Saraakiil Sar Sare oo Ka Tirsan MMIS oo Baladweyne Gaarey
By Somalimirror on 28 Jun, 2008 3:01 PM in Main, Wararka
Saraakiil sar sare oo ka tirsan MMI Soomaaliyeed ayaa gaarey xarunta gobolka hiiraan ee Baladweyne ka dib markii ciidamo xoogan oo ka tirsan MMI Soomaaliyeed saaka gebi ahaanba si buuxda ula wareegeen magaalada Baladweyne.
Rasaakiisha halkaa gaartey ayaa waxaa ka mid ah Cumar Xaashi Aadan, sarkaalka howl gelinta ciidanka MMI Soomaaliyeed ugu qaabilsan iyo sarkaal sare oo magaciisa lagu soo gaabiyey Labaatan Jirow.
Qaar ka mid ah saraakiishaas oo meel fagaare ah dadka ku dhaqan magaalada Baladweyne kala Hadley oo uu ka mid yahey Labaatan Jirow ayaa uu jeediyey dadkii isu soo baxey 3 Arimood oo kala ah: in ay is dejiyaan oo howlahooda caadiga ah iska wataan, in ay iyagu amaanka guud ee degmada Baladweyne iyo kan gobolkaba sugayaan, iyo in aysan wax bililiqo ah kula dhaqaaqin dadku xarumihii maamulku ka baxeen ee magaalada Baladweyne.
Ciidanka MMI Soomaaliyeed ee saaka la wareegay xarunta gobolka Hiiraan ee Baladweyne ayaa goobaha muhiimka ah ee magaalada ku baahiyey ciidamadooda, sida wadooyinka soo gala magaalada, Buundada Liiq-Liiqato, Saldhiga Degmada, Xarumihii Maamulka ee Degmada iyo Janta Kundisho oo fariisin ciidan u aheyd ciidanka gumeysiga Itoobiya ee saaka halkaa isaga huleelay.
Saraakiishan sar sare ee gaarey magaalada Baladweyne ayaa ka codsadey Odayaasha iyo Waxgaradka Degmada in ay kulan la yeeshaan, iyada oo la filayo in saacadaha soo socda kulankooda wada qaataan, waxaana la filayaa in ay uga wada hadlaan arimaha gobolka Hiiran, gaar ahaan tan Degmada Baladweyne.
Daabaco
U dir saaxiib



allaaaaaaaaaaahu akbar alaaaaaaaaaaahu akbar allaaaaaaaaaaaaaahu akbar allaaaaaaaaaaaaaahu akbar
naasix | Jun 28, 2008 | Reply
allaahu akbar allaahu akbar fatxu wa nasar
gawaafe | Jun 28, 2008 | Reply
s , c, w,
aad ayaan ugu faraxsanahay guusha muslimiinta waana in eeytaageerto cid waliba oo ey kudambeeyso qadiyada islaamka&wiliba tan soomaalida waayoo cidaan iyaga aheey oo soomaliya umaqan majirto walaal.
waxaanse ilaah kabaryaa in ilaaheey safafka islaamka hal mid kadhigo oo hal hugaamiyo ee yeeshaan ,xaqiiqdii anaka kaliya waxanaga dhiman waa in aan midoownaa.
waxaan kacodseennaa hugaamiyaasha mujaahidiinta in eey midoobaan oo iskadaayaan isnicida eey isnacaayaan.
mid waliba oo akmid ah qiyaadaadka mujaahidinta waxow leeyahay safka halamideeyo hadana kudhaqaaqimaayo.walaalayaal xaqiiqdii hadaan lehelin halhugaamiyo jihaadkeyna waxbaa kadhiman ee ilaah kabaqa oo midooba.walaalayaal hada oo aan kala soco ayaan gaalada kacaabaajinay ee kawaranma hadaan mid naqano,
walaalayaal xadiiska waa taqaanaan ah(islaanimo majirto hadaan lahelin amiir amiirna majiro ilaa bidaaca).
ilaaheeyo adigaa wax walba yuwaadee gaalada nagaguuleey naguna ilhaami inaan midoowno
xasan albashiir | Jun 28, 2008 | Reply
Maasha alaah guul inuu islamku gaari walaahi iyo bilaahi ineysan shaki kujiran dunidan alaah baa leh isaga ayaanu talo saaraney.ilaahey waxaan kabar yaya in uu dhufeysyadooda waa weyn ee xamar uu inuu furo yaarbi yaa kariim.Muslimiiney ducada badiya iinsha alaah
abdikarim | Jun 28, 2008 | Reply
Mashaa allaah waa guul uu rabi nagu maneystay anaga awoodenana kumaan helin ee allaah baa na siiyay
Warfaa | Jun 28, 2008 | Reply
Aslm clykm
Allahu akbar allaha jabiyo cadawga islam iyo kuwa u adeega gaalada amxaro amiin - amiin
walaal | Jun 28, 2008 | Reply
ALLAHU AKBAR !ALLAHU AKBAR ALLAHU AKBAR!!!
Baledweyn waa magaalo istiraatiij ah. waxayna cadowga Ethiopia ku tahay dhabar jab.
aadan c/risaaq | Jun 28, 2008 | Reply
Alaahu akbar walilaaahil xamdu waaguul gaaladana alahajabiya amiin amin shirkii ay wadgaleen shekh sharif iyo gurubka amxaarada alahakadhiga ziiro amin muslimka alaha guuleyo gaalada alahajabiyo amin
Muxamed shekh | Jun 28, 2008 | Reply
ASC WR WB
Ilaah ayaa wayn mahad idaylkeedna iska leh. Aad ayaan ugu farxayaa wararka Soomaaliya, gaar ahaan maalmahan dambe. Waxaa kale oo aan aad ufarxayaa faalada walaaluhu ay kabixinayaa oo ah mid isku mid ah, isku aragti ah, isku hal dhinacna usocota. Aragtidiina iyo fikirkiina kudadaala walaalayaal in aad midaysaan. Qofka muslimka ah wuxuu kufarxaa guusha muslimiinta, wuxuuna kanaxaa wixii lagu imtixaamo. Ilaahay muslimiinta hacizeeyo wadankeeniina nabad waarta haynoosiiyo. Ducada walaalayaal waa salaaxul-mu,min markaa yaan layaraysanin.
Wajazaakumu-laahu kulul-khayr WSC WR WB
Cabdiraxman | Jun 29, 2008 | Reply
allahu akbbar,illaahay ha cieeyo sharafna ha ku nooleeyo mujaahidiinta meel kasta oo ay joogaan,reer hiiraan hawl baa la gudboon ah inay ammaanka iyo kala dambaynta soo celiyaan qalaasaha iyo dilalka qarsoodiga ahna gacan bir ah lagu qabto gaalada iyo gaalaraacyadu ogaada basaassiin fara badan bay kaga tageen meesha kuwaas baana ka xun cadawga gumaysiga iyo gumaysi kalkaalka waana dad idinka idinka yimid haddaan kuwaa wax laga qabanna wax badani hagaagi maayaan,mujaahidiintana gacan siiya allena ka cabsada islaannimo iyo iimaan ku noolaada,hiiraan waa meeshii laga jebiyey maxaakimta yaanay mar dambe dhicin alla idankii. wa billahi tawfiiq
abdullahi mohamed hassan | Jun 29, 2008 | Reply
allahu akbbar,illaahay ha ciseeyo sharafna ha ku nooleeyo mujaahidiinta meel kasta oo ay joogaan,reer hiiraan hawl baa la gudboon ah inay ammaanka iyo kala dambaynta soo celiyaan qalaasaha iyo dilalka qarsoodiga ahna gacan bir ah lagu qabto gaalada iyo gaalaraacyadu ogaada basaassiin fara badan bay kaga tageen meesha kuwaas baana ka xun cadawga gumaysiga iyo gumaysi kalkaalka waana dad idinka idinka yimid haddaan kuwaa wax laga qabanna wax badani hagaagi maayaan,mujaahidiintana gacan siiya allena ka cabsada islaannimo iyo iimaan ku noolaada,hiiraan waa meeshii laga jebiyey maxaakimta yaanay mar dambe dhicin alla idankii. wa billahi tawfiiq
abdullahi mohamed hassan | Jun 29, 2008 | Reply