dayacan xeryaha qaxootiga ee ku yaalla inta u dhaxaysa Muqdisho iyo Afgooye.Dhibaatooyinka nololeed ee dadka Qaxootiga ah ku habsaday waxaa qayb muhiima ka ah sicirbararka Baahsan ee marba marka ka danbaysa kor u sii kacaya saamayn weyna ku yeeshay qiimaha cunnooyinka daruuriga ah oo sicirkoodu gaaray heerkii ugu sarreeyay ee abid soo mara dalka Soomaaliya. 3. Biyaha:- Baahida ugu weyn isla mar ahaantaana ugu muhiimsan ee ay qabaan dadka qaxootiga ah ee ka barakacay magaalada Muqdisho waa helitaanka biyo nadiif ah waxaana ciriiri ku jira biyaha sababtoo ah xeryaha qaxootiga oo aan lahayn ceelal biyaha laga aroorto.
Dadka Qaxootiga ah ayaa subax waliba waxay safaf dheer dheer u galaan sidii ay u heli lahayeen 20 litar oo biyo ah qoyskiiba, taas oo aan ku filnayn baahidooda dhinaca biyaha ah.

Waxaa jira ceelal aan badnayn oo hay’adda Muslim Releaf ay ka qodday qaar ka mid ah xeryaha qaxootiga ee ku yaalla duleedka caasimadda kuwaas oo aan haqab tiri karin baahida biyo ee ay dadka qaxootiga ahi qabaan. Sidoo kale Hay’adda UNICEF ayaa ayduna qaar ka mid ah Xeryaha Qaxootiga ka qodday ceelal aan tiro badnayn waxaana jira qaar ka mid ah hay’adaha samafalka oo xeryaha qaxootiga ka sameeya booyado biya dhaamis ah oo ay u qaybiyaan dadka qaxootiga ah.4. Caafimaadka:- Dadka Soomaaliyeed ee ka barakacay caasimadda ka dib falalkii waxashnimada ahaa ee ay magaalada Muqdisho ka gaysteen ciidamada gumasyiga Itoobiya iyo DKMG ah ee u shaqaysa itoobiyaanka, waxaa ka mid ah dhibaatooyinka ugu waaweynaee la soo gudboonaaday xaalad caafimaad darro oo ka dhalatay bannaanka ay daadsan yihiin dadka qaxootiga ah iyo zaxmadda xooggan ee ka jirta xeryaha qaxootiga oo aan laheyn bukaan-dhowrtooyin si toos ah uga hawlgala xeryahaas. Halista caafimaad darro waxay si weyn u saamaysay carruurta halkaa lagula soo qaxay, kuwaas oo ay isla markiiba haleeleen cudurrada faafa sida shuban-biyoodka, Jadeecada, Malaariyada iyo cudurrada ka dhasha nadaafad-darrada sida Kor-cuncunka iwm. Waxaa sidoo kale in badan oo dhalaanka ka mid ah ku dhacday nafaqa darro aad u ba’an, taas oo ay u geeriyooden carruur fara badan. Waalidiinta qaxootiga ah ayaa cabasho weyn ka muujiyay xaaladda ay ku sugan yihiin caruurtooda iyagoo shaaca ka qaaday in aysan haysan kharash ay ku gataan dawooyinka ay iyaga iyo carruurtoodaba u baahan yihiin.Deegaanka Xaawa Cabdi waxaa ku yaalla Isbitaal bixiya gargaar caafimaad kaas oo ay ku xiran yihiin dad aad u farabadan gaar ahaan haweenka iyo caruurta waxaana sidoo kale deeganka Ceelasha biyaha ka shaqeeya Isbitaalka SOS oo xarun caafimaad ka samaystay deegaanka Ceelasha biyaha kadib markii ay ciidamada gumaysigu duqayn ku burburiyeen xaruntiisii weyneyd ee uu ku lahaa degmada Heliwaa ee magalada Muqdisho.Xarumahan fara ku tiriska ah ee ay dadka qaxootiga ah ka helaan adeegga caafimaad ayaan daboolin wax ka badan 5% baahida caafimaad ee haysata dadka tabaalaysan sida uu noo xaqiijiyay sarkaal ka tirsan hay’adaha gargaarka ee ka hawlgala xeryaha qaxootiga ee ku yaalla duleedka caasimadda muqdisho.5. Waxbarashada:-Xeryaha ay deggan yihiin dadka qaxootiga ah ee ku yaalla inta u dhaxaysa muqdisho iyo Afgooye waxa jirta dhibaato weyn oo dhinaca waxbarashada ah.
Xeryaha kuma yaallaan Iskuulo ay wax ka bartaan da’yarta ay kala go’day waxbarashadii ay ku jireen ka hor intii aysan kasoo barakicin Iskuulaadkii ay wax ka dhigan jireen oo haatan u qeybsamay qaar isu badalay xeryo ay fadhiyaan ciidamada gumasyiga Itoobiya iyo qaar gabi ahaanba burburay kadib markii ay ciidamada gumeysigu la dhaceen madaafiicda goobta.

Dadka soo Barakacay ayaa cabasho weyn ka muujinaya waxbarasha la’aanta iyo mustaqbalka madow ee kusoo fool leh carruurtooda, iyagoo codsi u diray cid Alla ciddii gacan kaalmo ka geysan karta arrintaas inay gacan ka siiyaan dhibaatada waxbarasho la’aan ee ka jirta xeryaha qaxootiga.
Dadka Soomaaliyeed ee hadda qaxootiga ku ah duleedka magaalada Muqdisho ayaa waxay heli jireen waxbarasho tayo leh ka hor intii aysan ka soo barakicin guryahooda, waxaana magaalada ka hawl geli jiray Madaaris, Iskuullo, Macaahid, Jaamacado iyo goobo kale oo wax lagu barto oo aan cadad lahayn, kuwaas oo intoodii badneyd ay hadda xirmeen ka dib markii ay ciidamada gumayiga Itoobiya iyo kuwa la shaqeeya si toos ah u beegsadeen goobaha waxbarashada iyo bahda waxbarashada oo ay in badan oo ka mid ah u gaysteen dil iyo tacaddiyo kale oo aadaminimada ka dhan ah.

6. Maxay u baahan yihiin dadka Qaxootiga ah ee Soomaaliyeed:-Qaxootiga Soomaaliyeed ee daadsan inta u dhaxaysa Muqdisho iyo Afgooye baahiyaha ay qabaan maaha kuwo la soo koobi karo balse waxaa ugu muhiimsan in dadkaas laga caawiyo dhinacyada Nolosha, Caafimaadka, Biyaha iyo Waxbarashada.1) Dadka Barakacayaasha ah waxay u baahan yihiin in ay helaan Raashin ku filan si ay uga badbaadaan macaluul iyo nafaqa darro ku habsata.2) Waxay dadka qaxootiga ah u baahan yihiin in xera kasta laga hirgeliyo Isbitaal ay si lacag la’aan ah uga haqab tirtaan Baahiyaha caafimaad ee ay qabaan.3) Dadka Soomaaliyeed ee qaxootiga ah waxay u baahan yihiin in xera kasta looga qodo ceelal ku filan oo ay ka heli karaan Biyo nadiif ah.4) Sidoo kale waxaa baahiyaha muhiimka ah ee ay qabaan dadka qaxootiga ah ka mid ah taabagelinta waxbarasho tayo leh oo laga hir geliyo xera kasta ee ay ku sugan yihiin dadka ka barakacay guryahoodii.5) Dadka barakacay waxay u baahi qabaan in ay goobaha ay u bara kaceen ku helaan amaan iyo nabad geliyo.6) Dadka soo barakacay ayaa baahi weyn u qaba inay meesha k baxdo caqabadaha hortaagan hawlaha samafalka sida DKMG ah ee la shaqaysa gumaysiga Itoobiya oo ceegada ku haysa hay’adaha gargaarka ee isku dayaya in ay gacan ka gaystaan kaalmaynta dadka tabaalaysan ee Soomaaliyeed.7) Baahiyaha waaweyn ee dadku qabaan waxaa ka mid ah in la nabad geliyo shaqaalaha ku howlan adeegyada samafalka, kuwaasoo aysan la’aantood sii socon karin howlaha samafalka ee ay u hayaan qaxootiga Soomaaliyeed, shaqaalahaas oo baryihii danbe bartilmaameed u noqday dabley aanan heybtooda la garanayn kulana kacayay falal isugu jira dil iyo afduub.
www.somalimirror.com
Daabaco
U dir saaxiib

Loading ...
Waa baahida rasmiga ah ee la rabo in cid kastoo damiiir leh oo soomaali ah kaalin ka qaadato, muqaawamaduna ay dadkaasi sidii wax loogu qaban lahaa ka shaqayso ama ku xisaabtanto sidi ay ku yarayn lahayd dhibka dadkaasi haysta
Cumar | Jul 27, 2008 | Reply
s.kadib waxaan marka hore ooga mahad celinayaa walaalheena soo diyaariyay faaladaan waana wax laga xumaado in ay ku dacdareysanyihiin dad walaalaheen ah misane ay nagu dhacday ka damqasho la’aan waxaana ku baraarujinaynaa soomaali waynta qurbajoogta ah inay ku fiiriyaan il naxariis leh dadkaas dhibaataysan oo walaalheen ah oo hadana xil iska saraan sidii nin walibo oo qurba joog ah uu kaalin m,uuqato uga qaadan lahaa lana xakameeyo wixii micnadarado ku bixi la haa oo la ogaado wax walbo iyo meesha ay kku baxaayaan waxaan hadal kayga ku soo koobyaa in layska warqabo oo xitaa mujaahinta la ogaado dhibaatada haysato
haajir xuseencali [jeerey] | Jul 29, 2008 | Reply
somali ma jirto meesha wali cudurkii xumaa ayaa dhex wareegaya inta kaas jiro ogow illahay cidkasta cuqubday gashay ayaa laga jaaseynaa wax ma is dhamman kuwa xabashida soo raacay iyo qoloyinkiina marba shati maqawwamo maxakim shabab waxaa doonto la bax 30sanno ayaa la idin ku talla galay marka la ogaado taba iyo xeelad inaydaan haynin oo dhalinyaradii xabada isaga dhigteen ayaa caddawgii weynaa ee nacaybkiina abuuray ee bilyanka idinku qasaariyey hantidiinii raaxo ku qaadanaa
cajami | Jul 30, 2008 | Reply