Shabakadda Somalimirror ayaa heshay saaka nuqul ka mid ah Fatwo cusub oo uu soo saaray Sh. Cumar Iimaan Abuubakar, taasoo loogu magac daray”Mas’alada 5 aad”oo uu uga hadlayo arrimo ay kamid yihiin xukumka shareecadu ka qabto “Awood la qeybsiga dowlad ku sheegga FKMG iyo dambiyadii ay gashay.
Mas’alada 5 aad
Maxay ka qabtaa shareecada awooda oo lala qaybsado dowlada ku sheega dabadhilifka ah:
Intaanan cadayn xukunka shareecada ee awooda oo lala qaybsado dowlada dabadhilifka ah, waxaa haboon inaan tilmaamno sidii ay ku aasaasantay, waxaana mudan in lays waydiiyo mawaxay ku timid rabitaanka shacabka soomaaliyeed, mase mu’aamarad dowlado cadaw ah?
Waxaa lawada ogyahay in xukuumadaa daba dhilifka ah lagu dhisay dibada, iyadoo dhismaheeda si toosa ay gacanta ugu haysay dowlada ithobiya kaalmaysanays dowlada nala dariska ah ee kiinya, labadooduna waxay gumaystaan dhul balaaran oo ciida soomaaliya ka mid ah, waxaana kala dhexeeya soomaaliya cadaawad soojireen ah,
waxayna ka socotay waxa lagu sheegay musaalaxada xaqiiqadeeduse ay ahayd mu’aamarada (mbagathi) 2 sano oo dhamaystiran, waxaana gacanta ku hayay galka wadahadalka ithobiya oo u dooranaysay cidda ay doonto, ujeedada loo dheereeyay waqtiga wadahadalka waxay ahayd 2 hadaf oo kala ah:
1- in lagu dheereeyo shacabka soomaaliyeed dhibaatada soo daashatay ee ah isdilka iyo kala qaybsanaanta iyo in lays hortaago mudada intaas la’eg iskuday kasta oo xal loogu raadinayo arinta soomaaliya.
2- iyo in si dhab ah loo doorto xubnaha ka midnoqanaya xukuumad ku sheega si loo hubiyo inay yihiin xubno si dhab ah ugu adeegayo dowlada itoobiya, sidaa darteed ayaa inta badan xubnaha baarlamaanka iyo golaha wasiirada intooda badan ay uga soojeedaan xisbiga(s.r.r.c) ee gacansaarka lalahaa dowlada ithobiya kaasoo lagu dhisay dalka ithobiya, waxaana horay loo sii ogaa sida ay udhacayso doorashada madaxwaynaha iyo ra’iisul wasaaraha, mar aan lakulmay xubin kamida ah baarlamaanka wuxuu ii sheegay in ithobiya ay kacodsatay xubnaha baarlamaanka in cabdilaah yuusuf ay udoortaan madaxwayne, taasoo ay dhaafsanayaan kuraasa xukuumada ladhisi doono kamid ah, waxaana lagu wada balamay sidaas, arikuna sidaas ayuu kusocday bilowgii shirka ilaa dhamaadkii arin walba oo la’keeno shirka waxaa sidaa u maamulaysay dowlada itooboya.
hadaba maxaynu ka filikarnaa xukuumad lagu aasaasay gacanta cadawga soo jiraynkaa ee soomaaliyeed ( ithobiya)?
Danbiyadii ay gashay xukuumada dabadhilifka ah:
1- waxay dalka keentay ciidamada ithobiya, waliba waxay gacan ku siisay gumaysiga ay ku hayso shacabka soomaaliyeed, xukuumada dabdhilifka waxay ku qiratay carabka madaxwaynaheeda in talada dalka uu gacanta ku hayo janaraalka itooobiyaanka ah ee( gabre), uuna yahay isaga ninka sdia dhabta ah u maamula qaybaha kala gadisan ee maamulka oo dhan, aysanna jirin cid awooda inay diido amar uu bixiyay ama ay samayso wax uu diiday, waxay foolxumadu meeshii ugu saraysay ay gaartay markii janaraal gabre uu yimid jabuuti iyadoo uu wadahadal usocdo labada qaybood, uuna u meeriyay wafdiga xukuumada dabadhilifka ah qoraalkii ugu danbeeyay sidii isagu uu doonay, mana uusan awoodin wafdigii xukuumada dabadhilfka ahi inuu kaboxo siiqadaas loogu meeriyay, waxayna taasi keentay in wadahadaladii ay istaagaan waqti ayna gaaraan wada xiran, umana furnayn qaybtii kasocotay inay aqbalaan ama ay kabaxaan wadahadalka.
Wadatashi kadib waala kala saxiixday sababo laysla yaqaan dartood, kumana jirin xaraf kaliyah oo u dan ah muqaawamada,
ee waxa uu u balan qaadayay oo kaliya garabkii isbahaysiga inay sii joogaan jabuuti, ilaa ay kadhamaystiranto awood qaybsi lala galo xukuumada dabadhilifka ah, kadibna laraaco iyadoo ay yihiin xubnaha isbahaysigu marti sharaf, mas’uuliyada amaankoodana ay qaadayaan ciidamada Amsom.
2- xukuumada dabadhilifka ah iyadoo ay jiraan dhibaatooyinka iyo foolxumooyinka ay ugaysatay shacabka hadana waxay ku fashilantay inay nabadgelyo iyo xasilooni kadhaliso caasimada iskaba daa intakale ee dalka, meel ay joogtana majirto oon ahayn taangiyada ithobiya gadaashooda, waxaana si joogta ah madaafiic loogu garaacaa xarunta madaxtooyada ee uu joogo madaxwaynaheeda, iyo dariiqa kaliya ee ay xukuumada dabadhilifka ahi u isticmaasho gegida dayuuradaha, muqaawamada ayaana gacanta ku haysa intabadan dalka,inta ay gacanta ku haysana dadkuna waxay ku nool yihiin amni iyo amaan, dhibtuna waxay kusoo aruurtay goobo yar oo ay joogaan ciidamada ithobiya,
3- iyadoo ay xukuumada dabadhilifka ahi kufashilantay qaybahaa aan soo sheegnay oo dhan, hadana waxaa soo dhawaaday mudadii ay ku ekeyd, u mana harin wax kabadan sanad.
Xukuumada dabadhilifka ahi waxay ku xukumantahay dil marka loo eego shareecada islaamka, hadii culumada muslimiinta ahi ay isku qilaafeen dilka jaasuuska muslimka ah in si toos ah loo dilaayo iyo in arinkiisa uu leeyahay imaamka si loodulsaaro ciqaab u dhiganta danbiga uu galay, balkawaran xukuumad keentay dal muslim ah gaalo una gacangelisay si ay ugumaysto kuna kaalmaysay danbiyadii ay ka gashay shacabka, kuwaasoo ayan dhicin wax lamid ah qarniga 20 aad, iyo guud ahaan taarikhda muslimiinta inta la’ogyahay wax yar mooyee.
Sh.sulaymaan ibnu cabdul wahaab wuxuu yiri ( qofka keena dhulka muslimiinta gaalo oo soo kaalmaysta ciidankooda si ay ugu soo duulaan dhulka muslimiinta sidii dhacday aakhirkii khilaafadii muslimiinta ee cabaasiyiinta goortii ay usoo kaxaysteen tataarka dhulka muslimiinta shiicigii ibnu calqami iyo kii xumaa ee nasru diin al-duusi ahaa iyagoo sheeganaya muslimiin waana sidaa qofka waxa ay sameeyeen oo kale sameeya , qofka ugacangeliya dhulka muslimiinta gaalo waa murtad kabaxay diinta islaamka haduu doono hanecbaado gaalada diintooda ), hadalkaasi wuxuu kusuganyahay kitaabka layiraahdo sharxu rasaa’ilu dalaa’il boga 33aad.
Waxaana kaweyn arikaas aqoonsiga la aqoonsado dastuurka kahorjeeda shareecada ee ay kudhaqanto xukuumada dabadhilifka ah, waana sababka uu hubka uqaatay shacabka soomaaliyeed ee muslimka ah,wuxuuna u arkaa xaq muqaawamada, xukuumada dabadhilifka ah ee sababtay gumaysiga wuxuuna awood u yeeshey shacabku fadliga Alle kadib inuu xoreeyo wax kabadan 95% dhulka soomaaliyeed, waxaana ka go’an xoraynta inta hadhay isagoo ku tashanay Alle kadibna naftiisa.
Awooda oo lalaqaybsado xukuumada dabadhilifka ahi waxay lamacna tahay:
1- noolaynta waxay shareecadu dishay, kuna xukuntay dil, sidee inoogu cuntamaysaa anagoo ku jihaadnay, oo hubka uqaadanay markii ladhisayba, kadib in aan laqaybsano xukunka maalmihii ugu danbeeyay cimrigeeda.
2- Awooda oo lalaqaybsado xukuumada dabadhilifka ahi waxay lamacnatahay iyada oo mudada loodheereeyay maxaa yeelay qorshaha qaramada midoobay ayaa tilmaamaya in isbahaysigu uu laqaybsado xukuumada awooda kadibna xukuumada loogu daro mudo 5 sano ah ama ugu yaraan 3dex sano, waxaanu shaki ku jirin in taasi ay keenayso in shacabka soomaaliyeed 5sano oo kale uu baaqi kusii ahaado.
3- Awooda oo lalqaybsado xukuumada maalmihii ugu danbeeyay nolosheeda waxay kadhigaysaa camalkii ka horjeeday ee muqaawamada baadil, maxaa yeelay sax maaha in lala jihaado xukuumad ay banaantahay in lala wadaago awood, in ujeedada jihaadka bilawgii ay ahayd in lagu gaaro kuraas iyo dana aduunya mooyaane, kaasina jihaad maaha.
4- Qof horay ugu sheegi jiray shacabka subax iyo galaba in xukuumadani ay tahay xukuumad daba dhilif ah wax sharciyad ah na aysan haysan, uusanna aqoonsanayn, uusana lafariisanayn, kuna dhihi jiray waanu ladiriraynaa ilaa ay kabaxaan ciidamada gumaysiga muxuu ku dhahayaa shacabka soomaaliyeeda maanta, oo uu lafariistay go’aansadayna inuu awoodda laqaybsado.
Xukunka shareecada islaamaka ee ah in awoodda lala qaybsado xukuumad ku sheega:
wixii inoosoo hormaray ee ifsaadin diin iyo aduunyaba waxay inoo cadaynayaan inayan banaanayn in xukunka lala wadaago xukuumada camiilka ah, maxaa yeelay waxay albaab u noqonaysaa in lagu kaalmeeyo danbi iyo cadaawad, Allana (s.w) wuxuu nagu amray kitaabkiisa in laysku kaalmeeyo khayrka, oraahdiisa:
{وتعاونوا على البر والتقوى ولا تعاونوا على الإثم والعدوان}
Wixii ay samaysa xukuumadan oo fidnayn diin iyo aduunyo ah, Allana wuxuu na amray inaan dagaalano si aan u suulino fidnada, wuxuuna yiri sareeye,
{وقاتلوهم حتى لا تكون فتنة ويكون الدين كله لله}
Farqiga lagu kala saaro umadan iyo umadaha kale waxaa weeye: waa umad farta wanaaga reebtana xumaanta Allana wuxuu ka yiri arinkeeda
{كنتم خير أمة أخرجة للناس تأمرون بالمعروف وتنهون عن المنكر وتؤمنون بالله}
Mana jiro munkar ka weyn wixii ay sameysay xukuumada dabadhilifka ah, waxaa ku sugun sunanka Abuu daawuu iyo tirmidi uuna xasan ka dhigay in nabigu (s.c.w) uu yiri
{كلا والله لتأمرن بالمعروف ولتنهون عن المنكر , ولتأخذن على يد الظالم ولتأطرنه على الحق أطرا,واتقصرنه على الحق قصرا, أو ليضربن الله بقلوب بعضكم على بعض ثمّ ليلعنكم كما لعنهم}
Waxaa markaa nagu waajib ah inaan ku raddino baadhilka ee maahan inaan kala qayb galno dulmigooda, oo markaa aan qaadno danbiga ay iyagu qaadeen.
Waxaa mudan in lays waydiiyo maxaaa iska badalay xukuumada oo ay ku mutaysatay in awooda lala qaybsado, ma Alley u towbad celisay oo waxay u soo laabatay diinta Alle, mawaxay kusoo biirtay safka muqaawamada si layskaga kaalmaysto bixinta ciidamada ithobiya , mise isbedelku wuxuu ka yimid dhinaca kale oo katanaazulay mabaadi’dii uu u khilaafay dartood una iclaamiyay inuu ula diriraayo dartood?
Gaba gabo: qofka lawadaaga xukuumadaa dabadhilifka ah awooda oo noqda mid lajira muqaawamadu waxay ula dhaqmaysaa sida ay ula dhaqanto xukuumada dabadhilifkaa,diidada aynu diidanahay xukuumada maahan mid kudhisan ashqaas ee waa mid ku dhisan mabaadii iyo thawaabid, sida aanu unahay kuwa kahorjeeda xukuumadaa maxaa yeelay cadawga oo ay lasaf tahay ayaanu u noqonaynaa kuwa kahorjeeda cidkasta oo ku biirta, waxayna ula tilmaam noqonaysaa iyada muqaawamada sharafta leh
والله الموفق والهادي الي سواء السبيل
المسألة الخامسة: حكم تقاسم السلطة مع الحكومة العميلة في الصومال
وقبل أن نبين حكم تقاسم السلطة مع هذه الحكومة يجدر بنا أن نشير كيف تأسست هذه الحكومة، وهل جاءت برغبة الشعب الصومالي أم جاءت بمؤامرة الدول الأعداء؟
الكل يعلم أن هذه الحكومة العميلة تأسست في المنفى وبإشراف مباشر من إثيوبيا وفي أحضان دولة جارة للصومال ـ هي كينيا ـ وكلتاهما تحتل أراضي شاسعة من تراب الصومال، ولهذا كان بينهما وبين الصومال عداوة عبر التاريخ، واستمرت تلك المصالحة، وهي في حقيقتها مؤامرة في( أمبغاتي) لسنتين كاملتين ، وكان ملف المفاوضة بيد الحكومة الإثيوبية لتختار من الأشخاص من تريد، وكان القصد من تطويل أمد المفاوضة تحقيق هدفين اثنين:
أحدهما: تطويل أمد الأزمة على الشعب الصومالي من التقاتل والانقسامات والاضطهاد طوال هذه المدة منعا لأي محاولة أخرى.
ثانيهما: أن يتم اختيار الأشخاص بدقة حتى لا يدخل في الحكومة المزمع تأسيسها أفراد غير موالية لإثيوبيا ، ولهذا صار معظم أعضاء الحكومة في البرلمان ومجلس الوزراء من حزب ( srrc ) الموالي لإثيوبيا والذي تم تأسيسه في إحدى مدن إثيوبيا، وكانت النتائج في اختيار الرئيس ورئيس وزرائه معلومة مسبقا، وقد أخبرني أحد أعضاء البرلمان أن إثيوبيا كان تطلب من أعضاء البرلمان على اختيار عبد الله يوسف رئيسا مقابل مناصب في الحكومة عند تشكيلها، ويتم أخذ التعهد منهم على ذلك، وهكذا كانت الأمور تجري من بدايتها إلى نهايتها على هذا النمط.
فما نتوقع من حكومة صنعت بيد عدوة الصومال عبر التاريخ ( إثيوبيا ) ؟
الجرائم التي ارتكبتها هذه الحكومة العميلة.
أولاها: هذه الحكومة العميلة هي التي استقدمت القوات الإثيوبية إلى البلاد ومكَّنتها من احتلال البلاد، بل وساعدتها على ذلك، والحكومة العميلة نفسها بلسان رئيسها تعترف بأن البلاد تُحكم الآن من قبل الجنـرال الإثيوبي ( جبر ) وهو الحاكم الفعلي تصدر منه الآوامر إلى جميع الجهات، ولا أحد يستطيع أن يعصي له أمراً، فهو الآمر الناهي.
بل لقد وصلت الوقاحة بجنرال ( جبر ) أن جاء إلى جيبوتي في الوقت الذي كان يجري التفاوض بين الطرفين، وأملى على وفد الحكومة العميلة الصيغة النهائية التي يتم التوقيع عليها، وعلى الطريقة التي تعجبه، ولم يستطع الوفد المفاوض من الحكومة العميلة أن يخرج عن هذه الصيغة قيد أنملة لأجل هذا توقفت المفاوضة ردحاً من الزمن، ووصلت إلى طريق مسدود، فلم يكن أمام وفد التحالف إلا التنازل والموافقة عليها أوالانسحاب منها.
وبعد التشاور تم التوقيع عليها لأسباب معروفة، وإن لم يكن فيها نقطة واحدة لصالح المقاومة غير أن التوقيع عليها يضمن لوفد جناح التحالف البقاء في جيبوتي إلى أن يتم تقاسم السلطة مع الحكومة العميلة، ثم الذهاب معها ضيفاً عزيزاً على الحكومة بحراسة أميسوم.
ثانيها: إن هذه الحكومة العميلة رغم كل هذه الفظائع والجرائم في حق الشعب فشلت فشلا ذريعاً في فرض الأمن والاستقرار في العاصمة ناهيك عن بقية البلاد، بل لا وجود لهذه الحكومة إلا خلف دبابات القوات الإثيوبية، وهاهو رئيسها يتعرض لقصف شبه يومي في القصر الرئاسي، وفي الطريق الوحيد التي تستخدمه الحكومة العميلة إلى المطار، والمقاومة هي المسيطرة على جميع المناطق، والناس تعيش بأمن وأمان،والتوتر كله ينحصر في المناطق القليلة التي توحد فيها القوات الإثيوبية.
رابعها: إن هذه الحكومة العميلة مع فشلها الذريع في كل الأصعدة أوشكت مدتُها على الانتهاء، فلم يبق لها من عمرها إلى القليل وفي حدود سنة.
وعليه فإن هذه الحكومة العميلة هي محكومة بالإعدام شرعاً،
فإذا كان العلماء اختلفوا في الجاسوس المسلم هل يقتل أوأن أمره موكول إلى رأي الإمام لإنزال العقوبة المناسبة لجريمته، فكيف بحكومة جرت الكفار إلى بلاد المسلمين و مكنتهم من احتلال البلاد، وساعدته على ارتكاب تلك الجرائم البشعة التي لم تقع مثلها في القرن العشرين، ومثل هذا الفعل الشنيع لم يقع في تاريخ الإسلام إلا النادر القليل.
وفي هذا يقول الشيخ سليمان بن عبد الوهاب ” ومن جر الكفار على بلاد المسلمين، وأتى بجيوشهم لتغزو بلاد المسلمين مثل ما حصل في آخر الخلافة العباسية لما جر الشيعي ابن العلقمي وزير الخليفة والخبيث الآخر نصير الدين الطوسي جرا التتار على بلاد المسلمين، وهما يدعيان الإسلام، وخططا للكفار ومكنوهم، كذلك من فعل مثل فعلهم الآن، واستدعى الكفار، وخطط لهم، ومكنهم من الاستيلاء على بلاد المسلمين فإنه يرتد، وإن كان يكره دينهم “ شرح رسالة الدلائل ص (ص 33)
وفوق ذلك الاعتراف على دستور الحكومة العميلة الذي هو في حقيقة مضاد للشريعة الإسلامية.
ولهذا رفع الشعب الصومالي المسلم السلاح عليها، ورأى أن مقاومة هذه الحكومة التي هي السبب في احتلال البلاد حق مشروع، واستطاع _ بفضل الله_ أن يحرر أكثر من خمس وتسعين بالمائة من البلاد، وهو جادٌ في تحرير البقية الباقية معتمدا على الله ثم على نفسه.
وتقاسم السلطة مع هذه الحكومة يعني ما يلي:
1_ إحياء من أمامتته الشريعة، وحكمت عليه بالإعدام، فكيف يليق بنا أن نعلن الجهاد في وجه هذه الحكومة، ونرفع السلاح عليها من تاريخ ميلادها وتشكيلها، ثم نتقاسم معها السلطة في أيامها الأخيرة من عمرها.
2 _ إن تقاسم السلطة مع هذه الحكومة العميلة يعني أيضا تمديد عمرها لأن خطة الأمم المتحدة ترمي بإشراك التحالف مع هذه الحكومة بتقاسم السلطة معها، ثم التمديد للحكومة لخمس سنوات أخرى أوثلاث على الأقل، ولا شك أن ذلك يؤدي إلى إبقاء الأزمة الحالية على الشعب الصومالي لسنوات أخرى،وفي ذلك من المفاسد ما لا يخفى.
3- إن تقاسم السلطة مع هذه الحكومة في أخريات أيامها يجعل جميع أعمال المقاومة ضدها باطلة إذ لا يصح الجهاد ضد حكومة يجوز الاشتراك معها في تقاسم السلطة إلا إذا كان القصد من الجهاد في البداية هو التوصل إلى مكاسب دنيوية من المناصب وغيرها، وذاك لا يكون جهادا شرعا.
4 _ إن من كان يعلن على الشعب كل صباح ومساء بأن هذه الحكومة هي حكومة عميلة، وليست بشرعية، ولن نعترف بها، ولن نجلس معها وإننا سنقاتلها حتى تخرج مع القوات المحتلة، فما يقول للشعب الصومالي الآن، وقد جلس مع الحكومة التي كان ينفي شرعيتها بل وعازم على تقاسم السلطة معها.
الحكم الشرعي في تقاسم السلطة مع هذه الحكومة
وبما تقدم من المفاسد الدينية والدنيوية يتبين أنه لا يجوز تقاسم السلطة مع هذه الحكومة العميلة لأن ذلك من باب التعاون على الإثم والعدوان والله سبحانه وتعالى أمرنا في كتابه التعاون على الخير ودفع الشر بقوله ( وتعاونوا على البر والتقوى ولا تعاونوا على الإثم والعدوان ).
وما قامت به هذه الحكومة هي فتنة في الدين والدنيا والله أمرنا بالقتال لإزالة الفتنة فقال عز من قائل ( وقاتلوهم حتى لا تكون فتنة ويكون الدين كله لله ) .
والسمة التي تتميز بها هذه الأمة من بين الأمم أنها أمة آمرة بالمعروف وناهية عن المنكر، فقال تعالى في حقها ( كنتم خير أمة أخرجت للناس تأمرون بالمعروف وتنهون عن المنكر وتؤمنون بالله ) وليس هناك منكر أكبر مما فعلته هذه الحكومة العميلة .
وفي سنن أبي دواد والترمذي وحسنه أن النبي صلى الله عليه وسلم ( كلا والله لتأمرن بالمعروف ولتنهون عن المنكر، ولتأخذن على يد الظالم ولتأطرنه على الحق أطرا، ولتقصرنه على الحق قصرا أو ليضربن الله بقلوب بعضكم على بعض ثم ليلعنكم كما لعنهم ”
وعليه فالمفروض أن نسعى لردهم عن ا لباطل لا أن نشترك معهم في ظلمهم فيصيبنا من الإثم ما أصابهم.
السؤال الذي يطرح نفسه هو ما الذي تغير في هذه الحكومة حتى يصح تقاسم السلطة معها، فهل تابت إلى الله، واستقامت على منهج الله، فعادت إلى صف المقاومة لتستعين بها على إخراج القوات الإثيوبية أم التغير جاء من الطرف الثاني بحيث تنازل عن المبادئ التي من أجلها خالف هذه الحكومة، وأعلن الحرب عليها؟.
الخلاصة: إن الذي يتقاسم السلطة مع هذه الحكومة العميلة وصار معها في خندقها ضد المقاومة فإن المقاومة تتعامل معها كما تتعامل مع هذه الحكومة العميلة، فخلافنا مع هذه الحكومة ليس خلاف أشخاص، وإنما خلاف مبادئ وثوابت، فكما أننا ضد هذه الحكومة لكونها في صف العدو المحتل فكذلك نكون ضد من ينضم إليها، ويكون في صفها ضد المقاومة الشريفة.
والله الموفق والهادي الي سواء السبيل

Related posts:
Oo Hadda Sheekh Shariif mala gaalaysiinayaa oo la dilayaa haddii uu beri uu dalkii ku laabto?? Oo Awal dagaalka ma waxaa maxkamaduhu u galeen in askarta Itoobiya dalka laga saaro mas in kooxda AMbagati dalka laga saaro. Maxkamaduhu waxay oran jireen Annaga amxaaran dalka ka saaraynaa laakiin Soomalida waan la heshiin karnaa? wadahadalkii Kahrduumna wuxuu ahaa itoobiyaanka ha baxaan ee TFG aa xalaal ah ma ahayn mase sheekha takfiir buu usii dhuranayaa
akhi cumar,ilaahay wuxuu yiri cidii gaal kaweli dhigataa iyaga ayuu kamid yahay,talaabd hadii kuwaad xukuumada kusheegayso ee maatada xasuuqaya lana shaqaynaya gaalada ay ka beri noqdaan galaad oo ay toobad keenan, laakiin hadii itoobiyaanka lasaaro sidii ladoonaba halagu saaro marka iyagu ay ahadan kuwo meesha usiihaya kuwii laga saaray wadan oo korkana soomali ka ah baadinkana amxaar ama tikree lala heshiin maayo kana hadhimaayaan kuwii lasaaray waana isku xukun isaga iyo gaalku ilaahay baana sidaas yidhi,hadaad dood kaqabto alihii ku abuuray hadalkiisa ifcal maa shita.
s , c, w .
marka dib loo eego sida eey wax uga dhacaayaan somaaliya&heerka eey taaganed colaada jirta waxeey ahed arin aan lafilankarin in hishiis deg deg lago gaaro oo soocelin kara rejedii dhimatay ee ahed in soomaliya marka dib ugu soolaabato nabadii iyo kaladambeeyntii.
ma ahaeyn dhaqan siyaasadeed soomaaliya lagu yaqiinay in dowlad iyo mucaarad is diriraya eey hishiis wada gaari karaan.waxaana muuqata in beseyl iyo daacadnilo ee muujiyeen laba dhinac ee is kuhaaya siyaasada soomaliya.gaar ahaan reysul wasaare nuur cade oo runtii tan iyo markiu ow xilka qabtay xafiiska owna kaquusan in ow hishiis nabaded ow lagaari kara mucaaradka hubeeysan ee diganaashaha u diiday dowladiisa taagta daran.
asigoo asigoo hadii nabad lagu hilaayo heer xataa eyka gaartay inow mucaaradka uyabooho kursigiisa,balse arintaasi ma eeynan shaqeeyseen hadii eeyna hugaamiyaha dib uxoreyna soomaliya iyo asaxaabtiisa howsha lawaday eeyna la imaan tanaasulka taarikhda galay ee aan abid laga maqlin jabhadaha hubeeysan ee soomarar soomaliya.
taa soo kadhigan in shiikh sharif waqtigii haboonaa ow albaabka ugaraacay dhanka nabada.
asigooo ugolaaday inoo soo gaabiyo dagaalka habeenkii ukacaraya caasimada muqdisho oo socondoono 20 sano,
tan iyo intii owka guuleeysanaayyo itoobiyaanka dalka qabsaday.
shaki kuma giro in shiish shariif iyo xisbegiisa ow hugaanka uhaayo eey qiimeeyeen maxsuulka ama natiigada dagaal eey siiwadaan u yahay mid kusii lbalaabaaya dhibaatada jirta dadka soomaaliyeed.
aduguba isweeydii hadii sanadki hure oo kaliya dadka dagaalado galaafteen nagu qiyaasay lix ilaa toduba kun,inta dhiman karta sanadkaa kala barka maraa? hantida ku baabi i laheeyd iyo barakacayaasha kubiirilahaa kuwii hore gaajado iyo hoyla aanta heysato ee tiradooda lagu qiyaasay ineey halka malyan kor usiidhaafaayaan.
hadii shiikh sharif ow qaatay go,aanka ow ugu turaayo dadka doshooda lagu dakaalamayo oo dhanka kale oo kuguuleestay hadafkiisii ahaay in cidamada itoobiya wadanka laga saaro,wiliba waqti xadida\n oo leh marqaatiyaal caalami ah maxeey tahay ayaa lees weydiinkaraa kuwa caadeestay in aneyn xabado istaagin ee waliba dadka dhexdooda katuuraya hobiyaalka
Salaanta Islaamka ka dib;
Shaki igagama jiro inuu Sh. Shariif khaldamay, khalad siyaasi ah oo mawqifkii lagu bartay wax wayn u dhimi doona. Wixii ku saabsan arin diini ah waxaan u daynayaa culimada igaga aqoonta fiican, waxaanse leeyahay khaladka uu galaya Sh. Shariif waxaa ka mid ah
1- Wuxuu kala jabiyay xoogii ka soo horjeeday gumaysiga, taasoo shaki galisay hadafkii loo asaasay isbahaysiga ee ahaa in dalka laga xoreeyo gumaysiga ku soo duulay.
2- Sida muuqata wuxuu u adkaysan waayey Sh. Shariif wadada dheer ee dhibka badan ay tahay in loo maro xoraynta dalka, ka dib waxaa la tusay wada gaaban inay jirto oo hadafkii lagu gaari karo waase dhalanteed, sababtoo ah laguma hayo taariikhda dal intuu dal kale qabsaday kaga baxay nabad iyo wadahadal.
3- Ma uusan tixgalin dawladii soo dhaweysay ee meeshaad ogaydeen ka qaadatay ee isaga iyo eheladisii iyo xulufadiisii oo idil albaabka u firtay kuna taageertay hadafka xoreynta iyadoo khatar weyn ku gashay arintaa sidaan wada ogsoonhay. Xaq bay ugu lahayd Eretreeya in uu kala tashado arimaha uu maagan yahay. Si ugu yaraan ay isugu keento isbahaysiga oo loo niqaasho habka wadahadalka. Waxaa aad ugu soo horjeeda asluubta iyo anshaxa siyaasadda iyo martigalyadaba inuu ku eedeeyo Sh. Shariif dalkii sidaan ogayn u soo dhaweeyay waxyaabihii aan maqalnay. Arintaasina waxay sharaf dhac ku noqotay dhaqan wanaagii umadda Somaliyeed
4- Waxaa la xaqiijinayaa inuu mujirimkii ahaa Gabre fadhiyay shirka ama ka mid ahaa xubnaha la-tashiga xukuumadda — taasina waa sharaf dhac wayn oo ku yimid xubnihii isbahaysiga ee shirkaa ka qayb galay.
5- Ugu dambayn, waxaa la gudboon Sh. Shariif inuusan sii daba socon dhalanteedka la tusay oo haraad uusan u dhiman isagoo sii daba socda
??? ?????? ???? ??? ?? ??????
fataawadaan iyo kuwii ka horeeyayba waxaa soo saray dhinac kamid ah dhinacyadii qilaafka u dhaxeeayay sidaa dartyeed waxa ay u muuqataa shir jaraaid ay soo saareen garabkii ASMARA waayo maxaa keenay in si dhab ah loogu guntado xalinta dhibaatada oo culimadii soomaliyed gogol loogu dhigi waayay,marka aflagaadada indhacde,digniinaha sheeq xasan,shirarka jaraaid ee sh cumar waa wax ula jeedo waana mid lagu taageerayo siyaasada ERETREYA waayo sh shariif ma diidana in lala hadlo waxaana maalmaha soosocda ogaan doontaan faaiidada ka dhalata nimankiinaan buunbuuninaya qilaafka u dhaxeeya culimadii soomaaliyyed oo laba is qilaafsan xukunka isugu dhiibay oo ma waxaad weydeen culimadii soomaliyeed ee caanka ahaa oo ka hala qilaafkan xalintaasa oo u kala gar qaada labadan kooxo ee JBUUTI IYO ASMARA
as,war.wab dhamaan waxaan salamayaa umada islaamka ah ee kheyrka jaceyl waxaan doonayaa un aan su’aalo sh cumar iimaan oo ahaa sheikh aan si weyn ugu kalsoonahay kitaabkii uu mar dhaweed soo qoray ee xanbaarsanaa qisooyin badan laga soo bilaabo xiliyadii gumeystah laga xuroobay ilaa soo if baxii maxaakiimta waxyaaba uu soo maray wadankeena oo isgu jiray dagaalo iyo maamulo kala gedesanwuxuuna ka hadlay meelo badan iyo madax badan oo iskugu jirtay mujrimiin iyo munaafaqiin iyo kuwa kale laakiin waxaa iga yaabiyey in uusan marnaba uusan soo qaadin shiekh cumar iimaan taariikhdii mugdiga xasuuqa aheyd ee uu lahaa general maxamed faarxa ceydiid waxaan u qaatay in sheikhu uu ka baqay in lagu wax yeeleeyo hadii uu ka hadlo mise waxaan u qaadan karnaa in uu sheikhu sameeyey cadaalad daro xaga qoraalka koley asigaan jawaab ka rabanaa taariikhduna waa marqaati
sh.shariif wuu guuleysan haduu alla yiraahdo nimankaan meelaha ka caaytamaya waa kuwii shalay lahaa sh.sariif waa amiirul muminiin,maanta maxaa keenay in meel walba laga caayo waxaan u malaynayaa waxaa jirtey danooyin dahsoon la lahaa dad badanaa wadaadada isku qarinaayo ilaa hadana ku dhex jira ….nimanka dhabta ay ka tahay jihaadka waa AL.SHABAAB.ilaahayna ha guuleeyo.. nasiibdaro soomaaliya dambiyadey galeen mayara weli waxaa socda wixii aan galnay ayaa nalaga gooynaa ….. maantoo cadowga jabay ayay u kala baxeen 3-4 guruub waa ragii wax laga sugaayay iney ummada wax u qabtaan ilaahayoow umadan wax u qabo dad aan wadanka joogin ayaa sii hurinaayo hadey ahaan lahayd dhaqaale ama siyaasad………..
SHEEKH CUMAR IIMAAN LABADISA FATWO TEE SAXSAN. MA MIDDII UU SOO SAARAY MARKII SHIRKA CASMARA LA QABANAYAY MISE MIDDAN? TAN KALE SHEEKH CUMAR SOW KA MID MAAHAYN WAFDIGII SHARIIFKA EE NAYROOBI KU SAXIIXAY MEMORUNDUM OF UNDERSTANDING (MoU). lABADA MARNA MARKUU SAXSAN YAHAY?
waxaan salaamayaa salaan kadib “waxaan rabaa in aan idin way diiyo arrin ah takfiirka maxay yahiin waxaan u malee nayaa dadka ka hadla in aysan aqoon takfiirka Marka waxaa loo baahan yahay in horta ladarso yaa layiraahdaa magacaas madacaaybaa mise waa magac jira ? Maxaa sharuud ah oo ah oo lagu noq daa?