Ciidamo xirtay qeybo ka mid ah wadooyinka Muqdisho.
Published on June 28, 2008 by Somalimirror · No Comments ·
Ciidamo isugu jira kuwa Gumeysiga Itoobiya, DFKMG ah iyo kuwa sharciyaynaya Gumeysiga ee Uganda ayaa saaka xirtay wadooyinka KM4, Taleex, Maka al-mukarama iyo isgoyska Dabka ee Magaalada Muqdisho. Ciidamadan oo ku hubaysan gaadiidka dagaalka ayaa hor joogsaday in ay gaadiidka iyo dadweynuhuba isticmaalaan wadooyinkaas. Ciidamadan ayaa mararka qaar ridaya xabado teel teel ah oo ay la beegsanayaan dadka shacabka ah ee ku soo dhawaanaya. Lama garanayo illaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee ay ciidamadani u xirteen wadooyinkaasi balse waxa ay ku soo beegmaysaa iyada oo shalay sedan oo kale ay u xirteen ciidamadan wadooyinkan ka dib markii qarax xoogan uu ka dhacay nawaaxiga KM4 kaas oo aan la sheegi Karin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay. Inta badan Ciidamada ayaa xirta wadooyinkan marka ay xubno ka mid ah DFKMG ah ama Beesha Caalamka ay ka dhoofayaan ama ka soo dagayaan Garoonka caalamiga ah ee Muqdisho. Wixii warar ah ee ku soo kordha dib ayaan idinkaga soo gudbinaynaa insha allaah.
Related posts:
- Ciidamo xirtay qaar ka mid ah wadooyinka Muqdisho.
- Wadooyina gala Garoonka Muqdisho oo xiran
- Qaar ka mid ah Wadooyinka Muqdisho oo saaka xiran
- Qaraxyo iyo tacshiirado goordhaw ka dhacay isgoyska Howl-wadaag ee M/Muqdisho
- Qaraxyo iyo Tacshiirado Goordhaw ka dhacay Isgoyska Howl-wadaag ee M/Muqdisho