Booqashadii Sh. Salmaan Al-cawda ee Masajidka Imaamu shaafici Koonfur Afrika,Johannesburg.

Published on June 19, 2008 by   ·   2 Comments   ·   print

sh-salman-fahad-al-cowda.jpgBooqashadii Sh. Salmaan Al-cawda ee Masajidka Imaamu shaafici Koonfur Afrika,Johannesburg.

Sh. Salmaan ibnu Fahad Al Cawda “Haddii aan talo bixin lahaa, waxaan oran lahaa khilaafku waa jiraaye yuusan isu rogin kala tag iyo burbur…” waxaa yiri Sh. Salmaan.

Waxaa dhawaan booqasho ku yimid wadanka Koonfur Afrika Sh. Salmaan Ibnu Cabdullahi Ibnu Fahad Al-Cawdah, isagoo ka helay casuumad Shir uu qaban-qaabiyay Machadka Waxbarashada iyo Dhiirigalinta ee Koonfur Afrika “Cilmi” ee saldhigiisu yahay magaalada xeebta ku taala ee Durban 13-16/06/2008, shirkaas oo ay isugu yimaadeen culumo kala duwan kana kala socday Ingiriiska, Maraykanka, Sacuudiga iyo Koonfur Afrika waxa uu halku dhigiisu ahaa “Laga Soo Bilaabo Madiina Ilaa iyo Maanta” , halkaas oo ay isugu yimaadeen dad aad u fara badan oo muslimiin ah oo ka kala yimid wadanka gudihiisa. Masaajidka Imaamu Shaafici Jamaacadii isugu timid qaarkeed 17/06/2007.

Haddaba, waxay Jaaliayadda Soomaaliyeed nasiib u heshay in ay iyadu noqoto mid ka faa’idaysta sheekha, culumadeeda oo ay hogaaminayaan Majlis Al-Bayaan Al-Islaami (oo ah Majliska ka mas’uulka ah isagu inta badan masaajidda iyo madarasooyinka Soomaalida ee ku dhaqan Koonfur Afrika) waxay dadaal wayn u gashay sidii ay u keeni lahaayeen sheekha Allena waa uu u fududeeyay, wuxuuna sheekhu soo gaaray magaalada Johannesburg galabnimadii Talaaddada, isagoo soo booqday Markazka Al-bayaan iyo Madarasadiisa halkaasna ay ku soo dhaweeyeen arddada Madarasada (iyagoo u qaaday anaashiid la yiraahdo Al-Muslimuun oo uu alifay Sh.Yuusuf Al-Qardaawi), Macalimiinta iyo waliba Maamulka Majliska qaarkii, sheekha oo runtii aad iyo aad ugu riyaaqay hawsha wanaagsan ee meesha ka socota, wuxuu ku booriyay in lagu dadaalo Manhajka iyo Tarbiyadda iyo waliba in la isku dayo sidii miro wanaagsan loo dhalin isagoo ka sheekeeyay dhibaatada dadka muslimiinta haysata.

Sheekhu wuxuu Maqribkii ku qabtay Masaajidka Imaamu Shaafici ee ku yaala magaalada Johannesburg muxaadaro la magac baxday “Khudbatu Xajatul Waddaac” waxaana ku soo dhaweeyay. Sheekhu wuxuu aad ugu dheeraaday sida dadka Soomaaliyeed ee jooga wadankan Koonfur Afrika ay u sameeyeen dadaalka dheeriga ah, iyadoo wiilka dhalinyarada ah ee yimid wadankan uusan waxba haysanin haddana ay yihiin dad maanta u dhisan ganacsi ahaan, diin ahaanna isugu xidhan, helayna tajrubo aad iyo aad u wanaagsan, lehna ku dayasho aad u fiican; sheekhu wuxuu balan ku qaaday in uu khibradda Soomalida Koonfur Afrika kaga sheekayn doono, tusaalooyin badanna u soo qaadan doono meelaha kale ee uu tagi doono.

Sheekhu wuxuu muxaadaradiisa u qaybiyay qaybo badan waxa uuse xoogga saaray dhawr arimood oo uu xadiithka Rasuulku (sallalaahu calayhi wasalam) ka soo dhex qaatay. Dacwada wadideeda in lagu dheeho xikmad iyo raxmad iyo waliba cilmi raasikh ah. Dhiigga Islaamku daadintiisu ilaa xaq mooyee in uu yahay xaaraam, taas oo uu meelo badan ka eegay. Midnimada oo uu aad ugu nuux nuuxsaday, sheegayna in midnimadu ay tahay awood laysku ixtiraamo, isagoo tusaale u soo qaatay odaygii tobanka wiil lahaa ee markii uu dhimanayay isugu yeeray, ka dibna u diray mid walba ul inuu kala jabiyo oo mid walbaa markiiba kala jabshay, ka dibna, mid walba u dhiibay tobankii ulood oo isku xidhan kuna yiri kala jabi mid waloowba markaaga, wiilashiina ay kari waayeen in ay kala jabshaan ulahoo isku wada dhan, ka dibna yiri hadalkii murtida galay ee ahaa; (Aabbe Wadajirku waa Nolol kala Tagganu Waa Dhimasho).Sheekha iyo Culumada Qarkeed In la iska ilaaliyo khilaafka, oo uu waliba yiri; “Khilaaf waa uu jiraa, walibana jiri doonaa adiguna kama dhamayn kartid dadka dhexdiisa, oo taasi waa suno kowni ah, waxaase adiga kula gudboon in aadan khilaafkaas u badalin mid kala tag keena”, wuxuuna aad ugu booriyay dadka in ay mar walba cadaalad ka noqdaan hadalka iyo goob kasta oo hawli taalo in lagu dadaalo sabarka maadaama uu qofku ku jiro shay dacwo ah, naftiisana ku xakameeyo wanaagga, waxa uu sheegayana uu isagu iska bilaabo si loogu daydo.

Gaba gabadii; waxaa sheekha laga faa’iiday wax aad u badan oo runtii dadka kicisay, wuxuuna tibaaxay in Koonfur Afrika ay leedahay rajo aad u badan islaamkuna uu noqon doono wakhti ka mid ah taariikhdeeda fooda nagu soo haysa diinta ugu sadka roon ee wadanka lagaga dhaqmo, ogowna muslimka ku dhaqan waa 2% hadda, waase muslim aad iyo aad wax tar u leh oo dhinac walba ku jira, haddey noqon lahayd siyaasad, dhaqaale, waxbarasho, iwm.

Sheekhu hadalkiisii wuxuu ku soo gunaanaday duco muslimka oo dhan ahayd iyo mid khaas ku ahayd dadka Soomaaliyeed in Ilaaheey uu dhibka ka saaro. Majlis Al-Bayaan Al-Islaam JohannesburgAxmed Dheere.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



No related posts.

Readers Comments (2)

  1. ibrahim says:

    salama caleykum waxaan kunoolahay k/africa magalada port elazabeth sheekhu kheyr alah siiyee anaga warkama aan hay nin imaa shadiis balse waxaan jeclaan lahaa maadama uu kahadlay isku xernaashada waxaay eheeyd inuu kahadlo dhibka ay dowlada sucuudiga ku hayso umada islamka ah oo masakinta ah. wabillahi towfiiq

  2. cabdimadoobe sh maxed says:

    asc
    walaalayaal bahda boga somalimirror ayay soo gudbisay ayaan aad ugu farxay markii aan akhriyay quraal uu qoray bogan walaal arin lagu faraxo imaanshaha sheekh walaal iyo culumo kale ba waxaa fiicnayd inuu yimaado magaalooyinka soomalidu dagantahay oo dhan
    walaalayaal anigu waxaan danahay cape town waanan soo dhuwaynaynaa culuma kasta oo timaada south africa
    w/w/w




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

No related posts.

Latest Headlines