Marka Ugu Horaysa waxaan U tacsiyadaynayaa, Umada Reer S/Galbeed {Ogadenia} Geeridii Ku Timid Sheekheenii Sh. Ibraahin Aaabihii Halgankeena
Marka Kuxigta Waxaan Idin Xusuusinayaa, In Qof Walbaa Dhimanayo, Geeridana uu Dhadhaminayo Xnuunkeeda, Markaas Kadibna Uu Helayo Wixii Uu Shaqaysatay, Hadii Qof Waarayo oo aanu Dhimaynina Nabigeenii Suubanaa {S.C.W } Ayaa Noolaan Lahaa oo Aaan Dhinteen.
Marka Sadexaad Sheikh Ibraahin Iyo Barashadiisii ,
Kulankii Kowaad iyo Labaad :-
Sh. Ibraahin Abdalla Waxaan Xamar Ku Arkay Wakhtigii Dawlda Soomaliya Ay Dhisnayd Laakiin Waan Yaraa oo Si Sudfo aha ayaan Ku Arkay Magaciisuna Waan Maqli Jiray, Laakiin Markii aan Si Toos aha Sheekha Ubartay una Arkay una Horfadhiistay Waxay ahayd, Maalin uu Yimid Magaalada Qadiimiga aha ee Q/DAHARE OO Aan Filayo Taariikhdu Inay ahayd 1993 dii, Waxaa UU Khudbad Dheer oo Dhinacyo Badan taabanaysa iuu Ka akhriyay Xafiiskii ONLF Tu ku lahayd Isla Magaaladaas oo Kuyaalay Marka Dhanka Tuulada dallaad Loosiibaxayo oo kutaala Wadada Jay Cadaha aha EE Dhanaan iyo Goday sii aada, Khudbadii Dheerayd Waxyaabah uu Kuqaada Dhigay waxaan Kaxuustaa inkastooy Mudo Fog ahayd, Qodabadan Hoose.
A- Shacabka S/galbeed { Ogadenia} Waa Xoroobayaa Mar Dhaw Insha alaahu . Ishaaroyin Tusinaya ayaana Muuqad oo bishaarooyin aha .
B- Nimankan Wadankeena Xooga Ku haysta Waxba Yaynan Xafiis Furta Na Odhan Wadankan Anagaa Iska Leh Wayna Kahulehi Doonaan,
C- Dagaal Waalama Huraan ee Diyaar Garooba –Xusuusin {Waagaas Onlf Wali Maynan Bixin oo Ma Dagaal Galin },Wuxuuna Kudheeraaday Sheikhu Taariikhdii Soo Yaalka ahayd ee halgankeenu Soo mary , Isagoo Sheegayay Cashirada Laga Faaiidaysat Mid walba……………
D- Wadanka Wixii Lagu Xorayn Lahaa Xaqiibadaydaas Ayuu Kujiraa{ Markaasay Dadkii Meesha Fadhiyay ONLF-na Ubdanaa, Is Waydiinayeen Waamaxay Xaqiibadu}- Waana Boorso uu Markaas gacanta Kuwatay Sheekha Halgamaaga aha
E- Shicaaraadka uu Adeegsanayay Waxaan ka Xusuustaa ONLF Ha Guulaysato iyo Good Ayaan Nidhi ONLF Iyo Suulka oo UU Taagayay isagoo Markaas ONLF KU Amaanaya,
F- Waxaa Kaloo Hadalada uu Isticmaalayay Kamid ahaa, Tigreey Waxay Samaysay Ururo Farabadan iyagoo Ku Minjaxaabinaya In Umadu Hal URURU Isgu Timaado oo Markaas uu Uwaday ONLF Waa In la isugu Yimaadaa
G- Iyo Qodobo badan oo aanan Halkan Kusoo Koobi Karin ,Markuu Khudbadii Dhameeyayna Aaad Ayaa Loogu marxabeeyay, Habluhuna Alalaaska IYO Durbaanka ayay aad Isula wadeen Raguna SACABKA IYO Amaanta ONLF ta, Hase Yeeshee Markuu dhameeyay Khudbadii Irida ayaan toos Uga Baxay, Dadkii Ugu Hor baxayna Waan kujiray,Anigu Inaan Sheikha Barto waan Jeclaa Markaas Taariikh Fara badana Aaan Kafaaiidayso Waayo Qalin Iyo Buuk Aan Qodabada Muhiimka aha Ku Rajiisgaraysto ayaaban Watay Waxna Waa Ku Qortay Xaqiiqatan ,Laakiin Ururka ONLF ee Sheekhu Markaas Uhadlayay Ma Jeclayn oo Sacabna Matumin Heesaha ONLF Lagu amaanayayna Ma Qaadin mana Aqoonba
Taasina waa Kulankii Labaad
Kulankii SADEXAAD:-
Waxaan Kula Kulmay Buuraha Qari Jiqood Dhexdooda aha Waana Markii sheikha Lagu Weeraray WARDHEER ee uu Kasaa Tagay War Dheer oo uu Buurahaas Galay una Tagay Wadaadadii oo Markaas Xarumahoodu Ubdnaayeen Q/JIQOOD,Dhawr maalmood ayaan lakulmay Markii Ugu Horaysay Tuulada GARASLAY Ayaan Kula kulmay Sallaan iyo Marxabayn Ayunbayna ahayd, Markii Labaadna Isla Tuuladaas Ayaya Ahayd waxaana Damcay Inaan Sheikha Kaduubo Taariihda Gobalka iyo Halgankii Labao Cajalood oo aan Watay ayaana hawshaas Udiyaarsaday, Waxaana Noo Diiday Wiilal Sheikha Markaas lasocday Sababtiina Inana Hada Halkan kasheego ay Cudurdaarka Kadhigteen madoonayo, Laakiin Diirane oo markaas ONLF Ta Hogaanka Dagaalka u ahaa Ayaana U Aanaynayaa Arintaas, Laakiin Afkuu Sheekhu wax Nooga Tuurtuuray aanan Duubin markaas Aaadna Ukoobnaa
Kulankii AFRAAD:-
CODSI Aan Codsanay Sheikha Ayuu Noogu Yimid YEMEN
-anagoo Arday Badan aha Lehna Munadamo Ay Ardada Gobalkaasi Ku Midaysan Yihiin Lahadalanay Sheikha oo JOOGA Dalka Imaaraadka Carabta Waxaan Nidhi inaad noo Timaadaan rabnaa Aaad ayuuna Usoo Dhaweeyay Wxaa uuna Naga Codsaday inaan Fiiso Usoo dirno Isla Usbuuc Gudihii ayaan UGU Dirnay Fiiso waana Noo Yimid waxay Taariikhdu ahayd 1999 kii Saan Filayo ,waxaa uu Khudbadiisii iyo Waanadii aanan Waligay Iloobaynin Noogu Jeediyay Huteel aan Ugu tagnay angoo arday Badan aha Huteelkii uu Daganaa oo Kuyaalla Taxriir, Markuu Taariikhdii iyo Waraysigii Dhameeyay Ayaan Anagana Uga waranay Xaaladanada K arday ahaan iyo Waxbarsahadanada iyo Duruufaha aan wax kubarano,waxaa Kaloon warbixin kooban kasiinay,Bulsha Waynta S/GALBEED{Ogadenia} ee Joogta Dalka YEMEN, AAD Iyo aad ayuu Noo Mar xabeeyay Kadibna waxaanFuranay Waydiin Su,maalo Nin walba waxa uu Tabanayo ama Mugdi kagag Jira Seikha, Su,aalo badan oo aanan Halkan kusoo Koobi Karin ayaan waydiinay, Waxaanse Hada Xusuustaa Su,aashii aan Anigu Markaas waydiiyay Sheikha, Waxayna Ahayd, Sheikh Abdalla Sallaan Waalidnimo kadib, Wadankii Aaad ayaad Taariikh ahaan iyo Halgan ahaan Nooga warantay Kuwii kaa Faaiidaysa ee Halkaas kasii wadana Alaha Naga Dhigo,Hasa Yeeshee Labo Urur oo Midna Kaad Adigu Gudoomiyaha Utahay aha Midna Wadaado aha Ayaa Gobalkii Kadagaalama Waxaadna Noo Sheegtay inaad wadaan In Lamideeyo laakiin Ayna Ilaa hada Midoobin, Marka Hadii lamideeyo Waa saad Adiguna Doonayso Umada Dhamaanteedna ay Doonayso, Marka hadii Taas Lagu Guulaysan kari Waayo ,Maxaad Ku Talinaysaa Ka NIN Culimo aha ahaan iyo Ka Non Khabiir aha ahaan Ma Onlf ayaan Galaa oo aad Nagula talinaysaa Mise….Wadaadada, Markaasuu Intuu Muusooday Yidhi, Hal arin Qofku hadii uu Ogaado Arinta Tacasubka waa uu ka Dhamaanayaa,…..Hadii Qofku uu Ogaado Halganka Macnihiisa,tacasub waa Iloobayaa, waayo Macnaha Halganka ayaaba waxaa uu Yahay Hadba QOFKII ama UMADII Ama URURKII Halganka wada inaad Wax Lawadaaagto, Tusaale ahaan Hadii hada ururada dagaalamaya ee aad Ogtihiin bari midi Qoriga Dhigo Waa inaad kan Diiday Inuu Dhigo raacdaa, waayo Adiga Qadiyadaadu Waa HALGAN, ee Ma aha URUR Hebal , ee Waxaan Idinkula Talinayaa Hadba Ururkii Dagaalamay ee Nasaarada umadeenii Dilootay Xabad Ladhacaya lajira Magacuu Doono hawto, Astaantuu Doonana Hayeeshee…………..Gadaal ayaan Eraygaas macnihiisa oo Saxan kafahmauy ,laakiin Markaas anigu URUR Ayaan Ku Ta,athursanaa oo ii Cadaa uun.
Kulankii SHANAAD:-
Waxaa uu Sheekhu Noogu Yimid Wadanka YEMEN Anagoo arday aha ayaana Qaabilay,waxaa uuna Muxaadaro Kajeediyay Hoolka Wayn ee Jaamacada SANCA Waxaana Kasoo Qayb Galay Khalqi Farabadan oo Carab iyo Soomaliba leh,waxaana uu Sheekhu Ka Hadlayay Asalka Geeska afrika inuu Yahay Carab ,Afka Somaliguna Yahay Lahjo Laga Dhanbalay Carabiga, Muxaadaro aad Uqiimo badan ayayna Ahayd aragtidayda,
Isla Habeenkii Muxaadaradu Dhamaatay Waxaan Sheekha Ugu tagnay anagoo Arday fara Badan aha Huteelkii uu Daganaa oo Ku Yaalay Inta Udhaxaysa Taxriir iyo Baabul-Yeman, Su,aalo badan ayaanu waydiinay wakhti dheerna Waan lajoognay Wax Sheeg iyo Tusaalayn badana waan Kaqaadanay, Dhaliilo aanu Markaas Is Tusnay aniga iyo Labadaydii rafiiq ee Ila socotayna oo kusaabsanayd Ururka ONLF-na Waan Usheegnay,Waana uu Kagaraabay, BAL,E Waxaa uu nagu Yidhi waxaan Jeclaan lahaa Dhaliilahaas aad dareemaysaan ana waan Dareemayaaye,intaad Ururka gasahaan inaad Idinkoo Aqoonyahano aha aad Saxdaan Meelahaas Khaldan waxaana ka Xusuustaa, Uurka Onlfta Aqoonyahanada Kasbashadooda Ihtimaam Masiiyaane waa Sidee……?/ waxaa kaloo Kamid aha Adigaa SH. Ibraahin Thaqaafo carabi aha Leh adigiina Qoraa ayaad noqotay oo Hada Dhan kalaad ujeedsataye, Ururkuna Thaqaafadii Carabiga ahayd Waa Kuyarayd awalba hadana Waa Kasii Dhamaanaysaaye, Maxaa talo aha Ma In Thaqaafada URURKU Ahaato Reer Galbeed ayaa Wanaagsan Mise Thaqaafada Carabta ayaa Wanaagsan …..?/ Aad ayuu Jawaabtii Ugu Dheeraaday isagoo Cadaynaya inuu Isagu Intii uu Ururuka Mas,uulka ka ahaa uu Kuwaday Thaqaafo Carabi aha, Kadibna ragii uga Danbeeyay ay Ku Badaleen Thaqaafo Reer Galbeed oo Markaas uu Sheeikhu aad Ucaayay Tahqaafadaas Reer Galbeedka, Mar aan waydiiyay Isagu Madaama uu Qoraa Noqday Hadana uu Gaboobay … oo Loobaahan yahay rag uu Tababaro Si ay Hadii Tii ilaahay Durba utimaado uu Kuhalayn karo Xaga Turaathta Gobalka iyo Qorida iyo diiwaan Galinta Halganta Dahabiga aha …..?/ Ayuu iigu Jawaabay, Adeer Mar horana Eraygaas Waad Duqawday aha Ayaan Kaa Maqlayaye, Horta Eraygaasi waa uu Icajis Galinayaaye inaad iga Daysaan Jeclaan Lahaa, waayo Oday inuu Wahdasaa Lagu yaqaanaa , Laakiin Raqma Xanuunada iyo Da,da Ihaysa, hadana Waxaan Ku Wadaa intaan Furaashka Madaxa kor Uga Qaadi karo inaan Wado Halganka iyo Qoraalka oo Midba Mid Kamuhiimsan yahay Xaqiiqatan,.
Kulankii LIXAAD:-
Waxaa uu Sheikhu Noogu Yimid Wadanka YEMEN, Waana Markii Iigu danbaysay ee aan Arko Sh. Ibraahin, Sida Caadada Uahayd Sheikha Waanadiisu Madhamaatee, Waano iyo Taariikh iyo Xogwaran waxa Kasocda Geeska afrika ayuu Nooga waramay aad Ayuuna Markan Sheekhu Jidh ahaan daciif u ahaa , Laakiin markuu Hadlayo Libaax Dulqabow Loogu tagay Aynbaad Moodaysay COD Karida iyo hadal Toosnaanta,
Waxaan Ukulminay Ardaydii Hadal dheer oo Taariikh aha Laakiin hada aan fahmay inuu Dardaaran Oday Wax Garad aha Ahaa Ayuu Noosoo Jeediyay, Su,aalo badan ayaa Lawaydiiyay,Una Badnaa Ururka ONLF Waxaa uu xanbaarsan yahay magic QABIIL Ee Adaa Ururkaas Sheikh u aha ee Maad Magaca kabadashaan Waana uu Ku Dheeraaday Jawaabtii, isagoo Dadkii Su,aalaha Noocaas aha Waydiinayay oo aha Dad Gobalka Dagaan Kuleh Laakiin Abtirsiinyo ahaan Aan Ogaadeen ahayn, Waxaa uu Hoga Tusaaleeyay In Magacan loo Qatay Ku Meel Gaadh ahaan ,Hadii Lahelo Umad Gobalkaas Udhalatay oo Halgan kadhab Yahay Diyaarna aha oo Qoryaha Qaata Magacana Dhibayo In Labadalayo ,Laakiin haday Tahay, Diyaarna Ma ihi oo dagaalami mahayo Magacaasna Ma maqli Karo Aynan Taas Yeelaynin, Magacana uu yahay magic Wadanka Magacyada loo Yaqaano kamid aha, Haba kamuuqdo Waxaan Dadka Qaar KU Qancine, Hadii Laakiin aad Dagaal Diyaar Utihiin Nimankiina Magacaas Mucaarsan wax Qabadna uusan Kamuuqanin Maad Jabhada kale ee Wadata Magaca umada oo Dhan kulminaya RAACDAAN, Taasaa Tusinaysa Inaydaan Daacad Ka ahayn Halganka WADANKA
GABAGABO IYO GUNAANAD:-
Sh. Ibraahin Waxaa uu ahaa {1}-Siekh Caalim aha aad iyo aadna Ucibaado badan Ninkii Habeen Kaliya Lseexda ayaan ataas Ogaan kara + {2}-Oday Dhaqameed Odhaah Wacan + {3}-Halgamaa Ruug Cadaa aha + {4}-Aqoonyahan + {5}-Madaale isagoo Oday aha ayuu Halganka Meesha Ugu horaysa Kaga Jiray + {6} Taariikhyahan Ilaaliya Fifdiyana Halgamadii Gobalku Soo Maray,
Allaha Samir IYO Iimaan Inaga Siiyo Sh Ibraahin.
Wallaalkiin Gallad
gaaxiye@hotmail.com
Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Related posts:
an?ga haadaan ka hadlo ray? ahateyda waxaan dh?h? laaha dhamaan omada somal?galbeed ogadenya halagu deyst? sh ?braah?m cabdala maax waa ?leen waa oday aqoont?sa sareysa waana odayg? na fahans?ya ?n ey axmaaro xabad ma ahan e wax kalo aqoon marka dadka am?nsan ?ney tahay onlf qab??l moday caql?g?na ka shaqeysaya walaalyaal oo culumada weyd?ya ?n onlf halgankeda jahaaad yaha ?nu ahayeen m?da kale daka d??dan magaca ogadenya bal an xoroowno horta markaas aayan ?kugu ?maan donaa m?ska wada hadalaka waxaan dh?h? laaha galo waa tashaday e anaag an tashano reer ogadenyoow waxaan ?d?nkaga tagay qer waxan qalday ha l?ga saxo wxaan ahay b?nadan wan qaldam? kaara j?mca wanagsan scw