Fatwo ka soo Baxday Sheekh Dr. Cumar Iimaan
By Somalimirror on 14 Jun, 2008 7:52 PM in Fataawi, Main, Wararka
Shabakadda Somalimirror waxay idiin soo gudbinaysaa Fatwo qoraal ah oo ay qaar ka mid ah Mujaahidiinta Soomaaliyeed ka duubeen Sheekh Dr. Cumar Iimaan taas oo ka hadlaysa 3 arimood oo kala ah:-
1) Ciidamada UN-ka ee la sheegayo in dalka soomaaliya la keenayo iyo waliba Waxyaabaha la gudboon Mujaahidiinta soomaaliyeed
2) Waxa ay Shareecadda Islaamka ka qabto in DFKMG ah ee la shaqeysa Awooda lala qeybsado oo lagu biro.
3) Iyo Mas’uuliyadda xubnaha ka qeyb galay shirka Jabuti.
Fatwadan oo ay shabakadda Beerdhiga u badashay qoraal ayaa waxa ay ahayd sida tan:-
Sheekhoow sida aad ogtahay waxaa ka socda Jabuti maalmahan la soo dhaafay shir, shirkaasna Soomaalida guud ahaan dalka ha joogto ama dibada ha joogto wuxuu galiyay runtii khal-khal fara badan, waxyaabaha ka soo yeeraya oo aysan runtii ku faraxsanayn darteed, arinkaas wuxuu u baahday in diin ahaan loo cadeeyo, marka mas’aladaasi waxay nala noqotay caawa insha allaahu Tacaalaa in aan wax kaa weydiino,
Waxaan rabnaa marka su’aalo la xiriira Barnaamijkaas inaan ku weydiino, maxaa yeelay ummadda Soomaaliyeed ee muslimka ah waxay u baahantahay haddii arinkeeda uu culays soo galo inay ku xalisato insha allaahu tacaalaa diinteeda iyo waxa illaahay u baneeyay si qof waliba u nabad galo oo uu u ogaado waxa diintu u ubanaysay iyo waxa ay ka reebtay, marka su’aalahaas su’aasha u horeysa waxa weeye waxaan ognahay hadal haynta jabuti ka soo yeeraysa inay ka mid tahay ciidamo UN ah ayaa la keenayaa marka su’aashu waxa ay tahay ciidamo UN ah oo hubaysan in dalka loo ogolaado oo loo saxiixo inay yimaadaan maxay shareecadu ka qabtaa?, haddii ay yimaadaanse maxaa ku waajib ah Mujaahidiinta cadowga kula jira dagaalka?.
Sheekh Dr. Cumar Iimaan:- بسم الله الرحمن الرحيم، الحمد الله رب العالمين وصلى الله وسلم على نبينا مممد وعلى آله وصحبه أجمعين inta meesha fadhisa ee hadalkayga dhagaysanaysa dhamaantiin waxaan leeyahay Assalaamu Calaykum Waraxmatulaah, waadna ku mahadsantihiin su’aashaas muhiimka ah ummadda Soomaaliyeed ee muslimka ahna si gaar ah u taabanayso in qof kasta uu ka ogaado xukunka uu sharciga islaamku ka qabo sidaa daraadeed waxaa weeyaan in badan waa la iweydiiyay horeyna waan ugu jawaabay, meelo badana waa lagu duubay hadana waxaan leeyahay iyada oo la sii adkaynayo arintaasi inaan ka jawaabo ayaan rabaan insha allaahu tacaalaa, mas’alada madkhalka laga gali karo waxay tahay:- in ciidamo UN ah oo gaalo ah iyo waxa dabo dhilifka u ah ee dabo socdo in wadanka la keeno Mujaahidiinta hubka loogaga dhigo, macnaheedu waxaa weeye (al-isticaanatu bil Kufaari calaa muxaarabatil muslimiina-al-mujaahidiin) in gaaladii la kaalmeysto loo kaalmeysto dad muslimiin ah hubkana loogaga dhigo ka dibna dowladaan camiilada ah ee dabo dhilifka ah la hoos geeyo midkii kalana maraykan loo dhiibo, sidaas illaahay diintiisa iyo dalka qiimihiisa iyo wadankii oo dhan lagula wareego ula jeedadu intaas weeyaan.
Tan kale waxaan u malaynayaa in nin kasta oo muslim ah uusan u baahnayn maanta wax badan oo cilmi ah haddii aysan muslimiintii fuqahadda isku khilaafeen “nin gaal ah ma la kaalmeysan karaan gaal kale in lagula dagaalamo” oo dad badan ay diideen oo la yiri gaal hadaan la dagaalamayno gaal kale u kaalmeysan mayno oo nabiga hadalkiisa u daliishadeen “إنا لا نستعين بمشرك inaa laa nastaciinu bi mushrik”nin mushrik ah oo gaal ah anagu kaalmeysan mayno markii nabiga (scw) qazwatu u xud uu u socday ……, sababtana ay leeyihiin nin gaal ah lagama aamin noqon karo calooshaada iyo sirtaada wuu ogaanayaa, hadhow markii dagaalkii uu bilowdana inay xaga ka soo jeestaan dhici karo kuligood khayaanadaas ayaa lagu yaqaanaa maadaama ay saas dhici karto oo ay diideen culimo qaarkood, kuwa baneeyayba xaataa waxay yiraahdeen “haddii gaaladu dad yar ay yihiin kalsoonida lagu qabo, haddii xaataa xaga ka soo jeestaan dhib muslimiinta u gaysan karin oo laga awood badan yahay saas ayaa loo kaalmeysan karaa” laakiin waxaa khilaaf ka jirin in gaal ay dad muslim ah in dagaalkiis loo soo kaalmeysan karin” haddii markii hore aynu ku eedaynaynay dowladaan dabo dhilifka ah in ay itoobiya soo kaalmeysatay si wadanka gumeysi ay gacanta u galiso, waxaa ka sii xumaan badan in Maxaakiimtii islaamiga ahayd iyo saxwadii islaamka ahayd in maanta codsi sameeyo ee gaaladii gaalo kale hadana uu ku badalo wadankii oo dhan oo hadda wada xoroobay kuligiis hadana gumeysi kale gadaal loogu celiyo Taas baa ka sii xumaan badan, marka mas’alada ah nin muslim ah in gaal loo soo kaxeysto wax muslim ah oo isku khilaafsan maba jirtaba.illaahayna waxa uu leeyahay “ولن يجعل الله للكافرين على المؤمنين سبيلا” illaahay ma yeelayo mana ogolaanayo nin kaafir ah in gacanta muslim ah galiyo gacantiisana sarre noqdo oo awoodii isaga la wareego illaahay diintiisa ma ogola, sharcigiisana ma ogola, marka waxa weeye arintaasi waa arin aad iskaga muuqato, dad badan baa waxaa laga yaabaa dadka caamada ah inay ku qalbi jilicsadaan in labadaanba waa 2 shar in ciidamo shisheeye la keeno waa shar, Itoobiya wadanka in ay sii joogtana waa shar, laakiin labadooda waxaa shar fudud in ciidamo shisheeye la keenaa shartooda ay yartahay dad baa sidaa dadka ku beer jilicsanaya, arintaas xaqiiqada way ka fogtahay, sharcigana way ka fogtahay
Amaa waaqica marka la yiraahdo Itoobiya baa ka shar yar oo ay leeyihiin Itoobiya damac bay ka leedahay wadankaan waxayna doonaysaa in ay gumeysato, ciidamo shisheeyana damac kama laha sidaas daraadeed bay nooga fiicanyihiin sidaasi bay leeyihiin, nuqdadaasi horta waxay khalad ku tahay Itoobiya wadankaan ma gumeysan karto, dadkiinana waad ka warqabtaan maanta sidii ay ku bixi lahayd baa ku adag, arintaan hadda laga shaqeynaayo Jabuti waa sidii loogu salixi lahaa Jidkii ay ku bixi lahayd iyo in guul ay ku baxday loo tusiyo awgeed baa calamka oo dhan hadda u gurmanayaa, maadaama ay Jabtay waxaa kaloo caalamka diidayaa iyada oo qori dabada looga wado in ay wadanka ka baxdo oo waligeed Haziimada ku bilaabatay ay sidaas ku sii socoto, marka in la badbaadiyo baa uun loogu talo galay, marka idinkana waxaad ogtihiin in anaguna aan ognahay caalamkuna ogyahay in Itoobiya ay jabtay, wadankaana aysan haysan Karin, maantana sidii ay ku bixi lahayd ay mushkilad ka haysato, biyihii ay cabi lahayd ay xaataa waysantahay marka in la yiraahdo Itoobiya damac gumeysi baa ku jira ciidamo shisheeyana gumeysi kuma jiraan, caqliga waa diidayaa.
Mida labaadna waxaa weeyaan wadankaan waa la soo gumeystay Itoobiya ma ahayn dadkii gumeystay, ingiriis oo waqooyi gumeystay, talyaaniga oo konfurta gumeystay, Boortaqiiska oo xeebaha soomaaliya gumeystay, faransiis oo Jabuti gumeystay, kuligood dad cadaan ah bay ahaayeen, dadkii shalay ku gumeystay damacii ay shalay kugu gumeysteen sidii buu ugu jiraa, marka inay wadanka yimaadaan maanta oo ay awoodii la wareegaan, Puntland gooni u gooyaan, Somaliland ay gooyaan oo cadowgooda u kala qeybiyaan sidii ingiriiska horey gobolka 5-aad Itoobiya u siiyay mida kale ee soomaalida NFD uu u siiyay Kenya, maanta labadaas gobol iyo wixii la mid ah la qeybiyay Rubuc ka mid ah ma kuu imaan karaa, marka in la yiraahdo damac gumeysi kuma jiro ee danuuba noogu yimid waa arin aad iyo aad waaqici uga fog, Itoobiya oo aan maanta ka adkaanay oo aad wada ogtihiin meesha ay maanta joogto xaafado yar-yar oo aanay ka bixi Karin habeen iyo maalin lagu garaacayo iyo magaalooyinka sida:- Baydhabo iyo Baladweyne oo cararkii uu diyaar u yahay oo kaliya inay ka soo carartay baa la wada ogyahay, marka iyada sidaas ku jooto oo wadankii oo dhan laga xoreeyay, dhiig badan oo mujaahidiin ah uu ku baxay, ciidamo UN ah oo Boqolaal kun ah markii maanta la keeno wixii naf iyo maal lagu bixiyay hal sano marka Raas kanbooni illaa iyo gaalkacyo ciidamo lagu daadiyo, diyaarado sidii Shinbiraha kugu kor wareegaya lagu kordhigo arintaas iyada ah Itoobiyay ka fududahay dadka dhahaya waa dad aan illaahay ka cabsanayn (SW), sababtana waxaa weeyaan wadankii oo gumeysi dib loogu celiyo, dadkii mujaahidiinta oo hubkii laga dhigo, iyada oo dowladaas Camiilada ah loo dhiibo wixii gadmayana Maraykanka laga gado haday arintaasi ka fududahay Itoobiya maanta oon ognahay xamar oo dhan lagu tamashlaynayo oo jidkii Maka Al-Mukarama kaliya uu u furanyahay oo air porkii ku aadi waayeen oo Tobanaan howl-gal maalin kasta ay la kulmayaan ninkii doonaya in awoodii dowlad ku sheegta inuu baahiyo oo meeshaas geeyo oo runtii ku magacaabo maslaxad ummadd baan xaqiijinayaa waa arin runtii aad iyo aad looga murugoodo, waxaana u baahanahay inaan gumeysiga macnihiisa aan fahano, xurmadii iyo awoodii oo lagaala wareego waa, haddii Itoobiya maanta shacabigii meelo badan ka badax banaan yihiin, marka ciidamo shisheeye la keeno ma adigaa xukumaysid mise iyagaa ku xukumaya?, markii dalka milatari xoog leh ku soo dago wixii adiga lagaa rabo ayaa lagugu sameysanayaa, gabadhaada waa la kufsanayaa adiga waa lagu dilayaa, istaag baa lagu leeyahay jidadka baa laguu istaagayaa marka, kaas gumeysi ma aha miyaa? Mise xoriyad waaye?, marka Gumeysiga macnihiisa ayaa waxa uu u baahanyahay in la isfahamsiiyo, marka aniga arintaasi aad baan ula jaabsanahay.
Mida kale ee aan rabo inaan u sheego waxaa weeyaan:- xaga imkaaniyada iyo awooda waa kala badanyihiin, Itoobiya oo jabtay iyo ciidamo car-cartooda qaba oo markii 5 sano iyo 6 sano ku haystaan hadana intii ay ka baxaan Itoobiya ay kugu soo noqoto, lama dhihi karo marka tanaa “ أخف ضررين Akhafu Dararayn” ah lama dhihi karo.
Mida kale Ciidamadan shisheeye sharciyo diimo uu yahay ayay wataan, waxaa weeye waxay kaa rabaan bay kaa sameysanayaan, hadaad hadalkooda diidid ama qori aad ku tuurtid bani aadam ayaa tahay waa lagula dagaalamayaa nin canbaareysan ayaad tahay oo sharciyada dowliga buriyay, halka Itoobiya caalamka waxa uu nooga garaabayaa inay tahay dowlad gumeysi u timiday, oo nagu soo xad gudubtay wax kasta oo aan ku sameyno cid ka dabo hadlaysa inaysan lahayn ogow.
Mida kale waxaa weeyaan ciidamadaan hadda maanta imaanaya waxay aaminsanyihiin in dowlad sharciyeed dalka ka jirto, oo C/laahi yuusuf madax u yahay ula jeedada laga leeyahayna in awooda wadanka lagu baahiyo inay tahay, marka in xukuumadii maanta labada xaafadood daganayd lagula dhaqmi waayo, markii wadanka oo dhan loo gacan galiyo, dhibka ka imaan kara haddii aan iraahdo Itoobiya waxa ay nagu haysuu ka fudud yahay, waxa weeyaan waa dhib aan waaqica ku dhaweyn,mandiqa iyo maslaxada sharciga islaamkana aad uga fog weeyaan.
Midda Saddexaad waxaa la rabaa “فاعتبرو يا ألوالأبصار” ciidamo shisheeye caalamka waxa ay ka qabtaan fiiriya, Ciraaq maxay ku sameeyaan?, Af-Qaanistaan maxay ku sameeyaan?, Lubnaan maxay ku sameeyaan?, meel kasta oo ay tagaan wax may hagaajiyaan mise waxbay fasahaadiyaan? Marka waxaa la rabaa anaga maxay nagu sameeyeen 1993, waxa ay sameeyeen waa la ogyahay, waxay ummadda baabi’iyeen mooyaane wax ay u qabteen ma jirto, marka maanta inaan niraahno Ciidamada Itoobiya ayaa waxaa ka dhib yar ciidamo shisheeye inaan sidaas ku hadalno, runtii waa arin aad iyo aad xaqiiqada uga fog, ilaahayna in looga cabsado ay tahay, marka waxaan leenahay arintaas iyada ah in maanta aan niraahno anaga Itoobiya ha naga baxdo ka dib ciidamo shisheeye ha noo yimaadiin iyaga ha na xukumeen, macnaha waxaa weeye haddii aan nahay shacab soomaaliyeed oo muslim ah anaga arimahaanaga gaarka ah ma xalisan karno, shacbigii oo meel looga dhacay weeyaan, anagana waxaan leenahay war dadka mushkilada keenay waa Itoobiya, haday naga baxdo anaga ayaa arimaheena xalisanayno, shalayba markii Maxaakiimta bilowdeen sidaad arkayseen waxaa weeye wadankeenii nabad iyo barwaaqo ayuu ku soo noqday iyada oo cidna nagu saacidin, wax dowlad ah oo noo yimid oo gacan nagu siiyayna aysan jirin, ummaddana waxaa weeye nabad iyo amni bay ku naalootay, marka maanta inaan ni raahno anaga waxba ma qabsan karee ha naloo yimaado, inaan shacbi hamaji ah waxna aan kala ogayn in iyaga la maamulo mooyaane aan soconayn baan tusinaynaa caalamkii, illaahayna aan markhaati uga dhigaynaa.
Mid kale ee aan rabo inaan arintaasi ku soo dhameystiro illaahay markii guul na siiyay, shalay markii Itoobiya soo galaysay sidaan ahayn waad ogaydeen, maanta shacbiga oo dhan waa na soo garab istaageen, illaahayna guul ayuu na siiyay, ummaddii oo dhana ay farxad iyo rayn rayn ay ku soo wada jeesatay itoobiyana inay iska celiso ay go’aan noqotay, dhulkeediina ay ka xoreysatay, halkii illaahay inaan ku mahdino nalaga rabay inaan niraahno gaalooy noo kaalaya oo idinka gar-gaar na siiya illaahay agtiisa noogama qalanto arintaa iyada ah, illaahayoow adiga ayaa guushaas na siiyay inaan ku mahdino ayay ahayd,asaga ayaa maanta anaga oo mustadcafiin ah illaahay awoodaas na siiyay, marka waxaa weeyaan, mandiqa iyo caqliga iyo shareecadda islaamka maqaasideedaba wax maslaxo ah oo ku jira waxa maanta Jabuti laga wado haba yaraatee ma jirto, cid dhag jalaq u siinaysa Ma lahan.
Su’aasha Qeybteeda labaad haddii ciidamadaasi sidaas ku yimaadiin anaga oo og oo ah Muqaawamada Gudaha iyo Siyaasiyiinta Dibada kuligeen isku waafaqeen inaanu ogolayn ciidamo shisheeye haday yimaadaana waxay noola mid yihiin kuwa itoobiyaanka ah, hadaf ayayna noqonayaan, sidii ugandiiska loola dagaalamay ayaa loola dagaalamayaa, sababtoo ah waxay ku yimaadeen dulmi iyo dowlad dabo dhilif ah gacan siinteeda ayay ku yimaadeen, marka mujaahidiinta waxaa la gudboon inay illaahay talo saartaan cadowgoodana ay dhinac ka noqdaan aysan u ogolaanin wadankeena in uu noqdo meelo lagu ciyaar ciyaaro oo marba cidii la rabo la keeno, sidaa daraadeed baan leeyahay sax ma aha.
Hal noqdo oo aan ku baraarujiyo ayaan doonayaa inaan ku daro dad badan ayaa waxaa lagu beer jilicsanayaa Ciidamada shisheeye ee imaanaya haday dal carab iyo muslimiin ka yimaadaan waa la aqbali karaa, arintaas laftirkeeda waxaan leeyahay waa “Oraah” kuligeedna waxaa waaye khayaano…..(lama garan erayada halkan ku jira) … sababtoo ah Caalamka Dowliga ah waa midka noo diiday anaga inaan nafteena aan is xalino, markii aan dadka waraysanay wufuuda reer galbeedka ah(waxay yiraahdeen)waxaan u rabnaa ciidamo shisheeye shalay idinka oo aan meesha idinka saarnay inaad soo noqotaan idinka oo barax tiran ayaan doonayna, waxaan rabnaa in la idiin barxo dadka la idinku daro ma ogolaan karno inaad kaligiin soo noqotaan, marka dadka anaga saas noo diiday inaan nafteena is xukuno in ciidamo kale oo islaamiyiin ah inta laguu keeno in laguu naxariisto wax dhacaaya ma aha, wax xukun lagu dhisayana ma aha waa mid.
Mida labaad ciidamda lagu leeyahay Dalalka Islaamkaa laga keenayaa iyo carabta kuwa iyaga dhibka muslimiinta dalalkoodii jooga lagu gumaado waaye, dal kasta oo muslim ah maanta waxa dhibaato ay Afqaanistaanka ku hayaan Paakistaanka, Paakistaan dhaxdeeda shacabka Pakistaan waxa masaajidada ku duminaya waa ciidamadii Pakistaan waaye, ciidamadaas marka laguu keeno magaca islaamkii ay ahaan jireen muxuu kuu taraysaa waxa loo tarbiyeeyayba waa in lagula dagaalamo Saxwada Islaamka waaye, marka in magacooda islaam ahaan jiray ama ay dowlad islaam ah ka yimaadeen wax weyn oo ay kuu kordhinayso ma lahan.
Mida saddexaad waxaa weeyaan haddii ay yimaadaan dowalado gaalo ah iyo kuwa Muslimiinta ah meelahaas ayaa la iska da dajinayaa iyaga kuwanaa howsha qabanaya, markii 1993 anaga nala gumaadayay ciidamo oo sucuudi ah iyo Pakistaan ah iyo qeyrkood iyo marooko way joogeen, bal waxaan ognahay in Pakistaanka loo adeegsan jiray shacabka soomaaliya in lagu gumaado, in ciidanka maraykanka uu ka dhigtay difaac uu bambaanada kaga fakado ayaa uu dhihi jiray naga hor mara oo shacbiga lagu gumaadi jiray, marka dadkaas iyaga ah in lagu dhiso xukun oo la yiraahdo wax bay tarayaan waxaa weeyaan wax aad u qaab daran, illaahayna waxa uu leeyahay “لا تتخدو بطانة من دونكم لا يألونكم خبالاودو ما عنتم قد بدت التغضاء من أفواههم وما تخفي صدورهم أكبر قد بينا لكم الآيات إنكنتم تعقلون” aayadaas waxaa weeyaan ha ka yeelanina ayuu illaahay na leeyahay dad wadaag hoosaad ah oo dadka muslimiinta ah aad ka soo dhaweysataan oo gaalada dabo la gashaan ha yeelin, maxaa yeelay gaalada wax fasaad ah oo ay qaban karto ma jiraan oo idinka dabarayso ma lahan, dbibkiinana way jecelyihiin, caradoodana afkooda ayay ka soo muuqataa miyaysan na necbayn Maraykan iyo Ingiriis iyo faransiis miyaysan na necbayn, inta ay afka ka sheeganayaan iyo inta ay waraaqaha ku qorayaan waxaa ka badan inta qalbigooda ku jirta baa uu illaahay leeyahay,hadaad mu’miniin tihiin aayaadkaas waan idiin cadaynay, ee garta dadkaas wax ha ka raadinina, isku tashta, illaahay ku xirnaada intaas ayaad guul ku gaaraysaan micnaheeda saas waaye, marka sidaas daraadeed waxaan leeyahay su’aashaas waarid ma aha in gaalo maanta aan niraahno xal bay wadankeena ka keenaysaa nin muslim ah wax uu ku hadlo ma aha, dadka muqaawamada ahna horey bay mowqifkooda u cadeysteen anagana sidaas baan ku ayidaynaa shareecadda islaamkana sidaasay ka qabtaa.
Su’aasha 2-aad: Kooxda Daba-dhilifka ah ee Camiiladda ah ee C/laahi uu hogaamiyo aan ognahay in ay ayagu wadanka cadawga keeneen ayna meel walba la tagan yihiin in ay ayagu u yeerteen, wax malala Qaybsan karaa, ma laga mid noqon karaa maamulkooda iyo waxa ay ayagu rabaan, in wax lala qaybsaadase maxay shareecadu ka Qabtaa?.
Jawaabta Sheekha: Waa su’aal muhim ah meeshana ku jirta dadka waxaa rabaa inaan u sheego hadda waxa loo ololaynaayo in ciidamo shisheeye wadanka la keeno waxaa ka horeeya in marka hore Dawladaas Dabadhilifka ah aad wax la qaybsataan, markaad labadiina wax isku darsataan adinka’oo wada jiro oo iswaafaqsan ciidamo shisheeye la’idiin keeno, horta sidaas weeyaan, marka ciidama shisheeye kaligood iska imaan maayaan ilaa dawladda la aqoonsado, marka waxaad arki doontaa Wareega soosocda in laga hadli doono awooda sida loo qaybsan doono, marka dawladaan waxaa lagu magacaabayo dawlad waa Camiilad wadankeedii cadaw Gacanta u galisay, waxay qabatay baan rabaa in aan horta idiinka sheego si ay noogu soo baxdo horta wax malagu darsan karaa, ninka ku darsadaase muxuu noqon karaa. Waxaan leenahay dawladaasi dabadhilifka ah waxyaalaha ay ummada Soomaaliyeed ku samaysay waxaa hormuud u ah oo ugu horeeya in ay wadankii gumaysi gacanta u galisay, waa koow, midaas danbigeeda keli ah hadii lagu qaado cid kasta oo arrintaas ku lugleh shareecada Islaamka waa camiil ninkaas in la dilo wax aan ahayn uu astaahilo maleh , Nin dal muslim ah oo madax banaan oo dad muslimiin ah ay ku nool yiohiin in loo sacyiyo in gaalo gacanta loo geliyo oo cadaw weligeedba la ahaan jirtay, waxaa weeye qof bani-aadam ah danbi Bacda Shirk Bilaahi uu samayn lahaa oo ka wayn majirto, Koow.
Midda 2-aad waxay gaysatay Xasuuq oo hadda adinka aad ka war qabtaanoo ummaddii Soomaaliyeed mid la dilay mid la barakiciyay dugsi la dumiyay ummadii oo dhimashadeeda 20,000 lagu tirinayo, Xamar Malyanka iyo dhawrka laga Qixiyay wixii guri Xamar ku yaalayna dhulka la dhigay ummadii mid la kufsaday iyo mid Jiis ah gala laga soo reebay hadii la yiraahdo dadkaas danbiga ay galeen halagu qaado inta la Dilo ayaa la Salbinayaa maxaa yeelay dunuubta ay galeen waa mudaacaf (laban-laab).
Midda 3-aad waxaa weeyaan waa Dawlad dabadhilif ah oo Fashlantay waxay Ummad u qabata iska daaye dhibkeeda uun baa meesha yaala marka waa Fashilatay ee wax la taageero ama wax lagu darsadoba malaha.
Mida 4-aad Wakhtigeedii waa dhamaaday oo in dawlad sidaas oo kale ah oo Gumaysi Wadanka Gacanta U Galisay Xasuuqna Gaysatay, Fashilantay, Wakhtigeedii dhacay in wax lagu darsado macnaheedu waxay ka dhigan tahay Dawlad ilaahay uu ku xukumay dil in aad tiraahdo waa soo Noolaynayaa waa danbi sidiisaba inay arrintaas danbi tahay waxaa kuugu daliil ah markii shacbiga Soomaaliyeed ay waxay ku samaysay arkeen waxay go’aansadeen in lala Jihaado markaad Jihaad ku qaadayo macnaheedu waxaa weeyaan dadkaas in ladilo ayay astaahilaa, Jihaadku wuxuu ka bilawday in muqaawamada lala galo nimankaas in ay danbiilayaal yihiin baa Jihaadka lagu bilaabay, marka dadkii shalay aan halka ka taagnaa maanta in aan wax ku darsado oo aan miis lasoo fariisto macnaheedu waxaa weeye nin ilaahay uu dilay ayaan soo noolaynayaa waaye taas waa koow,, midda 2aad Dawlad cimrigeedii dhacay oo baaba’day baad hadana waxaad rabtaa mushkiladii inaad Ummadii ku soo haysid, dadbaa waxay sheeganayaa heshiiskaan waxaan u galnay in dhibaatadii ummada aan ka qaadno, war dhibaato miyaad kordhisay- in Dawladda C/lahi Yuusuf wakhti kale loogu daro oo ay sii jirto- ma dhibaataad sii kordhisay mise waxbaad fududaysay Ummaddii hadda way ka xorowday wax yarbaa u dhimane hadda ayey dadka dhib ku heysaayee, 5 sano oo kale hadaad ugu darted maxey kula tahey. midda sadexaad waxaa weeyaan wixii Jihad lala galay, wixii dad walaala ah nooga shihiiday kuligeed waxaa waaye hal bacad lagu lisay, maxaa ka soo baxaya dadkii lala jihaadayay oo wadanka in laga bixiyo la rabay waxaad leedahay maanta waa dawlad oo difaacadeedaba loo fadhiyaa. waxaa weeye arrintaas mid aad iyo aad u culus. Miida kale waxaa weeyaan in dadkii lahaa dhiiga bay qabaan, dawlad maaha waa Dabadhilif dagaalbaa naga dhaxeeya la fariisan mayno ninkii shalay lahaa afkooda in ay maanta ku yiraahdaan ayagaan hadana hor fariisanaynaa waxbaan la qayb sanaynaa misdaaqiyad in aysan lahayn dadkaas ayay daliil u taahy Ummada dadka waxay u sheegayeen ba ayada oon wax is badalay jirin bay caksigooda ku dhaceen, wax aad loola yaabo ayay noqotay arrintaasi, sidaa darteed in dadkaa wax lagu darsado macnaheedu waxay tahay siday ayagu yihiin baad adiguna noqonaysaa, dadkii xumaa oo lala dagaalamayay Dil unbay mudan yihiin dagaalkiina waa lagu wadayaa ninkii ayaga ku darsoomayna ayaguu la mid yahay ilaahay waxuu leeyahay ( ومن يتولهم منكم فانه منهم ان الله لا يهدى القوم الظالمين) ninkii dadkaas ka wali yeesha ee gaalada iyo gaalada kuwa la socda soo dhawaysta oo saaxiib iyo sadaaqo la yeesha ayagaasuu ka mid yahay xukunkooduu qaadanayaa sida loola dagaalo ayaa loola dagaalamayaa ilaahayna waxaa uu aayad kale ku leeyahay ياءيها الذين أمنو لا تتخذو الكافرين اوليأ من دون المؤمنين)) dadka Mu’miniinta ahaw gaalada haka yeelanina kuwo wali ah adinka oo ka soo soka marsanaya dadka Mu’miniinta ah oo gaaladii baad soo dhawaysanaysaan iyo kuwii gaala raaca ahaa Mu’miniintana waa iska fogaynaysiin oo waxad leedahay Ninkii xabad ku rida Gaalada bari baan ka nahay waa canbaraynaynaa Irhaabkaan la dagaalamaynaa ayaad leedahay, macnaha gaaladii iyo kuwii gala raaca ahaa ayaad saf la noqotay Mu’miniintana safbaad ka noqotay taasna ilaahay wuxuu ka leeyahay ( ومن يفعل ذالك فليس من الله في شئ) ninkii arrintaas sameeya ilahay agtiisa wuxuu ka yahay malaha, marka waxaa weeyaan aniga dadka walaalahay ah waxaan ugu nasiixaynayaa wali arrintoodu ma talax tagine ilaahay naftooda ha’uga Cabsadeen Nafaqaas Mudlimka ah (Godkaas Mugdiga ah) ha ka soo noqdaan, dadkaasna dad ilaahay dilay weeyaan marnaba noolaan maayaan, adinkuna sumcadiina haku baabi’inina, wanaagiina iyo Jihaadkiinana Haburinina, dadka walaalihiin ah oo gudaha iyo dibadda jooga la mawqif noqda waxay qabaana la qaata sidaas ayaan anigu u soo jeedinayaa intaas ayaan Su’aashaas ku soo koobayaa.
Su’aasha 3-aad: waxaan ognahay Jibuuti waxa ka socda waxaa wada dad mas’uuliyad runtii sheeganaya oo hawsha maanta socota mas’uuliyad ku lahaa waxa ay meeshaas u joogaana waxaa su’aashii aan horay uga soo hadalnay ay tilmaamaysa iyo waxyabo kale oo qarsoon marka dadkaas ku qanca in wax lala qaybsado kooxdaas daba dhilifka ah oo camiilka ah maxay noqonaysaa Mas’uuliyadoodu.
Jawaabta Shiikha: baaraka-alahu Fiikum Su’aashaas waa muhiim meeshyna ku jirtaa jawaabteeduna aad ayay u sahlan tahay, haddi aan isku waafaqno wixii aan horay uga soo hadalnay in ciidama shisheeye dalkaan hormuud loogu noqdo oo adigu afkaaga aad ku dalabtid in ay macsi tahay hadaan isku waafaqno saan u soo cadaynay in dawladaas Dabadhilifka ah oo Murtadda-da ah ( Gaalawday) hadii in wax lagu darsado ay macsi tahay aan isku waafaqsanahay in ninkii labadaas shay amrayo ama dalbanayo in aan lagu adeecayn waa iska waadix ninkii macsidaas dad ugu yeera lagu adeeci maayo maxaa yeelay Nabigu SCW wuxuu leeyayay ( لا طاعة لمخلوق في معصية الخالق) Makhluuq la’abuuray lagu adeeci maayo Allaha abuuray Macsidiisa Haduu mas’uulkaagu ku yiraahdo waxaas xun samey laga yeeli maayo Qofku wuxuu madax u yahay oo mas’uul u yahay in uu ummadda Shareecada Islaamaka waxa ay ogoshahey uu ku hogaamiyo hadii macsi uu dadkii ugu yeero waa la diidayaa, marka taa waa mid mida kale nabigu SCW wuxuu yiri (انما الطاعة في معروف) waxa la’isku adeecayo waa waxa macruufka ah ee ay shareecadu ogoshahay marka ninkii la yimaada anigu mas’uulbaan ahay Baadil baan kugu hogaaminayaa igu soo raac Sheercada Islaamku way ka dayrisay mana ogola ilaahay wuxuu tilmaamay dadka baadida Madaxda ku raaca Hadhow (Aakhiro) ku calaacali doonaan ( ربنا انا اطعنا سادتنا وكبراءنا فأضلونا السبيل ربنا أتهم ضعفين من العذاب ) ilaahayoow waxaan adeecnay dadkii Saadada iyo madaxda noo ahaa ayaan daba kacnay ayaga ayaa wadadii naga dhumiyeen marka adigana waa lagu cadaabaya ayagana waa la cadaabayaa— marka waxaa leeyahay arrintaas ayada ah cid lagu adeecayo maleh, Shareecada Islaamkuna ma ogola, kuligeena adoomo ilaahey baanu nahey waxa uu nagu adoonsadey waxay sharecada islaamka ogoshahey in aan annagu raacno arrinta aan rabo in aan ku daro waxaa weeyaan hadii aan niraahno dawladaas ayaan wax ku darsanaynaa ama ciidama shisheeyaan aqbalaynaa Jihaadkii aan ku jirnay Muqaawamadu Wujuubnimadeedu maxay ahayd ilaahay nabigiisu markii lawaydiiyay ilaahey rasuulkiisiiyow ninkii anaga naga mid ah oo u dagaalamaa maal, ama mansib in uu raadiyo ama in la dhaho geesi la yiraahdo, kee jidkii ilaahey ku taagan baa lawaydiiyay markaasuu nabigu SCW wuxuu yiri ((من قاتل لتكون كلمة الله هي العليا فهو في سبيل الله ninkii u dagaalamo in ay kalimada ilaahay kor noqoto ninkaas baa mujaahid ah ayuu ilaahay Nabigiisu SCW yiri. Ilaahay ayaan idinku dhaariyaya ninkii yiraahda Jihaadkii oo dhan in uu ku dhamaado ciidamo UN ah marki ay yimaadaan Hubkii aan wareejino in Jihaadkii UN ku dhamaado ma’ilaahay diintiisa Koryeelideeda miyaa? Taas waxan rabaa qof kasta in uu ogaado sifadaas oo kale in jihaadkii aan soo marnay oon adoomankaas cadawga ah aan kula dagaalamaynay in uu ku dhamaado kuway ayagu ka amarqaadanayeen oo sidii Gabre shirku loogu yeeray xamarna uu nagu maamulo, in uu ku dhamaado in dawladaas aan la dagaalamaynay aan ku biirno ma ilaahay in diintiisa la kor yeelo ayay arrintaasu ku jirtaa? mise waxaa weeyaan ninkii maanta diyaar u ah in uu dawladaas ku biiro ee Mujaahid hadana sheeganayo ama hubkayga ciidamo shisheeye ayaan ku wareejinaya ayagaa Qalab ii keenaya ninkii aaminsan ninkaas Jihaad uma jeedo dana kale ayuuna ka lahaa maantana waa maalintii lakala baxayoo (علي ما أنتم عليه حتي يميز الخبيث من الطيب ( ما كان الله ليذرالمؤمنين ilaahay wuxuu leeyhay Mu’miniinta Isku jirka uga tagimayo ilaa aan kala bixiyo midka xun iyo kan fiican waxa lagu kala bixinayana Mawaaqiftaan oo kale waaye ilaahay Jihaadka wuxuu kuu faray anaga oo gurigeena joogna guul waa na siin karay lakin wuxuu u jideeyay waxaa weeyaan in ninka Dhabta ah oo iimaanka iyo Caqiidada leh iyo ninka sheeganaya in ay kala baxaan (ولنبلونكم حتي نعلم المجاهدين منكم والصابرين ونبلو اخباركم ) ilaahay wuxuu leeyahay waan idin imtixaamaynaa si aan u ogaado ilaahay wuu ogyahay lakin khalqigiisa uu oagaysiiyo ninka mujaahidka ah oo dhabta ah Jihaadkiisana ku sabrayo iyo ninka kale oo dan gooni ah kaleh, marka maanta waa maalintii lakala baxayay haddi ilaahay dartiis Jihaadkaas naga ahaa Nimankaas iyo gaalada waxay wataan oo ay isku wafaqeen wax lidkooda ah in aan samayno weeye oo niraahno waan diidnay anagu teena waa naqaana sidaan wax u xalisanayno cid aan u baahanahay in ay nala xalisona majiraan, dawladasna wax ku darsan mayno danbiga ay gashay dil maahee wax kalena ma istaahisho in aan jidkaas ku istaagno ayaa loo baahanyahay hadii maanta ay dana kale nala gasho kursi ku raadsasho dadkii shuhadada dhiigoodi iyo maslaxo gaar ah iyo qabiilkaygaa meeshaan u badan oon iska raacaa haday maanta naga noqoto waxaad ogaataan maalintaan maalin aan ahayn ayaan ilaahay ishortaagi doonaa ilaahayna waa nala xisaabtamayaa waxaan horay mawaaqif u qaadanay iyo waxaan anagu sababteena intaan jihad gelinay ay shuhado badan ku baxeen in aan maanta meeshaas ku dhamays tirno ilaahay agtiisa wax looga badbaadayo maaha ilaahay waxaan ka baryayaa in uu kuligeen ( ان يرينا الحق حقا ويرزقنل اتباعه والباطل باطلا ويرزقنا اجتنابه انه ولي ذالك والقادر عليه وصلي وسلم علي نبينا محمد).
Daabaco
a/c/w/w/
run ahaantii aad baan ugu farxay fatwada sheekheena ilaahay haka abaal mariyo cilmigiisana alah nagu anfaco cimrigiisana Allaah ha dheereeyo isagoo kalana Allaha nagu badiyo,qofkii iimaan leh xaqdoona ah daacadna ka ahaa jihaadku wuu kuqanci diinkaas loosoo arooriyay kii intaas aan aheyna dhinac buu iska dhigi doonaa waana lakala bixidoonaa runtii Ilaahayna waxaa waydiisaneynaa in uu nagu sugo diintiisa
maxamed c/laahi | Jun 14, 2008 | Reply
asalumu caleykum waraxmatulahi wabarakatuhu
hariir44@hotmail.com | Jun 15, 2008 | Reply
asc wr wb marka hore waxaa mahad oo dhan u sugnaatay alaah. waxaa kale oo mahad iska leh nebigeeni Maxamed (scw) iyo intii xaqqa ku raacday.
Intaa ka dib walaalaha shabakada Somalimirror.com waad ku mahadsan tihiin soo gudbinta fadwada sheekhena Cumar imaam.
Waxaan alaah weydiisanaya in sheekhena uu xaqqa ku sugo,waa fajiyo tubta toosan,kana dhigo kii ummadu ku badbaadi lahayd,waxaan walaalaha muslimiinta ah ee somaaliyed ku boorinaya in ay u dhega nuglaadan fadwadan markasta oo khalal yimaadana ay raacan meesha sawaabku la jiro iyo cida xaqqa ku taagan, markasta oo cid meel khaldan u kacdo waxaa soo baxa nin xaqqa abaara ummada muslimiinta ahna iskuma raacan wax baadil ah ee waxaa jirta cid ka hortimaada baadilka oo cadaysa xaqqa isha alaah waan guulaysan doona hadii aan alaah tala saarano diina ku dagaalano balse hadii aan wax kale ku dagaalano Allaah waa ina dayrinaya guushuna waxay raacaysa cida hud iyo ciidan badan waana layna ka raynaya ileen laynaka tiro iyo talo badane, waa hadii aan ku dagaalano wax aan ahayn diinta waxaa mahad mudan walaalaha jihaadka ku jira ee nafdoona huray , waad mahadsan tihiin
asc wr wb
cabdinaasir cilmi | Jun 15, 2008 | Reply
waan arkay fadwada sheekha ilaahay aka ajirsiiyo /waxa kaliya ee hadhay waa in mujaahidiinta dagaalamaysa lamideeyo maadaama ay dhawdahay guushii si markay timaado aan looga faa iidaysanin tas culumada waa in ay fadhiga oo ga kacaan aana layaraysaninlana fudaydsanin /wabilaabi towfiiq S/C/W
shucayb | Jun 15, 2008 | Reply
KULI WAXAA DHAAN WAA GAAR LAAKIIN QEEYLAA SOO YEERTEEE AANKUU BAXNO AA DAD YIRAAHDEEN MID BAA YIRI KALAYA AAN MASJIDKA KAA GAALNEE QEYLADAAN MARKAAS BAA MID KALE YIRI MASJIDKEEYKA SOO YEERTAAY QEYLADEE SEEN UU ADNAA
MARKA HADDA CULIMADDA XAAL HAA KEENTO GAAL HADII LA KEENO WAXAA KENAAYO CULIMO HADII LA DIIDANA WAXAA DIDAAYO CULIMO ANNAGA RACIIYAAL BAANUNAHAY SAAS HALA OGAADO CULIMOOOY HEESHIIYA DAALKA DEJIIYAA WIXIII ALLAAH IDIIN BARAY NAGUU HUGAMIYAA UMADDA NABI MAHAMAED WAX DHEEF BAA ALLE LOOGA DHIIGAY EE TAAS NAGA DAYA ALLE KA BAQEE DALKA WAA NA DEEQA KULI DIINTA MEEL YAAN LOOGA DHICIIN DHAQAANKA YAAN MEEL LOOGA DHICIIN ILMAHA GALADA KORIYOOW HEEYSO YAAA KA MASUUL AH ?? GABDHAHA GALADA GUUR SAAYO YAA KAMASUUL AH?? ALLE KA BAQEE DALKA DEJIYA CCANO DATAY DABA QABTEE ILMAHA INTA HARTAY AAN SOO CELINEEE DALKA DEJIYA ISKUU SAMIIR SAMEEYEE WAA BILAAHI TOWFIIQ XASAN DHERE
DHERE | Jun 15, 2008 | Reply
Sh.cumar Iiman waa halyey soomaaliyeed e Rabbiyow noo dhawr.
daacad | Jun 15, 2008 | Reply
guul iyo gobannimo
daacadnimo | Jun 15, 2008 | Reply
?????? ????? ????? ???? ???????:
??? ?????? ?????????:
waa fatwo diini ah oo uma baahno wax tacliiqin ah,
laakiin waxaan soo jeedin lahaa dadka akhrista shabakadaha Enternetka waa dad yar sidaa darteed ayaan waxaan jeclaan lahayn in uu sheekha ka sii daayo raadiyayaasha si dadka oo dhan ay uga faa’iideystaan iyo habarkasta oo joogta gurigeeda, waxay dadku qaar u maleeyaan in heshiiskaasi lagaaray uu yahay mid dhaxal gal ah, Mujaahidiintaan diiday ay yihiin dadka dhibaatada ku wada dalka.
waxaana xaqiiqa ah in uu dalka u baahanyahay iyo diinta iyo dadkaba badbaado weyn
????? ??? ???????
WAANIYE | Jun 15, 2008 | Reply
horta shiikhu waa mahadsanyahay xaqana Alle ha nawada waa fajiyo anigu u hadli maayo shirka jabuuti iyo waxa ka soo baxay laakiin waxaan leeyahay maahan in arinku reer casmara ay saxan yihiin arinku waana dad ra’yigooda siyaasiga ah u raadsanaya aaydado iyo xadiisyo.
anigu ma qabo in xabashi la isku dhiibo iyo dabadhilifyadeeda laakiin culima uu ka midyahay dr. cumar goorma ayay nabad ka sheekaydoonaan, goorma ayay dadkooda u nixi doonaan, marna ma maqal isaga oo Fatwa dadka lagu gargaaro soo saaraya, war hadii la wada hadlo in TFG la raacay maahan, lagamana hadlin arinkaas wali mana maqal cid leh waa lagu darmayaa. war goorma ayaa Culimada qaarkeed ay talo wanaasan qaadan doonaan, war nabi muxamed SCWasalm waa la sixi jiray isaga oo Nabi Alle ah, gaar ahaan arimaha dagaalada ku saabsan, sida dagaalkii Beder oo Xubaab ibnul mundir ku yiri” ma waxyi baa mase waa ra’yi iyo makiidu”?, Nabiguna waxa uu ku raacay arinkii xubaab. wada hadal waa nooc dagaalka ka mid ah waana kan ugu xun, hadii la helo dad diyaar u ah in wadal dhab ah wax ku raadiyaan bal maxaa diidayaa. war Itoobiya nafteeda maa lagala hadlo dhika ay dalkeena ku hayso iyada oo xabadduna socoto, war dadka pasworrd khaldan yaan lagu xirin, Allah casa wajalla magacyadiisa waxa ka mid ah Assalaam ee dagaal kama mid ah, dagaal hadaf ma ha ee waa wasiilo ama wadiiqad wax lagu gaaro. soomaaliya 18 sano ka dib dagaalku waxa uu noqday hadaf.
wax yaalaha aan kula yaabay Fatwada shiikha in uu leeyahay Itoobiya ayaa dhaanta dawladaha la soo wado. war yaa Alle yaqaan. war ma Itoobiya ayaan dhulkii soomaaliyeed barki haysan. oo aan kun sano na dilayn?!, war Itoobiya waxaa dhaama yuhuud, bal adba Telvishana daawo waxaad arki doontaa gawaarida cidanka yuhuudu wataan oo dhlinyarada Falastiin dhagax la dhacayaan oo aan xasuuqayn. Itoobiyana xaafado horta iyo suuqyo aan dagaal kula jirin ayay dadka ku xasuuqaysaa. war dr. row hadaadan taariikhaha ku takhsusin waxaan ku leeyahay ka joog.
muqaawamada waa waxa aan wax ku nahay taas shaki kama taagna laakin waa in ay midoobaan, waa in mar walba isi saxaan, aysanna ku mashquulin siyaasadda, siyaasiyiinta culimada ah iyo kuwa caamada ahba ha ka daayeen umadda tashwiishka iyo muranka faraha badan ee ay wadaan, ra’yiga ay qabaana ha u gudbiyaan cidda ay khusayso oo kaliya.
nabadoon soomaaliyeed | Jun 15, 2008 | Reply
Mash’Allah
Aaisha | Jun 16, 2008 | Reply
asc war wab
talo ahaan aniga waxaan soo jeedin lahaa inaan la is garabyaacin oo culimada ay soo saaraan fatwo ay u dhanyihiin dadka muslimka ahina waa in aan lawaalin.
culimada hasoo saaraan fatwo ay udhan yihiin
taloside | Jun 16, 2008 | Reply
Sheekha ilaahkheyr hasiiyo daldaalka uu muujiyey lakin waxbaa ka qaldan maanta soomaliya mesha ay marayso waa laogyahay ma waxuu damcay in shacabka soomaliyeed maalin waliba BM lala dhaco is naxariis dara ah itoobiya u disha intii xabad Ak lagu tuura maxaan ku diidnay hadii ay ethopia naga baxayso in la yiraahdo si nabad ah nooga bad loona badbaadiya natfa shacabka soomaliyeed sh.caruurtiisa iyo isagaba waxay joogaan wdanka dibadiisa max waxuu rabaa in la ba,biiyo inta dalka jooga.
Mida kale ciidamadda UN la yiri wa la keenaya inta daher ku dhawaaqday in ay keenayso waxaa dalal muslim ah, sida Sacudi,Pakistan, Pangaladhash, marka xitaa islaam in uu noo soo gurmada ma ogala miyaa sheekhu maxuu doonayaa sheekh in aan waligeen sidaa isku dul saarnaano
Sheekh Ilaah ka baq somali badbaado ayey u baahantahay fatwadan aan munaasabka ahayn ka daa adiga oo eegaya danahaaga in aad diin ku waafajiwa laga fiicanyahay marka ITAQI LAAH
cali | Jun 16, 2008 | Reply
a\s
salaan kabacdi walaalayaal ilaaheey ayaa mahad iska leh intaa ka bacdi ilaaheey ha dhawro sheekha wan la dhacsanahay sheekha kalimaadkiisa laakiin waxaan ad u jeclaa in fatwada oow culimada arrinkaan ku wafaqasan iyo asga inta shirar qabtaan si cod wayn ugu sheegaan dadka loona badalo qoraalkaan cod lagana si daayo idaacadaha dadku u badanyihiin sida bbcda horn afrik voada idaacadaha codka dhaadheer waana mahadsantihin
al xamdulilaah | Jun 16, 2008 | Reply
JASAAKALAAHU KHAYR.ILAAHAY KHAYR HAYDIN SIIYO SHIKHA IYO INTII KA QAYBQAADATAYBA.IYO SIDA WANAGSAN EE AAD U IFTIIMISEEN.SHIIKHA WAXAAN WAYDIIN LAHAA MARKAA JIHAADKA MALAGU QAADAYAA NIMANKII AYNU UNAQAANAY CULUMADA EE UU HUGAAMINAAYAY SH.SHARII METELAN HADII AY KA MID NOQDAAN DAWLADA C.LAAHI YUUSUF W/W
MUCAAD | Jun 16, 2008 | Reply
Dr Cumar Iimaan waa kuma
Dr Cumar Iimaan waa Ustaad amase Caalim waayo Saudi Arbia oo ah meesha ay Jaamacada Islaam ka ugu badan ay ku yaalan culmada wax dhigta Jaamacadahaas waxa ay u yaqaanan Caalim kaskow intaas culmada Saudi joogta ardeyda joogta waxa ay sheekha ku ciseeyaan Cilmigiisa anigu Dr Cumar Iimaan hadii aan taariikhdiisa soo koobo waxa uu galay kaalinta 1 aad Waxbarashadiisa B/A M/A BHD maxaad uuga baahan tahay warbixin shaqsiga intaas galay 1aad waxaa ii suurta gashay inaan weydiiyi Sheekh saudi ku nool maalintii uu difaacayay Kutubkiisa BHD waxa uu ii sheegay inay ka yaabeen Culmadii Saudiga oo dhan iyadoo halkaas ay joogeen 3,000 oo ardey ah maclmiin dad goobjoog ah hadaba Anigu sh Cumar Iimaan waxaan leeyahay Allow ku xafid
sakariye yare | Jun 16, 2008 | Reply
asc
ninwaloo waxgarad ahiba wuu arkaa in shirkani aanu shirnafleh ahayn.
HAMAAS | Jun 16, 2008 | Reply
asc wr wb sheekh cumar ilaahey haku xafido waxaan rabaa inaan fikirkayga kas dhiibto shirka jabuuti iyo fatawada sheekha waayahan danbe waxa sida tusbax go,ey noqdey fatwooyinka culumada , mid baa fatwoonayo arin, mid kala radinayo, adduunka waxa ka socdo wareer waa aaqiro samaan ilaahayow nagu dar kuwa ku taagan kitaabka iyo sunnada nabiga csw, 73 firqo tan saxda nagu dar rabbow aamiin anigga waxan qabaa in shirka jabuuti jaannis la siiyo oo laga warsugo ujeedada shacabka waa inuu itoobiyan baxo ilaahey hanaga saare ee yaan la degdegin maanta shacabkeenii waa rasfaadsan yahey shuban, gaajo, cudur, hoy la,aan biyo la aan, iyo abaar iyo colaad ayaa isugu tegey teeda kale sheekhow shirka waxa joogo madaxda isbaheysigii casmara diintuna wey nagu adkeysey in madaxda la adeeco oo khilaaf leyska ilaaliyo midnimo ayaa horumar lagu gaara sheekha waxan kaloo xasuusinaa isbaheysiga casmara waxa lagu dhisey dastuur ee shareeco lagumo dhisin marka adoo ka tirsan isbaheysiga dastuurka ah hadda ma kaa yeeleynaa inaad fatwo diini ah soo jeediso, taas waxan u deeyey shacabka soomaaliyeed gaar ahaan dadka fikirkooda dhiibanayo, sheekh ilaahey haku xafido hala ilaaliyo midnimada iyo wadajirka madaxdana halagu kalsoonaado.
umu anas | Jun 17, 2008 | Reply
ilaah mahadiii weeye
a/s/calaykum
bacdad taxiya aad baan kugu faraxsanahay sh dr:cumar imaan jawaabaha wacan oo uu ka baxayshay su’aalaha mugudiga badan nooga jiray waa ilaah mahadii in shiiku uu hadlay xili dhamaan bulshadda soomaaliyeed ay u heelaneed in laga qanciyo heshiiska magriga ku saleysan oo ay galeen ragii nama tali jiray oo diinta iyo dalkaba qiyaamay waxaan kaloo aan mahad baalaaran u celinayaa websiteka soo gudbiyaay fatwadda dr:cumar imaan waxaan kaloo leeyahay mujaahidiinta soomaaliyeed oo aan ka mid ahay meel walba oo aad joogtaan midooba oo ku midooba in kitaabka rabi uu kor noqdo wadankeenaan lagu xukumo
wabilaahi towfiiiq
farxaan khaliif macruuf | Jun 17, 2008 | Reply
asc
walaalayaa waxaa laidin ka rabaah in aad soo galisaa fatwa oo cod ah
maxamed kutub
maxamed | Jun 17, 2008 | Reply
Salamu Calaykum,
Runtii waxaa wax aad looga naxo ah in fidmada waqtigaan Adduunka Islaamka halkaa dhigtay ay tahay mid ay sabab u ahayd khilaaf soo dhex galay culumadii Islaamka.
Fatwada aad halkaan ku soo qorteen waad ku mahadsan tihiin laakiinse ma ahayn mid ay hadda u baahan yihiin umadda Soomaaliyeed, mana ahan mid dan u ah in umadda Soomaaliyeed ay horumar iyo nabad gaarto.
Waxay fatwadaani runtii u muuqataa in nimanka Mujaahidiin la baxay ay ku doonayaan in ay dantooda ku meel marsadaan, oo dad ku kasbadaan, waxaa la yaab leh in nin isaguba passport “BUG” ah ku galay wadamada Yurub oo ka soo qayliyo oo yiraahdo wadankii gaalaa la geeyey iyo gaalo wadan kaygii joogtaan la jihaadayaa… TFG waxay sxb la tahay gaalo waana in la gaaleeyaa!!! Oo adiga sow maahan ninka uu dal kale tuuganimo ku galay ka soo hurinaya dabka oo ku shidaya wadankaagii? Sow adiga maahan ninka lacagta aad gaalada ka soo baridid ku taageera daadinta dhiiga muslimka iyo dilka qof naftu u gaysay inuu shaqeeyo hay’ad maadaama waddanka fursdihii ku yar yihiin? Sow adiga maahan ninka aan rabin Soomaaliya nabadi ka dhacdo? Ninka yiri haddii la heshiiyo waa dembi?
Shiikha yiri in la is qarxiyaa way bannaan tahay iyo in qof Muslim ah in la dilaa way bannaan tahay, shiikha yiri in Soomaaliyi heshiisaa waa xun tahay, in la isu tanaasulaa way xuntahay… Shiikha yiri aniga keliyaa diinta idiin aqaan Culumada ay ka mid yihiin Mustafa, Sh. Shariif, Dasuuqi, Sh. Daahir hadaladoodu waa been aniga kayguna waa run, muxuu noogu caddaynayaa inuu run sheegayo?
Muxuu jihaadka uu sheegayo isagu u geli waayey? Abuu Mansuur muxuu u dhuuntaa asxaabul kiraam ma dhuuman jirin carruurta yar yarna iskama hor marin jirine dagaalka fool ka fool ayey u geli jireen! Carruurta ma adeegsan jirin! Dadka guryaha kuma gubi jirin! Magaalo dhexdeed kuma dagaalami jirin!
Maxay hogaamiyayaasha diinta ku qaraabtaa u geli waayeen jihaadka ay sheegayaan iyagu u geli waayeen oo ugu dhuumaalastaan godadka iyo booraamaha? Shiikhyadaasi miyaanay u muuqan kuwo iyagu aan rabin jannada ay yaboohayaan dadka ay leeyihiin is qarxiya?! Miyaanay ahayn kuwo raba inay sii noolaadaan si ay u hantaan mar noloshooda ka mid ah martabadda ay higsanayaan oo ah “Amiirnimada Soomaaliya?”
Waa maxay mujaahidiin cararaysaa? Miyuusan Eebbe Weyne markuu jihaadka runta ah ka hadlayey oran:
“??? ????? ????? ???? ??? ?????? ????? ?? ????? ??? ??? ??? ??? ???? ?? ????”
Maxaa sababay in ay ku dhuuntaan Erritrea oo waddan gaalo ka taliso ah? Ayna gaalo ku sheegaan dad ay ka mid Yihiin Ismaaciil Cumar Geelle?
Maxaa sababay in la arko culummo nabadba aan rabin?
Run ahaantii waxaa adduunka Muslimku hadda ku jiraa waqti aad u xun oo la mid ah waqtiyadii ay Europe ka socdeen dagaalkii World War 2…
Ugu dambayntiina arrinta hadda ka taagan Ciraaq, Somalia iyo Pakistan waxay u egtahay kacdoonnadii Russia ka dhacay bilowgii qarnigii hore ee loo yaqaannay “Red Revolution”, waxaana ka qaraabasho diimeed sidii Lenin, abuurid kacdoonno shacab sidii Marx (Maarkis)”
WAQTIGAAN SOOMAALIDU KU JIRTO MA AHAN MID AY SUURTO GAL TAHAY IN AY SHABAAB IYO SAAXIIBADOOD AY KU KHALDI KARAAN DADKA. WAA NIMAN AAN CIDNA LA HESHIIN KARIN OO XATTAA WADAADADII AY ISKU JAALKA AHAAYEEN KU TILMAAMAY MUNAAFIQIIN IYO MURTADIIN OO MACNAHEEDU YAHAY (QOF DIINTA ISKAGA BAXAY OO DIIN KALE GALAY).
“??????? ??? ???? ??????? ??? ?????? ??? ????? ???????”
Soomaali | Jun 18, 2008 | Reply
salaan kadib waxaa ilahay loogu shukriyo ah in maanta waxay maleegayaan mujrimiintu la ogaadey
waxaan sheekh auga mahada celinayaa sida wacan ee uu udalaey ilahay haka abal mariyo
ballan waxaan kuqaaday ninkii nin gaal ah isoo adeegsada in aan meel marayo laog yahay
man yeeli doono gumaysi meel wala boo uu joogo diinteen aduunyo sisan mayno kuwo carbeed xataa hadii ay yimadaan waa la arki doonaa meesha la mariyo amxaaaro yayay nool amid yhiin kamana sokeeyaan
alalaaahu akabar xaya cala ajihahahahahahahaa jihaaaahaada
OSMAN | Jun 18, 2008 | Reply
waxaa hubaal ah in sheekhu saxsan yahay loona baahan yahay in si wada jir ah leysaga dhacshaa tuugta iyo gaalada iyagoo hal il lagu arkayo waxan aaminsanahay in aysan meel gaari dooni taariikh xumona ay ku dambeyn doonaan kuwa maanta daba dhilifka u ah cadowga
mid kasta oo diida halgan kani waa cadow berrina talaabo cad ayaanu ka qaadi doonaa
Aanis | Jun 18, 2008 | Reply
asalamu calaykum
dhaman waad salam tihiin,ka dib waxa yaab leh ninika yiri yuhudi xasuq ma geysato,lakin itobiya dadkey xasuqda,ninyahow waxan ku leeyahay bal fiirso idacadaha calamka adaa arki doona yuhuud waxay tahaye,itobiya ,yuhuud iyo midka hada somaliaya loo soo wadaba waa isku mid( alkufru mila waxida)
ali | Jun 19, 2008 | Reply
Asalaamu calaykum
Waa la yaqaan culimada muslimiinta ee soomaaliya ku nool ama banaankeeda joogto , shiikhuna ra’yigiisa ayuu dhiibtay ee fatwo ma ahan ee sidaas haloo sheego , maxaa dhacay khilaafka ayuu dhinac ka yahay sidee ayuu xakam u noqonaa??
daauud | Jun 22, 2008 | Reply
maa shaa alaah tabaaraka watacaalaa
waxaan mahad iska leh alah kadib shekh ilahay juhdigiisa ha ugu naxariisto
mujaahidiinta meel kastoo aad joogto waa kula jiraan ee halka kasiiwad
OSMAN | Jun 22, 2008 | Reply
waxaan rabaa in aanu sheego {daauud}{aqliyare] waxbadan ayaa kaamaqan xaga diinta fahankeeda markaa climada afkaaga kadaa yaanu ku qaloocane teedakale sheekh mabataqaanid cilimigiisa iyo juhdigiisa markaa afku yaanu ku qaloocan ee iska jir waxa aanad waxba ka aqoon waxba haka sheekaynin waa iga nasteexo.
a/c
OSMAN | Jun 22, 2008 | Reply
as.war.wab maxaan fukrad ka dhiibana awaadba masaxdeen waxaan soo qornee maxaa loo dir tiray qoraalkeena walle adinka iyo anaga ayeey noo tahay kkkkkkkkkkkk
mahdi macalin fariid | Jun 26, 2008 | Reply
hadan dhibo emailkeyga maxaa cadaynayo in an dadkale lasinen?
yawayeadi | Jun 28, 2008 | Reply
ascwrwb walalayal sideba u aragtan heshiisinta reer asmro iyo khilafki mudada socday arinta miyan u arki karna heshis dham ah anaga oo lasocona wayadan hadaladi la isku marinayay warbahinda??????????
yawayeadi | Jun 28, 2008 | Reply
waxaan la yaabanahay cusmaan afka yow ku qaloocan ma laysku handadaa mase suufiyada khuraafadi warkeedaad keentay , shiikha kheyr allah siiyo cilmigiisa lama inkiri karo , laakiin arintaan fikrad ayuu ku leeyahay ee fatwo kuma laha ee walaalow jeceyl yuunan ku indha tirin
daauud | Jun 30, 2008 | Reply
salaamu calaykum
ilahay waxuu noo sheegay dadka munaafiqiinta ah markii ilahay loogu yeero xukunkiisa way ka cararayaan sida suuratul alnuur noogu sheegay
marka hada munaafiqa waa batay oo diinta ilahay ayaa loo sheegayaa wayna ka cararayan xaqiiqdii diinta mahan fakar siyaasadeed dr cumar iman wa layaqaan diintiisa iyo dhaqankiisa kuwii u gafayna maalin aya ilahay lasoo horjoojin doona koleey waa nin yaqaana dhaxalkii suubanaha nabadgal korkiisa ha ahaatee marka waa in diinka lagaqaato haduu waafaqo hadane inshaallaah waxaan rjaynaayaa in uu ilahay waafajiyay rag culimo sheeeganaayo ayaa yiraahday gaaladii kitaabka noo sheegay waxayna barayaan workshop loga hadlaayo cadaalada magaal ayaa cadaalad dad culima ah baraayo ayagoo yaqaano sunadii nabiga in ay aamin hawada gaalada ilahay waxuu yiri (raaca waxa ilahay uu idiin soo dajiyay hana raacina wax kasokeeyay) marka sheekha ilahay waa kabadbaadshay kuwii culimada ahaa oo cadalada labaraayay koley waa maalin aduun manata laakiin maalin wayn ayaa ka danbeeysa waana layswaydiindoona ilahayoow na cafi oo diinka natus culimada xaqa iyo cilmiga taqaano nooga dhig asxaab aan isku jaalnahay
sufyaan | Jul 7, 2008 | Reply
AS,WAR.WAB WALAALAYAAL WAXAAN KU TIXANAHY SHIR JARAA’IDKA UU SOOS AARAY DR CUMAR IIMAAN OO LA DHIHI KARO CILMIGIISA IYO MAGACIISABA XAQIIQDII WAXEY U DHACEEN HOOS MAXAA YEELAY WUXUU SAMEEYEY WAXA LA SAMEEYO OO XUMAAN AH TII UGU LIIDATAY MAXAA YEELAY WAXAA WANAAGSAN QOFKA WEYN IN EY ISU EKAADAAN HADALKIISA QORAALADIISA IYO MUUQAALKIISA AMABA WAXAAN DHIHI KARNAA MAGACIISA, MARKA SXB AMABA WALAAL CUMAR IIMAANOOW ANAGA WAAN KU NAQAAN AWALBA WAXAA KAA BATAY FUDEYDKA IYO XANAAQEE SXB CADAALDA FAL HADII KALE ISKA AAMUS SXB
mahdi | Jul 10, 2008 | Reply
walaaal waxan doonaya inaan fikirkayga ka dhiibto fatwada u soo saaray dr cumar iimaan fatwo macnaheedu waa jawaab waxan loo ceelinaya kitaabka iyo sunada haday sax tahay waa la qadanaya hadi kalena waa la redinaya cid macsuuma oo wuxu yiraahdo laynagu adoonsaday waxa jira nabi maxamed salawatu laahi wa salamu calayhi cidi kale wana khaldami karta waana saxmi karta somalidu waxay ku maahmaahda wadaado alif waxbu leeyahay iyo waxba ma leh kala daa dhalinyarada maanta waxa dagaal lagu geliyey itoobiya idin gumaysanaysa dalkin iyo khayraadkinasa dhacaysa hadaladi sheekh waxa ka mida itoobiya waxba ma gumaysan karto,in danta umada loo tanaasulo oo danta xisbigama ama shakhsiga laga horaysiyo ayay diintu ina garaysa dee cumar hadu leeyahay nabad ma ogoli ilaa an anigu talada dalka qabto taasi waa arinkale in soomaali heshiso oo gacmaha is qabsadan waa xalka keliya ee lagu gaadhi karo nabad waarta, ilaahay talada hayna waafajiyo
cairo | Jul 12, 2008 | Reply
asalamu calay kum warax matullahi wabara katuh walaalayal allaha xafido sheeqa waxa uu natisay dariqa saliimka ah ee hala maq lo oo hala raaco waa nin uqalma in la raaco maxayelay waa nin cilmi uleh
haashim haashi farah | Jul 12, 2008 | Reply
ma ogaln in ee siijoog ta somali ya ethopia gumeesiga dal ka la gu haya in laga daayo waaye alaahu akbar
cibaado maxamed | Aug 25, 2008 | Reply
Ass. c al-xamdulilah ilaahay kheyrka ha waafajiyo shiiqa kuwii ku waana qaatana allaha naga dhigo mujaahidiintana allaha mideeyo. Shiikhana waxaan ka codsanaa in uu gudaha wadanka yimaado mujaahidiinta xiriir toos ah la sameeyo, waxaa jira tashwiish badan oo ka imaanaya munaafaqiinta iyo dad danaha khaas ah iyo kuwa qabiil bursanaya.
Marka shiiqa allaha xifdiyee asmara iyo dibadaha inow ka soo tago, iskana diido qolooyinka dhawaan hogaan ku meel gaar uga dhawaaqay muqdisho inuu wax xil ah u qabto ilaa mid mujaahidiinta iyo hogaankii maxkamadaha ku mideysan yihiin maahane wabillahi towfiiq.
Abu abdizamad | Oct 14, 2008 | Reply