2,256 Gabdhood oo Ciidanka G.Itoobiya ku Kufsadeen G.S/Galbeed

gabdho-xijaaban.jpgHay’ada Xuquuqul Insaanka ee Gobolka S/Galbeed ayaa ka digtay Xaalada Foosha Xun ee ka jirta Dhulka S/galbeed ee sida gaarka ah u heysata dumar iyo Caruurta ay gumeysato xukuumada itoobiya, waxayna ku sheegtay Hay’adu warbixin sanadle ah oo ay ka soo saartay sanadka 2007 magaalada Geneva, “xaaladaha kufsiga iyo afduubka waxay u korodhay sanadkii tagay si aan wali horey loo arag, arintaas oo la filayo in ay sii badato inta lagu jiro sanadkan” waxayna hay’adu ku faafisay warbaahinta qaarkood sawiro goos goos ah oo cadeynayo xad gudubyada ciidamada gumeysiga. Warbixinta ayaa xustay in Ciidamada Gumeysiga Itoobiya ay kufsadeen gabdho gaaray 2256 sanadkii 2007 oo kaliya, taas oo lagu sheegay in ay keentay in ay faafaan cuduro khatar ah oo uu ku jiro cudurka AIDS-ka, waxaana warbixinta lagu xusayaa magacyo dad la waxyeeleeyay, degmooyin iyo magaalooyin sidoo kale ay gubeen Ciidamada Gumeysiga Itoobiya. Fowsiyo C/qaadir oo ah Gabadha ugu qaabilsan Hay’adan Arimaha Dumarka iyo Caruurta isla markaana Saldhig ka dhigatay Switzerland ayaa tiri “Dumarka oo lagulo kaco falalkan foosha xun waa siyaasad Bahalnimo ah oo ay ku kacayaan ciidamada itoobiya iyo kuwa raacsan iyaga, waxayna arintaasi u sameynayaan in ay Bahdilaan sharafta gabadha s/galbeed iyo in ay Bur-Buriyaan qoysas badan, waxayna ku qasbaan in ay ku Noolaadaan Duli iyo Niyo Jab” wargeys ka soo baxa Dalka Maraykanka ayaa horey u faafiyay sawiro uu qaaday Dayax Gacmeed oo muujinaya falal ay Ciidamada Gumeysiga Itoobiya oo Gubaya Magaalooyin iyo Tuulooyin sida ay u dhanyihiin oo ku yaala dhinaca Bari ee Itoobiya.Ninka lagu magacaabo Peter Bukairt oo maamule uga ah Human Rights Watch xaaladaha deg deg ah ee gobolka ayaa yiri “madaxda Itoobiya way diideen warbixinada gaarka ah ee Human Rights Watch, waxayna sheeganaysaa in goob joogayaasha aan soo xiganay ay beenaalayaal yihiin isla markaana ay taageeraan xoogaga hubaysan ee ka soo horjeeda”.Wuxuu intaa ku daray “laakiin isdifaaca Itoobiya wuxuu noqday mid aan wax qiimo ah ku fadhin ka dib markii ay soo sawireen dayax gacmeedyada maraykanka sawiro muujinayo arintaasi, sawiro waa makhraatiyaal aan la beenin Karin”Mu’asaso Maraykan ah oo lagu magacaabo “Assowsishn of Edvans of Science” ayaa sheegtay in 8 goobood oo ka mid ah Gobolka S/Galbeed ay xiligani yihiin meelo ay si weyn uga muuqdaan raadka falalkii ay Ciidamada itobiya ku gubeen magaalooyin iyo tuulooyin ay dad shacab ahi deganaayeen. Sawiradan ay qaadeen Dayax Gacmeedyada iyo Dad Goob Joogayaal ah ayay Hay’adaha Difaaca Xuquuqul Insaanka waxay u qaateen cadaymo daboolka ka qaadaya falalka cadowtooyada leh ee ay Ciidamada Gumeysiga Itoobiya kula kacayaan Tobanaan Kun oo Shacab Muslimiin ah oo Soomaaliyeed oo ku dhibaataysan Dhulka S/Galbeed ee ay gumeystaan Ciidamada Gumeysiga Itoobiya in ka badan 100 sano.  Wuxuu intaa ku daray “lakin diidmada Itoobiya wuxuu noqonayaa mid aan wax qiimi ah ku dhisnayn maadaama ay Dayax gacmeedyadu soo bandhigeen sawiro muujinaya falalkaas, sawiradaasuna waa daliil been masheega ah” Itoobiya oo ah saaxiibka ugu weyn ee Maraykanku ku leeyahay Gobolka ayaa waxay gobolka Ogaden ku ekeysay olole cadwtooyo oo dhiigbadanu ku daatay ka dib markii ay soo ifbaxday Jabhadda ONLF taas oo iska caabin xoogan la gashay gumaysiga Itoobiya qaadayna weeraro ay la beegsatay goobo Shidaal laga baarayay, mashruucaas oo ay maamulaysay shirkad shiinays ah bishii April ee sanadkii 2007. Lars Bromley oo ah Mas’uul ka tirsan Hay’adda “IIIS” ayaa sheegay in Hay’adiisu ay lafagurtay turo sawiro dayaxgameedka lagu soo qaaday si buu yiri aan u sugno waxa ka jira dhawaaqa ka soo yeeray Hay’adaha Xuquuqul insaanka oo sheegaya in ay gobolka Ogaden ka dhaceen gaboodfallo ama wax la mid ah, wuxuuna sheegay  Lars Bromley in sawiradu ay muujinayaan in 8 Tuulooyin iyo Degmooyin yaryar oo ka mid ah gobollada Wardheer, Dhagaxbuur iyo Qoraxeey ay Ciidamada Itoobiya dab qabadsiiyeen ayna burburiyeen . Gudoomiyaha gudiga Xuquuqul insaanka gobolka Ogadeniya ee ay gumaysato Itoobiya C/qaadir Sulub Cabdi ayaa asna dhiniciisa dhaliilay mawqifka Dawladaha Carabta iyo Islaamka ay ka taagan yihiin Gobolka Ogaden iyo sida ay isaga iloobeen dhibaatada haysata dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolkaas dhibaatadaas oo ay soo gudbiyeen Hay’adaha Dawliga ah ee Xuquuqul Insaanka, gaar ahaan warbixinta ku saabsan in ay Ciidamada gumaysiga Itoobiya kufsi kula kaceen gabdho Muslim ah oo gaaraya 2256. C/qaadir Sulub ayaa yiri “waxaan nasoo gaaray jawaab ka timid dawladaha Yurub, Hay’adaha dawliga ahna waxay sii wadaan dabagalka waxa ka dhacaya gobolka waxayna iska kaashanayaan sidii loo xalin lahaa mushkiladda, dhinaca kale kamaanan helin wax jawaab ah oo ka soo baxday Jaamacadda Carabta iyo Ururka Islaamka, iyo M.Afrika toona”.  Sulub ayaa waxaa uu intaas ku daray “ waxa aan ka rabno walaalaheena Carbeed iyo muslamkaba, in ay gutaan dawrkooda ayna dawladda Itoobiya ku cadaadiyaan joojinta gabood faladaas fooshaxun, iyo kudhaqanka qodobada ku qoran Qaanuunka Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka ee ku aadan xal ka gaarista Qadiyadan, si ay dadka gobolka ugu suura gasho in ay aayahooda ka tashadaan”. Gobolka Ogaden ayaa ah gobol ku yaala galbeedka Soomaaliya waxaana gumaysta Itoobiya waxayna dadka ku dhaqan gobolkaasu dalbanayaan in ay ka xoroobaan Itoobiya waxaana goboloka ka kacay Ururo hubaysan oo gobanimo doon ah kuwaas oo ay ka mid yihiin ONLF iyo Jabhadda Midawga Xoraynta Soomaali Galbeed.

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco

12 Comment(s)

  1. The end of zenawi is close. The rope is tightening against him.There will be a smile on the faces of the children of Ogadenia and in somalia in general.

    OgadenBoy | Jun 30, 2008 | Reply

  2. inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajacuun masidan ayaanu isaga nool nahay.walahi tani geeri baa dhaanta gaalo waa cadow noomana kala hareyso ee walaalayaalow midnimada islamka yaan ladhayalsan waanu xasuusana sayid cali binu abii daalib sidu u adkeeyey midnimad islamka xilig khilaafka.yaa muslimiin toosa oo ukaalaya jihaadka maanta waxa sidan loogalayo waa hooyooyinkeen,gabdhahii muslimaatka.ilaahow dhulka hanala rogin sidana nolol ma aha.meesha ay hay adaha gaalada ay tiradan kasheegeen xaqiidu waa kunjeer kabadan intey sheegen.xasuuqii ugu xuma baana kasocda meesha.muslimiinta waaa latir tiraya hadeysan alah usoo laaban oo gaalo aysan iska dhicin

    abdikarim | Jun 30, 2008 | Reply

  3. Tani waa waxay mujaahidiintu fiirsan waayeen ayna go aansadeen inay naftooda uhuraan difaaca gabdhaha muslimiinta iyo ciida musliminta . . lakin ogaden waxay qaadeen weeraro kadhana mujaahidiinta waxayna u arkeen arinta itoobiya inaan jihaad lagu xalinkarin waana caqiida xumo dagaalkasta oo aan caqiida kudhisnayna guul waarta lagama gaaro . . insha alah mujaahidiinta al.shabaab markale ayay kahowlgalidoonaan gudaha dhulka muslimiinta ee itobia . .ogaden waxaan leeyahay waxaa naga dhexeeya islaamnimada cadowgeenu waa gaalo oodhan ogolaada in si iskumida aan uladagaalno ooysan ahayn horay ayay mujaahidiintu bowd ugu xireen ashahado ladirir iyo cidkasta oo america ka amar qaadata kamana duwnidin

    cazaam | Jun 30, 2008 | Reply

  4. cazaam alaha ku abuurtey kabaq munafaq mafiicna ee umada ha isku gubin meesha aan adigana wax kuu tareyn.war ileyn tanoo kale meeshan xiqdi iyo xaasid diinta uun kusoo gabanaya ayaa islamka dhiban raba inu fitno dhex dhigo.

    abdikarim | Jun 30, 2008 | Reply

  5. To:Cazzaam
    walaal ilahay ka cabso, oo adigu inta aad `leedahay wax`wanaaji wax ha xumayn,OGAADEN waa qabiil, waa dad AL-SHABAAB

    Macallin Naamuus | Jul 1, 2008 | Reply

  6. To:Cazzaam,

    walaal waxaan ku xussisinayaa, inaadan adigu wax isku khaldin,qabiilka aad sheegaysid eed lahad laysid, qaarkood waa AL-SHABAAB qaarkood waa MJXS qaarkood waa MMIS, qaarkood waa ONLF, qaarkod waa DABA-QOODHI ama JAAJUUS.

    Marka aan ku saxee, nimanka mujaahidinta iyo islaamku ka baxasn-yihin, waa ONLF,iyo JAAJUUSIINTA, ee ogaadeen intiisa kale dadkaas soomaaliyeed ee halgamayeey dhinacooda kaga jiraan.

    ws/wr/wb

    Macallin Naamuus | Jul 1, 2008 | Reply

  7. Cazaam Wax MA Haleenin:

    sc wr wb.

    ikhwah garan maayo sababta aad isku indha tireesaan ama aad xaqiiqda uga leexaneesaan.

    walaalkayn cazaan waxa uu sheegay arin jirta oo ah: onlf oo diiday in dhulka loo yaqaan s/galbeed dagaalka ka socdo lagu qaado bi ismil jihaad wadiin iyakuna waa ee diidayn.

    arinkaas waxaa u daliil ah inay onlftu ka dishay ciidamadii sh ibraahiim sh maxamed xuseen ilaa 40 rag ah oo mujaahidiintii khiiradoodii ah.

    hadaba onlf diin u dagaali maayaane magac qabiil iyo qawmiyad bee ku dagaalamayaan waana raayo camyaa ah iyo casabiyo jaahiliyaa iyo xamiyah.

    walaalkuna markuu yiri ogaden sida aan u fahmay anigu ulama jeedo qabiil ee dhulkaa s/galbeed baa dadka qaar ku magacaabaan ogaden!!!!.

    markuu ogaden lahaa dhulka buu ula jeeday inanku ikhwah.

    hadaba hadaan ka hadalno ogaden qabiil ahaan waa dad qiimo iyo qiiro diineed ku jirto yaqaanaana cadawtinimada xabashida balse walaalayaal eenu bi ismil jihaad ku midawno buu inagu yiri cazaam ee maxaad hadalkiisa ku qoonsateeyn.

    teeda kale gabdhahaan cafiifaatka ah oo la xoogayo ruux walbo oo sahalsado ama u arko wax aan muhiim ahayn anigu islaamnimadiisa ayaan u cabsi qabaaba.

    ruux walbo oo wax u awoodana ha u qabto kii awoodo oo ku daawadana waa mujrim danbiile ah.

    hadaba waxa lagu sheego jaamacada carabta iyo wadamada carbeed kuligood waa khawanah iyo munaafiqiin midkaan ina dilayo iyakaa inooga daranba.

    teeda kale carab gazah wax u tari weesay iyo aqsa ma s/galbeed oo african ah oo madaw bee wax u tari!!!!.

    caku iyo carab aqoon!!!!.

    carab iyadaa teeda la ciireeso ciraq eeg lubnaan eeg suudaan eeg daafuur tishaad yemen iyo waxa kala heesta xuuthiyiinta!!!.

    teeda kale gabdhaheenii kuwaan waaba la kufsadee kuwa carabaha tageyna miyaad u war heesaan markay gaajoodaan waxa ee suubiyaan.

    allaahu mustacaan.

    walaalayaal aan ilaah u tawbad keeno0 inta gooru goor tahay.

    cazaam akhii ka raali noqo faham darada ikhwada iyo jawaabahooda.

    ikhwah adinkuna mahadsanidiin balse hubsada hadalka walaalka intaadan radinina.

    sc wr wb.

    Muslim Dhab Ah Insha Allah | Jul 1, 2008 | Reply

  8. ADUUNKAN MAANGAB IYO MUNAFAQ BADANA.SHOW WAA DAD OGADEN NACEYB UU KABUUXO DIINTA RABA INEY UGU SOO GABADAN IYO KUWO AAN MIDNIMADA MUHIIMADEEDA GARANEYN.OGADEN WAA ISLAM IDINKANA KASAARI MEYSAAN SOONA GELIN MEYSAAN.ALSHABAAB WAXAA KABUUXA WAA OGADEN ILAAHEY MAHADIIS.MAANGAAB KIINA DIBADAHA JOOGA EE AAN JIHAAD SHUQUL KULAHEYN BALSE MUNAFAQAD LA WAREEGA.RAADIYANA SIDEY MUSLIMKA KALE WAX UGA SHEEGI LAHAYEEN ALAH KABAQA ISKA DHAAFA XUMANTA.ONLF GAALO AYEY LADIRIRTAA EE WAR HOOY MIDNIMADA ILAALIYA OO DIINTA BARTA HA ISKA HADLINEE.ASKARTA ONLF WAA MUSLIM WEY TUKADAAN DACAYAD RAQIIS AH AYAAD LA WAREEGEYSAAN IDINKOO KALE AYAA UMADA ISKU GUBA.ALSHABAA ALAHA GUULEYO WAA NUNA JECEL NAHAY JIHAADKA ALAH SAA ULA SOCDA

    abdikarim | Jul 1, 2008 | Reply

  9. salama caleikum walaahi waxaan ku hadlo ma garanaayo xasbunalaahu wa nicmal wakiil inaan iraahdo mooyee ilaahoow adaan kuu sabirnee suubi taladeena rasuulkeena SCW wuxuu yahuudii madiina uga rarey iney ku xad gudbeen haweeneey muslimad ah oo suuqooda wax ka iibsaneysey markii ay ku xad gudbeen oo maradii ka fiiqeen ilaaheyna rasuulkiisa wuu ku guuleeyey muslimaatka sharaftooda uu difaacey darteen!!! aawey qiiradii islam nimada iyo somalinimada ogadeniya dhulkii halganka iyo gobanimo doonka ilaalisadii xuduudka soomaliweyn waxey noqotey looma ooyaan.

    cabiir | Jul 1, 2008 | Reply

  10. Salaamu caleykum:

    Ugu horeyn waxaan leeyahay gabdhaha walaalaheen ah ee uu dhibka ku gaaray aduunka dushiisa in ALLAAH (swt) ugu bedelo dheef ay ku helaan jannooyinkiisa mid ka mid ah, aamiin aamiin aamiin.

    Hadana waxaan hadalkeyga ku soo gunaanadayaa dadka soomaaliyeed ee ah walaalaheyga muslimiinta ah waxba inoo tari meyso kala qeybsanaan, islaamkuna maba qabo kala qeybsanaan ee marna yeynaan ku fekerin inaan ka kala tirsanahay umado kala duwane, fadlan fekerkeena, hadalkeena/qowlkeena iyo ficilkeenu ha ahaado mid sida mujaahidiintuba ay u mideysan yihiin iskuguna duuban yihiin marka ay jihaad fool ka fool ah kala hortagayaan mujrimiinta, gaalada iyo munaafiqiinta isbaheysatay.

    Mahadsanidiin.

    Walaalkiin
    Saciid Khaliif.

    Saciid Khaliif. | Jul 1, 2008 | Reply

  11. to abdikariim:

    sc wr wb.

    akhil xabiib waxaad moodaa inaad xoogaa aadan adigoo waxba hubsanin lasoo boodeesid munaafaq iyo midnimo diid inaad dad ku dacniso bal marka hore isku day inaad fahamto biya dhaca hadalka.

    aan kuugu celiyo ogaden waa qabiil wayn oo qiimo iyo sumcad wayn ku dhex leh umada soomaaliyeed lehna mujaahidiin hore iyo kuwa cusub intaba taa bal ogow.

    tan kale ku darso culimadeena badidoodu waa reerkaa aad sheegtey ee ogaadeen.

    anakana marnaba kama hadlin ogaaden iyo qabiil iyo qabyaalad midna.

    waxaa jira ogaden oo ah qabiil iyo ogaden oo dadku qaar u yaqaanaan dhul.

    hadaba anigu sidaan u fahmey hadalka inankaan cazaam ah inuu ulajeeday dhulka ee marnaba uusan ulajeedin qabiilka ogaden.

    taas waxaa kuugu daliil ah raga layiraahdo onlf waa jabhad ka mid ah jabhadaha ka dagaalanto dhulkaa oo aan ku saleesnayn dagaalkoodu diin iyo jihaad midnaba taasina waa muran madoonto.

    maxaa yeelay ragii ee la dagaalayn beenu naqaan rag ka mid ah oo arimahaa inooga war roon.

    hadaba dhulkaa s/galbeed oo ogaden dadku qaar u yaqaanaan waa dhul muslim oo soomaaliyu leedahay xoogna looga heesto dumarka lagu dhibayo iyo ragga lagu gowracayana waa dhiigeenii iyo rageenii.

    hadaba yeesan xamiyadu ku qaadin oo hadalka meel uusan jirin ha gaarsiinin ina adeerow oo ogaw ninka calmaaniga ah inuusan dhibkiisu yareyn kan qawmiga ahna waa la mid.

    onlf iyo xizbi walbo sida snm usc ssdf midna laga yeeli maayo ka tegida jihaadka iyo ku dagaalanka wadada diinta wadadaas ayaana ah wadada saxda ah xalkuna uu kujiraa.

    mideeda kale maanta iyadoo nala heesto hadaan diidno u istaaga koryeelka diinta ma markaan awood yeelano ayaa nalaku kari karaa!!!!!!.

    nin maanta ka cararay magac jihaad barina wax ka daran ka sug.

    abdikariim ina adeer munaafaqad majirtee ee fikir hadii lagugu khilaafo niyada ha tuhmin ee aashaa ina adeer.

    sc wr wb.

    Muslim dhab Ah insha Allah | Jul 2, 2008 | Reply

  12. marka hore waxaan dhi hi lahaay muslimiinta aduunka ilaahey ha u saqiro dhibka heesto mida kale dad weynaha reer ogaadeniya waxaa horay lo dhahay mudul gubtay mudul gubtay kama naxo anba dad keygii iyo ehelgeykii waa baa ba een adinka gufsi kaliyah aad sheganeesan ani inta la kufsado aa hadana nafta dhan loo aqon sada so that ogadenia waa ineey somaliya wax ku xeera taa hadii kale galikeed aa waraabaha meel cidlaa ku cunayaa hadii kale cabaadka ha la daayo anakaba cabaad noma yaree

    qoorgooye | Jan 11, 2009 | Reply

Fikrad ka dhiibo