Archive for July, 2008

Gaari khamro wada oo lagu qabtay kontoroolka magaalada Qardho »

khamri-itoobiyaan-ah.jpg

Xalay abaarrihii 6:10 daqiiqo ayay ciidamada booliska magaalada qardho oo uu hogaaminyayo taliyaha qaybta gobolka karkaar cali jaamac qalas ku qabteen kontoroolka magaalada qardho gaari noociisu yahay cheser ( saabuun qubays) oo uu watay ninka lagu magacaabo Maxamad Axmad oo loo yaqaanno Ina ‘Unburyaako’. Sii akhri »

Dagaal 2-aad oo lala beegsaday ciidamada Gumeysiga itoobiya »

mujaahid-duur.jpgAbaarihii 04:00 galabnimo illaa 06:00 Makhrib ee caawa ayay Mujaahidiinta JABISO iyo MMIS Dagaal culus kula beegsadeen ciidamada Gumeysiga Itoobiya halka lagu magacaabo “Qardho” oo ku taala waqooyiga galbeed ee Degmada Lego ee Gobolka Shabeelada Hoose. Sii akhri »

War deg deg ah: »

mujaahid1.jpgWar goordhaw inaga soo gaaray Xuduuda Gobolka Sh.Hoose iyo Gobolka Baay ayaa waxay sheegayaan in u dagaal aad u xoogan Maqribadii ka bilawday inta u dhaxaysa Deegaanka Leego iyo Degmada Buurhakabo.

Sii akhri »

Mooshin Ka Dhan Xukuumada Nuur Cadde oo Barlamaanka La Horgeeyay »

xbarlamaanka.jpgKa dib daba gal dhanka dhaqaalaha ah oo uu sameeyay gudiga hanti dhowrka ugu qaabilsan Barlamaanka DKMG ah ee la shaqeysa Gumeysiga Itoobiya, ayaa kalfadhii Maanta uu yeeshay Barlamaanku waxa looga doodey mooshin ku aadan iscasilaada xukuumada Nuur Cadde loogu baaqayo. Sii akhri »

Saraakiil Bileys oo La Casiley »

villa-somalia.jpg5 sarkaal oo ka mid ah saraakiisha ciidanka Bileyska DKMG ah ee la shaqeysa Gumeysiga Itoobiya, ayaa Maanta lagu casiley wareegto ka soo baxdey xarunta Villa Somalia oo fariisin u ah madaxda sar sare ee DKMG ah. Sii akhri »

Dagaal Maanta ka Dhacay Degmada Heliwaa »

mujaahid2.jpgDagaal soconayay muddo kooban ayaa barqanimadii maanta ka dhacay Warshadii hore ee Baastada oo fariisin u ah Ciidamada gumaysiga Itoobiya iyo Ciidamada Copy-ga oo dhawaan lagu soo tababaray Itoobiya isla markaana  afsaar looga dhigay Xarumaha ay degan yihiin Ciidamada gumaysigu. Sii akhri »

C/laahi Yuusuf oo Diiday Xilka Qaadista M.Dheere »

claahi-yuusuf1.jpg  Warar hoose oo ka soo baxay xarunta Madaxtooyada ayaa tibaaxaya in C/laahi yuusuf uu ka soo horjeestay Go’aankii uu Nuur cadde xilka uga qaaday Gudoomiyaha G/Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere). Sii akhri »

Dagaal Dhabogal ah oo ka socda Yaaqbariweyne »

ural-gubtay.jpgMujaahidiinta Jabhadda Islaamiga Soomaaliyeed(JABISO) iyo Midowga Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliyeed oo iskaashanaya ayaa abaare 09:00-10:00 barqanimo weerardhabo gal ahi kula beegsaday kolonyo uralo ah oo gaaraya 23 Ural Sii akhri »

Wakiilkii TV-ga Uneversal Hargeysa oo la xiray »

universal-tv.jpgWakiilkii  Telefiishanka  Madaxabanaa ee  Af-ka Soomaaliga ku hadla  Universal TV  ee Magaalada Hargeysa  Weriye Maxamed Aw Aadan  Axmed ayay  shalay gelinkii danbe Ciidanka Boolisku u taxaabeen  Xarunta denbi baadhista [C.I.D] ee Magaalada Hargeysa. Sii akhri »

Q.M oo ka labo labaynaysa Ciidamo u dirida Somalia »

un.jpgTaliyaha Ciidamada waxa loogu yeero Nabad ilaalinta Q.M Jean-Marie Genot ayaa sheegay maalinimadii talaadada in ay aad uga wal-walsanyihiin arinta ciidamo ka socda Q.M oo loo diro Soomaaliya, Sii akhri »

Kolonyo Itoobiyaan ah oo Caawa ka Baxday Muqdisho »

uural.jpg Ciidamo Itoobiyaan ah oo wata kolonyo gaadiid ah oo lagu qiyaasay ilaa 23 gaari ayaa caawa fiidnimadii waxay ka gudbeen Deegaanka ceelasha biyaha sida ay noo xaqiijiyeen dad ku sugan Deegaanka Ceelasha waxayna u gudbeen dhinaca Magaalada Afgooye ee Gobolka Sh/hoose. Sii akhri »

Aadan Garaaso oo Sheegay in ay Ciidamo madani ah ka dhisayaan B/Weyne »

bweyne.jpgDuqa magalada B/weyn Aadan Garaaso ayaa shaaca ka qaaday in ay ku hawlan yihiin sidii ciidamo madani ah loogu samayn lahaa Degmada B/weyn kuwaas oo ka shaqeeya Sugidda Amaanka Magaalada.

Sii akhri »

Ciidamo Baaritaano Ka Sameeyay Baydhabo »

baydhabo.jpgCiidamada copy-ga Itoobiya kuwooda Bileyska ee dhawaan gudaha Itoobiya tababarku ugu soo dhamaadey, ayaa maanta qeybo ka mid ah magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay waxa ay ka sameeyeen baaritaano.  Sii akhri »

Iska Hor’imaad Dhex Marey Labo Ciidan oo DKMG ah ka Wada Tirsan »

ciidmo.jpgIska hor’imaad in muddo ah socdey, ayaa barwanimadii saaka ku dhex marey isgoyska Afarta Jardiino, labo ciidan oo ka wada tirsan ciidanka DKMG ah ee la shaqeysa Gumeysiga Itoobiya.  Sii akhri »

Askari lagu Diley Deg. Dharkeynlay »

askari1.jpgAskari ka tirsan ciidanka DKMG ah ee la shaqeysa Gumeysiga Itoobiya ee ku sugan saldhiga Degmada Dharkeynaly ayaa degmadaas saaka kooxo ku hubeysan bastooladu ku toogteen.  Sii akhri »

Muqdisho: shalay, maanta iyo barri (Q. 1aad) »

Qoraalkaan taxanaha ah waxaan diyaariyay bilowgii bishii 6aad ee 2006 aniga oo markaas ku sugnaa magaalada Boorame, xilligaas oo dagaalladii u dhexeeyay maxakamadaha islaamiga iyo ururkii la dagaallanka argagixisada uu marayay meel adag.

Waxaan doonayay in aan dadweynaha Soomaaliyeed ee goobta ka maqan fikrad faahfaahsan ka siiyo muuqaalka iyo xaqiiqada dhabta ah ee meesha taalley. Qoraalka labo qeybood oo ka mid ah ayaa lagu faafiyay waqtigaas: somalitalk.com iyo bogag kale.

Waxaa kale oo diyaarsanaa seddex qeybood oo kale oo aan ka mashquulay markii hore ka dibna aan hilmaamay. Waxaa Ilaahay mahaddiis ah in aan helay USB aan Muqdisho uga tagay xilli hore oo qoraalkaasi ku jiray. Markii aan qoraalka isha dib u mariyey waxaan goostay in aan sida uu u qornaa u faafiyo aniga oo aan waxba ka badalin; si fakarkii iyo dareenkii xilligaas yaalley aanan mid ka dambeeyay ugu labin (walaaqin).

Afkaarta qormadu xambaarsan tahay qaar badan oo ka mid ahna waxay ila tahay in wali loo baahan yahay. Maqaal qiimayn iyo faallo ah ayaan jeclahay in aan ka qoro markii qeybaha dhimmaan la wada faafiyo.

FG: Qeybta shanaad waxay u baahnayd dib u eegis, waxaanse u daayay sidii ay ahayd; si aanan qaacidadii u khilaafin.

Qormadaan waxaan ku qaadaa-dhigi doonnaa dhacdooyinkii is daba joogga ahaa ee afartii bilood ee ugu dambaysay ku soo kordhay magaalada Muqdisho iyo guud ahaan bulsha weynta Soomaaliyeed. Waxaan si gaar ah xoogga u saari doonnaa siyaabaha ugu habboon ee looga miro dhalin karo guulaha waaweyn ee u soo hoyday Soomaalida. Waxaan kale oo fiiro gaar ah ku eegi doonnaa khataraha ku soo fool leh dadkeenna marxaladdaan gaar ahaan reer Muqdisho iyo siyaabaha looga gudbi karo khatarahaas. haddii Alle idmo.

Qormadu waxay ka koobnaan doontaa:

1. Hordhac ka hadlaya Muqdisho wixii ay soo martay iyo halka ay maanta taagan tahay.

2. Maxaa la gudboon Maxaakimta Islaamiga ah? oo ka koobnaan doonta tillaabooyin ay tahay in ay maxaakimtu deg deg u qaadaan iyo qorshaha waqtiga dheer.

3. Maxaa la gudboon dadweynaha Soomaaliyeed gaar ahaan reer Muqdisho.

4. Waa maxay xilka saaran dawladda ku meel gaarka ah xilligaan.

Hordhac

Magaalada Muqdisho waxay muddo dheer la taahaysay mashaakil is dabajoog ah oo sida hirarka badda qofka midiba midda kale u dhiibayso. Mashaakilka ku habsaday bulshaduna meelna ma dhaafin, mana lahayn meel looga boxo ee meeshii miciin la bidaba way ka darnaanaysay tii laga soo cararay. Dilka, boobka, kufsiga, barakicinta, qafaalashada iyo in dadka loo beecgeeyo gude ama dibad waxay noqotay dhacdooyin dabiici ah oo ninkeed dhiba ah, bulshaduna aysan inta badan juuq ka oranayn iska waraysi uun mooyee.

Yaa ka dambeeyay mashaakilka haysta bulshada?

Dhibaatooyinkaas kala jaadka ah waxaa cirbixiyeenno iyo horseedba ka ahaa ma naxayaal diirato ah oo aan bulshada kaga tagin feen iyo dhuux toonna. Nimankaas waxay bulshada u muujiyeen in ay xaqooda u soo dhicinayaan, dantoodana ka shaqaynayaan, markaas ayaa dadweynuhu u dhiibeen furayaashii oo dhan iyo wax kasta oo ay haysteen (ubad, maal, hub, magac, mansab iyo taloba), ka dibna wixii oo dhan waxay u isticmaaleen silicdilyaynta iyo ihaanaynta dadkooda.

Dhab ahaan waxaa la oran karaa dadka Muqdisho ku dhaqani waxay nimankaas ula mid ahaayeen tiro ari ah oo u xeraysan oo ay qaar maalaan, qaybna qashaan, barna beecsadaan, kuwana rartaan ama fuulaan. Dadweynuhu waxay aad u qaayibeen dulmiga, ciddii ka hadashana dulmanayaasha oo dhan ayaa ku qaylinaya oo ku oran: war naga daa iyo war naga sii, maxaa yeelay waxay caadaysteen in haddii daalimiinta say rabaan loo yeeli waayo ay tacshiirad oodda uga qaadaan, dibna aan la isu waydiin inta dhimata iyo inta dhaawacanta toonna. Kii ka danqada dulmiga ama yiraahda rarka iga kala dhima waxay ku dalbanayeen kuwo garaashyada lagu calfiyo, si wacanna loo jarabaray oo ninkii dullinimada ka gilgisha u arkaya daalin ay tahay in kafantiisa la soo jaro isaga oo nool.

Waxaad mooddaa in ay bulshada Muqdisho isu kaashanaysay sidii ay cabiidsiga ugu sii jiri lahayd, maxaa yeelay haddii cid uun ay u qalab qaadato in daalimiinta laga hortago kuwii la caddibayay laftooda ayaa naf iyo maalba ku furan oo ku jihaadaya dadkii dulmiga iga daa yiri. Nin walba oo dadka halakeeyay wuxuu ka dhashay qabiil uun, haddii qolo walba kaayaga la taaban mayo tiraahdo waxay la mid tahay iyaga oo dhan ha inoo joogeen ee inoo daaya.

Dadaalladii loo galay cayminta bulshada iyo hagardaamooyinkii lagala horyimid.

Xilliyo kala duwan ayaa Rabbi waafajiyay culimada iyo waxgaradka kale in ay dadkooda meesha lagu badbaado ula cararaan waa xagga diinta Alle’e. Mar walba oo la fuliyo wax ka mid ah shareecada, dadkuna nafisaan waxaa wiiqayay nacabkii dadka u diiday naf iyo nololba oo naseex isaga dhigaya.

Maxkamaddii Sh. Cali dheere madaxda ka ahaa ee xaafadaha woqooyi ee Muqdisho badbaadisay waxay eersatay Cali Mahdi iyo Maanafaystadiisii. Maxkamadihii koonfurta Muqdisho nabadeeyay, Sh/hoosana caymiyay waxay ku magacyeesheen C/qaasim iyo Carte.

Bulshadaan waxaa maalin walba laga qaniinaa hal god, sababtuna waxaa weeye iyaga oo ku kadsooma kuwa hadba ka hor muuqda iyo iyaga oo aan ku cibro qaadan wixii la soo maray. Bal eeg sida uu ahaa mawqifka bulshadu markii xukuumaddii hantiwadaaggu har cad toogatay culimadii dalka, qaybna xirxirtay iyo markii har cad la burburiyay maxkamadihii dantooda ka shaqaynayay.

Aasaaskii Maxkamadahaan cusub

Markii ay soo xirmeen irdihii dawladnimo, oo ay been ballanqaadyadii kuwa dumiyay dalka iyo diinta ayaa waxaa ka aloosmay Muqdisho maxkamado islaami ah oo ku isman qabaa’ilka qaarkood, kuwaas oo ay hoggaaminayaan culimo iyo ducaad taageero ka helaya ganacsatada iyo guud ahaan dadweynaha Soomaaliyeed. Ka dib waxaa lagu guulaystay in la unko dallad midaysa maxaakimtaas oo lagu magacaabo Midowga Maxaakimta Islaamiga ah.

Midowgu wuxuu u kordhiyay maxkamadaha sumcad, taageero, awood iyo kalsooni dheeraad ah. Waxay maxkamaduhu qaadeen tillaabooyin ay wax kaga qabanayaan amni xumada iyo dulmiga, waxayna qayb weyn ka qaateen fidinta iyo ilaalinta diinta, taas oo ay ku muteen taageerada dadka ahlu diinka ah iyo dhammaan dadweynaha. Markii maxkamaduhu ku guulaysteen in ay hor istaagaan wax badan oo ka mid ah dulmigii iyo xadgudubyadii lagu hayay bulshada, ayna noqdeen cod u hadla dadka, diinta, dalka iyo danta guudba waxaa arrintaas ku margaday Mulkiile-yaashii dadkaan manaafacaadsan jiray oo u arkay in maalkoodii iyo mooradoodii loo soo dhacay.

Waxaa kale oo walwalka iyo murugadu ka meel waayeen Maraykan iyo Xabashi oo maatidaan si doqon ma garato ah u middi-raacinayay una mayd-garaacayay muddaba, iyaga oo marna midigtooda ku marjinayay, marna u soo marayay kuwaan la midabka iyo afka ah.

Aasaaska maxkamadahaani wuxuu ku soo beegmay xilli aysan dadka ka hormuuqan amal badbaado oo kale, isla markaana ay in badani ku waayo-arkeen wixii la soo maray. Taas waxay keentay in ay socon waayaan isku dayo badan oo lagu doonayay in maxkamadahaan si dhagar iyo mu’aamaro ah lagu burburiyo. Markii ay socon waayeen xeeladihii maldahnaa ee lagu wiiqi jiray bulshadaan iyo diinteeda ayay labada dhinac ku wada qaadeen maxkamadaha iyo inta taageersan dagaal bareer ah oo af iyo addinba leh.

Aasaaskii Isbahaysiga la dagaallanka argagixisada

Waxaa lagu dhawaaqay aasaaska: (Isbahaysiga soo celinta nabadda iyo la dagaallanka argagixisada) oo si xamaas iyo firfircooni leh u bilaabay in uu caddeeyo xubnihiisa, ahdaaftiisa iyo hababka ay u hirgalinayaan ahdaaftaas. Waxay kale oo toos u caddeeyeen in ay ku qaadayaan dagaal af iyo addin ah:

a) kuwa doonaya in ay diinta wax ku maamulaan

b) argagixiso ajnabi ah

c) kuwa haya oo ilaalinaya argagixisada, kuwaas oo haysta warshado, dakado, garoomo diyaaradeed iyo shirkado isgaarsiineed

d) kuwa baddalay manaahijta waxbarashada ee haysta jaamacadaha iyo iskuullada

e) kuwa Wahaabiyada ah oo diinta baddalaya

f) Al- Itixaad

g) Al-qaacido h) kuwa ku soo tababartay Afgaanistaan

h) maxkamadaha islaamiga ah.

Isbahaysigu waxay sheegeen in ay la dirirayaan dad argagixiso caalami ah oo waxyeelleeyay Maraykanka iyo Yuhuudda, nimankaas oo dunidu baadigoobayso, iyagana loo soo diray inay soo qabqabtaan. Waxay kale oo sheegeen in Maraykanku xaq u leeyahay in uu ka aarguto dadkii dhibaatada ugu agystay Soomaaliya.

Isbahaysigu iskuma dayin in ay raacdaystaan dhawrka nin oo magacyadooda iyo masawiradooda loo soo dhiibay oo dambiilayaasha lagu sheegay, maxaa yeelay waa wax aan jirin, cidina wax aan sal iyo raad lahayn lama diriri karto, wuxuuse isbahaysihgu si hagar la’aan ah madaafiic iyo gantaallo ugu garaacay xaafadaha kala duwan ee Muqdisho, taas oo caddaynaysa in loo soo diray xasuuqa iyo dabargoynta maatida reer Muqdisho oo ay awal hal siib iyo xantoobaysi ku warjeefayeen.

Dadka iyo hay’adaha ay sheegeen in ay la dagaallamayaan waa inta diinta iyo maslaxadda ummadda ka shaqaynaysa. Tusaale ahaan: faafinta iyo barista diinta, sare u qaadista aqoonta bulshada, sugidda amniga iyo la dagaallanka dulmiga, dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada, sida: Airport-yada, dakadaha, isgaarsiinta, warshadaha iwm oo ay sheegeen dhammaan in ay yihiin argagixiso.

Axmad C/samad

alwaqaar@hotmail.com

Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan.

Abuu Mansuur “niman baa jira Barnaamijka Ashahaado la dirirka loo sheegay” »

abuu-mansuur1.jpgSheekh Mukhtaar Robow (Abuu Mansuur) Afahayeenka Mujaahidiinta Al-Shabaab oo saaka shir jaraa’id ugu qabtay warbaahinta Muqdisho khadka Taleefanka ayaa shaaca ka qaaday in ay socdaan dadaalo ay Dowlada maraykanku dib ugu soo noolaynasyo Sii akhri »

Heshiiskii u dhexeeyey Ganacsatada xoolaha & Maamulka S/land oo mar labaad burburay »

harg1.jpgGudiga Ganacsatada  Xoolaha  oo uu hormood ka ahaa Afhayeenka Ganacsatada Xoolaha Kooto diidka Cabdiraxmaan Maxamed Xaseen [Shidaar] ayaa xalay   Shirjaraa’id ku qabtay magaalad Hargeysa,  waxayna   mar kale shaaca ka qaadeen  inay wada-hadaladii Sii akhri »

Abuu Mansuur “goorma ayay nin muslim ah iyo Jandayi frezer isku fikrad noqdeen” »

abuu-mansuur5.jpgAfahayeenka Mujaahidiinta Al-Shabaab Sheekh Mukhtaar Robow (Abuu Mansuur) oo saaka shir jaraa’id ugu qabtay warbaahinta Muqdisho khadka Taleefanka ayaa sheegay in kala qeybinta Isbahaysiga Sii akhri »

Go’aano laga soo saaray Dhoofinta Xoolaha S/land »

xoolaha-soomaaliya.jpgGolaha Wakiillada Somaliland ayaa maalmaahanba kulamadooda ku falanqaynayey  Xaalada cakiran ee ka dhex taagan Gudiga ganacsatada Xoolaha  iyo Maamulka S/land , Sii akhri »

Page 1 of 15123456»...Last »