Diyaaradaha Maraykanka oo Cabsi ka abuurey Deg. Baardheere

Published on June 19, 2008 by   ·   No Comments   ·   print

diyarad-military-copy.jpg Diyaaradaha Dowladda Mareykanka ayaa xalay iyaga oo ku socda joog hoose dul-heehaabayay Degmada Baardheere e gobolka Gedo taas oo cabsi weyn ku abuuray gudaha iyo daafaha Bulshada deegaankaasi. Diyaaradahani oo xalay dul haawanaya hawada sare ee degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa cabsi xoogan ku dhaliyay bulsho weynta ku dhaqan degmada baardheere,iyadoona ay tahay markii ugu hoeysay oo diyaarado noocaani oo kala ah  ay dul haawdaan qeybo ka mid ah gobolka Gedo. Guddoomiyaha maamulka Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo Maxamed Xirsi Dhudu oo arimahaasi wax ka weydiinay ayaa inoo xaqiijiyay in diyaaradaha caawa dul haawanaya degmada Baardheere ay yihiin diyaaradaha ay leeyihiin Dowladda Mareekanka.  Inkastoo bulshada ku dhaqan Degmada Baardheere ee Gobolka Gedona ay cabsi xoogan ka qabaan in diyaaraha halkaasi dhibaato ay ugu geystaan, walaw ayney jirin wax duqeyn ah oo halkaasi ka geysteen.  Wixii warar ah ee ku soo kordha arintani dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa Inshaa Allaah. 

diyarad-military-copy.jpg 

WordPress Plugin Share Bookmark Email

Related posts:

  1. Cabsi ka jirta Dhoobleey
  2. Xubnaha maamulka DFKMG ah ee G/Hiiraan oo cabsi isugu urursaday saldhigga booliska
  3. Taliyihii Diinsoor iyo ciidan uu wato oo gaaray Baardheere
  4. Isgoyska Fagax ee Deg.Yaaqshiid oo ah mid ay xaaladiisu degantahay ka dib dagaal xalay ka dhacay
  5. Ciidamada Gumeysiga Itoobiya oo Xalay Baaritaano ka sameeyay qeybo ka mid ah degmada Dayniile ee M/Muqdisho

Readers Comments (0)

Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Cabsi ka jirta Dhoobleey
  2. Xubnaha maamulka DFKMG ah ee G/Hiiraan oo cabsi isugu urursaday saldhigga booliska
  3. Taliyihii Diinsoor iyo ciidan uu wato oo gaaray Baardheere
  4. Isgoyska Fagax ee Deg.Yaaqshiid oo ah mid ay xaaladiisu degantahay ka dib dagaal xalay ka dhacay
  5. Ciidamada Gumeysiga Itoobiya oo Xalay Baaritaano ka sameeyay qeybo ka mid ah degmada Dayniile ee M/Muqdisho

Latest Headlines