Sarkaal ka Tirsan WHO oo la Dhaawacey
By Somalimirror on 27 Jul, 2008 2:21 PM in Main, Wararka
Sarkaalka Degmada Diinsoor ugu qaabilsan hay’ada QM ee WHO, talaalka Cudurka Dabeysha, ayaa shaley kooxo hubeysan waxa ay ku dhawaaceen inta u dhaxeysa Magaalada Baydhabo iyo Diinsoor oo ka wada tirsan Gobolka Bay, ka dib weerar ay la beegsadeen gaari u watey. Sarkaalka hay’ada WHO ugu qaabilsan Talaalka Cudurka Dabeysha Degmad Diinsoor Ismaaciil Macalin Axmed, ayaa shaley xilli uu ka soo baxey Diinsoor waxa ay kooxo hubeysan weerar kula beegsadeen inta u dhaxeysa Baydhabo iyo Diinsoor kaas oo uu ka soo gaarey dhaawac culus. Kadib dhaawaca cusul ee soo gaarey salkaalkan, ayey kooxdi weerarka la beegsadeen waxa ay ka qaateen gaarigii uu watey, waxa ayna uga tageen kooxo weerarka geysatey meyd ahaan Dhaawaca salkaalkan ayaa hadda waxa lagu baxnaaninayaa Isbitaalka Degmada Diinsoor. Ismaaciil Macalin, ayaa ugu socdey Magaalada Baydhabo sidii uu u gudbin lahaa xogta Talaalka Cudurka Dabeysha oo dhawaan Degmada Diinsoor iyo deegaanada ka agdhow ku soo gabo gaboobey. Lama oga weerarka sarkaalkan lala beegsadey ee ka tirsan hey’ada QM ee WHO in uu xiriir la leeyahey weeraradii dhaawanahanba lala beegsanayey shaqaalaha hay’adaha shishiiye iyo in kale.
www.somalimirror.com
Daabaco
U dir saaxiib

Loading ...
Fikrad ka dhiibo