Ciidamo ka socda Nigeria oo imanaya Soomaaliya

Published on June 25, 2008 by   ·   3 Comments   ·   print

naaygeeriya.jpgAfhayeen u hadlay Ciidamada M.Afrika ee ku sugan Muqdisho ayaa daboolka ka qaaday in la filayo in ay yimaadaan Soomaaliya Ciidamo ka socda wadanka Nigeria kuwaas ku biiraya kuwa hadda jooga caasimada Muqdisho.

Major Bareges Ba hockey oo ah afahayeenka ciidamada sharciyaynaya Gumeysiga Itoobiya ee Uganda oo u waramayay wakaalada wararka ee “Routers” ayaa yiri “ergo ka socda ciidamada Nigeria ee M.Afrika ayaa Booqasho ku timid Muqdisho bishii la soo dhaafay, waxaana ay sheegeen in Ciidamo nabad ilaalin ah oo Nigeriyaan ah ay ku soo biiri doonaan kuwa hadda jooga Muqdisho” laakiin ma uusan xadidin taariikhda ay ciidamadaasi imaanayaan.

Midowga Afrika ayaa horey u qorsheeyay in uu Soomaaliya u soo diro Ciidamo gaaraya 8 kun si ay u sharciyeeyaan Gumeysiga Itoobiya loona kaalmeeyo DFKMG ah ee la shaqeysa Gumeysiga, laakiin soo dhameystirka ciidamadan ayaa waxa ku yimid dib u dhac intii lagu jiray sanadkii la soo dhaafay iyo kanba,taas oo ay sabab u tahay maalgalinta ay Ciidamadu u baahanyihiin oo yar, iyo dagaalada wali ka sii socda wadanka Soomaaliya taas oo keentay in xaaladu noqoto mid aan daganayn.

Hadda waxaa caasimada Soomaaliya Muqdisho ku sugan askar dhan 1600 oo Yugandhiis ah iyo 600 askari oo Burundi ah kuwaas oo ka caajisay in ay wax ka qabtaan xaalada Soomaaliya ee sii cakirmaysa.

Ciidamada sharciyaynaya Gumeysiga Itoobiya ayaa iyagu waxa ay ilaalo xoogani ka hayaan xarumaha ugu muhiimsan ee DFKMG ah iyo Taliska Ciidamada Gumeysiga Itoobiya ka deganyihiin Muqdisho waxaana ka mid ah:- Dekadda Muqdisho, Garoonka Caalamiga ah ee Muqdisho, Madaxtooyada villa Soomaaliya iyo xarumaha kale ee ay deganyihiin xubnaha sar sare ee DFKMG ah ay deganyihii iyo waliba wafuudi yimaada Muqdisho.

Arintan ayaa ku soo beegmaysa iyada oo la sheegayo in Ciidamo ka socda Q.M ay imaanayaan Soomaaliya kuwaas oo badalaya kuwa Gumeysiga Itoobiya oo iyagu la sheegayo in ay ku baxayaan 120 bari gudahood.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. 10 sarkaal oo ka socda Dalka Nigeria oo maanta soo gaarey M/Muqdisho
  2. Dagaal culus oo ka socda qeybo ka mid ah G/Hiiraan
  3. Dibad bax lagu Taageerayo Nuur Cadde oo ka socda Baydhabo
  4. C/Laahi Yuusuf “Bixitaanka ciidamada itoobiya wuxuu ku xiranyahay imaanshiyaha kuwa Q.M”
  5. Sarlkaal Itoobiyan ah iyo Ciidamo Ka Tirsan Dkmg Ah Oo Soo Goostey.

Readers Comments (3)

  1. Abdulaahi Hasan says:

    A/S
    salaan kadib waxaan rabaa in aan kadhiibto fikirgeyga ciidamadaan lahadalhaayo maalmahaan Dhabtii waxaa loo baahanyahay in laga shaqeysiiyo maskaxda hadii aan dib uraacno mudadiin 6dii bil aheed maciidan Ayaan nokeynay nabada mise Aniga ayaa iskutashanay rumtii taasi masaarna daah jawaabtunah waa maya
    marka waxaan layaableh in haanta laiyiraahdo ciidan ayaa lakeenayaa taasi macnaheedu yahay in Ethopianka lagusii xoojiyo si ay ugu damaashaadaan wadanka sida aan lasocono maanta ciidamada tigrregu waxa ay kujaraan xabsi marka Anigu maqabo in ciidan lakeeno Ama ha ahaadaan UN Ama ha ahaadaan M-Africa xabadunah waa soconeysaa inta ciidan uu joogo wadankeena INSHA ALAAH ISLAAMKUNAH WAA guuLEYSAN DOONAA

  2. Muslim Dhab Ah Insha Allaah says:

    sc wr wb.

    arinka kusaabsan ciidamo keenis iyo keenis la aan ma aha arin lagu salayn karo fikrad iyo saas bee ila tahay iwm.

    waase arin sharci ah oo u baahan cilmi iyo aqoon iyo waliba alle ka cabsi badan.

    hadaba sida culumadu yiraahdayn marnaba ma banaano ciidankaa la hadal haayo nuucoo doono ha ahaadee mid gaal ah ama muslim sheegatadaba.

    nooma furno wado aan ahayn inaan wadano xabadeena iskana celino cadawgeena.

    sc wr wb.

  3. asad says:

    gumaadka itoobiyaanka iyo muqaawamada geestaan waa in la soo afjaraa waayo dadkii waxaa loo laayay mid loo bixiyay ama lagu tihmaayo waxuu taageeraa Dowlada iyo mid la lee yahay waa muqaawamo ama taageeraa,labada dhinacna waxa ay leynayaaan dad muslimiin ah oo dhiigooda maalinta Qiyaame la ogaan doono inuu gaf yahay iyo inuu ajar lahaa ,ciidamo ka dhib yar oo aan u imaan gumaad ama qabsi dalka soomaaliya oo u badan kuwa ka socdo wadamada Muslimiinta waa lagama maarmaan ayadoo la xadidaayo waqtiga ay dalka joogayaan iyo shaqada ay qabanayaan ,waxaana muuqata ciidamadaas in ay ka mid tahay Naygeria bakistaan iyo turkiga waxaa ay imaanayaan xeliyada xiga si loo sahlo in ay dalka ka baxaan kuwa gumeysiga itoobiya




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. 10 sarkaal oo ka socda Dalka Nigeria oo maanta soo gaarey M/Muqdisho
  2. Dagaal culus oo ka socda qeybo ka mid ah G/Hiiraan
  3. Dibad bax lagu Taageerayo Nuur Cadde oo ka socda Baydhabo
  4. C/Laahi Yuusuf “Bixitaanka ciidamada itoobiya wuxuu ku xiranyahay imaanshiyaha kuwa Q.M”
  5. Sarlkaal Itoobiyan ah iyo Ciidamo Ka Tirsan Dkmg Ah Oo Soo Goostey.

Latest Headlines