Golaha Ku Dhaqanka Shareecada Islaamka ee B/Daarood oo Looga Dhawaaqay Muqdisho
By Somalimirror on 16 Jun, 2008 12:01 PM in Main, Wararka
Maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 16/06/ 08 ayaa waxaa magaalada Muqdisho looga dhawaaqay Gole dhaqan oo la magac baxay Golaha Guurtida ku Dhaqanka Shareecada Islaamka ee Beelaha Daarood waxaana xafladda lagu shaacinayay Golahan ka soo qayb galay dhamaan Madaxda Golayaasha Beelaha Soomaaliyeed.
Xafladan lagu shaacinayay golaha ay dhisteen Beelaha Daarood ayaa waxaa soo dhaweeyay madax dhaqameedyada kale ee ka soo qayb galay Xafladan waxaana goobta ka hadlay Gudoomiyaha Golaha Dhaqanka & midnimada Beelaha Hawiye Maxamed Xassan Xaad Afhayeelka Dhaqanka Hawiye Axmed Diiriye Cali , Gudoomiye ku xigeenka Golaha Guurtida Direed Sh. C/naasir Gaarane , Afhayeenka Golaha Guurtida Digil & Mirifle iyo Xubno kale waxayna dhamaantood si diiran u soo dhaweeyeen golahan Cusub ee ay yeelatay Beesha Daarood ayaga oo ugu Baaqay beelaha kale ee dhiman in ay soo dhistan gole naacan oo kale ah si loo mideeyo dhamaan dhaqanka iyo waxgaradka Beelaha Soomaaliyeed.
Gudoomiye ku xigeenka Golaha Guurtida Direed Sh.C/naasir oo ka hadlayay sida uu u arko yagleelidda Golahan waxaa uu yiri “ meeshan waxaa ka dhacay Xaflad qiimi badan, runtiina waxaan aragnaa umada Soomaaliyeed Dhib kasta oo ay soo martay 18 sano ee dawlad la’aanta ahayd, middi ay kaga bixi lahayd in ay tahay oo ummadii wax garad keedii, culumaa’udiinkeedii, Siyaasiyiinteedii, Aqoonyahankeedii dhaqankeedii ay isku bahaysteen in ay dhibaatada haysata wada jir uga bixi karaan ayaga oo wada haysta Xarigga ilaahay” wuxuuna intaa ku daray in beesha Direen oo ah Curadka Beelaha Soomaaliyeed in ay fidin doonto dhawaan Gogol lagu midaynayo dhamaan beelaha Soomaaliyeed wuxuuna yiri “ mar hadii ay beelaha Soomaaliyeed dhaqankoodu uu sidaas isugu yimaado wadada ilaahayna ay ku bahoobaan ilaahay ayaa garab iyo gaashaan u noqonaya wax wax ka badali karaana majiran”.
Sidoo kale waxay Shabakadda Somalimirror si gaar ah waraysi ula yeelatay Afhayeenka Goalaha dhaqanka & Midnimada Belaha Hawiye Axmed Diiriye Cali wuxuuna sheegay in uu si balaarab u soo dhawanayo Golaha Guurtida ku dhaqanka Sharecada Islaamka ee Beelaha Daarood oo maanta lagu dhawaaqay wuxuuna yiri “arrintaanu waxay salka ku haysaa dhaqanka Soomaaliyeed in la mideeyo ka dibna uu dhaqanku ka shaqeeyo kana taliyo xalinta Dhibaatada dalka taala” wuxuuna intaa raaciyay in qabiilka loo adeegsan jiray colaada iyo bur burinta balse ay hadda u adeegsanayaan sidii dalka loo badbaadin lahaa loogana gudbi lahaa wixii horay loo soo maray wuxuuna Soomaalida ugu baaqay in ay is’aaminaan wanaag iyo walaalnimana ku wada dhaqmaan.Golaha Guurtida Kudhaqanka Shareecada Islaamka ee Beelaha Daarood wayaa waxaa uu ka kooban yahay 121 xubnood oo gole Dhexe ah iyo 13 xubnood oo Gole Fulin ah waxana gudoomiye loogu doortay golaha Sh.Xassan Sh.Aadan C/lle. Golahan ayaa waxaa ay soo saareen Bayaan ay uga hadlayaan xaaladda dalka Soomaaliya iyo cida ka danbaysa dhibaatada ka taagan dalka iyo sidii loo gaari lahaa xal waara oo ka hir gala guud ahaan Gayiga Soomaaliyeed. Bayaankuna wuxuu u qornaa sidaan:-
|
Tr: 16/06/2008 M 12/06/1429 H |
BAYAAN.
Walaalayaal waxaan dhammaan wada ognahay in wadankeenu ahaa Dowlad la’aan muddo dhan Siddeed iyo Toban sano (18) waxaana Dadka iyo Dalkaba soo food saaray dhibaatooyin waaweyn.
Waxaa bur-buray wadajirkii iyo midnimadii ummadda Soomaaliyeed. Waxaa la waayey dhammaan adeegyadii Bulshada ee ay Dowladi qaban jirtay sida: Nabad Gelyada, Caafimaadka, Waxbarashada IWM.
Waxaa baaba’ay kaabayaashii Dhaqaalaha sida: Wadooyinkii, Dekedihii, Garoonadii Diyaaradaha, Waxaa sidoo kale la waayey haybaddii iyo sharaftii ay Soomaalidu ku lahayd Dunida inteeda kale.
Waxaa lagu tuntay xurmadii ay diintu lahayd ayadoo labbanaystay dilka iyo dhaca hantida gaarka ah iyo tan guudba iyo sharaftii uu lahaa Qofka Muslimka ah intuba. Intaa kadib, markii la dhisay Dowladii Hogaamiye-kooxeedyadii Dalka baday Dhibaatooyinka maanta taagan oo ay ka mid tahay in Gumeysi cusub dalkii Gacanta ugaliyeen, sidaas awgeed wuxuu Gumeystuhu Baabi’iyay dhamaan Adeegyadii Bulshada sida Masaajidada, Dugsiyadda Qur’aanka, Iskuulada, Jaamacadaha, Goobihii Caafimaadka oo dhan iyo Naf iyo Maal waxay Dadku lahaayeen . Waxyaaba Keenay Dhibaatooyinka Haysta Dalka .
1) Iyada oo laga fogaaday ku dhaqanka Shareecadda Islaamka.
2) Fara gilinta shisheeye oo Ameerika iyo Itoobiya ay koow ka yihiin.
3) Jahli iyo wacyi yari ku baahday ummadda Soomaaliyeed.
4) Qabyaalad indho la’a oo aan kala Sooc laheyn.
5) Qaadka oo saameen wayn ku yeeshay Bulshadda Dhaqaala ahaan, caafimaad ahaan iyo Nabadgalyo ahaanba.
Ugu danbayntii waxay arintaasi sababtay in Dalkii noqdo meel ay adagtahay in lagu noolaado, Bulshadii Soomaaliyeedna waxay u qeybsantay:
A) In u firxata adduunka Daafihiisa.
B) waxay xabadi disho.
C) Waxay badi liqdo .
D) Waxay gaajo dhisho.
E) Wax ku xiran xabsiyadda Aduunka.
F) Inta soo hartayna waxay ku noolyihiin dul-qaad iyo Rajo Alle.
HADABA GOLAHA GUURTIDA KU DHAQANKA SHAREECADDA ISLAAMKA BEELAHA DAAROOD. Waxay xal u arkaan sidan hoos ku Qoran:-
1) In Ilaaheey Loo toobad keeno Dhamaan, lanana sameeyo Banaan Bax Alla Bari ah .
2) In shareecada islaamka lagu dhaqmo.
3) In la mideeyo dhammaan Beelaha Soomaaliyeed laguna mideeyo kitaabka Alle .
4) In dhammaan Ummadda Soomaaliyeed u midoowdo xoreynta Dalka iyo Difaaca Diinta Naf iyo Maalba.
5) In laga shaqeeyo sidii loo soo celi lahaa haybadii dowladnimo ee soomaaliya.
BAAQ.
1) Golouhu wuxuu ugu Baaqayaa Maamul Goboleedyada Puntland iyo Somaliland in ay joojiyaan falalka foosha xun xun ee ay Cadowga Itoobiya ugu gacan galinayaan Walaalaha S/Galbeed, isla markaana waxa uu Goluhu amaanayaa dadaalada ay wadaan Isimada iyo Waxgaradka Maamul Goboleedka Puntland, dhinaca kalana waxa uu Goluhu u soo jeedinayaa Guurtida, iyo Waxgaradka Somaliland in ay talaabo wax ku ool ah ka qaadaan arimahaasi foosha xun ee ay ku kacayaan Maamul Goboleedka Somaliland.
2) Sidoo kale Goluhu waxa uu aad iyo aad uga xunyahay khilaafaadka soo kala dhex galay walaalaha Isbahaysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, wuxuuna ugu Baaqayaa in lagu xaliyo khilaafaadkaas wada hadal waa faqsan Kitaabka Alle iyo Sunnada Nabiga (SCW), wuxuuna Goluhu ku Talinayaa in la joojiyo Canbaareynta iyo Dicaayadaha la isku marinayo Warbaahinta, lagana digtoonaado farax galinta cadowga Dalka iyo Dadka Soomaaliyed.
3) Golaha Guurtida Ku Dhaqanka Shareecada Islaamka ee Beelaha Daarood waxa uu taageerayaa halganka hubaysan ee lagaga soo horjeedo gumeysiga ku soo duulay Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed,badayna dhibaatooyinka baaxada weyn ee leh naf iyo maalba.
GABAGABO
Waxaan ugu yereenaa Ummadda Islaamka meel kasta oo ay joogaan gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed qodabadaan hoos ku Qoran.
1) Walaalaalayaal waxaan ognahay dhibaato kasta oo jirta sida qilaafka, duli, Dagaalada, Abaaraha iyo Cudurada in ay yihiin danbigii aan galnay, sidaas daraadeed waxaa laga maar-maan ah in aan Alla u Toobad keeno Toobad keen dhabah. (وتوبوا إلى لله جميعا أيه المؤ منون لعلكم تفلحون)2)
2) Walaalayaal waxaa kaloo lama huraan ah in aan la nimaano is badal si aan u helno is badal wanaagsan sida uu Allaah ku yiri Kitaabkiisa Qur’aanka.(إن الله لا يغير ما بقوم حتى يغيروا ما بأنفسهم )
3) In aan raadino Midnimada Ummadda Soomaaliyeed si aan u soo cishano sharafteenii, iyo awoodeenii Dowladnimo, anagoo raaceyno wadada Alle, isla markaana qaadanaynana
awaamiirtiisa sida uu Alla yiri.
![]()
Daabaco
U dir saaxiib



asc, walaal aal waxaa layaab ah in beelaha soomaliyeed midba maali eey dalad eey ku mideysanyihiin eey ku dhawaaqaan xili wadanka uu isticmaar ku jiro waxaan weeydiinayaa bulshada soomaaliyeey waxa eey soo kordhin karaa daladahaam midba magal labaxay?
cali | Jun 16, 2008 | Reply
Waxa la yaab leh in golahan cusub ee la magac baxay Daarood lagaga dhawaaqo xamar gudaheeda oo waliba ay ka soo qaybgalaan hawiye iyo digil iyo mirifle iyo dir , aniga waxay ila tahay in golahan hadii uu dhab yahay uu marka hore wax ka qabto daarooodka xabashida wadanka soo geliyay oo laga takooro soomaalida hadii kale waxba maaha oo waxaan jirin, ninkan tuuga ah ee c/laahi yuusuf la casilo oo aan sheegan madaxwayne .
Ahmed | Jun 16, 2008 | Reply
ASC
ALLAH AYAA MAHADI U SUGNAATAY, HADII MAANTA QABIIL KASTA UU AAMISAN YAHAY AMA RABO SHAREECADA ISLAMKA, WX DHIBA UMA ARKO HADII AY KU MIDOOBAAN SHAREECADA ISLAMKA, WAA WAX WANAAGSAN OO LAGU FARXAA, WAXAA QOF WALBA WAAJIB KA SAARAN YAHAY IN LAGU DHAQMAA SHAREECDA ISLAMKA.
muslima | Jun 16, 2008 | Reply
ASc wr wb:
Axmadoow fahamkaaga baa yara gaaban, Daarood waa qabiil weyn sheekh iyo shariif ba waa leeyahay, gaal kalkaalna waa leeyahay sida qabaa,ilka soomaalida oo kale amaba dunida muslimka. marka walaal macaane ma matalaan shaqsiyaad caadaqaatayaal ah. Qofkii wanaaga iyo islaamka taageera waa walaalkaa daahirka ayaa laguu diray baadhinkiisa cidina kuuma dirsan marka adiga ha ku sii jiidin dadka wanaagsan dhanka xumaaha.
Talo ayaan ku siinayaa xikmad ah Eedeynta markayn noqoto si jamci ah waligaa ha u hadlin, oo ninkii xun isagaa xun, Allahaii uumayba qof kale waxa u gaystay qof aan gaysan uma saaro.
Siciid
Siciid cade | Jun 16, 2008 | Reply
walaalow anigu waxaan u arkaa in aysan wax saas ah soo kordhinayn waayo beelaha hadda aad sheegaydo ee maanta isu imid waxay isu yahiin waraabe iyo riyo markaa wax heshiis ah ma dhexmari karaan beelahaas mana jiri karto wax gole ah oo dhex mari karo marka arinkaas waa arin aan laga fiirsan oo webkana la soo degdagay baan filayaa
XASAN | Jun 16, 2008 | Reply
AS/WA/WA WALAAL ANIGA WAXAY ILA TAHAY IN AY KA FIICNAAN LAHAYD IN AY SOOMAALIDU KUWADA DHAQAAQDO HAL DALAD OO AY KU MIDAYSANYIHIIN MAXAA YEELAY SIDAAN HADA WAX MASOO KORDHINAYSO WAA DALADO DANA QABIIL LOO SAMEEYAY TAANA HORAY AYAA LOOGA DAALAY
AHMED | Jun 16, 2008 | Reply
waxaa ubaal ah hadii soomalidu kabixi waydo beelbeel in aanay warabe iska dhicinayn.
HAMAAS | Jun 16, 2008 | Reply
waxaan marka hore leeyahay waa xagee mesha saaka lagu falanqeeyaay howshan? waxaan ka rabaa jawaabta waa qoraaga sooqoray maqaalkan.
tan kale wxaan leeyahay daarood goorma ayuu soo baraarugay ma waxa uu ka xunyahay heshiiska la gaaray mase waaba ka noqotay? waxaan jawaabtaa ka rabaa ninkii qoraaga u keenay warkaintaa kadib waxaan jeclahay in aan helno nabadad ee halaga daayo fowdada socota dalka iyo daka waxaa ku soo koobayaa qoraayaasha dalkeena oo aan filayo in aysan joogin meeesha ay waxani ka dhacayaan ha joojiyeen qoraalka deg dega ah intaa ayaa ku soo koobayaa fakarkayhga ku aadan arinkan ilaahayna waxaan ka filaynaa in uu nooga hiiliyo nimanka aan astajada qabin wabilaahi towfiiq
mayow | Jun 16, 2008 | Reply
ASWW. Walaalyaal salaan kadib, waxaan la yaabay ninka la magacbaxay cali ee ku doodaya Daarood ayaa wadanka xabshi soo galiyay. Walaalaw reer waliba khaain waa leeyahay daaroodn qabaailada somali ayuu ka mid yahay. waxay ila tahay in aan reer wada xuna jirin reer wada fiicana jirin tusaale ahaan, kii lahaa Somalia iyo Itobia waa in la isku daro ma ahayn darod, maxamed dheerihii lahaa walaalaheena itobaianka biyaha ayaan ka daba qaadayna markay xamar ka dagaalamayaan ma aha daarod, jeelle iyo qaybdiid ma aha darod. marka tuug isu tagtay oo reer aan matalin ayaa axmaaro keenay ee farta hal reer ha ku fiiqin.
waxaasi waa waxa inakala qaybinaya.
aad ayaad u mahadsantahiin.
Sahal | Jun 16, 2008 | Reply
walaalayaal waxaad moodaa ineyna innoo kala soocneyn nimanka warlords ka ah iyo ummadda kale oo ay isku qabiilka yihiin.
qabiilka daarood layiraahdo inooma keenin gaalada ee waxaa inno keenay waa niman isbahaysi ah oo wada socda oo kursi doon ah kuwaas oo hawiye iyo daarood iyo dig iy mirifle iyo dirba leh.
Waa c/llaahi yusuf, cali max,ed geedi, max,ed dheere, cali maxa,ed jeelle, cabdi qaybdiid iwm.
marka maxaa ka khusaya beelaha daarood ee maanta shirka qabsaday?
waxaa fiican inaan ka gudubno cagligii 90shanaadkii ee aan u aragno iney gaalada inoo keenen niman isku mabda, ah
saalim | Jun 16, 2008 | Reply
walaalayaal waxaad moodaa ineyna innoo kala soocneyn nimanka warlords ka ah iyo ummadda kale oo ay isku qabiilka yihiin.
qabiilka daarood layiraahdo inooma keenin gaalada ee waxaa inno keenay waa niman isbahaysi ah oo wada socda oo kursi doon ah kuwaas oo hawiye iyo daarood iyo dig iy mirifle iyo dirba leh.
Waa c/llaahi yusuf, cali max,ed geedi, max,ed dheere, cali maxa,ed jeelle, cabdi qaybdiid iwm.
marka maxaa ka khusaya beelaha daarood ee maanta shirka qabsaday?
waxaa fiican inaan ka gudubno cagligii 90shanaadkii ee aan u aragno iney gaalada inoo keenen niman isku mabda, ah marka aan inagoo isku mabda, ah aan gaalada la jihaadno daarood wax inooma dhimin ee dagaal oogayaal kursi doon ah oo hawiye u badan ayaa gaalad inoo loogay
saalim | Jun 16, 2008 | Reply
Asalaamu Calaykum..
Waa layaab in maantay saxaafada Somalidu Soo Qoraan Daarood Dhaqankiisaa ku shiray Xamar.
Daarood dhaqankiisa iyo Shacabkiisunba meeluhuu daganyahay waa la yaqaan ee waxaas oo lake inaad soo qodhaan waa ceeb waliba beel Somaaliyeed oo wayn oo la yaqaan odayaasheeda in aad tiraahdaan halkaasay ku shereen oo gole dhisteen waxwanaagsan maahan ee ka fiirsada waxaad faafinaysaan … Axmed Diiriye iyo Xaad waxay joogaan dagaankoodii laakiin nimanka ay maantay u hambalyeynayaan waa dhowr qofoo meesha ku wareeray deedna u fahmay in ay halkaas ka qaraabtaan…..
mahadsanidin
Runkahadal | Jun 16, 2008 | Reply
waa kheyr oo golahani waan soo dhaweynaynaa laakiin Daarood kamuu hadal gumaadkan ay wiilashoodu ku hayaan dadkan degga Muqdisho iyo gobolada ku xeeran ee golahani ma siyaasad baa? ma ka dhab baa Daaroodka golahani? maxay uga hadli la’ yihiin xasuuqan beesha kaliya la xasuuqayo? jawaabahaas oo dhan akhristayaasha ayaan ka sugayaa
Qaadun
Qaadun | Jun 16, 2008 | Reply
Daarood xabashi ma keenin ee waxaa keenay Tuugu leh Hawiye Isaaq daarood Digir oo ah u adeega danaha Amxaarada waxaan la yaabay dadka qeybtood ee cuqdada qabiilka ku jirta iska indha tira tuugada la heybta ah ee xabshida u adeega isagoo meel kale wax ka eega hadaba nimanka tuugada ah ee qabiil walba dan uma hayaan shacbka balse inta aad ku jirtaan sheekada Ruwaayada ah ee qabiilka wale Ethopia naga bixi mayso Ethopia waxa ay ku baxeysa Israac halka waxaan uuga tahniyayaa Mujaahidiinta wadaada ah ee qabiilku ka xoroobay Allow kuwaas oo kale naga dhig Jihaad ka Ethopia waa sii socon doonaa
sakariye yare | Jun 16, 2008 | Reply
War ilaahey ka cabsada, dadkana ha isku wada darin.
Beelaha darood, qayb weyn ayey kaga jiraan, halganka.
Hadaad ka hadlaysaana mooryaanta C.laahi, waala wada ogyahay meeshay kasoo jeedaan.
Qof mu'min ah | Jun 16, 2008 | Reply
asc arinta maanta mudisho looga dhawaaqay waa shinbirayahow heesa.daarood iyo hawiye,dir waa waxa soomaali meeshaa dhigay.hadii ay run ka tahay waa in marka hore loo noqdaa kitaabka.daarood heshiisa ma jiraan sidoo kale hawiye heshiisa ma jiraan .marka gole la magacaabay kama duwana kii xaad iyo cali diiriye.maalin maalmaaha ka mida maxkamad ayaa la soo taagi doonaa inta gole sheegata wabilaahi towfiiq
somlia dhab ah | Jun 16, 2008 | Reply
asc wr wb
waxaan salamaya dhamaan walaalaha muslimiinta ah ee shabakadan ku xidhan.Salaan ka din waad ku mahadsan tihiin walaalaha somalimirror.com, wararka wax ku oolka ah ee aad noso gudbisan.
Hadii aan ka dhiibto fekerkayga maqaalka kor ku xusan, waxaan u arkaa mid guul soo hoynkara umadana u horseedi kara midnimo iyo horumar,waayo waxa maanta ay umadu doonaysa isku xukunka shareecada Islaamka iyo in loo midoobo, waxaan leeyahay qolada ku dhawaaqday golahan yuu dhixi soobin waxaad dadka u sheegten, waxaadna huwiseen magacweyn ee hameelmaro mowqifkiinu, waxaadna ogaatan hadii aad u hanqal taagtan meel aan ahayn isku xukunka shareecada in ay noqon doonto waxaad dadka u soo bandhigteen halbacaad lagu lisay iyo iga sheega, balse hadii aad ka dhabaysan xadhiga aale oo la qabsado iyo isku duubni waad liibanaysan waadna guulaysanaysan waxayna noqon doonta ku dayasho wanaagsan sidii beeli hore u noqdeen ku dayasho, ninka xun fogeeya ka wax tarkale soo dhoweeya kii hadaf aan ahayn isku xukunka shareecada wata tuura oo yuu idinka mid noqon, kii cadowga dalka u gacan geliyey yuu idinka mid noqon, yuusan idin sheegan midka jaajuska ah, beesha gaadhsiya hadafkiina min guri ilaa guri, hadii kale wuxuu u egaanaya mid dan laga leeyahay waxaad sheegten, waad mahdsan tihiin.
asc wr wb
dulmidiid | Jun 16, 2008 | Reply
asalaamucaleykum wr wbr
walala yaal horta waxa mahad iskale allaah rabusamawaati wal ardh illaahi naxariiskorkisa hayeelo nabigena xabiikeena mustafa muxamed scw waxaan kufaraxsanahay walalaheen muslimiinta ah hadana somali ah in ey sameeyeen gudigaan oo u istaagey bad batinta wadakeena hoyo iyo diinteena iyo sharafteena iyo jiritaankeene
waxaan kulatalin lahaa walalaha in eey mideeyaan daka somalida ah oodhan sidey ayaga oo kale imidooween iyo kuwiikahoreeyeyba arintaana ay tahay lagamaarmaan sidaan wadankeena u xoreyno
wabilaahi toowfiiq
muxamed | Jun 16, 2008 | Reply
?????????? ?????
Aniga | Jun 16, 2008 | Reply
Adeer in la shiro oo maslaxo laga hadlo waa wax wanaagsan balse beesha xamar ku shirtay ee ku heshiisay in shareecada islamka la isku dhaqo waxaa muhiim ah in ay khayrkas ka hirgaliso deeganada ay degaan sida puntland iyo jubooyinka mida kale beesha dad badan oo xun oo uu c/laahi yeey ka mid yahay ayaa ka dhashay marka dadkooda wanagsan waa in la arko oo ay iyaguna yeeshaan rag liiska argagixisada ay gaalada ku darsato taasoo keeni karta in c/laahi yeey inta xamar gaalo keno asna bosaso ku soo nasto hadana dabkii sii wado somalia hadii heshiis laga rabo waa in ayada oo dhan uu kacdoonku galo ee xal ma keeneyso in nin inta wax qaso oo aado gurigiisii oo soo nastoo la soo baaniyo hadana dad muslim ah lagu soo daayo
Warfaa | Jun 17, 2008 | Reply
war ilaahay ha laga cabsado axmaaro injirey ha layska celiyo.
ogadenboy | Jun 17, 2008 | Reply
Walaal Sahal waa runtaada, sidiisaba khaa’in ama tuug qabiil ma lahan, C/lahi Yuusufna in kastoo Daarood uu yahay macnaheeda maahan in ee beeshiisa oo dhan raali ka wada yihiin.
Amer | Jun 17, 2008 | Reply
ASC;
Walaalayaal caano daatay waa la dabaqabtaa…, Yaan loo qaban Beesha Daarood Faldanbiyeedka Taariikhiga ah ee uu horkacayo C/hi Yusuf (”Ina Yeey”). Maxaa yeelay dad farabadan oo Beesha Daarood ah ayaa Xoreynt wadanka dhinac uga jira oo Maal iyo Muruqba la taagan, inkastoo gurmadkii sida la rabay aan looga helin hadana Golahan looga dhawaaqay Mogadishu waa gole wax badan soo kordhin kara, haday si dhab ah u howl galaan.
NB: Bani-Aadamku ma dhamystirna Allah ayaa dhamaystiran ee walaalayaal fara isku taagtaagu Guul iyo Horumar midna laguma gaaro ee (Gacmo wadajirbay wax ku gooyaan.)
Yaxye | Jun 17, 2008 | Reply
waxaan joogaa Laascaano waxaan ka soo jeeda beesha Naaleeye Ahmed (Dhulbahante) asal ahaan waxaan dagnaa Awrbogays waxaan aad uga xunahay dacaayadaha laga faafinayo Golaha dhaqanka ee beelaha daarood waxaa somali kala dilay waa Qabyaalad walaallayaal halaga dheeraado wixii ina kala qaybinaya shareecada Alle hal oo noqdo Ethiopia ha loo midoobo Cabdulllaahi yuusufna yaan Qabiil loo aanayn iyo Kooxda yar ee ku fikirka ah
waad salaamantihiin
Cabdirisaq cabdullahi adem ducaale Iglan | Jun 18, 2008 | Reply
SC
aad ugu mahadsantihiin sida wanaagsan ee aad Dadka iyo dalkaba ugu adeegasaan halkiina kasii waana idiin soo ducaynaynaa, ogaadan inaad kujirtaan jihaad ala dartii ah.
ALLANA INSHA ALLAAH WAA IDINKA AQBALAYAA.
Ruush Cabdilahi Caydid | Jun 22, 2008 | Reply