Dagaal Culus oo ka dhacay Guri-Ceel.
By Somalimirror on 29 Jun, 2008 7:32 AM in Main, Wararka
Abaarihii 10:30 fiidnimo ee xalay ayaa waxa uu dagaal culus ku dhex maray Magaalada Guri ceel ee Gobolka Gal-Guduud Ciidamada Mujaahidiinta Soomaaliyeed iyo Ciidamada Gumeysiga Itoobiya oo shalay halkaasi gaaray. Dagaalkan ayaa la sheegayaa in la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan oo ay ku jiraan Madaafiic badan oo ay Ciidamada Gumeysiga Itoobiya u adeegsadeen in ay ku duqeeyaan xaafadaha Magaalada taas oo sababtay in 2 ka mid ah ku dhacaan guri ku yaala dhinaca waqooyi ee Magaalada gaar ahaan Xaafada “Tuulo Gaban” halkaas oo ay ku geeriyoodeen 3 ilmood iyo haweeney Uur leh. Sidoo kale dhaawacyo badan ayaa la sheegayaa in ay ka dhasheen duqeyntii Ciidamada kuwaas oo aan si dhab ahi loo sheegi Karin tiradooda balse lagu daweynayo Isbitaalka Istarliin ee magaaladaasi. Dhinaca kale lama sheegi karo illaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee gaaray xalay Ciidamada Gumeysiga Itoobiya balse waxaa la filayaa in ay jiraan khasaarooyin naf iyo maalba leh. Sidoo kale lama sheegi karo in weerarkani lagu soo qaaday Ciidamada Gumeysiga Itoobiya iyo in ay iyagu qaadeen. Ciidamada Gumeysiga itoobiya ayaa markii ay shalay gaareen magaalada waxaa ay ku degeen Jaamcadii hore ee Magaalada Guraceel halkasi oo mudo saacada ah ay joogeen waxaana ay dib ugu labteen mudo yar ka dib gudaha Magaalada iyadoo intoo badan ciidamada gumeysigu socod ku maray gudaha Magaalada Guraceel waxayna ugu danbeyntii dib ugu laabteen wadadii ay ka soo galeen ee xigta dhinaca Matabaan Ciidamadan oo wata 28 gawaari oo isugu jira Uralo, Booyado iyo kuwo xaamuulka qaada ayaa waxa ay shalay gaareen Magaalada Guri-ceel abaare 11:00 barqanimo kuwaas oo ka soo kicitimay Gobolka Hiiraan isla markaana aan la sheegi Karin illaa iyo hadda in ay ka sii gudbayaan iyo in kale. Mujaahidiinta Soomaaliyeed ayaa weeraro qorshaysan oo gaadmo ah kula beegsada Ciidamada Gumeysiga Itoobiya qeybo badan oo ka mid ah gobolada Dalka Soomaaliya gaar ahaan marka ay safarka yihiin oo ay isaga kala gooshaan qeybo ka mid ah Gobolada Dalka Soomaaliya. Wixii warar ah ee ku soo kordha dib ayaan idinkaga soo gudbinaynaa insha allaah.
www.somalimirror.com
Daabaco
U dir saaxiib

Loading ...
gaada oo qabta meel walbood ka heshaan laaya siday idiin laynayaan hadaad xanuunsanaysaan way xanuunsanayaan waxaad filaysaan wax aynan filayn hadaad qoryaha dhigtaan taariikh muslim iyo tu soomaalinimo midna way ka dhamaatay wadanka sharaftayadu waxay ku socotaa waa dhiigiina allow gaalka uraayo arladeena ka saar afnaqa iyo boygoow asma beerka in goysay eydi banda ahaydeey naxariis il ha saarin ilahayow ilaahayow ilaahayo hana dayicin
nuurow | Jun 29, 2008 | Reply
Mujaahidiinta alshabaab horay ayay wacad ugu mareen inaysan cadowga ilaahey uogolaandoonin inay nabad ugu seexdaan ciida musliminta dusheeda waana kuwaas aan wax wadahadala kagaleeyn isku xukunka shareecada islaamka dadka oo dhan haday haday isdhiibaan
cazaam | Jun 29, 2008 | Reply
ilaahay ha jabiyo cadowga islaamka mujaahidiintana alla ha uga gar gaaro amiin amiin walaalayaal isdaba raaciya way jabeen gaalo iyo gaala raacyaba e
AHMED | Jun 29, 2008 | Reply
Xoogaga Alshabaab halgan adag ayay ku jiraan, illaahay baan u rajaynayaa inuu u gargaaro. Ninkaan Sheekh Shariif iyo taageerayaashiisu xagay ku tirsan yihiin? Saameyn inee le’eg ayay ku yeelan kartaa halganka dabinadan uu hadba la soo baxayo?
Xasan | Jun 29, 2008 | Reply