Golaha Amaanka oo ergo xaqiiqo raadin ah u diraya xadka Djibouti & Eritrea

Published on June 25, 2008 by   ·   No Comments   ·   print

golaha-amaanka.jpgGolaha Amaanka ee Q.m ayaa ku celiyay mar labaad Codsigiisii ahaa in Eritrea ay ciidamadeeda kala baxdo khadka cagaaran ee Djibouti la wadaagto iyada oo sidoo kale xoghayaha guud ee Q.M Ban kimono laga codsaday in uu u diro xadka labada wadan kala qeybiya ergo xaqiiqo raadin ah oo soo kormeerta halka la isku hayo. Ku xigeenka safiirka Maraykanka u fadhiya Q.M ooa lagu magacaabo Alejandro Wolff ayaa Bayaan uu u akhiriyay Warfidyeenada ku yiri “xubnaha Golaha waxay ka codsanayaan Xoghayaha guud ee Q.M in uu diro ergo soo ogaata xaqiiqada ka jirta xadka kala qeybiya Djibouti iyo Eritrea” isaga oo intaa raaciyay in Goluhu uu ka rajeynayo xoghayaha in uu fiiro gaar ah u yeesho xaalada ka soo cusboonaanaya mar dhaw xuduuda labada dal ee dariska ah. Bayaanka ayaa sidoo kale lagu yiri “waan ka xunahay in Eritrea iska dhago tirto Bayaankii hore ee ku boorinayay labada dhinac in ay sameeyaan xabad joojin buuxda, la isuna muujiyo xakameyn la xakmeynayo nafto iyada oo lakala qaadanayo Ciidamada”. Wasiirka Arimaha Dibada Djibouti Max’uud cali ayaa gaarsiiyay Golaha Amaanka in wadankiisu uu taageerayo fikrada ah in ergo xaqiiqo raadin ah la diro si ay u soo dajiyaan xaalada, waxuuna Eritrea ku eedeeyay in ay rabto in ay qabsato Biyo mareenka “Baabul Mandab” oo isku xira Bada cas iyo Gacanka Cadmeed. Wasiirka ayaa intaa ku day arintu waxay noqonaysaa mid halis ah haddii Eritrea ay qabsato Biyo Mareenka “Baabul Mandab”. Dhinaca kale Safiirka u fadhiya eritea Q.M ninka lagu magacaabo Araya Desta ayaa yiri “ Djibouti waxay u soo jeedinaysaa Eritrea daad eedaymo ah oo aan sal iyo raad toona lahayn mudo labo bilood ah” isaga oo intaa raaciyay “Eritrea wax damac ah kama laha in ay qabsato wax dhul ah”.
Golaha Amaanka ayaa 12 june waxay soo jeediyeen edayn ahayd “waxaan edaynaynaa howl-galka Milatari ee ay Eritrea kula kacday Djibouti 10 june” iyada oo uu Goluhu ugu Baaqay labada dhinaca in ay xabada joojiyaan kuna booriyay si gaar ah Eritrea in ay dib ugala baxdo ciidamadeeda dhulka Djibouti dibna ugu celiso halkii ay markii hore ku sugnaayeen.
 Xaalada labada wadan ayaa cirka isku shareertay ka dib markii Ciidamo ka tirsan kuwa Eritrea ay 16 abriil xoog iyo sharci daro ku soo galeen halka lagu magacaabo “Ras Dameri” oo ku taal waqooyiga Djibouti isla markaana ah goob afka ku haysa Bada cas. Djibouti iyo Eritrea ayaa waxa uu dagaal sidan oo kale ah ku dhex maray “Ras Dameri” sanadihii 1996 iyo 1999.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Jaamacada Carabta oo ka codsatay Eritrea in deg deg ay ugala baxdo ciidamadeeda xadka Djibouti
  2. Golaha Amaanka oo edeeyay Eritrea
  3. Masar oo wal-wal ka muujisay Dagaalka Djibouti & Eritrea
  4. Dagaal ka qarxay Xadka DJabuti iyo Eritrea
  5. Faransiiska oo Ciidamo & Qalab u diray Djibouti

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Jaamacada Carabta oo ka codsatay Eritrea in deg deg ay ugala baxdo ciidamadeeda xadka Djibouti
  2. Golaha Amaanka oo edeeyay Eritrea
  3. Masar oo wal-wal ka muujisay Dagaalka Djibouti & Eritrea
  4. Dagaal ka qarxay Xadka DJabuti iyo Eritrea
  5. Faransiiska oo Ciidamo & Qalab u diray Djibouti

Latest Headlines