DAABKII MASAARTA

Gabaygan waxa tiriyey Maxamed Xirsi Guuleed 2008-05-13. Waa farriin ku socota umadda Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaan aqoonyahanka iyo siyaasiyiinta faraha kula jira xal u raadinta mushkiladda umadda iyo xoraynteeda. Magacaabidda hoggaamiyihii maxkamadihii islaamiga Sheekh Shariif Sheekh Axmed, kama dhigayso gabayga mid isaga gaar ugu socda laakiin waa tilmaan cad in Sheekh Shariif ugu horreeyo dadka la hoga tusaalaynayo. Farriintani waxa ay xambaarsantahay sawirka dhabta ah ee mushkiladda umadda iyo mawqifka saxda ah ee ay tahay in laga qaato dabaylaha siyaasadeed ee hadda dhacaya. Maxaa ka soo bixi kara shir la nooc ah kan hadda Jabuuti laga wad-wado???.

Wuxu yidhi:


Damacyada is maandhaafsan iyo danahan kooraysan

Damaqiyo xanuunkaan qabiyo diifta igu taalla

Kala daadsanaantayda iyo duullanka i saaran

Dunidaysu kay kaashatiyo kala dayowgayga

Dabinnada la ii qoolay iyo dalaq ku hayntayda

Dawakhaadda iga muuqatiyo daaladhiciddayda

Dalanbaabi socodkayga iyo dib u hayaankayga

Halkii laygu soo dilay haddeer, samo ka doonkayga

Didmo orodka xiiqayga iyo daw ka lumiddayda

Waxan doonayoo ii dhaw iyo diirad li´idayda

Demanaanta qoomkayga iyo cadow dadaalkiisa

Dublamaasi beenaadka iyo daacadnimadayda

Shirar aan dawaba keenahayn daba wareegooda

Waa waxan la daandaansanee diirku ii gubane

Dibnahaygu waxay leeyihiin duhur cad eedaane

Dareenkay ayaan sheegayaa, diidmadaan qabo´e

Waxba yaan la ii dudin runbaan daah ka furayaaye


Doodyahan Shariifow adaan kuu danleeyahay

Docdaadaan walaaloow ka baqay daad ka soo gala´eh

Ninkii maalmo lagu diirsadee lagu degoow heedhe

Ninkii shacabku wada doonayee, daba socdoow heedhe

Waayadan dareenbaa na galay diilalyiyo ciile

Iyadoo dalkaagii dhammaan cadow ka doobyaayo

Iyadoo nin doorkii hurdada lagu duqaynaayo

Iyadoo ducaaddii sidii duunyo loo qalayo

Sideebaad u dooyeysataa damalka hoostiisa?


Adoo dawlad iyo xooglahaa nimankii kuu diiday

Ma haddood daciif tahay ayey darajo kuu quudhi?

Miyaad dagantay sawtaad ogayd dakharka kii geystay?

Sideed ugu dacwootaa kuwii dooxatada keenay?

Boqolkaa dirays ee nin qudhi tolay dawaarkooda

Ee adiga kuu kala duwani waa dun waaxida eh

Waa duul iskala qaybiyoo dani midaysaaye

Waa kii qorshaha soo dejiyo kii debberay maalka

Iyo kii laguu soo diree, koray dabbaabaadka

Iyo kii dawada siinayee dhab u daryeelaayey


Waa niman waxay doonayaan sii dejoo garane

Nabadda ay haddeer kaa dalbeen, daacad haw qabine

Dib u gurasho iyo waa sidii xeelad dirireede

Daabkii masaartoo kalay kula damcayaane

Marka hore distoorkay ku odhan daaya waa sahale

Marka xiga ducaadday ku odhan daadi waa badowe

Marka xiga nindoorkay ku odhan dayri waa halise

Marka xiga dilkiisay ku fari kii u sii darane

Dembigey faleenbay haddana kaaga dhigi dawwe

Dabadeed aday kugu dulleyn goob darxumo weyne


Doodyahan Shariifoow adaan kuu danleeyahaye

Walaaloow dagaalkani ka wayn dawlad iyo reere

Walaaloow dagaalkani ka wayn duullan xabashaade

Walaaloow dagaalkani ka weyn dano Maraykaane

Walaaloow dagaalkani ka weyn dib u heshiisiine

Waa diinta nebigaaga iyo damac inaad laasho

Diirkaa madow inad nacdoo kii cad darajayso

Waxa dunida khayraad dhexyaal inad ka daaduunto

Dabadhoon inaad noqoto iyo loo dirsade liita

Ama inaad ilaahay dartii, diiddo amarkooda

Oo aad dil iyo weerar iyo filato duullaanba

Labadaas dariiqbaa ka furan degelkii Soomaale


Doodyahan Shariifoow adaan kuu danleeyahaye

Nabad doontayaa iyo colaad duub u xidhataaba

Kuma degayso xaajadu ciyaar doorkan maanta ahe

Waxay doorashadu saarantahay daw cidhiidhayahe

Dar-Allaan walaal kuu baryoo, ruux dun laad tahaye

Ka deg faraska aad saarantahay waa mid noo darane

Ka deg faraska aad saarantahay waa mid kuu darane

Ka deg oo kac oo orod midee, xoogga diriraaya

 

 

Maxamed Xirsi Guuleed

2008-05-13

abdibashir@hotmail.com

 

Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco        U dir saaxiib U dir saaxiib
1 Star2 Stars3 Stars4 Stars5 Stars
Loading ... Loading ...

Fikrad ka dhiibo