Ciidamad G.Itoobiya oo galabta Nin Rayid ah Toogtay

itoobiyan.jpgCiidamada gumaysiga Itoobiya ayaa galabta waxay dil toogasho ah u gaysteen Nin rayid ah oo marayay Wadada Makka Al-Mukarrama ee degmada Waabari oo ay hareeraheeda fariismo ka samaysteen.

 Ninkan Rayid ka ah ayaa la sheegay in ay ciidmad gumayigu  ku amreen in uu istaago kadibna ay si ula kac ah dil ugu gaysteen mana jiraan wax hub ah oo uu watay Ninkaasi. Ciidamada gumaysiga Itoobiya ayaa waxay si bareer ah u dilaan dadka rayidka ah ee Soomaaliyeed ayaga oo aysan jirin cid kula xisaabtamaysa waxaana caado u noqotay in maydad doorsoomay laga helo goobaha ay degan yihiin. Ciidamad gumaysiga Itoobiya ee saldhigga ka dhigtay wadada Makka Al-Mukarramah gaar ahaan inta u dhaxaysa Hotel Weheliye iyo Hotel Ambassador ayaa intii ay halkaa deganaayeen waxay dil u gaysteen dad badan oo rayid ah kuwaas oo qaarkood ay kala soo baxeen guryahooda waxayna dadka deegaanku ka cabanayaan dhibaatooyin badan oo ay ku hayaan Ciidamadaasi.  

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco        U dir saaxiib U dir saaxiib
1 Star2 Stars3 Stars4 Stars5 Stars
Loading ... Loading ...

Fikrad ka dhiibo