Ciidamada Gumeysiga oo dib ugu soo laabay Janta Kundisho iyada oo la dilay sarkaal u shaqeynayay

Published on June 22, 2008 by   ·   4 Comments   ·   print

itoobiyan3.jpgCiidamada Gumeysiga Itoobiya ee maalmahan ku sugnaa agagaarka Degmada Halgan ee Gobolka Hiiraan ayaa goordhaw soo gaaray fariisinka Janta Kundisho duleedka Magaalada Baladweyn ee Gobolka Hiiraan

 Ciidamadan ayaa la arkayay iyaga oo jiidanaya 2 gawaari oo Ural ah oo bur-bur xoogani ka soo gaaray dagaaladii labadii maalin ee ugu danbeysay ay mujaahidiinta MMIS kula beegsadeen nawaaxiga Degmada Halgan ee Gobolka Hiiraan. Dhinaca kale Abaarihii 01:30 duhurnimo ayaa waxa Magaalada Baladweyne lagu dilay Sarkaal sare oo la shaqeeynayay Ciidamada Gumeysiga Itoobiya ee ku sugan gobolka hiiraan. Ninkan oo lagu magacaabo Xasan Bayr ayaa waxaa lagu dilay galbeedka Magaalada Baladweyne ee gobolka hiiraan. Lama garanayo illaa iyo hadda cida ka danbeysay dilkiisa, waxaana uu ku soo beegmayaa iyada oo shalay sidan oo kale isla Magaalada lagu toogtay nin Tarjumaan u ahaa Ciidamada Gumeysiga Itoobiya oo lagu magacaabi jiray Kuusoow Cabdi Dhaaweed xili uu ku sugnaa meel “Biibito ah” oo ku taala Galbeedka Magaalada Baladweyne e Xarunta Gobolka Hiiraan. Arintani ayaa ku soo beegmaysa iyada oo maamulkii ay DFKMG ah u magacowday gobolkaasi ay isaga baxeen iyaga oo aaday dhinaca Fariisinka Buuraha Janta kundisho e gobolka hiiraan. Gobolka hiiraan ayaa maalmahan danbe u muuqda mid ay si isdabo joog ahi uga socdaan dagaalo iyo dilal qorshaysan oo si toos ahi loola beegsanayo Ciidamada Gumeysiga Itoobiya iyo kuwa la shaqeeya. 



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Qarax weyn oo goordhaw lagula beegsaday ciidamada gumeysiga Itoobiya M/Baladweyne ee G/Hiiraan
  2. Nin Tarjumaan u ahaa Ciidamada Itoobiya oo la dilay
  3. Faah Faahin:- ciidamada Gumeysiga itoobiya oo isaga huleelay Mag.Beledweyne
  4. Kolonyo ciidamada gumeysiga ah oo ka soo gudbay Deg.Wanla-Weyn ee G/Sh.Hoose
  5. Ciidamada Gumeysiga Itoobiya oo saaka baaritaano xoogan kula jarmaaday Degmada Dayniile ee M/Muqdisho

Readers Comments (4)

  1. nadia says:

    guul guul mujaahidiinta soomaaliyeed aamiin aamiin itoopianka&dabadhilfkoodaba waa tacbaan ee saan kuwada insha allah.

  2. Abu c/axmaan says:

    mujaahidiinta dagaalka kula jira gaalad allah cizeeyo oo guush iyo nasrigaba siiyo waa helayaan waana helaan waad aragtaan waa taas gaaladii dubbu ku dhacay!
    waxaanse walaalaha ku naseexaynaa, iney ikhlaas iyo iimaan alle ay rumeysan yihiin iyo wadajir iyo isku duubnaan ku sifoobaan!

  3. Warfaa says:

    Takbiir!!!!!!!

    ALLAAHU AKBAR MUJAAHIDIINTA ALLE AYAAN U BARYAYNAA GAAALADA IYO KABA QAADKUUDUNA SIDAY AHAAN JIDHAY WEY JABAHAYAAN

  4. Moh,d A/lahi{Abu-xasan} says:

    Walaalo Ilaahay halaga yaabo haloosoo nododagaalkana hala joojiyo khaarajinta wixii aan wax cad lagu haynin hala joojiyo maxaa yeelay taasi waxay dib u dhigi kartaa Nasriga ilaahay oo soo degdegi lahaa waa hadii ay dhacdo in qof muslin ah muhmal lagu dilo .Ogow qofka muslinka ahi waxa uu ka qaalisanyahay 1000 askari oo Itoobiyaan ah




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Qarax weyn oo goordhaw lagula beegsaday ciidamada gumeysiga Itoobiya M/Baladweyne ee G/Hiiraan
  2. Nin Tarjumaan u ahaa Ciidamada Itoobiya oo la dilay
  3. Faah Faahin:- ciidamada Gumeysiga itoobiya oo isaga huleelay Mag.Beledweyne
  4. Kolonyo ciidamada gumeysiga ah oo ka soo gudbay Deg.Wanla-Weyn ee G/Sh.Hoose
  5. Ciidamada Gumeysiga Itoobiya oo saaka baaritaano xoogan kula jarmaaday Degmada Dayniile ee M/Muqdisho

Latest Headlines