Ciidanka DKMG ah oo 3 Qod Rayid ah Diley 5 Kalena Dhaawacey

 

Ciidanka DKMG ah ee la shaqeysa gumeysiga Itoobiya ee ku sugan deegaanka Siinka Dheer ee gobolka Shabeelada Hoose, ayaa gelinkii danbe ee Maanta waxa ay halka ku rasaaseeyeen gaari yar oo ah markII, oo ay saarnaayeen dad rayid ah.

 

Rasaasta ciidanka DKMG ah ku fureen gaariga markII, ayaa waxa ka dhashey khasaaraha dhimashada 3 qof oo midkood ahaa dadkii saarnaa gaariga iyo 2 kale oo ka mid ah dadkii rayidka ahaa ee halkaa ka agdhawaa oo mid kood ahaa nin Kawaanle oo meydkiisu ilaa goor danbe goobtii yaaley.

Waxa sidoo kale rasaasta dhaawacyo kala duwan ka soo gaareen ilaa 5 qof oo 3 ka mid ah ahaayeen dadkii iyagu saarnaa gaariga iyo 2 qof oo kale oo ka mid ah dadkii halkaa ka agdhawaa.

Gaariga rasaasta xoogan ciidanka DKMG ah ee ku sugan Siinka Dheer la beegsadeen, ayaa lagu arkayey isaga oo dhex yaala laamiga, iyada oo dadkii rayidka ahaa ee dhimashada iyo dhaawacu ka soo gaareen rasaastana loo lala cararey isbitaalka Al-Cimraan oo halkaa ka agdhawaa.

Lama oga ilaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee ka danbeysa, ee ciidanka DKMG ah rasaasta xoogan ula beegsadeen gaarigan yar ee dadka rayidka ah saarnaayeen, waxaana dadka deegaanku sheegeen in ciidanka rasaaseeyeen gaariga ay wateen gaari C/Bille ah.

Dadka ku dhaqa deegaanka Ceelasha Biyaha oo ka agdhow halka israsaaseyntu ka dhacdey oo ka mid ah dadkii ka qaxey magaalada Muqdisho ayey dhacdadani ku abuurtey xabsi xoogan, taas oo keentey in ganacsigii iyo dhaq dhaqaaqi halkaa ka jirey uu indoor ah is taagey, inkastoo muddo ka dib xaalku caadi ku soo noqdey.

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco        U dir saaxiib U dir saaxiib
1 Star2 Stars3 Stars4 Stars5 Stars
Loading ... Loading ...

3 Comment(s)

  1. ASC
    Waxaa halkan kacad necbaanshaha umada looqabo iyo sida loo gudoonsaday in shacabka bilaasabab lugu xasuuqo. Taas ayaa dadka qaarna leeyihiin heshiisbaa lagu gaadhay djibouti, waxaan leeyahay waxaase waa shirqool halkanka lagu xagaldaacinaayo ee yaan dhagloo dhigin dagaalkuna ha socdo inta wadanku xoroobaayo. ISHA ILLAAHU TACAALAA.

    HAMAAS | Jun 16, 2008 | Reply

  2. waxaa is waydiin leh dadkaasi maxay ku dhinteen? yaa ka dambeeyay dilkooda oo uu shaydaanku ku sababay maciidamadii itoobiyaa ma soomaali?????????????????????????????????

    maxamed c\lahi | Jun 17, 2008 | Reply

  3. walaalayaalow soomaali soomaali waw sun iyo waabay ha is cunto ha isfaquuqdo ha is eryato
    iyadaa og

    maxamed c\lahi | Jun 17, 2008 | Reply

Fikrad ka dhiibo