Darwiish iyo Saraakiil kale oo Maanta u Duulay Addis Ababa
By Somalimirror on 14 Jun, 2008 7:50 PM in Main, Wararka
Diyaarad nooca milliteri-ga ah oo laga leeyahay Dalka Itoobiya oo maanta abaare 01:30 duhurnimo xilliga Muqdisho soo caga dhigatay garoonka Diyaaradaha caalamiga ah ee caasimadda ayaa waxaa lagu qaaday maydad lagu sheegay 4 sarkaal oo Itoobiyaan ah uuna ka mid yahay Sarkaal Sare oo Tigree ah iyo dhaawaca saraakiil cadad kooda lagu sheegay 3 kale.
Sidoo kale Diyaaradan ayaa waxaa dhinaca Itoobiya loogu qaaday saraakiil sar sare oo ka mid ah gacanyare-yaasha Itoobiya oo ilaa 40 qof gaaraya kuwaas oo uu horkacayo Col. Maxamed Warsame Darwiish oo ah taliyaha ciidamada Nabad sugidda (Sirdoonka) DKMG ah ee kalkaasha gumaysiga. Diyaaradan ayaa waxay ka duushay garoonka caalamiga ah ee Muqdisho saacadu markii ay ku beegnayd 02:30 duhurnimo waxayna ku wajahantahay Magaalada Addis Ababa ee Xarunta Dalka Itoobiya. Lama garanayo ujeedada wafdiga saraakiisha DKMG ah ee loo xaabiyay Magaalada addis ababa mana jiraan wax war ah oo ku saabsan safarkan oo ka soo baxay dhinaca Dawlada iyo Itoobiyaanka toona balse waxaa loo badinayaa in ay qayb ka tahay safarada madaxda Dawladu u aadaan Addis Ababa si ay talooyin uga soo qaataan walaalahooda Itoobiya. Saraakiisha sar sare ee KMG ah ee la rafiiqay madadka saraakiisha Itoobiyaanka ah ayaan la ogayn sababta ay ugu hayaameen addib Ababa iyo inta uu qaadanayo joogitaankooda Itoobiya waxayna ku xirantahay inta ay le’egtahay hawsha loogu yeeray waxayna aarintani ku soo beegmaysaa xilli uu natiijo la’aan ku dhamaaday Shirkii ka socnayay Dalka Jibuuti kaas oo caqabadda ugu weyn ee soo wajahday kaga timid dhinaca Itoobiya oo uu shirka uga qayb galayo Jen.Gabre oo ah taliyaha Ciidamada Itoobiya ee Xasuuqa ka wada dalka Soomaaliya.
www.somalimirror.com
Daabaco
U dir saaxiib

Loading ...
Fikrad ka dhiibo