Askari lagu dilay Muqdisho

Published on July 1, 2008 by   ·   No Comments   ·   print

askar21.jpgDabley hubaysan ayaa Xalay fiidkii waxa ay dileen askari ka tirsan ciidanka Booliiska DFKMG ah oo ka tirsanaa Ciidamada  Saldhiga Afarta Irdood Degmada Xamar Weyn ee Magaalada Muqdisho. Qof Goob jooge ah ayaa sheegay in askariga markii la dilayay uu ku sugnaa meel u dhaw “shaneemo” lagu daawado Filimada isla markaana ay dableyda dishay ka qaateen qorigii uu watay. Dilkaasi ka dib ayaa waxaa goobtii yimaaday Ciidamo ka tirsan DFKMG ah kuwaas oo furay rasaas xoogan oo aan loo meel dayin isla markaana aan wali la sheegi Karin illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay. Ciidamadaasi ayaa hakad galiyay in mudo ah isu socodkii gadiidka iyo dadweynaha iyo waliba dhaq-dhaqaaqii ganacsiga. Lama garanayo illaa iyo hadda cida ka danbeysay falkaasi balse waxaa uu ka mid yahay falalka lagu ugaarsado Ciidamada DFKMG ah ee la shaqeysa Gumeysiga Itoobiya. 



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Askari lagu dilay deg. Madiina ee M/Muqdisho
  2. 9 Askari oo Galabta lagu Dilay Dayniile
  3. Sarkaal ka tirsan nabad sugida iyo 4 ilaaladiis ah oo lagu dilay agagaarka Ceel Macaan
  4. Askari ka tirsan ciidamada DFKMG ah oo maanta lagu toogtay Baydhabo
  5. Nin lagu dilay Muqdisho

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Askari lagu dilay deg. Madiina ee M/Muqdisho
  2. 9 Askari oo Galabta lagu Dilay Dayniile
  3. Sarkaal ka tirsan nabad sugida iyo 4 ilaaladiis ah oo lagu dilay agagaarka Ceel Macaan
  4. Askari ka tirsan ciidamada DFKMG ah oo maanta lagu toogtay Baydhabo
  5. Nin lagu dilay Muqdisho

Latest Headlines