Dagaal laga Cabsi qabo in uu ka dhex qarxo Itoobiya & Eritrea
Published on June 19, 2008 by Somalimirror · 3 Comments ·
Kooxda lagu Magacaabo International Crisis Group (ICG) oo qaabilsan Dhibaatooyinka Caalamiga ah ayaa ka digtay in dagaal cusub oo Musiibo weyn dhaliyo uu ka dhex qarxo labada wadan ee darisk ah ee Itoobiya iyo Eritrea. Digniintan ka soo baxday ICG oo fadhigeedu yahay Magaalada Brussels ayaa ah mid cusub oo dabo socda digniino isdabo joog ah oo ay Beesha Caalamku ka bixinayaan maal mahan danbe xaalada cakiran ee ka dhex aloosan labadan dal oo iyagu sanadkii 1998 uu dagaal dhexmaray kaas oo ay ku geeriyoodeen 70 kun oo qof. “labada wadan xiligani ma doonayaan dagaal, mid waliba waxa uu door bidayaa in xaaladu ay ahaato mid degan si ay xujo ugu helaan nidaamkooda, laakiin dhacdo kasta oo yar oo ka dhacda xuduuda xaataa si khalad ahi ha u dhacdee waxay keenaysaa Musiibo wayn oo ka dhex dilaacda labada dal” ayuu yiri Andrbran Giorgis oo isagu ka mid ah Kooxda ICG. Warbixintan oo ku soo baxday Cinwaan ah “Dagaal Cusub oo la filan karo” ayay sidoo kale ICG-du ka digtay in khilaafkan xuduudeed “uu sii badinayo khatarta ka jirta gobolka geeska afrika gaar ahaan soomaaliya”. Ma aha markii ugu horeysay oo kooxdan iyo Beesha Caalamkuba ka digaan in uu ka dhex qarxo dowladda Eritrea iyo Itoobiya dagaal weyn oo laga cabsi qabo in haddii uu bilowdo ay keeni karto musiibo tii ugu darnayd oo labadaasi dal qabsata.
Related posts:
- Dagaal ka qarxay Xadka DJabuti iyo Eritrea
- Masar oo wal-wal ka muujisay Dagaalka Djibouti & Eritrea
- Golaha Amaanka oo edeeyay Eritrea
- Jaamacada Carabta oo ka codsatay Eritrea in deg deg ay ugala baxdo ciidamadeeda xadka Djibouti
- Jaamacada Carabta oo maanta ka shiraya Dagaalka DJabuti & Eritrea
YAA ALLAAH GAALADAAS KA DHEX QARXI DAGAAL AAN WALIGIIS DHAMAAN ANAGA MUSLIM AHNA KHILAAFAADKEENA DHAMEE YAA RABANAAA
AAMIIN
dagaal kad ehx bilowda labadaas dal wuxuu noqon karaa fursad ay somalidu ka hesho labada adl oo aan midna doonayn in somalia ay xasisho
dagaalka labadaas dal mid ku libaanaya ma jirto inkastoo aan jeclaan lahaa in itoobiya lagu jebiyo