Meydka Wiil Yar oo Laga Helay Xaafada Towfiiq.
By Somalimirror on 19 Jun, 2008 6:12 PM in Main, Wararka, Xadgudubyada
Meydka wiil dhalin yaro ah ayaa galabta waxa meydkiisa laga helay Biyo Degeenka Miisaanka Dhuxusha xaafada Towfiiq ee Magaalada Muqdisho, kaas oo madaxiisa ay ku taaley rasaas. Meydka wiilkan ayaa waxaa goobta ka soo qaadey dadka deegaanka, kuwaas oo hadda isu diyaarinaya sidii ay u asturi lahaayeen meydkiisa. Dadku deegaanka sidoo kale waa ay garan waayeen meydka wiilkan, kaas oo sida la filayo dilkiisa ay ka danbeeyeen ciidanka copy-ga Itoobiya ee fadhiisinka ku leh isgoyska Miisaanka Dhuxusha ee xaafada Towfiq. Ciidanka copy-ga Itoobiya ee halkaa ku sugan ayaa badanaa dadka rayidka ah ee halkaa ku dhaqan waxa ay u geystaan dhibaatooyin badan oo dil iyo dhacba isugu jira. Badanaa dadka ay dilaan ciidanka copy-ga Itoobiya ee halkaa ku sugan dilaan ayaa ah kuwo oo ay ka soo qab qabtaan meel ka fog halka ay ku dilaan.
www.somalimirror.com
Daabaco
U dir saaxiib

Loading ...
Fikrad ka dhiibo