50 Meeyo Qof oo Ciidamada DKMG ah Qafaasheen
By Somalimirror on 27 Jul, 2008 3:14 PM in Main, Wararka
Barqanimadii Maanta ayey ciidamo ka tirsan kuwa DKMG ah ee la shaqeysa Gumeysiga Itoobiya waxa ay gudaha si xooga ugu galeen maqaaayada Fatxi4 oo ku taala xaafada taleex ee Degmada hodan.
Maqaayada ciidamadu galeen ee faxti4, ayey ka kaxeysteen dhamaan Dadkii ku jirey oo lagu qiyaasey 50 meeyo Qof, sida uu Idacada Hornafrik u xaqiijiyey Amin Yusuf Khasaaro oo ah Wariye, kana mid ah Dadkii xilligaas ku jirey Maqaayada. Amin ayaa inta ku darey, in markii Ciidanku soo galeen Maqaayada Dadkii ku jirey kula kaceen handaad xoogan iyaga oo sidoo kale Dadkii Rayidka ahaa ee Maqaayada ugu soo galeen la dhaceen Qoryaha baadkooda. Dadkii rayidka ahaa ee Ciidamadu qafaasheen oo qaarkood dakhranaayeen dhiigna ka da’ayo, ayey sida wararku sheegayaan waxa ay u ka xeysteen dhanka KM4 oo ay ku leeyihiin xarun Ciidan. Isla Barqanimadii Maanta, ayaa xaafada Taleex waxaa dhaawac loogu geystay 2 Qof, oo aan ilaa iyo hadda la aqoonsa waxa ay ahaayeen.taas oo keentay sida wararka qaar ay sheegayaan in ciidamadu gudaha u galaan maqaayada Fatxi4. Dadka rayidka ah ee ka agdhow goobaha Ciidamada DKMG ah ku sugan yihiin ayaa dhibaato xoogan ku qaba falalka amni daro ee ciidamadu kula kacaan, iyaga oo mararka qaarkood dhac kula kaca goobaha ganacsi ee dadka rayidka ah leeyihiin.
www.somalimirror.com
Daabaco
U dir saaxiib

Loading ...
50 KA QOF EE AAD SHEEGAYSAAN WAA SAHAL WAXAYSE BILOW U TAHAY XASUUQA IYO DABAR GOYNTA SHACBIGA ….
WAXAAD U FIIRSATAA SAFARKA C/LAHI YUUSUF KU TAGAY PUTLAND MUJAAHIDIINTU WAXAY DHABA U GALEEN ARINTAAS MACNACEEDUNA WAXAA WEEYE INUU INDHAHA KA FOGAYSTO XASUUQA AY SOO WADAAN LALA DAMACSAN YAHAY SUUQA IYO DEGMOOYINKA KALE MARKI AY BILAABANTO SI AAN WAXBA LOOGA WEYDIIN OO ISAGA OO CAASIMADA JOOGA AAN LOO DHAN MAXAAD UGA HADLI WEYDAY ….
DHAGARTA OO SOO MALEEGAY AYUU KASOO BAXSADAY SI AAN DHIIGU UGU MUUQAN OO DHAGA UU KA MAQLO …..
WACANE | Jul 27, 2008 | Reply