Djibouti oo eedaysay Israa’iil
Published on June 29, 2008 by Somalimirror · 6 Comments ·
Wasiirka Arimaha Dibada ee Dalka Djibouti Max’ud Cali Yuusuf ayaa shalay ku eedeeyay Israa’iil in ay Eritrea u gudbisay Maalgalin uusan cayim dagaalkii ugu danbeeyay ee labada wadan dhex maray, isaga oo ku eedeeyay in Eritrea ay doonayso in ay xoog ku qabsato biyo mareenka bada cas ee “Baabul Mandab” isaga oo intaa raaciyay in Yuhuudu ay siiso Eritrea maalgalin aad u badan kuna leedahay gudaha Eritrea maalgashi fara badan. Yuusuf ayaa ku sheegay shir jaraa’id oo uu qabtay ka dib markii uu ka qeyb galay kulanka 13-aad ee Golaha fulinta Midowga Afrika ee Magaalada Sharma Sheekh “xadgudubyadii ugu danbeeyay ee xukuumada Eritrea ee laga soo maalgaliyay israa’iil ku soo qaaday dhulka Djibouti waxuu tusaale u yahay khatarta ay u leedahay dhamaan Gobolka” isaga oo intaa raaciyay “ marinka Baabul Mandab waxa uu fidsanyahay illaa Kanaalka Suweys amaankiisa waa mid ay iska leeyihiin Qowmiyada Carbeed”. Wasiirka ayaa sheegay in ay Dowlada Djibouti uga fadhido Golaha Amaanka ee Midowga Afrika in ay diraan ergo xaqiiqo raadin oo soo kormeerta xaqiiqada ka jirta xadka labada dal. “xukuumada eritrea waxay hubaysay shacabka sida uu u dhanyahay,iyada oo aan haysan imkaaniyaad farabadan oo dowladeed, marka waa dowlad ku nool kacdoon, sida ay u dhaqmeysana waxa uu khal-khal ku yahay dhamaan dowladaha gobolka” ayuu yiri wasiirka Arimaha Dibada Djibouti. Wasiirka oo ka hadlayay muranka kala dhaxeeya Eritrea xukuumada Itoobiya ayaa yiri “waxay kula nooshahay Itoobiya xaalad aan nabad iyo dagaal midna ahayn”. Max’ud Cali Yuusuf ayaa shaaca ka qaaday in uu wadankiisa bilaabay in uu ka shaqeysiiyo heshiiskii ay faransiiska kala saxiixdeen oo ahaa “iskaashiga dhinaca ciidanka” isla markaana ay Djibouti ku dhaqaaqday in ay ka shaqeyso kanaalada diblomaansiyada si Djibouti ay u qaado ugu danbeyntii Talaabo ku munaasab ah Eritrea iyada oo lala eeganayo wakhtiga ay ku haboontahay . Israa’iil ayaa iyadu ah mid geeska Afrika ka wada dhaq-dhaqaaq ay ku carqaladaynayso wadamada islaamka iyada oo horeyna loogu eedeeyay in ay Itoobiya ku taageertay sidii ay Soomaaliya u qabsan lahayd.
Related posts:
- Maraykanka oo Safiir u magacaabay Djibouti
- Jaamacada Carabta oo ka codsatay Eritrea in deg deg ay ugala baxdo ciidamadeeda xadka Djibouti
- Faransiiska oo Ciidamo & Qalab u diray Djibouti
- M.Afrika oo ergo xaqiiqo raadin ah u diraya Djibouti & Eritrea
- Golaha Amaanka oo ergo xaqiiqo raadin ah u diraya xadka Djibouti & Eritrea
xasan daahirow isagasoo tag hadaad daacad tahay asmara maxaa yeelay waa dowlad caadw ku ah islaamka kunasoo duushay soomaalida jabuuti
Asalaamu caleykum
Walaalayaal waa nasiib darro in Djibouti Israiil soo galisa arinta khilaafka udhaxeeyo ayida iyo Eritrea. Eritrea waa wadanka kaliya ee garab istaagay shacabka somaliyeed markuiu qabsaday cadowgeedi soo jireenka ahaa. Djibouti maxaay sameeysay? Weey aamustay ayidoo baqeeysa.
Diyaaradaha mareykan ee sayidkeeda ah ayaa kasuu duulaye isaga oo duqeeynaya dhulka somaliyeed. Djibouti waxeey uadeegtaa danaha qowmiyada waweyn ee ilaaliya danaha israiil ee marna caqli gal maaha in Afawerki uu Hassan Dahir iyo dadkii kale ee kasoo horjeeday danaha reer galbeedka in Erirea amni siiso iyo imkaaniyaadkeey ubaahnaayeen isla markaasna Israiil saaxibkeeda kaliya noqoto.
Waa maxay sawabta Djobouti saaxib oola tahay wadankii somalia qabsaday?
Malagayaabaa in Djobouti ayida aay tahay tan Israail dooneeyso in aay wax badan kufulisato sida kala qeeybinta isbaheeysiga.
Allah knows best and we pray for his help in uniting our people and securing our borders from Ogaden to the whole of somalia.
hade djabuti yeeya wad aragtaan ruinta iska dhacsha galada
waxa aan aad iyo aad u hanbalyeynayaa shabakadda wararka ee somalimirror si fiican ee marwalba ay u taagan tahay in ay soo gudbiso warar fiican meel walba oo ay ku noolyihiin somalidu waxan leeyahay howshiina marwalba sidaa u wada ilaahayn waa uu ina qaban doonaa insha allaahu hadalgayka waxa aan ku soo gunaanadayaa oo aan ln qof walba oo somali ah uu marwalba ilaahay ka baryo sidii uu uga saari lahaa gumeystaha ithiopia siiba xiliyada salaadaha allana wuu aqbali doonaa swt waxa loo baahan yahay waxa weeyaan samir iyo dulqaad iyo in aynu dhexdeena midowno oo aynu isu naxariisano markaa ayuu allana inoo naxariisanayaa
Eritrea waa masiibo lasoo dhex dhigay geeska
Afrika oo ayka danbayso Israa’iil markaa
waxaa loo baahan yahay in umada islaamuku
ka tashadaan dhibaatada ay wado Eritrea
wabillaahi tawfiiq
waxa aan aad iyo aad u hanbalyeynayaa shabakadda wararka ee somalimirror si fiican ee marwalba ay u taagan tahay in ay soo gudbiso warar fiican meel walba oo ay ku noolyihiin somalidu waxan leeyahay howshiina marwalba sidaa u wada ilaahayn waa uu ina qaban doonaa