Burcad Gaadiid ku Rasaasaysay G/Sh.Dhexe

Published on June 27, 2008 by   ·   No Comments   ·   print

isbaro.jpgKooxo Burcad ah oo hubaysan ayaa waxay maanta rasaas ooda uga qaadeen kolonyo Gaadiid rakaab ah  oo marayay Deegaanka Fiidoow ee ku yaala inta u dhaxaysa Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe waxaana ka dhashay dhimashada Hal qof iyo dhaawaca 3 kale. Gaadiidkan oo ka soo kicitimad Degamada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug kuna soo jeeday Magaalada Muqdisho waxaa dhex u galay burcad hubaysan waxayna huwiyeen rasaas xoogan ayaga oo aan wax digniin ah siin taas oo sababtay khasaarahan soo gaaray Dadkii rakaabka ahaa. Dhaawaca dadkii ay rasaaseeyeen burcadu ayaa waxaa la soo gaarsiiyay Isbitaalka magaalada Jawhar kuwaas oo lagu dabiibayo goobtaas waxayna dadku sheegeen in Burcadu ay kala hareen wixii agab ahaa ee ay wateen kadib markay rasaaseeyeen gaadiidka. Sidoo kale dadkan socotada ah ayaa waxay sheegeen in ay kolonyadooda ka maqan yihiin 2 gaari kuwas oo aysan garanayn meesha ay jaan iyo cirib dhigeen waxaana laga cabsi qabaa in burcadu ay leexsadeen gaadiidkaas.  Burcadda ka dhex qawlaysata Gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe ayaa ah kuwo aad u arxan daran waxayna dadka socotada ah kula kacaan falal isugu jira Dil, Dhac, iyo kufsi waxaana dhawaanahan looga raystay Hawlgalo burcad sifayn ah oo ay deegaanadaas ka fuliyeen cutubyo ka tirsan MMIS oo ka arrimiya gobolka Sh/Dhexe.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Gaadiid La Dhacey oo Ku Xaniban Kontorolka Baydhabo
  2. kulankii G/Dhexe ee Isbahaysiga oo dib loo dhigay
  3. Burcad badeed Dalbaday $1 Milyan oo Dollar
  4. 2 qof oo ku dhaawacantay gaari rakaab ah oo ay dablay ku rasaaseysay degmada Wanla weyn ee G/Sh.Hoose
  5. Burcad weerartay Gudomiyaha Lego

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Gaadiid La Dhacey oo Ku Xaniban Kontorolka Baydhabo
  2. kulankii G/Dhexe ee Isbahaysiga oo dib loo dhigay
  3. Burcad badeed Dalbaday $1 Milyan oo Dollar
  4. 2 qof oo ku dhaawacantay gaari rakaab ah oo ay dablay ku rasaaseysay degmada Wanla weyn ee G/Sh.Hoose
  5. Burcad weerartay Gudomiyaha Lego

Latest Headlines