Maraykanka oo taageeray Ciidamo Nigeria u dirto Somalia
Published on July 1, 2008 by Somalimirror · 3 Comments ·
Dowlada Maraykanka ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay sidii ay u garab istaagi lahayd Nigeria si ay Ciidamo ugu dirto Soomaaliya, laakiin waxa ay sheegtay in ay ka hor marinayso cutubyo ka mid ah Ciidamada Burundi oo iyagu xiligani diyaar u ah in ay ku biiraan kuwa kale ee Soomaaliya ku sugan. Haweynayda ugu qaabilsan maraykanka xoghayaga Arimaha Dibada Arimaha Afrika Jandayi frezer ayaa u sheegtay saxaafada ka dib markii ay shalay ka qeyb gashay shirka Midowga Afrika ee ka socda Magaalada Sharma Sheekh ee Dalka Masar “anagu waxaan ka dabaraynaa Ciidamada Burundi gaadiidka ciidanka daabula… laakiin arinta la xiriirta Nigeria waxaan u gudbinaynaa liiskooda la xiriira sahayda gaarka ay ugu baahanyihiin dowlado kale, Dowlada Maraykanka u ma suuro galayso in ay xanbaarto kalligeed culayska maaliyadeed ee arintan, sidaa darteed waxaan u gudbinaynaa dowladaha kale”. Arintani ayaa ku soo beegmaysa iyada oo isbuucii la soo dhaafay ay Nigeria sheegtay in ay diyaar la tahay in ay Soomaaliya u dirto Ciidamo gaaray 800 oo askari balse ay go’aan kama danbeys ah ka sugayaan xukuumada Nigeria. Sidoo kale arintani ayaa ku soo beegmaysa iyada oo sanadkii hore ay dowlado badan dib uga laabteen Ciidamo u soo dirida Soomaaliya ka dib markii ay sii kululaadeen dagaalada ka socda Soomaaliya isla markaana ay waayeen loojiistikadii iyo dhaqaalihii ay ku tagi lahaayeen Soomaaliya.
Related posts:
- Ciidamo ka socda Nigeria oo imanaya Soomaaliya
- 10 sarkaal oo ka socda Dalka Nigeria oo maanta soo gaarey M/Muqdisho
- Maraykanka oo Safiir u magacaabay Djibouti
- Warbixin:- Muqaawamada Soomaaliya… waxay Gil-Gishay Itoobiya & Maraykanka
- Isbahaysiga oo la kulmay Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya
sending a forieng troops for peace keeping purpose for somalia is meaningless at this time because the reconciliation process is yet to be agreed by warring fantions.therefore, it is better to enforce reconciliation effort before jumping in to peace keepers engagement, i believe the idea put forward by walid Abdalla can be used to furthern the conflict resolution strategy.
Mareykanka oo cadawadiisa ay xad dhaaftey meelkasta iyo goobkasta oo dunida dusheeda ah ayey kuxasuuqaan islamka waa in laga aar sadaa.lacatooda xoogooda caqligoda waxey isugu geeyeen dabar goynta islamka.ciidamada islamka ee aduun weyna aa iney si ar xan daro ah u laayan dowlada mareykanka
shahaada da dugsiga kawaran