Ciidanka Gumeysiga Itoobiya oo 2 Qof ku diley Guriceel
By Somalimirror on 30 Jun, 2008 2:17 PM in Main, Wararka
Ciidanka Gumeysiga Itoobiya ee daraad gaarey magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, ayaa lagu waramayaa in saaka halkaa ay ku dileen 2 Qof oo rayid ah oo ka mid ah dadka deegaanka, gaar ahaan banaanka magaalada ku toogteen xilli ay ku sugnaayeen. Guud ahaan dhimashadu ilaa iyo hadda halkaa ciidanka Gumeysiga Itoobiya ka geysteen ee dadka rayidka ah soo gaartey waa 12 qof, iyo dhaawaca oo kor u dhaawafa 20 qof oo dhamaantood ah dadkii rayidka ahaa ee degenaa magaalada. Dhanka kale, dhaawacyadii ka dhashey duqeyntii hebeenimadii xaley ciidanka Gumeysiga ka geysteen magaalada Guriceel ayaa qaarkood waxa lagu waramaa in ay saaka u geeriyoodeen dhaawacyadaas, waxana ku jira gabadh yar oo ku geeriyootey isbitaalka magaalada ee Istarliin. Qax baahsan oo qoysna aanu ku harin ayaa sidoo kale ka dhacey magaalada, iyada oo dadkii ka qaxey magaalka ay tageen dibedda banaanka, una hoydeen 2 Habeen dhul banaan oo aysan heysan wax ay ka xigsadaan dhulka iyo dhaxanta daran ee halkaa ka jirta. Abaaro xoogan oo biyo la’aanu wheliso ayaa ka jirta deegaanadda gobolada dhexe, iyada oo hadda dadka ay soo food saartey xaalado cakiran ka dib markii ay ka fogaadeen tuulooyinkii baraakaha iyo ceelashu biyaha laga heli lahaa.
www.somalimirror.com
Daabaco
hambalyo reer guri ceel taariqda ayaad baal dahab ah kagashen magaladina waa magaladii ugu horeydey oo dadka degan laga itobianku kawayen qof daba dhilif ah waa magalada kaliya oo dadkedu isku raacen in cadowga laiska celiyo meyda manta idin yaal waa midlagu farxo
eemaha midlaga naxo murugo iyo farxad waan idinla qabna meelkasta oon jogno haumelenina arintu in ay kaligin idinku tahey ee goankina ka dhabeya dibna haunoqo nina inata qof idinka noly
boqol jirow | Jun 30, 2008 | Reply