Dagaal Xoogan oo caawa ka dhacay Guriceel

madaafiic1.jpgDagaal xoogan oo la isu adeegsanyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa uu hadda ka soconaya fariisin ay ciidmada gumaysiga Itoobiya ka samaysteen koonfurta Magaalada Guriceel.

 Dagaalka ayaa waxaa uu bilawday abaare 05:40 wuxuuna ahaa mid aad u xoogbadan waxaana ay ciidamada gumaysiga Itoobiya bilaabeen duqayn ay u gaysanayaan xaafadaha magaalada Guriceel waxaana dagaalku si toos ah u dhex marayaa xoogagga Mujaahidiinta Soomaaliyeed iyo Ciidamada gumaysiga oo halkaa gaaray shalay Gelinkii danbe. dadkii ku dhaqanaa Magaalada Guriceel ayaa la sheegay in ay caawa gabi ahaanba isaga qaxeen magaalada ayaga oo u jahaystay baadiyaha ku xeeran magaalada waxayna dadku ka cabanayaan Hoyla’aan maadaama caawa ay dibadjoog ka yihiin guryahoodii. Lama garanayo ilaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay dagaalkan oo ah mid aad u xoogan iyo walibana dhibatooyinka ka dhashay madaafiicda ay itoobiyaanku sida xoogan ugu duqaynyaan qaybaha kala duwan ee magaalada. Gudoomiyaha Degmada Guriceel Cali sheikh ayaa sheegay in dagaalku uu soconayay muddo 30 daqiiqo ah wuxuuna intaa ku daray in intii hartay dadka degaanka ay caawa isaga qaxeen degmada ayada oo ay xalay qaxeen dad fara badan kadib markii ay itoobiyaanku madaafiic la dhaceen Magaalada.  Dagaalkan ayaa waxaa uu kusoo beegmayaa xilli uu xalay dhacay dagaal noocan ah waxayna ciidamada gumaysiga Itoobiya saaka dalbadeen in Odayaasha deegaanku u yimaadaan si ay wada hadal ula qaataan taas oo ay Odayaashu ka biya diideen in ay wax kulan ah la yeeshaan saraakiisha Itoobiyaanka oo horkacaya ciidamada gaaray deegaankaas. Xoogagga mujaahidiinta Soomaaliyeed ayaa ciidamada gumaysiga itoobiya u diiday in ay ku ladaan goobkasta oo ka tirsan ciida Soomaaliya waxayna ciidamadanu ka soo kaceen deegaanka Janta-kundisho (115) ee gobolka Hiiraan halkaas oo ay mujaahidiintu weeraro kula beegsan jireen waxaana la filayaa in Itoobiyaanku aysan ku sii nagaan Karin deegaanka Guriceel ee gobolka Galguduud.

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco        U dir saaxiib U dir saaxiib
1 Star2 Stars3 Stars4 Stars5 Stars
Loading ... Loading ...

8 Comment(s)

  1. Allahuma axsimhum cadadaa waqtulhum badadaa walaa tubaaqid minhum axadaa

    Deeq | Jun 29, 2008 | Reply

  2. illaahow galada jabi illaahow ku cadaab gacanta mujahidiinta illaahow meshaas kaga dhig qabuuro lagu soo xasuusto gumeesiga madow illaah mujahidiinta gusha sii aamiin aamiin

    xalane | Jun 29, 2008 | Reply

  3. ALLAAH waxaan ka baryaynaa inuu mujaahidiinta guusha siiyo gaaladaas guriceelna mid na inuusan ka fiigin oo ayagoo dhan la wada laayo gawaaridooda na qaniimo uga dhig mujaahidiinta yaa rabanaa.

    Warfaa | Jun 29, 2008 | Reply

  4. alaahu akbar, waxaan ilaah karajeeynayaa in uu kuulayseeyo mujaahideenta shacabka soomaaliyeedna dhibka kasaaro….
    aamiin,aamiin,aamiin,aamiin….

    ali | Jun 29, 2008 | Reply

  5. Alaahumma ahlikhu kamaa ahlakta caadan wathamuuda alaahumma ahlik ithoobiya amiin amin hala dagaalama gaaladana halagu qasbo in ay cararaan

    Muxamed shekh | Jun 29, 2008 | Reply

  6. ALLAHUMA MUNZIL KITAABI SARIICU XISAAB AHZAMUL AXZAB, ALLAHUM IHZAM WA ZILZILAHUM, ITOOBIYIIN, WA AMRIIKKA,

    AAMIIN YAA ALLAH.

    muslima | Jun 29, 2008 | Reply

  7. allahu akbar insha allah mujaahidiintu waa guuleysanayaan alle idankiisa amxaarana wadkeediibaa galay .
    Mida kale waxaa caawa dadka shahiiday ka mida mujaahid weyn oo aha taliyaha ciidamada maxkamadaha ee aagaas dagaalka uga jiray alle janadii fardowsa haka waraabiyee waxaa la oran jiray Hassan Yarre alla ya raxma amxaaro ha jabto alle haguuld areeyo mujaahidiintu ha noolaadaan

    Hassan | Jun 30, 2008 | Reply

  8. waxaan illaahka baryaa in oo noo suurta galiyo in eey heshiiyaan dadkaan isku heesata jaaga jeceelka waxaa is weeydiin mudan ma laga yaabaa in eey keenaan xal dad isku heesta anaa ah masuul am aana ah masuul hadii eey saas taaht mexee dhaamaan hogaamiye kooxeedkii um ada dhibka ku haayyay hadaba waxaa laag rabaa in eey is xaliyaan ama isga wareegaan saaxada siyaasada oo eey u baneeyaan dadkale oo soo dhaweyn ka helaaayay shacabka soo maaliyeed tani waa mid laga naxao runtii oo dhibaato inteeda la eg hadaba waxaan rajeenaa in eey hashiin donaa hadii kakle eey baneey doonaa saaxad si eey u yimaadaan dadkale wasalaamu caleyku waaan idan salaama

    cabdishakuur faarax ma hemad | Jul 26, 2008 | Reply

Fikrad ka dhiibo