Mas’aladii 6,7 iyo 8-aad oo ka soo baxday Sh.Cumar Iimaan

shcumar-iman.jpgMas’alad 6 aadMaxay shareecada ka qabtaa in xabad joojin lagu dhawaaqo cadawga gumaysiga oo dalka jooga:  Culumada waxay isku waafaqsanyihiin in jihaadka farducayn uu ku yahay qofwalba oo awooda inuu dagaalamo. Hadii uu cadawgu soogalo qayb ka mid ah dhulka muslimiinta, waxaa waajib ku ah dadka dhulkaas dagan inay la’diriraan oo ka hortagaan qofwalba inta awoodiisu tahay, hadii ay kufilaan waayaanna wuxuu u soo gudbayaa kuwa kuxiga ilaa laga helo wax ku filan, kana suulimaayo waajibkaas inuu yahay mid taagan ilaa laga saaro cadawga dhulka muslimiinta, sinna sax kuma aha in lasameeyo xabad joojin iyadoo cadawgu joogo qayb kamid ah dhulka muslimiinta, arinkaasna wax qilaaf ah kuma jiro ahlu cilmiga dhexdiisa, hadii  uu arinku sidaas yahay side bay suurtagal inoogu tahay inaan dagaalka joojino iyadoo cadawgu dalka joogo, xadgudubkiina uu socdo gumaysiguna uu kutumanayo sharafkeenii iyo karaamadeenii, sax kuma ahan caqli iyo sharci toona inuu wadahadal galo qof uu haysto gurigiisa itiibiyaan aysanna jirin wax wanaag ah oo uu u hayo shacabka soomaaliyeed.   Waxaan wada ognahay in dhibaatooyin fara badan ay kadhalan karaan hadii xabada lajoojiyo, waxaana ugu waaweyn in cadawgu uu dib isu hagaajiyo, saadka iyo hubkuna ay soogaaraa ciidamadiisa ay ka go’een jidadku,  waana sidii dhicijirtay maalmihii uu dagaalku kasocday caasimada, waxay ahayd ithobiya mid kadalbatay xabad joojin muqaawamada iyada oo soo marsiinaysa odayaasha beelaha hawiye, marka lakala saxiidana waxay kafaa’iidaysanaysay fursadaas, waxayna gacanta kudhigaysay goobo muhiim ah  oo kamid ah caasimada, oo aysan sifudud ugu suura gasheen inay dagaal ku qabsato, culumaduna waxay ahaayeen kuwa kadiga qorshaha iyo dhagarta cadawka wakhtigaa isagaa.و في الفتاوى المصرية تحت رقم 153 بتاريخ 1402 هـ (( … ولا يجوز مطلقا الرضا إلا بجلاء العدو المعتدي عن جميع الأراضي، وكل من قصَّر في أداء هذا الواجب يعتبر خائناً لدينه ولوطنه، وبالأولى كل من مالأ عدو المسلمين، وأيده في عدوانه بأي طريق من طرق التأييد يكون خائنا لدينه … )).Waxaa ku sugan fataawada maser ee lambarkeedu yahay153 ee soo baxday 1402(… mabanaana in la raali noqdo ilaa cadawga lagasaaro dhulka , qofkasta oo ka gaabiya gudashada waajibkaa waxaa loo aqoonsanayaa inuu yahay mid khiyaameeyay diinkisa iyo wadankiisa waxaaba ka sii daran cid walba oo gacansiisa cadawga dadka muslimiinta taagertana dhibta uu dalka muslimiinta ku hayo…), sidaas darteed waxaa waajib ku ah qofwalba inaanu siinin fursad uu uga faa’iidaysto cadawg haysashadiisa dhulka, haday doonto ithobiya dhab ha’ka ahaato inay kabaxdo dhulka,dhabtii wayna bixi kartaa umana baahna la hishiiyo iyo inay cid amar kaqaadato.Waxaa wax lalayaabo ah goorta lakala saxiixday heshiiska xabadjoojinta ah inaanu jirin wax kale oo heshiis ah oo xadidaya ciidamada ithobiya, una diidaya dhaqdhaqaaqa ama inay magaalooyinka uga baxaan dibada, marka la’ eego heshiiska waxa uu xaq u siinayaa ithobiya inay tagto dhulkale oo laxoreeyay, waxayna sharci  kadhigtay joogitaanka cidamada gumaysiga, wax walba oo ay sameeyeen ama ay sameeyaan hadda ka dibna  waxay kadhigtay wax sax ah.Lakiin Alle mahadii muqaawamadu waxay leedahay wacyi kufilan oo ay kugarato xaqiiqada mu’aamarada, iyo awood ay kufashiliso mu’aamarada noocan oo kala ah, sidaas darteed ayay udag dagtay markii lagu dhawaaqay heshiiska xabadjoojinta in laxoojiyo howlgalada, laguna dhuujiyo cadawga culayska lagu hayo, lana muujiyo inaanay shaqaynkarin xabadjoojintaas, lana cadeeyo inay kudhimatay meeshii ay kudhalatay xabad joojintu, noqotayna khad ku dulqoran warqad, aragtidaydana heshiiskaas wuxu fool xumeeyay kuwii saxiixay, maxaa yeelay wuxuu daaha kaqaaday inaanay matelin muqaawamada, waxayna noqdeen kuwa ka go’an shacabka, taasina waxay khasaaro u tahay iyaga oo kaliya,Mas’alada 7 aad Mas’uulka dalbada ciidamada qaramada midoobay, ama  amra xabad joojin lala galo cadawga, ama niyaysta inuu awoodda laqaybsado dowlada dabadhilifka ah, mas’uulkaasi maku leeyahay wax dhaaca ah arimahaas aan soo sheegnay?Jawaab: hadii ay noocadaatay adilada sharciga ah, iyo cadaymaha ku dhisan caqliga, in xabad joojin lala galo cadawga, ama la dalbado ciidamo caalami ah, ama lala qaybsado awoodda xukuumada dabadhilifka ah, hadii ay dhacaan arimahaas oo dhan waa macsiyo, cidna lagu adeeci maayo macsida Alle, ha ahaato mid madax ah ama madax looyahay, waxaana udaliil ah oraahda nabiga(s.c.w)(( على المرء المسلم  السمع والطاعة فيما أحب وكره إلا أن يؤمر بمعصية فإن أمر بمعصية فلا سمع ولا طاعة))  ولقوله صلى الله عليه وسلم (( إنما الطاعة في المعرفة )) Qofka waxaa ku waajib ah inuu ku adeeco mas’uulka, waxa uu jecelyahay iyo waxa uu kahanayo labadaba, ilaa in macsiyo lafaro mooyaane, hadii la amro macsiyo laga maqlimaayo luguna adeeci maayo, oo waxaa u daliil ah oraahda nabiga (s.c.w)لا طاعة لمخلوق في معصية الخالق )).Makhluuq lagu adeecaayo macsiyada khaaliqa, Jumaladan  dhahaysa cidna lagu adeecimaayo macsiyada Alle, macneheedu maaha wax daaca ah maleh , ee wuxuu leeyahay daaco wixii uu faro oo aan ahayn macsida Alle, waxay ahaayeen muctasim iyo ma’muun khaliifooyinka muslimiinta ,waxayna muslimiinta ku lahaayeen dhaaco kaamil ah , wax walba oo ay faraan oo ah toosinta diinta, iyo wanaajinta racyada (bulshada), laakiinse lama siinin dhaaco marka ay timaado masaa’ilkii ictizaalka ,ee ahaa qur’aanku waa makhluuq, iyo kuwa aan ahayn oo badan, maxaa yeelay arinkaasi waa macsiyo, Alle lagu caasinayo,iyo lumid laga lumayo manhajkii ahlu sunada, waxay ahaayeen culumadii muslimiinta kuwa kala kulma arinkaas jirdil iyo ciqaab Alle kaliya uu garanayo, ibnu taymiya wuxuu ku yiri  minhaaju sunaha (86/2) ma aanay waajibin in imaamku uu yeesho dhaaco mudhlaq ah (aan xad lahayn) ee waxaa la waa jibiyay dhaaco wixii shareecada ku banaan mana banana in laysku adeeco macsida ALLE ujeedada samaynta imam ay muslimiintu lee yihiin waxaa weeye ka ilaalinta dowlada muslimiintu leeyihiin cadawga fulintua ku dhaqanka shareeca islaamka faridda wanaaga iyo reebista xumaanta,hadii aanu xaqiijin imaamku intaa wax kamid ah, uuna kashaqaynayo wax kasoo horjeeda arimahaas, uuna u dadaalo inuu diinta baabi’iyo, booskeedana uu geliyo qawaaniin laqoray oo uu kaalmaysto cadawga umada, uuna u gacan geliyo dhulka muslimiinta cadawga si ay u gumaystaan, ama uu ku raali noqdo arintaas, waxaa waajib noqonaysa in la rido.Mas’alada 8 aadSoomaaliya oo ah dal muslim ah , in badan oo siyaasiyiin, aqoonyahan, indheergaradka ah ayaa waxay leeyihiin wadanku wuxuu ku jiraa khatar, sidaa darteed waxaa loo baahanyahay wax walba inaan dhinac iska dhigno, wadanka mooyaane, waxaana ugu horeeynaayo waxa dhinac layska dhigayo dhismaha dowlad islaami ah oo kudhaqanta shareecada islaamka, aragtidoodana waxaa weeye wadanka ayaa kamuhiimsan diinta, hadaba maxay shareecadu ka qabtaa arinkaas?Jawaabta su’aashaas waa layska wada yaqaan, diintu waxay ka horaysaa wax walba, oo xitaa ay ku jiraan shantii daruurada(muhiimka) ahayd, waxay ka horaysaa nafta, caqliga, sharafta iyo maalka, miyaanad arkayn dadka waxaa lagu waajibiyay inay ka hijroodaan dalkooda iyagoo labaxsanaya diinkooda, Alle wuxuu ka yiri kuwa diinta kadoortay dalkooda,{ إن الذين توفاهم الملائكة ظالمي أنفسهم قالوا فيم كنتم قالوا كنا مستضعفين في الأر قالوا ألم تكن أرض الله واسعة فتهاجروا فيها فأولئك مأواهم جهنم وساءت مصيرا. إلا المستضعفين من الرجال والنساء والولدان لا يستطيعون حيلة ولا يهتدون سبيلا . فألئك عسى الله أن يعفو عنهم وكان الله غفورا رحيم}Sida diintu ay uga horayso dalka, ayay naftuna uga horaysaa, sidaa darteed ayuu mujaahidku ula dirirayaa cadawga Alle , si ay kor unoqoto diinta Alle darteed,  haday doonyo ruuxdiisu ha ku baxdee, imisa milyan ayaa ay ruuxdoodu ku baxday arinkaas dushiisa , lagasoo bilaabo maalintii lasoosaaray nabiga  (s.c.w), ilaa maanta aan joogno, muslimiintu waxay bixinayeen ruuxdooda,diintooda darteed, wuxuuna ku mutaysanayaa,sharaf Alle agtiisa,  { ولا تحسبن الذين قتلوا في سبيل الله أمواتا بل أحياء عندربهم يرزقون . فرحين بما آتاهم الله من فضله ويستبشرون بالذين لم يلحقوا بهم من خلفهم ألأ خوف عليهم ولاهم يحزنون}Waxaa waajib ah in ladifaaco dalka, laakiin lagu difaaci maayo in laga tago diinka, haday iska horyimaadaan xifdinta wadanka iyo diinka, waxaa waajib ah in dhinac layska dhigo wadanka, oo laxifdiyo diinka, sida qofka ladooran siiyo inuu joogo dalkiisa oo uu ka baxo diinkiisa, ama uu labaxsado diinkiisa oo uu ka tago dalkiisa, waxaa waajib ah inuu labaxsado diinkiisa, xitaa hadii ay ka dhalanayso inuu ka tago dalkiisa iyo guryhiisa,{للفقراء المهاجرين الذين أخرجوا من ديارهم وأموالهم يبتغون فضلا من الله ورضوانا وينصرون الله ورسوله أولئك هم الصادقون}Waxaa waajib ah in laga  tago wadanka, iyadoo lala baxsanayo caqiidada, iyo in loo gargaaro dadka dulman, iyo in la’badiyo muslimiinta meelkasta oo ay joogaan, mana banana in laysku duleeyo dalka,ehelka iyo qaraabada darood, Alle wuxuu yiri sareeyee{ إن الذين آمنوا وهاجروا وجاهدوا بأموالهم وأنفسهم في سبيل الله والذين آووا ونصروا أولئك بعضهم أولياء بعض والذينآمنوا ولم يهاجروا مالكم من ولايتهم من شيء حتى يهاجروا…}Arinkaasina waa kii nabiga kasaaray (s.c.w),magaaladiisii maka, maxaa yeelay qowmkiisii ayaa ku ciriiriyay, ma ayna aqbalin diinka, iyo in lagu dhex faafiyo ,wuxuuna nabigu ka doortay diinkiisii,magaaladii iyo ehelkiisii,markaasu u haajaray madiina, oo uu dagay, ilaa laga oofsaday, oo lagu aasay, wadaniyda hadii aysan lasocon diin waa jaahiliyo,waxayna ka dhigeen wadanka raacida iyo kaberinoqoshada,(walaa wal baraa) aragtidooda waa walaalkaa kan kula degan dalka haduu doono gaalba ha ahaadee,qofka ka baxsan xuduuda   dalkaaga waa ajnabi , haduu doono mu’min taqi ahba ha ahaadee, sidaa ayuu ku go’ay xiriirkii umada muslimiinta, oo uusan uga dhexeyn wax gargaar ah, oo waxaad arkaysaa in walaal muslim ah ay dhibku hayaan cadawga islaamka. Mid kalana uu ku raaxaysanayo dowlad la’daris ahtaa lagu dhibayo,wax kala geeyana ayna jirin ilaa xuduud beenaad ay dhigeen cadawgu mooyaane, waxaas oo dhami waxay u adeegayaan cadawga waxayna kala gaynayaan safka muslimiinta,   Gaba gabadii waxaan dhambaal u dirayaa geesiyada mujaahidiinta:Walaalahayga imaanka iyo caqiidadoow, waxaa farxad ii ah inaan idiinku hanbal yeeyo, waxa aad sameeynaysaan oo ah inaad kor uqaadaan raayada islaamka, dhowrtaana umada muslimiinta iyo karaamadeeda, waxaana Alle wediisanayaa inuu naga aqbalo ,camalkeena wanaagsan,uuna ka aqbala walaalaheena shihiiday shahaadadooda, isaga ayaa arinkaa awooda, Mujaahidiintow: waxa socda maalmahaan, oo ah wadahadalo lalagalayo qaramada midoobay, waxaanu shaki kujirin ujeedada lagaleeyahay inay tahay,  in la hor is taago guusha usoo gaartay muqaawamada wax kayar qaanso iyo xarigeeda, dhaq dhaqaaqyadaa oo dhani waxay udhacayaan in lakala geeyo muqaawamada darteed, waxaan cidna ka qarsoonayn wadahadalada socda in ugu danbaynta ay ku dhamaanayaan, in labaabi’iyo muqaawamada,hubkeedana loo dhiibo ciidamada qaramada midobay, kadibna lagu biiro dowlada dabadhilifka ah, ama lanoqdo xisbi siyaasi ah oo mucaarad ah oo ka qaybgala doorashooyinka 2009.Mujaahidiintow: jihaadku wuxuu leeyahay ahdaaf waaweyn, oo ay ugu sarayso in la koryeelo raayada islaamka, ahdaafta kale oo dhanna iyaday dabajoogaan, oo ay ka farcamaan, waxaa la waydiiyay nabiga nin udiriraya qabyaalad, ama in la arko booskiisa, ama inuu helo qaniimo, yaa ku diriraya jidka Alle?Nabigu wuxuu yiri(من قاتل لتكون كلمة الله هي العليا فهو في سبيل الله)Qofkii u dirira inay noqoto kalimada Alle mida saraysa, isaga ayaa jidka Alle mid ku diriraya ah.Mujaahidiintow: Allaan idinku dhaariyee jihaadku ma wuxuu ku dhamaanayaa in loodhiibo hubka  mujaahidiinta qaramada midoobay, dabadeedna loo hogaansamo awaamirteeda, sidaa ma’waxaa looga jeedaa koryeelida kalimada Alle?Mujaahidiintow: Allaan idinku dhaariyee jihaadku ma wuxuu kudhamaanayaa in lagu biiro xukuumada dabadhilifka ah, oo lalaqaybsado awoodda, masaasaa koryeelida kalimada Alle ah?Rasuulku  wuxuu yiri(من قاتل تحت راية عميّة يدعوا لعصبية أو يغضب لعصبية فقتلته جاهليةٍ ) رواه مسلم Hadii dagaalku uu yahay casabiyo qabaliyo darteed, aragtida ahi waa dagaal jaahili, balkawaran hadii dagaalku uu ku dhamaanayo ugu danbaysta, in loo dhiibo dalka ciidamo shisheeye oo gaalo ah, aanan u ilaalinayn mu’minka qaraabo nimo iyo saaxiib nimo toona, ama uu ku dhamaado awoodda oo lala qaybsado xukuumad aad waqti dheer ula dirirayseen Ilaahay dartii.Mujaahidiintow: hadii aad udirirayseen koryeelida kalimada Alle, waxaa laydin karabaa inaad joogtaysaan dagaalka aad kala horjeedaan cadawga, ilaa uu kaboxo askeriga ugu danbeeya ee ithobiyaanka ahi dalka, waxaana idinku waajib ah inaad gacmaha is qabsataan oo aad midaysaan kalimadiina, iyo sufuuftiina, arinkaasin wuxuu inaga ilaalinayaan mu’aamaraadka caalamiga ah IllAAHAY idan kii, Alle wuxuu yiri sareeyee والله الموفق والهادي الي سواء السبيلWAXAA QORAY OO KA JAWAABAYSHEEKH:Dr:CUMAR IIMAAN ABUUBAKARF.G: waxaa jiri doona su’aalo iyo jawaabo raaci doona kuwaa oo u bixi doona si maalin dhaaf ah 



www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco

13 Comment(s)

  1. waad mahad santihiin qoladiinan soogud bisay fatwada sheekhana alaah haka abaal mariyo dadaalka uu kubixinayo diintiisa iyo dalkiisa dadkiisa. aadna waan ugu faraxsanahay, jawaabaha qiimahabadan uukagajawaabay, waxaan udardaarmayaa dhamaan culimadakale iny sidaas ookale ubaraarjiyaan shacabka, ugunabaaqaan midnimo iyo waxiska dhicin wax aan jihaad ahayn oo xal lagugaarikaraa majiromaant xaalada taagan midkale waxaan arkaa inculimdu hogaamiso jihadka silooga boxo kalaqaybsananta yareejirta. oo ayculimadusaaxada joogaan waxaan rajaynayaa hadiitaalahelo in isbadal wayn dhicilahaa.alaah xaqa hanagusugo amiin

    bashiir | Jun 28, 2008 | Reply

  2. waa sax shiiqa

    sharci | Jun 28, 2008 | Reply

  3. Waa sax shiihku. Walaalaha muslimiinta ahoow websitekan Goobjoog yay u shaqeeyaan? Waar kuwaan Goobjoog shiikha ayay aflagaado ku hayaan? Ma basaasiin baa websiteka iska leh? Anigu kolay wa ka yaabay.

    Xasan | Jun 28, 2008 | Reply

  4. asalamucalaykum wr wb

    sheekha ilaahay hakajasaa’i siiyo masalooyinka isdaba jooga ahaa ee uu kaga fatwooday waxa maanta taagan , sheekh ilaahay dartii ayaan kuusoo jeclaanayaa hada nin adag ayaan kuu arkaa , inkastoo aan aad kaaga soo herjeeday markii aad asmara aaday , laakiin kol hadii aad sidaa xaqa u bayaamisay ilaahay hanagu anfaco , jazaakallahu khayran

    taageere alshabaab

    mahad | Jun 28, 2008 | Reply

  5. a a wr wb waxaan leeyahay Dr iiman soomaaliya waxay u baahan tahay heshiis dhab ah sababta oo ah ilaa iyo 1991dii ayaan xabadku soo jirey wax kastaba ha qaadatee ma ahan in dagaal aan natiijo lahayn maalin walba la huriyo dad aad dureysid ee warqada saxiixayna waxaa haboon in aad sida si wacan ula hadashid.A A WR WB.

    ismael jabarti | Jun 28, 2008 | Reply

  6. Asc walaalayaal qofkii xaq doona ee rabay inuu xaqa u cadaado kuna wareersanaa shirqoolkan qaryadan jabuuti lagu soo maleegay xaqa waa la cadeeyey sheekhana alle haka ajar siiyo fadwadaas cilmiga ku salaysan ee qofkii mugdi kaga jiray qolyahaas jabuuti waxa ay dhoodhoobayeen u iftiiminaysa ,hadaba xaqu waa cad yahay kii raaci lahaa iyo kii iska indha tiri lahaaba

    Deeq | Jun 28, 2008 | Reply

  7. Bismillah.

    Asalaamu calaykum.

    Marka hore jazaakALLAHU khayran.

    Cilmiyari daraadeed xaqiiqatan wax badan oo caqligayaga ka guuxayey ayaad diin ahaan ku sheegtay, meel aan xujo uga doonana aanaan hayn, taasi waxay na tusinaysaa dadka waxaa ugu aftahansan cidii ALLAHA waxa aftahan la yidhaahdo abuuray iyo xikmada oo ah goorta ay aftahanimadu dhacayso ama ay ku haboontahay in la yidhaa, waayo maraysan ahayn hadaad tidhaah aftahan noqon maayee hadal iska caadiya ayuu noqonayaa, kii diintiisa barta ayaa dadka ugu aftahan san.

    Dadka weliba caqliga iyo aftahan nimada u saaxiibihi walaalayaaloow noo barta diinta aan maalin ay umada ku madoowdahay xaqa ugu iftiimasaane.

    WABILLAHI tawfiiq.

    ku darso | Jun 28, 2008 | Reply

  8. Alxarba wa silmi madaxdaa iska leh, haddaan lagu adeecin waa fowdo, Xabbadjoojinta Xammaas iyana ma macsi baa illayn Yuhuud dalkii kama gurine. Dintase halkee lagu xukumi hadii dalkii gacanta ka baxo. Sidoo kale culimada jihaadka dadka faraysa oo xabbada hajojin leh iyana aan gudihii tagayn sow yaab ma aha? Ictiqaadka Shaqsiga ah oo diintaada ka laabo lagu dhaho kaasi dib udhigis ma leh, laakiin tan isku xukunka ku level ma aha taa hore, balse taa hore xattaa baa qofkii la ikraaho xatta qiil la siiyay ee taana maa la caddeeyo. Dagaal aan haatan lagu dul dhisin nabad, hadduu ku danbeeyo dawlad islaami ah oon la helin iyo tu kale iyo wadaadadoo hubka iyo dagaalka si uun uga baxa yaa ka mas’uul ah. Alshabaab markay horey idinkugu sheegeen inaad cilmaani wax la qaybsateen oo ay macsi u arkayeen ma saxsanaayeen inay madaxda adeecin illayn waxay macsi u arkaan bay idinku haysteene mase xaq u leeyahay qof aan madax ahayn inuu caasiya dadka faro waxaysan macsinimadeeda caddayn. Heshiiskii Nabiga scw galay ee Xudaybiya saw isagoo xaj loo diiday sanadkaa, kuwa soo Islaamana soo celi la yiri sidaa ma saxiixin? sow taasi cashar kuma jiro sheekhow.

    Cumar | Jun 28, 2008 | Reply

  9. fadlan markaad qoreysaan aayadaha quraanka ah si fiican ha loohubiyo sida ay u qoran tahay maxaa yeelay quraanku maaha wax sidii doono loo qoro tusaale aayada aad kor ku soo qorteen ee ?? ????? ?????? bal fiiriya oo saxa sida ay u qoran tahay

    mahadsanid

    cali | Jun 28, 2008 | Reply

  10. jahaadku shuruudo ayuu leeyahay,shuruuda ugu wayn waxaa weeyaan IN LA HELO AMIIR-UL-MUSLIMIIN AH oo ay dhamaan muslimiintu ka amarqaataan, hadii uusan jirin sheeqow yaa fidyoonkara jahaadka, Dowlad la soodiroortay oo ay isku afgarteen dad Muslimiin ah, Haba xumaado Sharciga ay dajisteene lakiin hadii la raacilahaa dhibaatooyin badan laga badbaadi lahaa, ayay ka hortageen, MUSLIMIKU MEEL DHEER INUU WAXKA FIIRIYO AYAA LOOBAHAN YAHAY EE HADII HOOS LA FIIRIYO WAA DHIBAATO, MASAAKIINTU SIDEEBAY KU BADBAADI KARAAN, IYO SU’AALO KALE OO BADAN IN LA ISWAYDIIYO AYAA LOO BAAHAN YAHAY

    GAALADA IN LALA JAHAADO WAA WAAJIB LAKIIN INTA AANA LA ISKA BOODIN UUN WAXYAABA BADAN HA LAFIIRIYO, FADWADANA MEESHA AY KU HABOONTAHAY HA LOOGU FIDWOODO

    WABILLAHI TOWFIIQ

    misbaxdin cabdiwahaab | Jun 29, 2008 | Reply

  11. ?? ????? ?????? ???????? ????? ?????? ????? ??? ???? ????? ??? ???????? ?? ???? ?????

    WAAD QALADEEN EE QURAANKA SAXA ILLAAHAY YAABOO WAA KALAAMU LAAH SI UUSAN UQORNAYN HADII AAD U QORTAAN WAAD QALDAYSAN QAANA KHADAR CADIIM

    misbaxdin cabdiwahaab | Jun 29, 2008 | Reply

  12. hadii dagaalka xamar kasocdaa uu yahay fardu-cayn sida uu sheegayo cumar iimaan maxaa dhigay isaga asmara oo aan og nahay inuu madax ka yahay nion gal ah

    nasri | Jun 29, 2008 | Reply

  13. ASC dhamaan Umadda Soomaaliyeed:

    Wxaan aaminsanahay mar hadii uu qof weerar ah kugu yimaado gurigaaga oo uu rabo Naftaada´iyo Maalkaaada waxaa aqliyan ah, diiniyan oo lagama maarmaan ah inaad ku dadaasho, ku dagaasho badbaadinta nafta iyo Maalkaada. Hadaba maxaad ku qiyaasi kartaa wadan wadan kale ku soo duulay oo qabsaday?
    Hadaba waxaan rabaa in aan idin soo gudbiyo sheeko na dhax martay aniga iyo nin Turki ah oo aan jarmalka wada deggen nahay. Saaxiibkan Turkiga ah ayaa i weeydii in aan fasax ku tagay dhulka hooyo iyo in kale, markaas ayan ku iri 20 sanno ma tagin oo dhulkeeygii Hooyo dagaal ayaa ka socoda waxaan nagu soo duushay Itoobiyo ooo taageera kale heleeysay Mareeykanka. Waxuu iigu jawaabay maxaad halkan ka qabaneeysaa ma haduu dhulkaadii dagaaal ka socodo? Waxuu ku daray waa inaad baxdaa oo aad dagaaalka ka qeeyb gashaa, markaas ayuu yiri hadii maanta Turkiya dagaal lagu soo qaado halkan fadhiyi maaayo ee dagaalka ayaan ka qeeb geli lahaa waani waaajib i saaran adna ku saaran in aad Soomaaliya tagto oo cadwga ku soo duuli la dagaalantid. Hadaba Soomaaliyeey wadaninimo waa loo dhashaa ee lay<skama dhigi karo ee aan wadankeena difaacano inta ya goori goor tahay.

    Mahada Idileed waxaa iska leh Allah.

    Wa Bilaahi Towfiiq

    Y.Ogle
    Geramany

    Y. Ogle | Jul 6, 2008 | Reply

Fikrad ka dhiibo