Qoys lagu laayay Kismaayo
By Somalimirror on 27 Jun, 2008 9:16 AM in Main, Wararka, Xadgudubyada
Xalay Saladii makhrib ka dib ayaa dabley hubaysan waxa ay qoys ku xasuuqeen Xaafada shaqaalaha ee Magaalada kismaayo, oo iyadu ay ka jirto amaan daro iyo maamul la’aan. Dableydan oo la sheegay in ay ku hubaysnaayeen qoryaha AK47 ayaa waxa ay hal guri ku dhex dileen wiil yar oo hal sano jir ah iyo mid kale oo 7 sano jira Sidoo kale Maleeshiyadan ayaa isla qoyskaasi ka dhaawacay Hooyadii caruurta dhashay iyo wiil kale oo ay dhashay kuwaas oo lagu dabiibayo isbitaalka dhexe ee Magaalada kismaayo. Qoyskan Aabahood ayaa la sheegayaa in xiliga ay dableyda xasuuqeysay uu ka maqnaa Guriga kaas oo u yimid reerkiisii iyo caruurtiisii oo isugu jira wax dhintay iyo wax dhaawacmay. Dableyda ayaa la sheegayaa in ay qoyska laayeen iyaga oo aan waxna weydiin isla markaana baas ooda uga qaaday qof waliba oo Guriga joogay taas oo keentay in ay noqdaan wax geeriyooda iyo wax dhaawacma. Lama garanayo illaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee ay dableydu u laayeen qoyskaasi, balse waxaa arintani loo aaneynayaa maamul la’aanta ka jirta Magaalada iyo waliba amni darada ka sii daraysa maalinba maalinta ka danbeysa.
www.somalimirror.com
Daabaco
U dir saaxiib

Loading ...
waxa meesha kara waa aargosi qabiil oon dhamad laheyn dadka musliminta ah ee magalada kunool waa iney is hubeyan oo kacdon hubesan iskaga dul qadan duliga ayagon qabil isku kala saren maha tani waxla firsakaro waa wajib muslimintu ka sexden
boqol jirow | Jun 27, 2008 | Reply
ina lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun waa masiibo aad looga murugooda wax la fiirsan karana ma ahan mooryaan aan alle iyo rasuul aqoon
Deeq | Jun 27, 2008 | Reply
walaahi waa masiibo ilmo sanad iyo mid todoba jira in loo dilo aano qabiil laakin arinkaasu waa mid u qaas ah ilka yarta iyo dad ducufka ee iimnaanka ilaaheey ka qaaday
guulane | Jun 27, 2008 | Reply
asc wrwb inaalilaahi wainaaileyhi rajacuun waa musiibo weyn in maanta caruurta somaliyeed saas lo xasuuqo oo eyna qaymo la heyn caruurta saqiirada aan waxba galabsan illaahey ha naga dul qaado musiibada nugu habsatey shacabka somaliyeed waa in allaah u noqdaa oo qurunka qabyaalada meel iska dhigaan oo ay xaqa raacan waa bilaahi tawfiq
layla | Jun 27, 2008 | Reply
bismilaah ilaahay samir & iiman haka siiyo reerka musiibada kuhabsatay waxa kismaanyana kajiraa waa waxashnimo raagtay oo ay isugu yimaadin cawaan u baahan wax in laga qabto insha alaa way soo dhowdahay.
mahad | Jun 27, 2008 | Reply
waxaa laga sugaayaa mujaahidiinta joogta jubooyinka iyo sh/hoose in ay dulmiga ka dul qaadaan dadka masaakiinta ah hadii ay doonayaan in illaah guuleeyo oo jihaadka siisocdo,waayo goboladaan koonfurta soomaliya kismaayo ilaa marka waxaa ka jira dhibaatooyin lagula kaco marasta waxaa laga iibiyaa biyaha wabiyada,waxaa laga qaadaa guri walba bishiiba lacago baad ah beerahoodana xoog ayaa loola wareegay,mujaahidiintana waxaad moodaa in ay waxyaabo kale oo yaryar oo aan illaah logu dhawaaneyn oo maslaxad ah dhowrayaan,gaar ahaan shabeelada hoose waxaa guri walba laga qaadaa bil walba baad oo xataa xeligii maxaakiimta joogsan waana sababaha keenay dadka deegaanadaas ku nool in ay mooden Xabashidii markii ay soo galeysey kuwa dulmiga ka qaadi doono s iodii ay u moodeen maxaakiimtii mid dulmiga ka dulqaadi doonta ,waxaase muuqata in labada jeerba kadsoomeen oo sh/hoose ma ka mid aheyn meelihii maxaakiimta dulmiga ka qaaday oo waxaa lagu raali galiyay riwaayad yar oo xelwareejin been ah oo loogu sameeyay beer ku taalay afgooye,markii ay yimaadaeen kuwaan dabadhilifka ahna waxaa isla beertii loogu dhigay riwaayad si ay u sii socoto dulmiga lagu haayo taasna waxaa tusaale u ah Taliyihii ciidamada ee indhacde uga masuulka ahaa gacan ku heynta gobolkaas ayaa weli gacanta ku sii haaya asagoo muqaawamadana ku beer laxawsada xoolo yar oo uu siiyo iyo warbixino aan qiimo weyn ku fadhinin oo u sooo gudbiyo,halka kalana doowlada u ah Askari si wanaagsan ula shaqeeya xaga sirdoonka taasoo keentay inuu labada dhinac ee mujaahidiinta iyo dkm ee dabadhilfkaba ka heesto kalsooni islamarkaana dadkii masaakiinta ahaa dhibaatasdii kusii socoto sida canshuuraha webiyada gobolka ,warta shalaanbood oo laga iibsado biyaheedo iyo guryaha oo lagu qortay Nambaro looga qaado lacago baad ah beerahoodana xooga lagu heesto,marka mujaahidiinta u kacay dalka difaaciisa si illaah u guuleeyo waa in ay dulmiga la dagaalamaan haduu ka socdo xabashi ama soomaali
asad | Jun 27, 2008 | Reply
to asad taa dulmi ayaad ula jedaa marka la eego marka waa meel amaana in kasto aan sharciga lagu xumin in wabiga biyihisa lago oo guryaha lacag laga qaado diintu wey ogashahey hadii dadka amankoda lagu bixinayo moryanta marka dhibato kuma heydo jihadka dadka shacabka ahna wey nabad galiyan arintodu madhib badna inkasto aaney cadalad mesha ku iman hadana qabyalad cidna wax umayelan waxan dhihilaha somalidu ha iska ilodo arinta ah qabilkaga meshan
boqol jirow | Jun 27, 2008 | Reply
inaalilaahi wa inaa ileyhi raajacuun waa in meeshan wax laga qabta oo dhiiga islamka la bad baadiyaa tani waa murugo inteeda le’eg walaalaha ciidamada islamka soomaliyeed waa iney talaabo kaqadan tuugada kismayo xooga kuheysta
abdikarim | Jun 27, 2008 | Reply
Waxay ila tahay dulmiga kismayo ka jira waxuu gaaray heerkii ugu xumaa, ilaa aynu hada arkayno in ilmo hal sano jira xabad madaxa looga dhuftay. 18kii sano ee dagaladu ka socdeen dalkeena waa markii iigu horaysay oon maqlo ilma intaa la eg oo ukas loo dilo waxaanse shaki lahayn in ilaahay dulmigaas fiirsanayn ee cid uun alla u bixin doono, aynu dhawro mardhaw tan ka dhacda.
Sahal | Jun 27, 2008 | Reply
Marlay dabadhilifyada dadnimo kamasogaayo oo caado iyo dhaqanbay uleeyihiin anay maatada birmagaydada ah bilaasababku xasuuqaan. waxaan dadka reer kismaayo odhanlaa walaalayaal dagaalamo oo duliga iska dulqaada marka aad ficil latimaadaan ayuu ILLAAHAYNA idinku gargaari doonaaye. Waxaanad ogaataan in aad idinku guusha leediin waayo xaqbaad ku diriraysaan oo guryahiinii iyo naftiinii baala idinku yimid, jabka iyo guul daadna waxaa leh dabadhilifyada dumarka iyo caruurta dhiigooda cadaystay inay bilaashku daadiyaan.
HAMAAS | Jun 27, 2008 | Reply
ASC
Innaa lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun
war dadka kismaayo jooga waa bahaloobeen
maalin walba wax laga naxo ayaa kasoo yeeraya
waxaan kula talin lahaa intooda fiyoow iyaga oo aan qabiil isu eegin inay is hubeeyaan
oo mooryaanta iska dhiciyaan wax ka nugul maleh
mooryaanta haddii lala diriro waxaa lagu bartay qab qablayaashi xamar markay maxkamadaha la dirireene haddii kale maalinba
ninbaa gurgiisa lagu dilayaa
Qabyaalad diid | Jun 28, 2008 | Reply
duli iyo dulmi la xambaarsaday sow badalkeeda masiibo iyo in cada w lagu soo hogaamiyo dalkeenii hooyo may noqon. ruux wwalba waa uu ogyahay wuxuu falay dabcigii dhaqankii iyo dadkii iyo dalkii yaa fidno u taagnaa ama kaga qeyb qaado af ama adin marka hore waa in illahay loo noqdaa qaluubta layska cafiyaa iyo camalka wanaagsan is xaq dhowrka walaaltinimo iyo tslaamnimo afkaada uu soo marin xumaan ama siriyan ama mid cadaan ah waa in aad tiraahdaa illahow qeyrkaada noogu deeq. Aamiin haddii kale somaliyaa tahoo dhex bood-bood xuman waa midoo waxaad arki doontaan in illahay cadaabtii soo dadajiyo illahaw naga badbaadi anaga iyo intii muslim ah ee imaanka sabarka illahay ugu deeqay . Aamiin
cajami | Jul 23, 2008 | Reply
Walal waxaad marka hore ka fiirsataan waxaad qoreysaan.
mida kale bahda wab beerdhiga waad ku mahadsantihiin sida xaqiiqada ah ee wararka aad u soo gudbisaan ilaahayna ha iidin waafajiyo runta meeshana ka wada
Abdiwali | Aug 21, 2008 | Reply