Faransiiska oo Ciidamo & Qalab u diray Djibouti
By Somalimirror on 16 Jun, 2008 9:25 AM in Main, Wararka
Dowlada Faransiiska ayaa shalay shaaca ka qaaday in ay Ciidamo milatari oo xoojin ah ay u dirayso Dowlada DJibout si ay ugu hortagto xad gudubyada ay Dowlada Eritrea ka wado xadka labada dal.
Wasiirka Arimaha Dibada ee Faransiiska Berinar kouchner ayaa yiri “waxaan bilownay inaan u dirno Djibouti ciidamo xoojin ah oo ka kooban ciidamo Milatari, Markab Dawooyin, iyo in aan ka sameyno goob milatari halka la isku hayo si aan wax badan u soo gudbino warbixinada Milatari”. Kouchner ayaa intaa ku daray in ay sii wadayaan shaqadooda la xiriirta arintani intii la doono ha gaartee, waxaana uu tusaale u soo qaatay sidii ay wax uga qabteen Dalka Jaad iyo sida ay Golaha Amaanka ee Q.M uga dhaadhiciyeen in la eedeeyo Eritrea duulaanka gar darada ah ee ay ku qaaday Jamhuuriyada Djibouti.
Arintani ayaa ku soo beegmaysa iyada oo Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geele uu ka hadlay markii ugu horeysayo xaaladan cusub isla markaana waxa uu ku eedeeyay Eritrea in ay iyadu dagaalka ka bilowday xadka labada dal ay wadaagaan.
www.somalimirror.com
Daabaco
U dir saaxiib

Loading ...
wey ku saxan yihiin faransiisku iney difacan jabuti xita somalida wa ku waajib mida kale waxaan ku talin lahaa qof walba oo somaliya ee kahari waaye ethiopia iyo eritera in laciqaabo maxaa yeelay labada dalba waxa aay leynayaan waa soomaali somaliyana somalibaaleh dana nooma aha anaga hadaan nahay smali ama jabutis somali
Abdullahi s | Jun 16, 2008 | Reply
Djboutiyay aniga isma lehi in ee faransoiiska wax idin ka dhicinayaan ee adinko isku tashtoo iska dhiciya cadowgina hadii kale somaliya camel ayaa idin soosacuto sidaas ayaan idin dhihi laha illaahna tala saarta oo ku jihaada Ama faransiiska talo saartoo mesha iska fadhiya anigu ma aamin sani in ee gaalo gaalo kale idin ka dhiceneeyso
soomaalinimo | Jun 16, 2008 | Reply