Axmed C/laahi “Tallaabada ay Walaaluhu qaadeen waa khalad Siyaasadeed oo Taariikhi ah”.
By Somalimirror on 27 Jul, 2008 7:54 AM in Main, Wararka, Wareysiyada
Shabakadda Somalimirror waxa ay idiin soo gudbinaysaa waraysi dheer oo ay la yeelatay Xoghayaha Warfaafinta Isbahaysiga dib u Xoreynta Soomaaliya Axmed Cabdullahi Sheekh Maxamed oo ku sugan magaalada
Axmed Cabdullahi waxaanu ka waraysanay:-
Qeybta 1aad
Jawaab:- Marka ugu hore waad mahadsan tahay, marka labaadna Isbahaysigu in uu garabyo kala yahay annagu ma’aaminsanin, arrinta ayaantan Wasaa’ilul- Iclaamka soo gashay oo walaalaha xaggooda ka soo yeertay waxaan u argnaa arrin aan munaasab ahayn, waana khalad siyaasadeed oo taariikhi ah, hase-yeeshee ma keenayso runtii in hadafkii Isbahaysiga loo aasaasay oo ahaa in cadwga laga xoreeya Dalka laga leexdo.
SomaliMirror:- Waa meeqa xubnaha Golaha Dhexe ee ku sugan
Jawaab:- Runtii hadda arrinta saxda ah ma aha in loo dhaqmo ficil iyo radulficli ( fal iyo fal celis), Mas’uuliyaadka na saarani waxay tahay in aan ka fakarno maxaan qaban karnaa barrito, ee ma aha in aan ka fakarno burinta wax shalay dhacay oo la soo dhaafay, ee waa in aan ku mashquulno arrimaha maanta na horyaalla, oo ah sideen anagoo wada jirna uga mira dhalinnaa masuuliyaddii aan ummadda u qaadnay, tan aad leedahay wax ma casileysaan waxaan aaminsanahay in Isbahaysigu aanu isagu imaanin sida ay in badanba ka war qabaan xilal iyo wax qaybsi iyo nacfi isuguma uusan imaan, wuxuu isugu yimid qadiyad asaasi ah oo dadka ka dhaxaysa marka qadiyaddaas baa asal ah mooyaane in maanta xil iyo casilaad iyo dallacsiin iyo hanti & dhaqaale waxaas waxaan is leeyahay waxyaabaha iska dhaw dhaw oo aanan qadiyaddana waxba ka tarayn anaguna aannan maanta ka fakarayn weeye.
Waxaan ka fakaraynaa sidee cadawga dalka looga saaraa?
Sidee loo dardar gelin karaa Muqaawamada oo ay u qaadan kartaa kaalintii ay lahayd?
Sidee siyaasad ahaan guusha muqaawamada laga gaaray loo dhamaystiri karaa?
Sidee maanta dadka bannaanka iyo geedaha hoostooda jiifa loogu soo celin karaa guryahoodii?
Sidee dhiiga Soomaaliyeed ee daadanaya loo joojin karaa?
Waxa aan ka fikirayno waa arrimo noocaas oo kale ah cid kasta oo Soomaali ahna waa in ay maanta ka fikirto, shalay waa la soo dhaafay wixii shalay ahaa in ay maanta waqti naga qaataan diyaar uma nihin kamana fikirayno, walaalaheenna waxaan aaminsan nahay in aan isku hadaf nahay waxaan isku khilaafsan nahayna ay yihiin waddada loo marayo hadafkaas, marka waxaan isleeyahay sida saxda ah waxay tahay in hadafkii la wada toogto wasaa’isha iyo wadooyinka la marayo inaanay hadda macno badan lahayn in lagu mashquulo ayaan aaminsan nahay.
SomaliMirror:- Garabka Asmara waxay idinku eedeynayaan in aad ka weecateen siyaasaddii Isbahaysiga oo aad waddo kale qaaddeen, maxaad ka leedahay arrintaas?
Jawaab:- Haddii uu arrinku sida aad sheegtay yahay meelo loo bandhigo ayaa jirta, wixii dhaliil iyo is-dhaliilid ah waxay leedahay golayaal looga hadlo, warbaahintuna wax ay ka riddo mooyee waxba kuma soo kordhinayso, wixii la kala tabanayo mar hadii jismi mid ah ama urur la yahay ama Isbahaysigu maamul iyo nidaam leeyahay meelo lagu kala cawdo oo la isku dhaliilo oo la isku canaanto oo la’isku toosiyo oo la’isku saxo ayaa jira marka waxaan isleeyahay wixii dhaliil ah iyo wixii canaan ah meelahaas ayay gali karaan.
Dhanka kale wax kasta oo la kala tabanayey mar haddii uu ka danbeeyay kulan la’isugu yimid oo lagu wada hadlay waxaan is leeyahay tabashadaasi meesha way ka baxaday. Tan kale haddii eeddu ahayd siyaasaddii iyo xeerkii Isbahaysiga ayaa meel looga dhacay, waxa ay walaaluhu ku tallaabsadeen muxuu noqonayaa?
Waxaan aaminsananahay tillaabada ay walaaluhu qaadeen in laga haboonaa si kalena wax loo dhigi karay, waxaa kale oo aan aaminsananay inay maamulkii GMMIS uu meel ka dhac ku yahay, tan kale qodobadii Sanca looga wada hadlayey marnaba ma soo gelin madaxtinmada Isbahaysiga iyo tan GMMIS, sidaasi darteed waxaan isleeyahay wixii la isku haystay oo warbaahinta galay wax ka sii weyn ayaa lala baxsaday, taas ayaana u baahan in majaraheedii lagu soo celiyo.
SomaliMirror:- Maxaad ka aaminsan tihiin Dowladda
Jawaab:- Xiriirka labada shacbi ma aha mid maanta bilawday, waa xiriir taariikhi ah oo soo jireen ah, waxaanna ku jiraa inta rumeysan in xiriirkaasi uu mudan yahay in la sii hormariyo oo aan wax loo dhimin, xukuumada ahaan aad baan uga mahad celinaynaa wixii ay na tareen waanna xasuusnaan doonnaa, hase-yeeshee waxa ka dhacay xaruntooda kuma eed la’a.
SomaliMirror:- Maxaa ka soo baxay Shirkii Sanca oo lagu heshiiyay?.
Jawaab:- Shirka Sanca wuxuu ahaa shir muhim ah oo muddo la qaban qaabinayay waqtina lagu bixiyay kharashna lagu bixiyay, dad mas’uuliyiin ah oo muctabariin ah oo qadiyadda dadkii iska lahaa ahna ay isugu yimaadeen, runtiina si saraaxad leh ayaa loo wada hadlay, wixii laga wada hadlay oo 3 qodob u qayb sanayd oo ahayd:-
1) Wixii ka horeeyay heshiiskii Jabuuti
2) Heshiiska Jabuuti laftiisa
Waxa muhiim ah oo farxad lahayd in dadkii isugu yimid meesha ay isku aragti ka noqdeen in midnimadu ay lagama maarmaan tahay, waxa meesha loo tagayna ay tahay heshiis, qodobadii lagu soo qaaday shirkana qaar ka mid ah waxaa lagu dhameeyey tanaasul iyo is afgarad qaarna waa la kala xukunsaday, ugu dambeyntiina waxbaa la kala saxiixday., marka aniga waxaa ila haboonayd in juhdi badan lagu bixiyo sidii wixii la kala saxiixday loo dhaqan gelin lahaa.
SomaliMirror:- Idinku waxaad sheegteen in la heshiiyay garabka kalana waxay sheegeen in aan la heshiin siday isku qabanaayaan labadaasi war?
SomaliMirror:- Haddii aad heshiiseen maxaad u soo saari waydeen qoraal rasmi ah oo aad u midaysan tihiin?
Jawaab:- Waana la heshiiyey qoraalna waa la kala qortay, laakiin dadka waxa khuseeya iyo waxa xafiisyada iyo inta wax ka dhexeeyaan khuseeya waa kala duwan yihiin, waxaa bulshada Soomaaliyeed khuseeyay in loo sheego in la heshiiyey taasna shaki kuma jirin, laakiin wixii kale ee document ah waxay gaar u ahayd inta ay khuseysay shakhsiyaad iyo mu’asasaadba waana gaartay.
Jawaab:- Walaalahu iyaga uun baa hadda is dhex dhexaadinayey, walaalo ka yimid meelo kala duwan oo hawsha u yimid, oo howsha wax ku lahaa oo dhinacyo badan ahaa ayaa isla wada joogey, markaa dhexdhexaadin lagu qanacsan yahay oo la isla gartay oo laba dhinacba agtooda muhiim ka ahaa, kuna qanceen ayaa howsha wadey, waana ka mahadcelineynaa munaasabaddan dadkii juhdiga badan ku bixiyey ee howshaas qabtey ee harsi iyo hurdaba ka tagey intii ay hawsha wadeen, waxaan kaloo jecelnahey in aanu u mahadcelino dowlada yaman oo iyada lafteeda fursadan bixisey in wadankeeda lagu wada hadlo faragelin iyo tadakhul kalena aan ku yeelan arimahayaga ee noo deysay in aan isu madax banaano oo arimahayaga dhameysano, waxaan iyada jeclahey in shacabiga Soomaaliyeed ee sugayey muddo badan in heshiiskaas la gaaro in aan iyaga laftooda uga mahadcelinno dulqaadkoda, intaa ka dib waxaa xaqiiqo ah in ay tahey maanta meesha aan u socono in cadowga dalka sidii looga saari lahaa, sidaas darteed waa in la mideeyaa qowl iyo ficil, talo iyo wax dheef waxaanna is-leeyahey in maanta lagu mashquulo wixii la soo dhaafey waxba tari mayso, waan ku celinayaa mar kale waxba tari meyso ee meesha aan hadda aan joogo xageen uga soconaa ayey tahey in laga tashado.
Jawaab:- Heshiiska la soo qaaday waxa uu nuxurkiisu yahay Ciidamada Ethiopia dalka ha ka baxaano waana la muddeeyey, waxaan rajeynayaa in ay sidaasi noqoto oo Ethiopia dalka nooga baxdo, waxaadna ogaanaysaa Ethiopia dalka inay qabsato maanta kuma dhalanin ee waa arrin ay in badan ku taameysay ,una raadinaysay inay u hesho garab siyaasadeed, mid ciidan iyo mid dhaqaale ficlanna waa u heshay, markaa in geedkii ay fuushay salka laga soo gooyo arrin sahlan ma aha.
Tan kale inay baxdo oo la soo afjaro dhibaatada joogitaankeeda ka dhashay waa wax fiican, haddiise ay bixi weyso arrintu waxa ay noqonaysaa (fa in cuttum cudnaa).
La soco Qeybta 2-aad Insha Allaah
Daabaco
U dir saaxiib



waayeel war qurxin ogaa????
sidaan ognahay iyadoo lagu heshiiyey in la sax saxo go,aanadii hore ee shirka jibuti baad kiinii hore ansixiseen.
khyaanada heerkaasi la,eg axmedow maa ilaah laga baqo meelbaa idiin cade???
waxaanse ka baqaa sidii IMAMKII maalintuu c/laahi yusuf la heshiiye qadka ugu baxay aad adinkana qadka ugu baxdaan??
waayoarag | Jul 27, 2008 | Reply
Assalaamu Calaykum.
axmed waa nin maskax furan walina rajo ayaan ka qabnaa in uu wadada saxda ah u tilmaamo walaalaha isaga oo aan cidna la safan.
axmadoow anigu si fiican baan kuu aqaanaaye walaaloow aqoontaada iyo maskaxdaada illaahay uga baq oo walaalaha iskugu keen cidna ha la safan, ugu yaraan labada garab way kugu kalsoonyihiin laakiin xaqa cadee oo cida khaladka leh wajiga ka saar.
Mahadsanidiin.
Garaad Muhaajir | Jul 27, 2008 | Reply
a/sc walaahi axmed waa nin aad u qiima badan oo la yaqaano laakiin marnaba isma lahayn garab ayuu raacyaa walina garabkii la tuhunsanaa marka ilaahay laga baqo kuwa jabuuti joogow war gaalo ha aaminina dantii shirka laga lahaa waxa ay ahayd in nila kala jabiyo waana la gaaray itoobiya inay wada hadal ku baxdo lagama yaabo haday baxdo xitaa anaga hadaan nahay dhalinyarad sooamliyeed niyad jab wayn ayay tahay intay dadkeen laysay oo ay xasuuqday anagoo baryayna inay baxady masuura galbaa oo danbi loo haysan war xishoodo kuwa jabuuti jooga
cabdullaahi | Jul 27, 2008 | Reply
waa nasiib daro in ilaah laga fogaaday oo loo dhaqmayo sidii hogaamiye kaaxeedaydii
dhanka jabuuti waxaa ii muuqato walaalnimadii iyo halgankii waxaa kal waynaaday inay hor fariistaan beejo qabyaal kasocda qaramada midoobay war gaalo waa gaalo ilaah baa noo sheegay in aysan wanaag nala jecleen hadaadan soo noqon reer jabuutiyoow waxaa idin sugaa wadadii cumar iimaan iyi cadulaahi shiiq xasan oo ah inaad qaxooti yurubdawarsataan
abuu camaar | Jul 27, 2008 | Reply
Hawo iyo mab’da isma qaadaan.
Allah knows best.
Yusuf aldarwiishi | Jul 27, 2008 | Reply
ACWW salaam kadib waxaan axmed xasuusinayaa wixii lasaxiixay waxaa kamid ahaa in qodobada qaar heshiiskaba laga saaray hadaad laabateena halkeedii ayaad ka ansaxsateen waxaa kalo hada Djibouti kusugan ogaalkay rag hadda golaha dhexe lagu daray oo kaarar la siiyey saw uma eka inaad JAANDUUG wadaan oo wixii soomaali uhuba golaha ka mid yihiin
hadii aydnaan meel marin karin wixii aad kasoo qaadeen SANCA saw ma habooneyn inaydnan qaadan
anagu cidna uma istaagayno ragii sanca ka aaday jibouti qaarkood ayaa ku warbixinay ee waa sidee warkaasi hadii loo baahdo waan magacaabayaa ragaas
GADAAL HALA FIIRIYO
W C W W
madoobe | Jul 27, 2008 | Reply
cajiib Allaah maxaa laga fogaaday waxaa hubaal ah in umadakala saari karin farqiga u dhaxeeya shahaada ladirirkii iyo kooxda jabuuti dib ayeey xasuusta noogu celiyeen laakiin Illaah baa dhankeena ah
waa hogaamiye kooxeedyadii oon shaatiga xataa laga badalin
deeqa | Jul 27, 2008 | Reply
asc waxaan rabaa inaan u jawaabo ninka la yiraahdo YUUSUF waxaan ku dhihi lahaa iska daa qabiilka iyo qabyaalada waan ku gartay laakiin qadiyada taagan hada maahan mid mudulood ee waa mid soomaalinimo waxaan aamin sanahay inaandan wadanka joogin aad joogto meel nabada u ukaalay halganka oo dalkaaga ka xoreey cadowga asc
cali | Jul 27, 2008 | Reply
walalkaa sida uu noo sheegey wax xumaan ah iyo nin tooxsi kuma arkin
laakin soomaalida waxey tiraah far bukto iyo meeshaada ayaa is og maxaa naga dhigey dad danigoodu uu u jajeero dhinaca xun.
RUNLOOW | Jul 27, 2008 | Reply
ILAAHAY BAA MAHAD ISKA LEH
MAR XIGA AHMED HADALKIISU WAA MACQUUL WAANA NIN WAX BADAN KA HADLAY WEEYE. WALAALAHA ASMARA WAXAAN LEEYAHAY MAAHMAAH SOMALIYED BAA ODHANAYSA ** NIN SHIR KA CADHOOODOW SIIGA YARE** TAAS MACNAHEEDU MAXAA WEEYE MADAL RAG KU SHIRAAYAY OO NABAD LAGU GORFAYNAAYAY NINKA DIIDAY MUXUU SOO WADAA CAQLI HA SHAQEEYO EE MARO KU DHAG IYO MEEL BAAN QABSADAY OO HADII AAN LAY GOAY WAXBA SUURA GALI MAAYAAN ,
WALAALAYAAL WAXAA DHAMAAN IDIN DHAN LAHAA HADAAD JOOGTAAN ASMARA IYO HADAAD JOOGTAAN JABUUTI HAGARDAAMADA IYO NIYAD JABKA KA DAYAA MUJAAHIDIINTA DAGAALKA KU JIRA RUNTIINA WAXAY KU KEENAYSAA IN CADOW KUSOO DHIIRADO OO LIBAAX ISU QAATO MARKAD KALA TAGTAAN OO IS KHILAAFTAAN , INDHAHA CAALAM UUN BAAD KASII JEEDINAYSAA HALGANKA IYO MUQAAWAMADA IYO GARQARADA IYO GABOOD FALKA AY GAYSANAYSO XABASHIDU, INDHAHA CAALAMKU INAGU ARKAYAA WAXAY AHAYD ISBAHAYSIGA LAAKIIN MARKII ISAGU KALA TAGO OO IS KHILAAFO DHAXALAAKGU WAA BASAL OO INTA BARI JOOOGTA JABUUTI WEY KALA BIXI OO IS KHILAAFI ASMARA INTA JOOGTAANA SIDAAS OO KALE ………………..
ARINTA SOO SHAACBAXDAY EE KHILAAFKA AH WAXAY DHABARKA KA JABISAY TAARIIKHDII DAHABKA AHAYD EE AY KEENEEN MAXKAMADUGU IYO WAXQABADKOODII WANAAGSAN EE RAADKIISU WALI MUUQDO DADKANA UGA DHIGTAY IN MARLABAAD GUUSHO U DAMBAYSO DADKUNA AY WADA SUGAAN IN SOO NOQOSHADOODA LAAKIIN MAR HADII AT ISKU KHILAAFAAN MICROFONE HAWADA AY LA WAREEGAYAAN,,,,
TAASI WAA WANAAGSAN TAHAY KHILAAFKAASI WAAYO WAXAA KASII XUMAAN LAHAYD HADII LAYKU KHILAAFO GOOBAHA NAG WAAGA IYO HALKA GORADA LAYS DARO WAAYO WAXAA KA DHICI LAHAA HIRDAN HUBAYSAN OO DHIIG KU DAATO TAANA ILAAHAY AYAYNU KA MAGAN GALAY,,,
WAXAAAN KUSOO KOOBAYAA MAAHMAAH SOMALIYED OO ODHANAYSA ,,,, LABA QAYDHINKA KU QAYSTAY BISAYLA ISKU CAWRIDO,, GOOR ROON BUU SOO IFBAXAY KHILAAFKAASI WAXAAN LEEYAHAY MAR LABAAD HOWSHA ISBAHAYSIGA DIB HALOO YAGLEELO WAX BADAN HALAGA FIIRSO CAADIFADA IYO HUGUN FARA BADI WAXBA MA KEENAAN .. DAD YAR OO NIYAD KHAALISA OO ISKU FIKIR IYO QALBI AH AYAA MUDAN INAAD MEEL ISUGU GAYSO …..
ILAAYNA QULUUUBTIINA DHAMAAN HAYSO KEENO ISAGA BOQOR A OO MIDEEYA QULUUUBRA ,,, AAMIIIN
MAR SEDEXAAD RAADKIINII DIB U RAACA WIXII AAD SOO QABATEEN BAAD DUMINAYSAANE ,,,,,
WACANE | Jul 27, 2008 | Reply
salaamu calaykum
Halgamayaasha,wadaniyiinta,dagaal yahanada,xornimo doonka, xaq udirika, Qurba joogta, iyo dhamaan Soomaalida araahda wacan
maalinta Khamiista ah waxaa jiri doona webconfrence oo uu qaban doona ergeyga America u qaabilsan Somalia saacada markay tahay 13:00, marka ka soo qayb gal wacan. marka inta afka ku dagaalami taqaana waa inay ka soo qayb kalaan addreska waxaad ka heli kartaan Hiiraanonline.com
Guled | Jul 27, 2008 | Reply
Ku:abshir hadii dadka diriraya aad ku sheegtay mudulood iyo madarkicis axmaarada shacabka somaliyeed xasuuqayso iyana meel ku sheeg ma muduloodbaa mise madarkicis? Dad waxaad ka taqaan mudulood dalna waxaad ka taqaan kaaraan doodna waxaad ka taqaan daalim u gargaarid ee daacaqurunkaaga la aad idamaale iyo websiteyada qabyaalada looga dooda maadaama halkan aysan ka gadmaynin
Deeq | Jul 27, 2008 | Reply
waa runtii isbaheysiga waa hal qolo oo jihaadka kasoo wada carartey
abdikarim | Jul 27, 2008 | Reply
Asalaamu calaykum
waxaan la yaabanahay nimanka iska aflagaadeynaya dadka walaalaha ah ee wax uun iska qoraaya mase halkan waxaa wax ku qora uun reer Asmara. shiikh axmed warkiisa waa caddaa maxaa dadka loo aflagaadeynayaa.
ragaa ayaga u malaynaya in afkaartooda qura ay tahay jihaad ha u noqdeen culimada oo wax ha baeteen, jihaadkuna ma ahan in Ereteria Loo adeego oo siyaasadeeda la raaco
daauud | Jul 28, 2008 | Reply
Wararka naga soo gaaray magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegaya in halkaasi si xoogan ay kaga socdaan olole maleeshiyaad lagu uruurinayo kuwaasi oo si toos ah kaga amar qaadan doona Isbaheysiga Dib U Xoreynta garabka Sheekh Shariif ee Jabuuti.
Maleeshiyaadkaasi la uruurinayo ayaa loo ballan qaaday lacago mushaaraad ah iyadoona hub fara badan lasoo gaarsiiyay,xilli magaalada Jowhar dhaman la sheegayo dhalintii joogtay in ay isku wada qoreen ciidankaasi.
Saraakiil ku heyb Hogaamiyaha Isbaheysiga garabka Jabuuti Sheekh Sharif ayaa howlahaasi cidan uruurinta wada,waxaana warar xog ogaal ah ay sheegayaan in haatan boqolaal maleeshiyo ah la hayo.
Warar kale ayaa sheegaya in saraakil sar sare oo ku sugan Jabuti in ay kuso fool leeyihin magaalada Jowhar halkaasi oo ay ka abaabulayaan olole xoogan waxaa la sheegaya in laga yaabo beesha Caalamka in ay usuuragaliso xubnaha jabuuti in ay xarun rasmi ah ka dhigtaan magaalada Jowhar.
markacadey.net
sahal | Jul 29, 2008 | Reply