Axmadu Weled Cabdalla oo Rajo ka Muujiyay Fulinta Heshiiskii Djabuuti
By Somalimirror on 19 Jun, 2008 4:51 PM in Main, Wararka
Wakiilka Gaarka ah ee Q.M Axmadu weled Cabdalla ayaa maanta ka war bixiyay meesha ay marayaan dadaaladii Q.M ugu jirtay fulinta Waxyaabihii ay ku heshiiyeen dhinacyada Isbahaysiga Dib u xoraynta iyo Dawladda KMG ah ee la shaqaysa gumayiga Itoobiya gaar ahaan keenista ciidamo ka socda Q.M oo badala kuwa Itoobiya. Axmadu Weled Cabdalla ayaa sheegay in ay rajo weyn ka qabaan in ciidamo caalami ah oo ka socda Q.M lagu keeno Soomaaliya xilligii heshiiska lagu gaaray oo ahaa muddo 120 cisho gudahood ah wuxuuna intaa ku daray in mas’uuliyadda ciidamadaas ay saarantahay golaha amaanka ee Q.M. Danjire Axmadu Weled Cabdalla ayaa sheegay in ay jiraan dadaalo iyo wada hadalo Siyaasadeed oo ay dhinacyadii heshiiska gaaray wada qaadan doonaan taas oo lagu hor marinayo hanaanka dib u heshiisiinta ee wajigiisii hore lagu soo gaba gabeeyay Djabuuti. Wakiilka Q.M ee Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in xaflad balaaran lagu Qaban doono Magaalada Makka Al-Mukarama halkaas oo ay dhinacyada Isbahaysiga dib u xoraynta iyo Dawladdu heshiis kama danbays ah ku kala saxiixan doonaan, wuxuuna sheegay in maadaama Soomaaliya ay tahay dal muslim ah in ay lagama marmaan tahay in dhinacyada iska soo hor jeeda ay tagaan Magaalada barakaysan ee makka ayna ku ducaystaan. Axmadu Weled Cabdalla ayaa sheegay in uu dibadda kula kulmay dad Soomaali ah oo muhiim u ah dib u heshiisiinta kuwaas oo ku nool qurbaha dalkoodiina uga soo barakacay dhibaatooyinka ay sababtay colaada Soomaaliya ka aloosnayn muddo 18 sanadooda ah. Wakiilka Gaarka ah ee Q.M ayaa tan iyo markii loo magacaabay booskan wuxuu isku hawlay in uu guul ka gaaro geedi socodka nabadda waxaana u suurta gashay in uu meel isugu keeno qayb ka tirsan Isbahaysiga dib u xoraynta Soomaaliya iyo Dawladda KMG ah ee la shaqaysa gumaysiga Itoobiya.
www.somalimirror.com
Daabaco
U dir saaxiib

Loading ...
asc waxaa is weeydin mudan QM ma waxaa la asasay ka dib 2006 waxii ka dan beeyay7, mise weeysan aheen qoldii ansaxisay in loo fasaxo hubka somaliya . somli miriroo ama berdhiga qudheedu ma jahwareerinta umada ayeey qeeb ka tahay mise ayagana 2006 ayeey howl bilaabeen . waa aduun la is wada marin habaabinayo
haagi | Jun 20, 2008 | Reply