Sh.Ibraahim Cabdalla oo maanta ku geeriyooday Dubai

Published on June 22, 2008 by   ·   23 Comments   ·   print

dubai.jpg War goordhaw na soo gaaray ayaa sheegaya in Gudoomiyihii Hore ee Jabhadda ONLF Sheekh Ibraahim C/laahi Max’ed uu ku geeriyooday Magaalada Dubai ee Dalka Imaaraadka carabta. 


Sheekha ayaa la sheegayaa in uu ku geeriyooday gurigiisa salaadii duhur markii uu tukaday ka dib iyada oo uu xiligaasina cagihiisa kaga soo laabtay Isbitaal ku yaala Magaalada Dubai ee Dalka Imaaraadka Carabta oo uu u aaday Baaritaan Caafimaad ka dib markii la sheegay in uu ku kacay xanuunka dhiikar oo uu qabay. 

Shabakadda Somalimirror waxay uga tacsiyaynaysaa eheladii iyo qaraabadii uu ka tagay  in uu samir iyo iimaan ka siiyo geerida naxdinta leh ee ku timid Sheekh Ibraahim C/laahi Max’ed isagana uu alle Jano Fardowso ka waraabiyo. Sidoo kale shabakada Somalimirror waxay akhristayaasheeda sharafta leh ogaysiinaysaa in ay dib uga soo gudbin doonto haddii alle idmo Taariikh Nololeedka Sheekh Ibraahim C/laahi Max’ed oo dhameystiran.        



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Jaamacada Carabta oo maanta ka shiraya Dagaalka DJabuti & Eritrea
  2. Axmadu Weled Cabdalla oo Rajo ka Muujiyay Fulinta Heshiiskii Djabuuti
  3. 3 qof oo ku geeriyooday dagaal beeleed ka dhacay Tuulada Ceel-Muruq
  4. 2 xubnood oo ka tirsan maamulka degmada Xamar Jajab oo Maanta is casiley

Readers Comments (23)

  1. awxasan says:

    Alle ha u naxariisto sheekh ibraahim eheladiisiina samir ha ka siiyo intii uu tari karay wuu taray

  2. SomaliMirror says:

    Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun.

    Bahda Somalimirror waxay guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaanna eheladii uu ka tegay uga tacsiyeyneysaa geerida ku timid She.Ibraahim Cabdalle, Ilaahay waxaan ka tuugeynaa in uu jannadiisii ka waraabiyo.

    aamiin.

  3. suubaan says:

    inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajisuun, alaha u naxariisto halgamaagaa wayn ee manta geeriyooday, waxaa hubaal ah inuu ahaa nin amxaarada aad u neceb cimrigiisiina ku dhameeyay, halganka uu kula jiray itoobiya af iyo adin iyo siyaasadba.
    ninkii akhriya kututiida siiba kitaabkiisa aadka u wayn ee uu ka qoray halganka u dhexeeya masaajidka iyo kiniisada ee geeska afrikana, wuxuu dhab ahaan u ogaanayaa, inuu ninkani ahii nin maskax wayn leh ee alle ku manaystay cilmi iyo fiira dheer, fikirka kitaabkiisa ku qoran, iyo fikirkay onlf aaminsantahayna aad ayay u kala fogyihiin, oo isagu wuxuu aaminsanaa halaganka amxaarada lagula jiro, in sal looga dhigo, laba tiir oo kala ah :
    1- dhamaan shucuubta muslinka geeska afrika oo la midooyo, sida soomaalida canfarta , iyo oromada.
    2- in halganka sal looga dhigo islaanimo, kaasoo ah hubka ugu culus ee lagu jabin karo inbiraadooriyada itoobiya ee gilgilanaysa.
    alaha kuu naxariisto, waxaan kaaga markhaati kacayaa, inaad daaca badnayd, ood diiday inaad dagto dhulka gaalada ee uu ka kor bibanayo calanka kufrigu, ood joogista dhul muslin ugu xilatay inaad salaada ku tukato masaajid.
    alaha u naxariisto mar labaad halgamaagaa wayn, samirt iyo iimaana haka siiyo, dhamaan soomaalida uu ka geeriyooday.

  4. nuur says:

    inaalilaahi wa inaailaahi raajicuun

    ilahay naxariistii jano hakawarabiyo sheekh ibraahin cabdila maxamed dhamaan umadii uu katagay na samir iyo imaan hakasiiyo

    aamin aaamin

  5. CAJIIIB says:

    Salaam Calaykum
    Anigoo ku Sugan Magaalada DUBAi Isla markaa Aqoon Wacan u lahaa Sheekha Allaha u Naxariistee kama war hayn Geeridiisa hada oo Casat wali la Joogo lakin waan ku naxay markaan hada halkan ku Arkay Warkaa Naxdinta Xambaarsan . Ma dhinte waa ilaaaahay Sheekha waxaa iigu danbaysay Dhawr maalmoood ka hor inkasta oo aana isa Salaamin Hadana Dushaan ka Arkayey Asagoo Soconaya oo meel Suuuq ah Lana Yiraahdo Gold Market Cagihiiisa ku Maraya Dhibaato wayna aysan ka muuuqan inkastoo oo waayadanba iska Tabar yaraa Xaga Muuuqaaalka .

  6. abdikarim says:

    Inaalilahi wa inaa ileyhi raajacun ilaahow janatul fardowsa kaa waraabi yaarabi yaa kariim ilaahow u naxariiso geesiga islamka ee geeska afrika.amiin aamiin

    suuban ilaahey kacabso xaaranta naga daa onlf
    gaalo ayey ladirirtaa cuqdada aa u qabto qabiil diin hakula dhuuman.sheekha hadu taagersana jihadka kusocda geeska afrika oo dhan.sharkaga nagala aamus

  7. maxemed m.saciid says:

    asc/ inaa,lilaahi wa,inaa ilayhi raajicuun samiriyo iimaan allahaka siiyo soomalidhaman sheeq ibraahim kolbani waxaa iiga filan xussunaigu reebi doona kitaabka weyn ee uu qoray (tuxfatul oofiyaa) oo aad u aqristayasc/

  8. HAMAAS says:

    INNAALILAAHI WA INAA’ILAAHI RAAGICUUN.
    Iaahay naxariistii jano haka waraabiyo marxuunka dadkii uu kageeriyooday iyo umada somliyeedba ILLAAHAY samir iyo iimaan haka siiyo.

  9. Axmed says:

    Ina Lilaahi wa innaa Ilayhi Raajicuun

    Ilaahay ha u naxariisto Sh. Ibraahim Caballe Maax eheladiisa iyo qaraabadiisana Samir iyo iimaan Alle ha ka siiyo.

  10. IBNU_SAXWAH says:

    Asalaamu calaykum waraxmatulaah
    madhinte waailaah ilaahay samir iyo imaan hakasiiyo dhamaan Mujaahid shiekh ibraahimintuu kategay iyo dhamaan umadda soomaaliyeedwuxuu ahaa nin khayr umadana uga tegay taariikh aan duugoobin

  11. Maxamed Asda says:

    ilaaahy ha u naxariisto sheekha waayo wuxuu ahaa nin marka hore aad u taqwo badan takalana halgamaa ah, oo nolashiisa ku dhamaystay, jihaad. heladiissina samir iyo iimaan ha ka siiyo iyo anaga oo dhan. amiin..amiin

  12. xaawadeeq xaaji cuar yare says:

    AS/WAR/AWB
    Inaalilaahi wa inaa illeeyhi raajicuun
    Waxaan ooga tac siyadeeynayaa geerida shiiqa umada islaamka gaar ahaan umada soomaaliyeed eejecel in eey ku noolaadaan ciso aduunyada gudaheeda aaqirana Alle ka rajeeya raxmadiisa waxaan si gaara uuga tacsiyadeeynayaa eheladii uu ka tagay shiiqa
    samir iyo iimaan Allaaha naga wada siiyo shiiqana Illaah waxaan uuga baryeeynaa Janatul Fardoosal aclaa

  13. abucabulahi almadani says:

    alaha u naxariisto, samirna umada soomaliyeed hakasiiyo, boska weyn oo banaanadayna cid buuxisoo alaha nasiiyo.
    ??? ??? ???? ???? ???????

  14. guulane says:

    SOMALIMIRROR:

    KU. GUULANE

    WAAD KU MAHADSAN TAHAY ADEEGSIGAAGA QEYBTA FIKRADAHA EE SOMALIMIRROR, HASE YEESHEE WAXAA FIKRADDAADA LOO TIRTIRAY INAY JABISAY NIDAAMKA FIKRAD DHIIBASHADA EE U DEGGAN SOMALIMIRROR, MAADAAMA AY XAMBAARSANEYD AFLAGAADDO QABIIL IYO EREYO U JANJEERA DHANKA CUNSURIYADDA.

    MAAMULKA SOMALIMIRROR WUXUU GUULANE KAA CODSANAYAA INAAD ANSHAXA FIRKAD DHIIBASHADA DHOWRTID.

    MAHADSANID

    http://WWW.SOMALIMIRROR.COM

  15. c/casiis says:

    inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajisuun, alaha u naxariisto halgamaagaa wayn ee manta geeriyooday, waxaa hubaal ah inuu ahaa nin amxaarada aad u neceb cimrigiisiina ku dhameeyay, halganka uu kula jiray itoobiya af iyo adin iyo siyaasadba. mida kale waxaan codsi gaban u dirayaa
    Shabakadda Somalimirror taas oo ah shabakada in ay ku habooneyd magacii hore iyo naqshadii hore ee awal aad u so bandhigi jirteen wararkiina hadaba waxan codsanayo wa magaci hore iyo naqshadi horekaas oo ah beerdhiga waxaan meesha ka marneen qof walba in uu leyahay damac marka waxaan dhihi lahaa afti halaga qaado dadka booqda shabakada beerdhiga ok asc walaalayal

  16. guulane says:

    war aniga ma caytamo laakiin waxaan sheegaya in aan fahmay dagaalka aad ku jirtaan 18 sano dhulbalaarsiga iyo in aad sheeq iyo caamo aad isku raacdeen xaqdarada dhaca boobka iyo kadib kitaab been ka abuurasho kitaabka ma 2006 dii boow noo yimi mise 1400 sano ka hor teeda kale ma gumeeysa gumeeysi dhaama h/g imiseey koonfurta gumeeysi ku heysatay ilaaheey umada ha idiinka qabto

  17. al-Azhari says:

    INNAA LILLAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN WAXAAN HALKA UMMADDA REER OGAADEENYA OOGA TACSIYAYNAYAA GEERIDII NAXDINTA LAHAYD EE KUTIMID sH. IBRAAHIM CABDALLA MAAX, GUDOOMIYIHII GORE EE URURKA ONLF. MUJAAHIDKU WAXUU AHAA NIN AY AAD OOGU DHEERTAY QADIYADDA OGAADEENYA WAXUUNA MAANTA KATAGAY HALGAN TAABA GALAY OO GUUSHII KAMA DAMBEYSTA AHYD HIIGSANAYA

  18. Macallin Naamuus says:

    INAA,LILAAHI WA’INAA ILAYHI RAAJICUUN….

    ilaahay janatul-firdowsa ha geeyo Sheekha,, Eheladii uu katagayna samir iyo iimaan allaha ka siiyo….

    Runtii waxuu ahaa nin matali kara dhamaan shucuubta geeska afrika kunool, waxuu ahaa nin diin leh, markii uu xilka kadegay baana ONLF ugu danbeesay soomalinimo iyo islaanimo quman…..

    Waxaa hubaal ah in uu cimri labaad ka tagay oo ah teerikhdiisa aan la’ilaawi karin…..

  19. xassan godey says:

    INNAA LILLAAHI WA INAA ILAYHI RAJICUUN, INA LILAHI MAA AKAHDA WALAHU MA ACDHAA WAKULUL SHAY,IN CINDAHU BIMIQDAAR, WA INAA LA FIRAAQGA LAMAXZUUNUUN YAA SHEEKH IBRAAHIM WALAA NAQUULU ILAA MA YARDA RABAUNAA, ILAAHAY HA NAXARIISTO SHEEKG IBRAAHIM OO AHAA HALYAY LAWAA YAY LANA XUSI DOONO, ILAAHAY HA NA XARIISTO

  20. abu abdala says:

    Innaa Lillahi wa inna ilayhi raajicuun.

    Waxaan halkan tacsi uga dirayaa dhamaan ummada somaliyeed gaar ahaan ehelkii ee uu ka geeriyooday Sheekha, Halgamaaga, Qoraaga Sheekh Ibrahim Cabdullahi Maxamed.

    Allaah qabrigiisa ha u qaboojiyo anagana gadaashiisa nama fidneeyo.

    Sheekha wax badan ayaan ka xusuusta anigoo wax ka akhriyey kitaabkii uu qoray ee ???? ????????
    iyo kutub kale ee uu ii sheegay inuu soo saari doono waagaas oo ahayd sanad iyo bar ka hor kuwaas oo kala ahaa:
    ??? ??????? ?? ????? ????????
    ?????? ???????? ?? ??????? ??????? – ???????

    wuxuu ahaa sheekhu qof tawaaduc badan wax badana ka ogaa cadawga soomalida toosh badana noogu ifiyey cawadtinimadaas.

    Allah sabir iyo iimaan haga siiyo.

    aamiin

  21. m. w. aabi says:

    Innaa lillahi wa innaa illaahi raajacuun.

    Illaahay janadii ha ka waraabiyo halyeeygii geeska afrika sh. ibraahim cabdalla.
    samir iyo iimaana illaahay ha ka siiyo dhamaan shacuubtii uu ka geeriyooday iyo eheladii uu sh. ibraahim sh. cabdalle maax ka geeriyooday.

    by wardi

  22. Somali says:

    Allah haunaxariisto sheekha. Waxaa uu ahaa nin aan buugagtiisa aad looga faaideeystay. Halkanka Ogadeniya aad ayuu u miss gareyn doonaa sheekhan caalimka ah.

    Ninkii taariikhda gobolkan inkirsan ha akhriya kutubtaas oo aan mardhow la qorin. Somaliyeey Allah ka cabsada oo cadowgiina u midooba. Ogadenya wey xuroobi biidnillah. Xabashi’ Tigrey days are numbered. Viva Ogadenia, Viva Greater Somalia

  23. asad says:

    ku socoto sheeq cumar
    waxaa fiicnaan laheyd inuusan maalinba fatwo soo saarin oo uu sugu kulamada la filaayo in culimada soomaali inta badan isu yimaadaan waayo waxa uu sii kordhiunayaa uun qilaafka waxa uuna qiima la,aan dhigayaa sharaftii ay laheyd fataawidiisa waayo waxaa jira culimo bdan oo laga yaabo in ay xaqa uga dhawaadaan asaga hadii la niqaasho,kaliya hordhacaan wuxuu sahlayaa in ay sahlanaato naqdintiisa hadii loo bareero maadaama uu soo bandhigay wixii u harsanaa oo xujo ah waxaanan ka aragnay kuwii horeeyay waxyaabo badan oo uu ku gafay sheeqa uguna gafay umado dhan iyo dad uu u sinaa oo uu ukala eexday ,waxaana illaah uga rajeynayaa in sheeqa waafajiyo daganaan iyo xasilooni taasoo maalmahaan aad moodo inuu u egyahay ruux gacantiisa cid kale wax ku qaaoraneyso afkiisana cid kale ku hadleyso waxaan rajeynayaa warkeygaan inuu gaaro oo dfib u fiiriyo dagdagaan ka muuqdfa iyo wax wanaaga ah ee kasoo bixi kara




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Jaamacada Carabta oo maanta ka shiraya Dagaalka DJabuti & Eritrea
  2. Axmadu Weled Cabdalla oo Rajo ka Muujiyay Fulinta Heshiiskii Djabuuti
  3. 3 qof oo ku geeriyooday dagaal beeleed ka dhacay Tuulada Ceel-Muruq
  4. 2 xubnood oo ka tirsan maamulka degmada Xamar Jajab oo Maanta is casiley

Latest Headlines