Fatwo Cusub oo ka soo Baxday Sheekh Dr. Cumar Iimaan
Published on June 19, 2008 by Somalimirror · 11 Comments ·
Shabakadda Somalimirror waxa ay idiin soo gudbinaysaa insha allaah Fatwo Cusub oo ka soo baxday maanta Sheekh Dr. Cumar Iimaan Abuu Bakar taas oo uu uga hadlayo arimo ay ka mid yihiin qodobadan:-
-
Wadahadaladu Waxa ay sababaan- khilaafkan ee yuu dan u yhay?
Waaqica dhabta ah- Dariiqa xalka waa sidee?
Shubhooyinka iyo jawaabahooda
Mas’alada saddexaad Wadahadaladu Waxa ay sababaan oo in lays khilaafa ah:
Midaynta sufuufta iyo kalimada dadka muslimiinta ah asal weeye ka mid ah usuusha diinta, waana waajib islaamka dhexdiisa , la’aantiisna ma dhamaystirmo arin ay leeyihiin musliintu, in badan oo ka mid ah waajibaadka Islaamka sida jihaadka, jumcada iyo jamaacada ayaa dartii loo joojiyaa, in laga tago iyadoo la awoodana waxay ka mid tahay danbiyada waawayn, in la kala tagana waxaa ka ratibma in la gaari waayo ahdaaftii la lahaa aduunyada iyo cadaab wayn oo aakhirada ah.
Ahmiyada uu leeyahay gaar ahaan waqtigaan adag ee aan marayno darteed ayaan u allifay kitaab aan ugu magac daray (cizada muslimiintu waxay ku jirtaa wada jirka kalimadooda) . Khilaafku haba ahaado wax mamnuuc ah muslimiinta dhexdooda waaqic weeye aan meel looga leexdo jirin asbaabo jira dartood. Waxa socda maalmahan oo ah kala tagsanaanta mawaaqifta xubnaha isbahaysiga , iyo mas‘uuliyiinta maxaakimta islaamiga ah dhabtii waxay dhibaato galisay qadiyadda , waxaana ka xumaaday shacabka soomaaliyeed oo dhan , waana inaan isweydiinnaa asbaabtiisa:-
Waxaan leeyahay waxaaney labo isku khilaafsanayn in sababka khilaafku tahay wada hadallada Qaramada Midoobay qabanqaabisay ee jabuuti, qaybi waxay u aragtaa wada hadal ka socda inay ka baxsan yihiin nidaamka , aysanna lahayn dawaabid iyo ahdaaf laysla og yahay oo la ilaaliyo waxaanay ka baqayaan in ugu danbaynta uu baabi’iyo thawaabiddii ummaddu lehayd oo ah in cilmaaniyadu gasho booska Islaamka , arinkaasina waxaa weeye in heshiis lala galo xukuumadda daba dhilifkaa ee u suura gelisay cadawga inuu dalka qabsado, dabadeedna lala qaybsado xukunka, waana inay ka horraysaa xabbad joojin lala galo cadawga gumaystaha ah ee ithoobiya, dabadeedna waa in la raadiyo in la adeegsado ciidamo shisheeye oo looga gol leeyahay in lagu baabi’iyo muqaawamada, waxaana dhacay arrinkaa wax ka mid ah, waxayna soomaaliya gelinaysaa dagaal cusub oo aanay cidna garanayn halka uu kudanbay doono.
Qeyb kalena waxay u aragtaa in wada hadalkaan uu u socdo si waafaqsan nidaamka isbahaysiga uuna ogolaasho kahaysto labada gole (Golaha fulinta iyo Golaha dhexe) waxayna u arkaan in wada hadalka lagu xaqiijin karo wax aan lagu xaqiijin karin muqaawamada iyo dagaalka, iyo in beesha caalamku waqtigan ay danaynayso arimaha soomaliya waxayna leeyihiin muqaawamadu xal maahan ee xal ayaa lagu gaarayaa waxaanan ku xaqiijinay muqaawamada wax lagu wada hadli karo waana inaan galnaa wadahadallada waqtiga aan ku xooggan nahay saaxada.
Aragtidayda ku aaddan arrinkaa waxaa weeye aragtiyadaa kala duwan in lana aqbali karo lana diidi karo laakiin waxay u gudubtay thawaabiddii ummadda kadib heshiiskii isdhiibka ee jabuuti, iyo la fariisiga xukuumadda daba dhilifka ah iyo xabbad joojin cadawga gumaystaha ah iyo codsigii ciidamada shisheeye si gacanta loogu geliyo xukuumadda Cabdilaahi yuusuf dalka oo dhan.
Hadaba khilaafkan yuu dan u yahay?
Waxaaney laba isku diidanayn khilaafkan soo kala dhexgalay xubnaha isbahaysiga inuu dan u yahay cadawga soomaaliyeed maxaa yeelay wuxuu daciifinayaa isbahaysiga waxaana suuragal ah inuu u gudbo muqaawamada , waana khasaaraha dhabta ah ee arrinkaas, waana waxa uu ka warramay Qur’aanka kariimka ah{ولا تنازعوا فتفشلوا وتذهب ريحكم واصبروا إن الله مع الصابرين} Wuxuuna buuxinayaa khaanadda xukuumadda daba dhilifka ah ulamana jirto hadii ay dhacdo in lala qaybsado kooxda C/laahi xukunka maxaa yeelay wuxuu ka bari-yeelayaa arrinkaas danbiyadii ay ka galeen shacabka soomaaliyeed,wuxuuna siinayaa cimri dherer, waxaana hagaagaysa aragtida uu caalamku ka qabo kadib marka ay ku biiraan xubno horay loogu yaqaanay mawaaqif wanaagsan.
Waaqica dhabta ah
Ma jirto qayb kamid ah labada qaybood oo kaligeed guul gaari karta kuwa wada hadalka galay ayaan awoodin inay wax la taaban karo ku xaqiijiyaan wada hadalka, iyadoo ay diidan tahay qaybta kale oo ay wada socdaan inta badan muqaawamada, heshiis kasta oo la galaana wuxuu noqonayaa khad ku dul qoran warqad, wuxuuna la mid noqonayaa shirkii dib u heshiisiinta oo lagu qabtay muqdisho oo Cali Mahdi gudoominayay , laguna kala saxiixday Maka (Sacuudiga)Lamana arag wax raad uu leeyahay markaa kadib maxaa yeelay kama helin wax taageera ah shacabka iskaba daa muqaawamada’e . Halka qaybta labaad ee diiddan wada hadalka ku socda wadadaas uu kasoo gaari doono ka bixidda qayb ka mid ah isbahaysiga ayna suurta gal tahay inay raacdo qayb kamid ah muqaawamada, iyadoo ay muqaawamadu wada jirto ayaa waxay dhib wayn kala kulmaysay inay ka hortagto cadawga sadex geesoodka ah bal ka warran haddii ay sii kala qaybsanto Ilaahay ma qadaree.
Dariiqa xalka waa sidee?
Iyadoo ay jirto in khilaafkan uu ka dhashay wada hadalka inuu sii socdana ay sii xoojinayso oo kaliya faraqa u dhexeeya labada qaybood, iyo in uu gaaro khilaafku meel aan laga soo laaban karin anigoo aaminsan in marxalada uu gaaray wada hadalku ay adag tahay in laga soo laabto kadib saxiixii hashiiskii labada qaybood ee jabuuti , qaybta saxiixday oo aan awoodin inay kasoo laabato heshiis ay wax ka ogayd beesha caalamka ,halka qaybta kalana aysan suurtagal u ahayn inay aqbasho, maxaa yeelay sida ay u aragto waxaa la baabi’iyay thawaabiddii iyo ahdaaftii ay lahayd muqaawamadu.
Si kasta oo ay ahaataba wada jirka gudaha ayaa ka muhiimsan oo ka horreeya wax badan taasoo la’aantiis aysan suurta gal ahayn inay qaybi xaqiijiso waxa ay doonayso sababta oo ah dhibka kasoo gaaraya khilaafka oo aad u wayn awgiis. Jawaabtu waxay noqonaysaa in la joojiyo wada hadalka iyo dhamaan dhaq dhaqaaqyada sababay khilaafka iyo in la fariisto miiska wada hadalka wixii sharci ahna loo daayo sharciga iyadoo loo hogaansamayo qowlka Alle(s.w) {فإن تنازعتم فيشيء فردوه إلى الله والرسول إن كنتم تؤمنون بالله واليوم الآخر ذالك خير وأحسن تأويلا}Wixii masaa’il ijtihaadi ahna waxaa lagu kala rajaxayaa masaalixda iyo mafaasida ka ratibmaysa , waxayna u laabanaysaa baxthi iyo daaraasad iyo wada tashi ilaa laysku waafaqo mid ka mid ah aragtiyada laysku hayo insha Allaah. Ra,yigaasi waa mid lays amray sharci ahaan oo ALLE (s.w) uu yiri { فاتقوا الله وأصلحوا ذات بينكم وأطيعوا الله ورسوله إن كنتم مؤمنين}وفى قوله تعالى { إنما المؤمنون إخوة فأصلحوا بين أخويكم واتقوا الله لعلكم ترحمون}In lagu soo celceliyo erayga Alla ka cabsiga labadaa aayadood macnuhu waxaa weeye qofka ku sifooba sifaadkaas inuu yahay qof awoodi kara inuu aqbalo xaqa uuna ka laabto baadilka marka uu u caddaado kadib ,( xaqa oo loo laabtaa waa fadli iyo wanaag) .
Haddii aan u soo laabto mawduuca, maalin walba oo ina soo mara waxaa sii kordhaya khilaafka. Khilaafkuna bilowgii wuxuu ahaa mid ku eg waxyaabo kooban oo looga hadlo fadhiyo gaar gaar ah, waxaana suura gal aheyd in la dhammeeyo bilawgiiba haddii la heli lahaa doonis dhab ah, laakiin nasiib darro waa uu waynaaday kamana suulin qaybuhu inay kor usii wadaan ilaa tala fara ka baxday oo ay soo galaan qaybo kale oo gudaha iyo dibadda ah.
Shubhooyinka iyo Jawaabahooda:
Waxaa dhici karta in dadka qaar ay ku dadaalaan in lays waafaqo oo kaliya ah oo dadka oo dhami meel iskugu yimaadaan hadii ay doonto baadil iyo thawaabidda oo laga tagaba ha ahaateed, arinkaasin waa khalad mana bannaana in laga tago xaqa si laysugu waafaqo baadil (xaqa ayaa u xaq leh in la raaco) qofka u saaxiibka ahna waxaa laga rabaa inuu ku sugnaado, hadduu doono kaligii ha ahaado. mana keenaan wada jirku iyo is afgaradku in xaqa la caddeeyo oo loo laabto mooyaane , xaqa ayaa lagu kulmaa baadilkana waa lagu kala tagaa , hadii ruux uu kala baxo qadiyadda xaqa oo uu la’aado baadil ma bannaana in lagu raaco wuxuu doono ha ahaadee mid madax ah iyo mid madax looyahay mid kuu doono ha ahaado’e waxaabase waajib ah in lakhilaafo haduu xaqa ka leexdo diidana in uu u soo laabto.
Qofna lagu adeeci maayo macsida Alle Nabigu wuxuu u jideeyay (s.c.w.) in lagu sugnaado xaqa miithaal kan ugu quruxda badan waana midka lagu daydo , wuxuuna ku yiri hadalkiisii caanka ahaa. { والله لو وضعوا الشمس فى يميني والقمر فى يساري على أن أترك هذا الأمر حتى يظهره الله أو أهلك ماتركته} Allaan ku dhaartaye hadday qorraxda saaraan midigtayda dayaxana bidixdayda inaan ka tago arrinkaan ilaa Alle uu ka muujiyo ama aan ku halaagsamo ka tegi maayo, waana sida Alle uu u yiri (s.w){ لقد جاءك الحق من ربك فلا تكونن من الممترين} Kanina waa Abuubaker khaliifkii umadiisa uga danbeeyey (R.C) goortii ay riddoobeen intii badnayd carab, oo ay diideen intii badnayd inay bixiyaan Zakada wuxuu goostay inuu la diriro dhamaantood waqti ay laba labeeyeen in badan oo kamid ah saxaabada ladagaallanka dad afka ka sheeganay towxiidka, wuxuuna u yiri si adag Abuu baker ( Allaan ku dhaartee hadii ay ii diidaan dabar ay siin jireen Nabig(s.c.w) waan la dirirayaa waana dilaayaa qofkii kala saaro salaadda iyo sakada). Guushuna waa imaanaaysaa Alle idankii: lakiin waxay ku imaanaysaa in lagu sugnaado xaqa laguna sabro dhibta ee ku iman mayso in lays dhiibo
{ أم حسبتم أن تدخلوا الجنة ولما يأتكم مثل الذين خلوا من قبلكم مستهم البأساء والضراء وزلزلوا حتى يقول الرسول والذين آمنوا معه متى نصر الله آلا إن نصرالله قريب }.
Nabigu wuxuu ka warramay in dadkii naga horreeyay la saari jiray madaxiisa kala badhkiis miishaar oo lagu kala goyn jiray ilaa lugihiisa arrinkaana kama saari jirin diinkiisa ,waxaa kaloo shanlo bir ahna lagu kala saari jiray hilibkiisa iyo lafahiisa waxna kama badali jirin. كانمنقبلكم كان أحدهم يوضع المنشار على مفرق رأسه, فيخلص إلى قدميه لا يصرفه ذالك عن دينه , ويمشط بأمشاط الحديد ما بين لحمه وعظمه لا يصرفه ذالك عن دينه “من المؤمنين رحال صدقوا ما عاهدوا الله عليه فمنهم من قضى ومنهم من يتظر وما بدلوا تبد يلا “
Allahayow inoo tusi xaqa xaq inuguna irzaaq inaan raacno baadilkana inuu baadil yahay inoo tusi naguna irzaaq inaan ka fogaano . اللهم أرنا الحق حقا وارزقنا اتباعه وأرنا الباطل باطلا وارزقنا اجتنابه Waxaana qoray oo tafaftiray Fadiilatu Al-Shaykh Dr. Cumar Iimaan Abuu Bakar كتبه وحرره الشيخ الدكتور/ عمر إيمان أبو بكر |
المسألة الثالثة ما تسبب على التفاوض من اختلاف الكلمة
إن توحيد الصف واتفاق الكلمة أصل من أصول الدين، وفريضة من فرائض الإسلام، وبدونه لا يتم أمر الإسلام، وكثيرمن واجبات الإسلام كالجهاد والجمعة والجماعات تتوقف عليه، وتركه مع القدرة عليه كبيرة من كبائر الذنوب، ويترتب على التفريط فيه فشل في بلوغ الأهداف في الدنيا وعذاب عظيم في الآخرة. ولأهميته لا سيما في هذا الوقت الحرج الذي نمر به ألفت فيه كتابا سميته ” عز الأمة في اجتماع الكلمة “. فالاختلاف _ وإن كان ممنوعاً شرعاً بين المسلمين _ واقع لا محالة لأسباب معروفة، والنهي عن الاختلاف يعني النهي عن تعاطي أسبابه. وما يجري في هذه الأيام من تباين في المواقف بين أعضاء التحالف، بل وبين مسؤولي مجلس المحاكم الإسلامية، قد أضر بالقضية واستاء منه الشعب الصومالي برمته، وعلينا أن نتساءل عن أسبابه: أقول: لا يختلف اثنان أن سبب هذا الاختلاف هو هذا التفاوض الذي ترعاه الأمم المتحدة في جيبوتي: يرى فريق أن هذا التفاوض يجري خارج الأطر النظامية وبدون ضوابط معلومة في أهدافه ومراميه، ويخشى أن يتمخض منه في نهاية المطاف ما يخل بثوابت الأمة من إحلال العلمانية مكان الإسلام، وذلك بالدخول في اتفاقية مع الحكومة العميلة التي مكَّنت العدو من احتلال البلد، ثم بتقاسم السلطة معها،على أن يسبق ذلك وقف لإطلاق النار مع العدو الإثيوبي المحتل، ثم السعي إلى استقدام قوات دولية من أجل الاحتماء بها من ضربات المقاومة، وقد حدث شيء من هذا، وبهذا تدخل الصومال صراعاً جديداً لا تعرف عواقبه إلى أين تتجه. في حين يرى الفريق الآخر أن هذا التفاوض يجري على حسب اللوائح للتحالف وأنه حصل على التفويض من المجلسين ـ التنفيذي والمركزي ـ ويرى أنه قادر على أن يحقق بهذا التفاوض ما لا يقدر أن يحقق بالقتال، وأن المجتمع الدولي في هذا الوقت مهتم بالقضية الصومالية، وأن المقاومة ليست هي الحل، وإنما هي طريق إلى الحل، وأننا قد حققنا بالمقاومة مكاسب يمكن التفاوض عليها، وقد آن الأوان أن ندخل في التفاوض في الوقت الذي نحن الأقوى في الساحة. وفي نظري كانت هذه وجهات نظر قابلة للأخذ والرد لكنها تجاوزت إلى الإخلال بثوابت الأمة بعد التوقيع على الاتفاقية الاستسلامية، والجلوس مع الحكومة العميلة، ووقف إطلاق النار مع العدو المحتل، وطلب القوات الدولية لتمكين حكومة عبد الله يوسف من السيطرة على جميع البلاد.
هذا الاختلاف لمصلحة من ؟
لا يختلف اثنان أن هذا الاختلاف بين أعضاء التحالف لمصلحة أعداء الصومال، ويأتي في مقدمتهم العدو المحتل الإثيوبي لأن الاختلاف بين أعضاء التحالف يُضعف التحالف، وينسحب ذلك على المقاومة، وذلك هو عين الخسارة، وهو ما ينص عليه القرآن الكريم ( ولا تنازعوا فتفشلوا وتذهب ريحكم واصبروا إن الله مع الصابرين ) كما أن هذا الاختلاف يصب في خانة الحكومة العميلة لا سيما إذا تم تقاسم السلطة معها فإن ذلك يبرئها من جميع الجرائم التي ارتَكبت في حق الشعب، ويُطوِّل عمرها، ويلمِّع صورتها في العالم لا نضمام رجال معروفين سابقا بالنـزاهة والموافقة. الواقع ليس هناك أيٌّ من الطرفين يقدر عل تحقيق نجاح بمفرده في مشروعه، فلا الذين ذهبوا إلى التفاوض قادرون على تحقيق مكاسب من خلاله إذا عارضه الطرف الآخر، ومعه معظم المقاومة، فتكون هذه الاتفاقية حبراً على ورق، مثلها مثل المصالحة التي عُقدت في مقديشو برئاسة علي مهدي محمد، وتم التوقيع عليها في مكة، ولم ير لها أيُّ أثر بعد ذلك لأنها لم تكن تلقى تأييدا من الشعب ناهيك عن المقاومة كما أن الطرف الثاني المعارض لهذا التفاوض على هذه الطريقة سيتضرر كثيراً بانسحاب طرف مهم من التحالف، ويمكن أن يكون معه قسم من المقاومة، فإذا كانت المقاومة _ وهي متفقة_ تلقى صعوبات جمة في مواجهة العدو الثلاثي، فكيف يكون حالها إذا انقسمت فيما بينها ـ لا قدر الله _.
كيف الطريق إلى الحل
بما أن هذا الاختلاف نشب بسبب هذا التفاوض، وأن الاستمرار على هذه الطريقة يوسع الهُوَّة بين الطرفين، ويوصل الخلاف إلى نقطة لا عودة منها مع أنني أعتقد أن المرحلة التي وصل إليها التفاوض يصعب الرجوع منها بعد التوقيع على تلك البنود بين الطرفين، فلا الطرف الموقع عليها يملك الرجوع منها بعد التوقيع عليها بحضور المجتمع الدولي كما لا يمكن للطرف الثاني القبول بها لأنها في نظره تخل بالثوابت والأهداف التي من أجله قامت المقاومة.ومهما يكن من أمر فإن وحدة الصف الداخلي أهم من كل شيء ومقدم على غيره، إذ بدونه لا يتحقق لطرف مطلبٌ مع ما يَلحق الطرف المتسبب للخلاف من التبعات الدنيوية والأخروية. وعليه فالواجب على الجميع إيقاف هذا التفاوض الذي هو السبب في الخلاف ووقف كل الأنشطة التصعيدية والجلوس على مائدة مستديرة للتباحث حول جميع المسائل المختلف فيها، فما كان منها شرعيّاً فيترك للشرع امتثالا لقول الله تعالى ( فإن تنازعتم في شيء فردوه إلى الله والرسول إن كنتم تؤمنون بالله واليوم الآخر ذلك خيروأحسن تأويلا ) وما كان منها من مسائل الاجتهاد تتأرجح بين المصالح والمفاسد، فتُخضع للبحث والدراسة والتشاور إلى أن يتم الاتفاق على رأي منها بإذن الله. فهذا هو الرأي المأمور به شرعاً في قوله تعالى ( فاتقوا الله وأصلحوا ذات بينكم وأطيعوا الله ورسوله إن كنتم مؤمنين ) وفي قوله تعالى ( إنما المؤمنون إخوة فأصلحوا بين أخويكم واتقوا الله لعلكم ترحمون ). وسر تكرر لفظة التقوى في الآيتين له مغزًى، ذلكم أن المتصف بها هو المتغلب على نفسه القادر على حملها على قبول الحق والرجوع من الباطل بعد التبين، فالرجوع إلى الحق فضيلة.كل يوم يمر يزداد الخلاف اتساعاكان الخلاف في بدايته محصورا في نطاق محدود، وفي مجالسه الخاصة به، وكان بالإمكان القضاء عليه في مهده لو توفرت الإرادة الصادقة لكن بكل أسف تمت المزايدة عليه، فما زالت الأطراف تتجاذبه في كل الأصعدة حتى طفح كيله، فدخلت فيه أطراف أخرى _ محلية ودولية_ فلم يعد الخلاف مقصورا على الطرفين، وقد لا يكون بمرور الزمن بوُسْع الأطراف أن تقرر ما تراه أنسب لظروفها بسبب تدويل القضية وتعقيداتها.
شبهة وإجابة عنها
قد يصل بالبعض الحرص على الاتفاق إلى درجة يتمنى أن يتفق الجميع، ولو على الباطل وعلى حساب الثوابت، وهذا خطأ فلا يجوز ترك الحق من أجل الاتفاق على الباطل ، فالحق أحق أن يتبع، وعلى صاحبه أن يثبت عليه، ولو كان وحده فلا يتأتى الاجتماع والاتفاق إلا على الحق، فالحق يَجمع، والباطل يُفرِّق، فلو أن أحدا خرج بالقضية عن الحق إلى الباطل فلا يجوز المتابعة عليه أيا كان رئيسا أومرؤوسا بل يجب مخالفته إذ ” لا طاعة لمخلوق في معصية الخالق ” وهذا فيه مصلحة للسائر على الباطل لأن مخالفة الآخرين له ردع له عن الباطل. وقد ضرب النبي صلى الله عليه وسلم في الثبات على الحق أر وع الأمثلة ـ وهو القدوة ـ فقال ـ معتزا بالحق الذي أنزل عليه ورافضا لكل المغريات ـ قولته المشهورة ” والله لو وضعوا الشمس في يميني، والقمر في يساري على أن أترك هذا الأمر حتى يظهره الله أوأهلك ما تركته” كيف وقد قال الله له في تنـزيله ( لقد جاءك الحق من ربك فلا تكونن من الممترين ). وهذا خليفته في أمته من بعده أبو بكر الصديق ـ رضي الله عنه وأرضاه ـ حينما مات النبي صلى الله عليه وسلم، وارتد من ارتد من العرب، ومنع منهم من منع الزكاة، وعزم على قتال الجميع، وتردد كثير من الصحابة في قتالهم بحجة أنهم يقرون بالشهادتين قال في لهجة المتحدي ” والله لو منعوني عقالا كانوا يؤدونه إلى رسول الله لقاتلتهم على منعه، والله لأقاتلن من فرق بين الصلاة والزكاة ” .والنصر آتٍ بإذن الله لكن بالثبات على الحق والصبر على المكاره لا بالاستسلام والقبول بالإملاءات ( أم حسبتم أن تدخلوا الجنة ولما يأتكم مثل الذين خلوا من قبلكم مستهم البأساء والضراء وزلزلوا حتى يقول الرسول والذين آمنوا معه متى نصر الله ألا إن نصر الله قريب ” . وقد أخبر النبي صلى الله عليه وسلم أن من كان قبلكم كان أحدهم يوضع المنشار على مفرق رأسه، فيخلص إلى قدميه لا يصرفه ذلك عن دينه، ويمشط بأمشاط الحديد ما بين لحمه وعظمه لا يصرفه ذلك عن دينه “وقد ربى النبي صلى الله عليه وسلم جيلا، كل منهم يعدل ألفاً في الثبات على الحق ورباطة الجأش ، وقد أثناهم الله على ذلك بقوله ( من المؤمنين رجال صدقوا ما عاهدوا الله عليه فمنهم من قضى نحبه ومنهم من ينتظر وما بدلوا تبديلا ) . اللهم أرنا الحق حقا وارزقنا اتباعه وأرنا الباطل وارزقنا اجتنابه كتبه وحرره فضيلة الشيخ الدكتور / عمر إيمان أبوبكر
No related posts.
waxaan ku qanac sanahay 100% Fadwadan cusub oo ow soo saaray Dr.Cumar Iimaan waxaanan ugu qanacsanahay:-
1. asagoo ka war bixiyay dhibaatada ow u leeyahay khilaafka ay keeneen xubnaha heshiiska saxiixeen muqaawamada iyo hadafka ay tiigsanayaan umadda soo maaliyeed
2. saga oo ka waramay danta iyo faa’iidada ugu jirta kooxda imbigaati ee umdda soomalida danbiga ka kashy isla markaan danbigii ka dhqay oo maanta ka dhigaya mas’uuliyiin soomaaliyeed taas oo dhabar jab ku ah umdda iyo danaheeda mustaqbalka
3. asogoo ku cadeeyay hadalkiisa daliil qur’aan ah
FG: waxaan k codsanayaa Somalimirror Cinwaan ka Dr.Cumar Iimaan ama tleefankiisa sababtoo ah waxaan joogaa wadanka Sacuudiga waxaanan ka mid ah mas’uuliyiintii maxaakiimta soomaaliya
mahadsanidiin
Xaq nin kii rabow ,wakaasee raac…..
Ilaahay xaqa natus oo nagu irzaaq inaan raaco.
ASC
waxaa ubaal ah waxa halkaa ina dhigay waa tafaraaruq iyo ismaqliwaa oo inagii ayaa koox koox iyo reer reer isukala soocnay somalina maanta waxay maraysaa in ay cadaw isku soo adeegsato waana ayaandaro laga tiiraanyoodo, waxaana hubaal ah oo aan muranku jiri inaan koox ama reer kaligii waxba noqon mana kala maarano dadyaho ee laba midsoogala:
1) Inaad midawdaa oo aad sharaf iyo wanaag ku noolaataan ubadkiinana dhaxal fiican ureebtaan.
2) Inaad kala tagtaan oo koox koox isku gumaadaan oo aad gunimo iyo cayrnimo ku noolataan ubadkiinana daxal xun ureebtaa.
Asalaamu calaykum,
Waxaan halkan Salaanta Islaamka kaddib Ilaahay ka baryayaa inuu Xaqa na tuso,quluubteenana xaqa isugu keeno. Fitaawada uu bixiyay Sh. Cumar wixii uu asiibana Allaha ka abaalmariyo wixii uu qaldana allaha ka cafiyo. Fitaawadii Hore waxaan ka akhriyay arrimo aan hadal culimo ku haboonayn, aanse is iri dadkii qoray ayaa ku daray. waxaa ka mid ahaa: ‘iyo dad yiri halkaas oo qabiilkaygu u badan yahay ayaan iska raacayaa’, Runtii haddii lagu daray hala tiro Sheekhana yaan la masabidan, haddiise uu Sh. Cumar sidaas yiri arrin ku fiican dadka dhexdiisa ma ahan. Haddaba, Waxaa qurxoonaan lahayd in Arrinta Culimada Soomaaliyeed intooda is heli karta ay Arrintan Fatwo deg-deg ah oo Ijmaaci ah ka soo saaraan. haddii kale fatwo hal shaqsi masiirka Ummadda oo idil xoogaa waa ku culus tahay. Sh. shariif haddii wax is tuseen sida uu idaacadaha ka sheego inuusan mowqifkiisii hore ee isku xukunka shareecada Islaamka iska badalin, balse uu is yiri bal si kale oo aad ku gaari karto muuji, yaan asaga iyo ra’yigiisa la fogayn. Waa nin qiimo badan oo waqti adag soo hoggaamiyay ummadda, marka caadadeenii ahayd wixii cusub caalamkaa jecel yaysan naga noqon. Waxaan ku soo koobayaa Amxaaro gudahana Xabad ha looga Saaro, Siyaasadda Dibadda ee ay nooga adkaatayna yaynaan u bannayn ee ha lagula dagaalo, Meelna yaan loo cafin, Ha la is waafajiyo Xeeladaha, koleey ragga xeeladahaa la isku maandhafsan yahaye, uma malayn maayo in Sh. Shariif uu C/laahi yuusuf iyo wax la mid ah wax la qaybsi iska daaye uu ag tagayo, marka laga reebo in C/laahi Alle u towbad keeno safka Muslimiintana soo galo.
mashaallaah sheeq sifiicana u dhigtay balse ku dadaaal inaaa khilaafka gudaha dhamaysiin insha.allaah
Bismilaah,waxaan joogaa Muqdisho,,,Marka hore allaah ayaaa mahad dhamaanteed usugnaatay,marka xiga waxaan salaamayaa Sh Cumar iimaan,kadib waxaan ka codsanayaa Culimada somaliyeed,walaalayaaloow,, maanta meesha dalkeenu maraayo waad aragtaan,,mar marka qaarna waxaan is idhaah,tolow Hogaamiye Kooxeedkii 16 sano naheystay armey Culimaduna ku sigtaan allaah ha iga cafiyo hadaan Culimada Qalad u Nisbeeyey,,waxaan idinka codsanayaa meelkasta oo aad joogtaanba Fikradiina mideeya,waxaad dooneysaana ha ahaato sidii cadowga dalka looga saari lahaa,shareecada islaamkana loogu dhaqmi lahaa,ninjeclaysi iyo Kursi haduu meesha soo galana waxaa imaan Tafaraaruq”"waxaan kaloo ka codsanayaa Culimada Somaliyeed Ereyada warbaahinta la isku marinaayo fadlan hala iska ilaaliyo,,,,,,wabilahi Fowfiiq
Asalaamu calaykum
shiikhu waa ku mahadsan yahay warka fiican ee uu soo gudbiyay waxaanse jeclaann lahaa in marka hore aan la dhihin fatwo , maxaa dhacay shiikha wuxuu ka mid yahay culimada is khilaaftay , hadaba ra’yigiisa inuu yahay hala sheego laakiin yaanan la dhihin waa Fatwo . Maxaa dhacay qofki asaga in uu dhinac ka haado khasmi dhinac ka noqdo xakam suurto gal ma han , waxaana ogsoon nahay in culimo badan oo joogo wadanka gudihiisa iyo dibadiisaba aynan ku raacsaneyn ra’yiga shiikha.
Maxaa dhacay Thawaabit laga tagay ama isdhiibid laysku dhiibay cadow iima muuqato, laakiin waxaan u arka wadahadalku in uu yahay marxalad ka mid ah maraaxishi muqaawamada , cadowga in dhinac walba lagala dagaalamona u malayn maayo in ay tahay istislaam.
daliilyada laga soo qaatay nabigeena calayhusalaat wasalaam iyo midka abuubakar ilaahay haka raali noqdee waxay ku saabsanaayeen towxiidka alle iyo rukni kamid ah arkaanta islaamka oo la inkiray ama la diiday, hadaba u malaynmaayo in arimahaas wax u eg ay yaalaan meesha , dalaaishaas uu sheekha la yimid ma ahan meesheedi , in wadahadal lala galo dowlad soomaali ah ama wax lala qeysado kama foolxuma in siyaasada afoorqi {ereteria}loo kitaabo dadayo.
wasalaamu calaykum.
waxaan u mahad celinayaa allaah kadib sheeq cumar imaan abuu bakar kadib shabakaddaan islaamiga ah oo sahashay inayhellaan shacabka somaaliyeed culimadooda gambadka ku maqan oo aan waqtiga u saamixin inay diiintooda ugu soo gudbiyaan si mubaashir ah
Fatwada Dr. Cumar Iimaan ma ahan wax ka weyn aragti siyaasadeed oo kooxdiisa xagjirka ahi ay ugu qiil dayayaan in la dabar gooyo shacabka Soomaaliyeed intii ka hartey ama Al-itixaad uu dalka qabsado.
Allah ayaa inoo maqan. Allow ha inagu hallayn xikmad-laawayaasha.
wanuarkaa shiikha inuu asiibay xaqa wasahadiilagaqaato shiikha asagusa maiskudayay inuuhishiisiya sxbadiis asaga ayeey awalba iswateene ameysa isdagaalan hadeykabaxda cadawa nugusooduulay
waxay ila tahay in shiikhu ka hadlay fikirkiisa siyaasadeed oo fatwo waxaa soo saara nin dhexdhexaad ah marka shiikha fatwadiisa hala joogo dhulka gaalada ee casmara