Isbahaysiga oo sheegay in itoobiya ku baxayso wakhtigii loo qabtay

Published on June 18, 2008 by   ·   8 Comments   ·   print

astaanta-isbahaysiga-dib-u-xoreynta-soomaaliya.jpgCabdi Raxmaan xaaji Aadan Ibi oo xalay u waramayay qaar ka mid ah warbaahinta muqdisho isaga oo ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa sheegay in Ciidamada Gumeysiga Itoobiya ay dalka Soomaaliya uga baxayaan mudadii loo qabtay iyaga oo aan hal maalina ku darsan. C/Raxmaan Ibi ayaa sheegay in dadka qaar ay si khalad ahi u fasirteen Bixitaanka ciidamada gumeysiga itoobiya isla markaana mar waliba ay ciidamada gumeysiga itoobiya ka baxayaa dalka isla markaana aan loo ogolayn in ay hal maalin ku darsadaan. Ibi ayaa carabka ku dhuftay in hadii aan la keenin ciidamo ka socda QM mudo 120 maalin gudahood ay ciidamada gumeyisga itoobiya ka baxayaan gudaha Dalka Soomaaliya ayna uga baxayaan buu yiri qaabkii markii hore ay ku soo gashay Gudaha Dalka Soomaaliya oo ah codsi kaga yimid dowlada KMG ah ee la shaqeysa gumeysiga itoobiya. Hadalkan ayaa ku soo beegmaya iyada oo ay ciidamada gumeysiga itoobiya shalay ka geesteen magaalada Muqdisho xasuuq arxan daro ah iyo Barkac xoogan ka dib markii ay isku fidiyeen qeybo ka mid ah degmooyina magaalada muqdisho.    



WordPress Plugin Share Bookmark Email



No related posts.

Readers Comments (8)

  1. Warfaa says:

    Heshiiska ka bixida wuxuu qeexayay in hadii mudadaas ay ku imaan waayaan ciidam qm ay sii joogayaan ama sii joogi karaan mida oo ibi leeyahay sidey ku soo galeen bey ku baxayaanna waxay ku soo galeen xoog marka hadii xoog looga saarayo waa xaajo lakin in dawlada fadarada ay codsato oo dhahdo naga baxa suurta gal ma tahay?
    mida kale yaa u tol ah dawlada fadarada hadii yohaadhigta ay ka baxdo dalka?

  2. Yusuf says:

    Bismillah.
    Walaalayaal heshiiska waa qaraar yahay sida sheekh shariif uu sheegay, laakiin waa daawo insha-Allah, waana xal. waxaana qabaa in hadday cidi jabinayso aysan noqonin muqaawamada ee ay noqoto cidda jabisaahi Xabashada.
    Walaalayaal xoogga xabasho wuxuu ku taaganyahay 2 arrimood;
    1) Midi waa ciidanka ama tirada dadkeeda oo kor u dhaafaya 70 million oo aysan kala jeclayn noloshooda iyo geeridooda, si kasta oo ay u li’daanna ay heleyso kuwa kale qafaal ama qiyaarkooda ha ku yimaadeene.
    2) Xoogga labaad ee ay ku taagan tahay waa taageerada dhaqaale iyo doblimaasiyadeed oo ay ka heleyso reer galbeedka gaar ahaanna maraykanka. Inta ay haysato taageradaas dhaqaale iyo difaaca diblomaasiyadeed way wadi kartaa dagaalka. Haddaba heshiiskani wuxuu dhimayaa ama yaraynayaa taageeradaas ay hesho oo laf dhabar u ah joogitaankeeda Soomaalia ay joogto. Mar haddii sababtaas la dhimo ama meesha laga saaro ma ay joogi karto oo dhaqaale ku filan uma heli karto waxayna ku qasbanaanaysaa inay baxdo.

    Dhinaca kale su’aasha is waydiinta mudan waxaa weeye immisa ayuu mujtamaca soomaaliyeed oo 17 sano dagaalka sokeeye ku jiray uu sii wadi karaa dagaal? ayadoon ognahay xaaladda dhaqaale, hub, midnimo, ciidan, tiro, taageero dibadeed iyo mid gudo inta ay la egtahay.Haddaan Soomaali nahay ma wadi karnaa dagaalkaan u baahana taaktiko iyo hub casri iyo dhaqaale joogta ah, iyo ciidan aan kala go’ lahayn?
    Waxaa laga yaabaa in qaarkiin yiraah wadaadka dadka ayuu niyad jabinayaa, laakiin waa xaqiiq jirta oo loo baahanyahay inaad xisaabiso. mana lihi dabka hala dhigo oo hala is dhiibo Xaashaa-lillaah, laakiin waxaan leeyahay haddaan yarayn karno ama khafiifin karno dhibka dadka soo gaarayo, ama aan gaari karno xornimo calal aqal anagoonan dagaal dheeraad ah sii galin waa arrin u baahan in la tix galiyo.
    Saas darteed waxaa muhiim ah inaan heshiiskaan soo dhawayno oo aanan isku khilaafin, ugu yaraan waxaan ka faa’iidaynaa nasasho, dib isu habayn, dib isu uruusasho, olole cusub diyaarin, iyo diyaar garoow hor leh. Haddaanse ku kala jabno waa sida nalala rabo e, waa fashil caaqibo xumo ka danbayso.
    Yusuf

  3. Burcaawi says:

    _____KKKKKKK,waa wax aad loogu qoslo,dhawaaqan aan miisaanka siyaasadeeed lahayn ee ibi,Impigati ayaa ka codsnaysa tigreegu inay baxaan!!!!! ha sugin taas,marnaba ha sugin,waa inay ugu yaraan helaan cidii u bedeli lahayd ee taangi ku ilaalin lahayd ileen waa mujrimiin aan cidi doorane. waa qusac-balaad,iyo shinbirayohow heesa,cadde muse ayaa xoolo nool askarta Djibouti ugu deeqay,iyo riyaalaa taageeray,iyo shariif baa qoorta laalaadiyey,kuligood waa khidadkii gumaysigu maleegay oo mid mid loo fulinayo_______

  4. xasan abdullaahi diiriye says:

    as walaalayaal horta arintu way enagu ciirsan tahay maanta hadaan nahay soomali waayo waa layna qabsaday oo adduunkii oo dhanba inaga hiiliyey markaas heshiisyo dawlad iyo waxaasi anigu uma arko xal waayo wadan la haysto yaa lala heshiiyaa yaa lala xaajoodaa waa sida yahuuda iyo falastiin arinteenu maanta enagaan isu keenay waxaas oo dhan ee hala keeno raga horboodayoow arintaas oo maanta marba intay meel tagaan leh heshiis baanu gaadhay yaa iska yeelaya waxaas wc bye

  5. Midnimo says:

    As w.w marka hore waxaa isweydiin leh marka laga hadlayo heshiis dadka ama dawladaha uu dhex mari karo, iyo waxa lagu heshiinayo iyadoo laga duulayo istiraatijad cad lana xaqiijinayo ahdaaf aan mad madow lahayn, ama lagu salaynayo Dawaabid sharci ah iyadoo loo eegayo xaddiga dhibta iyo dheefta( salbi iyo Iijaabi).

    walaalayaal waxaynu wada ognahay in (kulankan) lama odhan karo heshiis, wuxuu dhadhanka iyo odhaahdaba ka dilayaa micnaha uu ku fadhiyo Ereyga heshiis. laakiin waxaan ugu yeedhi karnaa Kulan mareegeed Qolo waliba ay xaqiijinayso hadaf ninkale islaax u ah. isagana dhibkiisa mooyee aan dheef u lahayn.

    Tan labaad kulan mareegeedkan 2da qolo dhinacna heshiis iyo colaadi kama go’o, talona gacanta uguma jirto , malaha go’aan malaha Ra’yi cad ma laha soo jeedin dhamaystiran, waxaa natiijo ah wixii ay ay isla gartaan inta ma’aamaradan wadda.aan ku halqabsado walaalkay yuusuf oo fikir wanaagsan ku cabiray inay suurto gal tahay in loo adeegsan karo mareegtan si Objective si loo helo waqti loogu diyaar garoobi karo wareega labaad ee Dib u xoreynta.

    Laakiin dhinaca kale iyadoo la ogyahay tirada ciidanka Itoobiya iyo tirada dadkeedaba iyo dhaqaalaheeda hadana 75% ciidanka itobiya ee dagaalami kara waxay soo galeen gudaha Somaliya intaasina 50% waxaa soo gaadhay dhimasho iyo dhaawac 25% waa niyad jabsan yihiin 3% waxay baxsadaan maalinwalba tirada ka dhiman ciidankeeda ee ku gadhay gudaha ma awoodaan inay difaacaan dalka intiisa kale waxaana sabab u ah heshiiskii Ereteriya iyo dhulkii ay bixisay ..

    1) Hadaba intee in le’eg ayay ciidankaasi sii wadi karaan dagaal;
    2) Tan labaad dhaqaaliha Itoobiya waxaa ka kaba dhinaca Mileteriga dalka Maraykanka taas oo la fiana la filayo inay soo afga’o dhamaadjka sanadkan marka loo eego waqtiga cayiman ee loo qabtay Ciidanka itoobiyaanka ah waxay ku beegan tahay mudada u hadhay Madaxweyne oo Bush taasoo la filayo in xisbiga cusubi wax ka bedelo siyaasada maraykanka ee dhinaca Dagaalada.

    Dareenka shaarica marka la eego waraysigii jimcihii hore shariifka 1% kumuu helin heshiiskaas taageerada dadka waayo waxaa muuqaneysay inaan gacanta waxba ugu jirin, oo labada dhinacba ay galeen heshiis fulintiisa aanay lahayn awoodiisa.

    Hadaba waxaan soo jeedin lahaa UN, waxay ciidan u waayeen Daarfuur, Lubnaan, Ciraaq, Afqaanistaan oo intii hore ay kasii yaacayaan, lagamana rajo qabo in la helo ciidan bedela, Caddowna Turki quus buu kala tegey maleesiyana u malayn maayo inay diyaar u tahay, carabna daa hadalkeeda.
    Yaynaan ku wareegaalaysan waxaan gacanyta inoogu jirin waxaase gacanta inoogu jira kalsooni ,Diin Daljacayl iyo naf hurnimo
    waana la eegi doonaa halkay sibir dhigato insha Alaah.
    asalaam alaykum

  6. Xusnabadrudin@hotmail.com says:

    Arinta IBI ka hadlaayo waay fiicnaan lahayd hadi ay dhacdo lakiin ma’aha mid suura gal ah maxa yeelay dowlad ku sheegta kama haysato kalsooni shacabka som gaar ahaa shacabka MGD marka hadii ETHya baxdo ayaa u maciin ah taasi waxay lamid tahay ayadoo la leeyah haka baxdo dowlad ku sheegta magaalada maxa yeelay hadii ETHya baxdo muqaawada kuma qaadaney nusu saac in ay lawareegan MGD marka waxan u sheega walaalkeen IBI arinta ma sahlana ciidama la sheegayane laba sano hada soo socoto malakeenayo maxa yeelay qarash maloo haayo waa la socotaan NATO AFGANISTAN ay tabar u la’dahay oo KABUL albaabkeda TALIBAN fadhisaa marka waqti ayaa leysaga lumin ETHOPIYA in xoog lagu saaro mooye sikale kuma baxeyso waa in darsi lama iloobaan la siiyo sidi mar dambe ugu fakarin in SOM ay dagaal ku soo qaado, Heshiskan hada labuun buuninayo waa rule and divide qaybi oo xukun maxaa yeelay ulajeedada laga leeyahay waa in lagu kala jabiyo muqaawamada lakiin ALLAH mahad iskaleh walaalaha saaxada ka daagalamayan wey garteen shirqoolka marka yaan ladheegsan hadalada beer laxawsiga ee hala sugnaa wacizatu LILAHI WARASULIH.

  7. SADIIQ says:

    Ibi waa beentiis waana been loow, heshiiska ay ku soo saxiixeen asaga iyo raga la socdo jabuuti waa wax aysan soomaali ogoleen. wuxuuna ka mid yahay C/raxmaan Ibi dadkii lumiyay Shariifka

  8. sakariye yare says:

    Prof Ibi ku maqlnay

    Waxaa tahay siyaasi ruug cadaa ah waxaan filayaa inaad niyada noo dhisiseysid balse waxaan rabaa inaan ku weydiiyo UN waxba kama soo naaso cada dhaq dhaqaaq UN ma aragno ee xagay wax ka qaldanyihiin siyaasadu waxa ay mareysaa meel aan saadal lahayn waxaan is leeyahay Ummada waxa ay sugeysaa Balan qaadkii Jabouti ee daawasho wacan ciyaarta Soo socta




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

No related posts.

Latest Headlines