Maydka Wiil Dhalinyaro ah oo laga helay Deg. Waabari
Published on June 29, 2008 by Somalimirror · 2 Comments ·
Maydka Wiil Dhalinyaro ah oo ay xalay dileen Ciidamada DFKMG ah ee la shaqeysa Gumeysiga Itoobiya ee fariisinka ku leh Saldhiga Degmada Waabari ayaa saaka lagu arkay Nawaaxiga Saldhigaasi. Dilka wiilkan dhalinyarada ah ayaa waxaa xaqiijiyay dadka deegaanka iyo saraakiil ka mid ah Saldhiga Degmada Waabari, waxayna ku sababeeyeen dilkiisa in uu Weerar ku ahaa in kastoo aysan jirin cid kale oo arintaasi xaqiijinaysa. Dad weyne fara badan ayaa isugu soo xoobay saaka Maydka wiilka dhalinyarada ah ee ay sheegteen ciidamadu in ay dileen, dadweynahaas oo u booqana si ay u gartaan ama haddii la waayo cid garata ay u qaadaan. Ma aha markii ugu horeysay oo ay Ciidamada DFKMG ah ee la shaqeysa Gumeysiga Itoobiya ay dilaan Dhalinyaro iyaga oo ku eedaynaya in ay Weerar ku yihiin.
Related posts:
- Nin Mayd ah oo laga helay Deg.Dharkaynley
- Meydka Wiil Yar oo Laga Helay Xaafada Towfiiq.
- Askari lagu dilay deg. Madiina ee M/Muqdisho
- Suuqa weyn ee Bakaaraha oo saaka laga dareemayo xoogaa xasilooni ah
- Ganacsatada Deg. Dharkaynleey oo lagu amray in ay guuraan
BBC ninkii doonayow daynay hadalkeede
Beri hore haday door ahayd maanta waa dacase
Dagaal-ooge goortuu qabsaday doocba garanaynin
Dacbey noqotay oo haatan waa laga dareeraye;
Musiibada dalkii ku habsatoo dabana dheeraatay
Waa meel dabkeed laga hurshaa dirir qabyaalaade
Dadqalladiyo mooryanta xamar loo durbaan tumu;,
Waa meel halqoys uu degoo kuna danaystaaye
Cidkaleba kolkuu dayriyee daaqad laga tuuray
Dibjirrada tolkiis ahi ay shaqo u doontaane;
Dagaal-oogihii ina garaad dirirta xoogeeye
” bush house” dagaalkuu ka wado dunidi aafaye;
waar meesha fered ku darsi maaha ee waa fegred ku dirir mar haddii mawduuca meesha ku qoran inta laga leexdo ciddii la doono la aflagaadeynayo,
anigu yuusuf garaadka la sheegayo lana beel miihi waxaan se u arkaa beeshiisu inaaney maanta marxaladdan la marayo aflagaado mudneyn mar haddey u taagan yahay gumeysi la diririd, taasoo inagu wada waajiba.
dee ninkii doonaya inuu qoraalkan gaaban kaga faa,iideysto qabyaalad iyo qolo cayna hayska soo butaaco sunta ka buuxda.