Faah Faahin:-Ciidamada Gumeysiga oo isaga guuray Mag. Baladweyne
By Somalimirror on 28 Jun, 2008 8:12 AM in Main, Wararka
Sida uu ku soo waramayo wariyaha shabakadda somalimirror.com ee Gobolka Hiiraan ciidamadii gumeyisga Itoobiya ee ku sugnaa Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa saaka gabi ahaanba isaga guuray magaaladaasi. Ciidamadan oo wata 35 gawaari kala duwan ayaa saaka salaadii subax ka huleelay Magaalada Baladweyne iyo waliba fariisinkooda Buuralayda ah ee Jantakundisho ee duleedka isla Magaaladaas waxaana la sheegayaa in ay ku sii jeedaan Magaalada kale ee Matabaan ee Gobolka Hiiraan. Wararka qaar ayaa sheegaya in ay ku wajahanyihiin Ciidamadan Magaalada Feer-Feer ee dhulka S/galbeed isla markaana ay ku wajahanyihiin Magaalada Shilaabo oo dhawaan ay la wareegtay Jabhada ONLF. Ciidamadan ayaa hadda la sheegayaa in ay sii marayaan nawaaxiga deegaanka Beeryabaal ee Gobolka Hiiraan. Lama sii sheegi karo illaa iyo hadda in ciidmada Gumeysiga Itoobiya ay ku nagaan doonaan Magaalada Matabaan iyo in kale. Sidoo kale lama sheegi karo illaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee ku soo beegay xiligan in ay ka guuraan ciidamadan Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan. Wixii warar ah ee ku soo kordha dib ayaan idinkaga soo gudbinaynaa insha allaah.
www.somalimirror.com
Daabaco
Fikrad ka dhiibo