Ganacsatada Deg. Dharkaynleey oo lagu amray in ay guuraan

Published on June 25, 2008 by   ·   No Comments   ·   print

ganacsato.jpgTaliska Ciidamada Booliiska DFKMG ah ee la shaqeysa Gumeysiga Itoobiya ugu qaabilsan Degmada Dharkaynleey ayaa shalay galinkii danbe amar ku siiyaya ganacsatada degmadaasi in ay ganacsigooda ka raraan inta u dhaxeysa saldhiga Galbeed illaa deegaanka Xoosh.

Shalay illaa saaka ayaa waxa si weyn loogu arkayaa goobaha ganacsiga ee ku yaala hareeraha wadada isku xirta Degmada Xoosh iyo Saldhiga Galbeed dhaq-dhaqaaq xoogan oo ay ganacsatadu kaga raranayaan alaabahooda kuwaas oo la aadayo meel kala duwan iyada oo qaarkoodna ay la aadeen dhinaca deegaanka ceelasha biyaha.

Ganacsatada qaarkood u waramayay warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay in Taliska Ciidamada Booliiska degmada dharkaynley u sheegeen in haddii aysan waxba ka qaban Karin xoogaga weerarka ku qaada saldhiga ay isaga guuraan goobaha ku yaala inta loo xadiday.

Warar hoose ayaa sheegaya in Ciidamada Booliiska iyo Odayaasha Degmada Dharkaynleey ay u socdaan kulamo looga hadlayo xaalada nabad galyo iyo sidii ganacsiga loogu soo celin lahaa goobaha uu ay amreen Ciidamada in laga guuro.

Arintan ayaa ku soo beegmaysa iyada oo si xoog ahi ay Xoogaga Mujaahidiinta Soomaaliyeed dhawaan ugala wareegeen gacan ku haynta Saldhiga Galbeed Degmada Dharkaynleey isla markaana qarax miino ku qaarajiyay Madaxii Ciidamada Booliiska DFIMG ah ee la shaqeysa Gumeysiga Itoobiya ugu qaabilsanaa Qeybta Galbeed ee gobolka Banaadir xili uu marayay agagaarka dugsigii 21 October degmada waabari ee magaalada Muqdisho.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Askari lagu dilay deg. Madiina ee M/Muqdisho
  2. Daruur lagu amray in ay waraabiso nin saalix ah beertiis (Qisadii 13aad)
  3. Weeraro Lagu Qaadey Xarumo Ku yaala Deg. Kaaraan.
  4. Faah Faahin:- ciidamada Gumeysiga itoobiya oo isaga huleelay Mag.Beledweyne
  5. Asakri ka tirsan ciidanka DKMG ah oo lagu dilay Maanta degmada Madiina ee M/Muqdisho.

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Askari lagu dilay deg. Madiina ee M/Muqdisho
  2. Daruur lagu amray in ay waraabiso nin saalix ah beertiis (Qisadii 13aad)
  3. Weeraro Lagu Qaadey Xarumo Ku yaala Deg. Kaaraan.
  4. Faah Faahin:- ciidamada Gumeysiga itoobiya oo isaga huleelay Mag.Beledweyne
  5. Asakri ka tirsan ciidanka DKMG ah oo lagu dilay Maanta degmada Madiina ee M/Muqdisho.

Latest Headlines