Mudaaharaad balaaran oo maanta ka dhacay magaalada Garoowe

Waxaa maanta ka dhacay magaalada Garoowe mudaaharaad balaaran oo laga soo horjeedo xaalada amaan daro ee la soo darista Puntland iyo dadka loo gacan galiyay Itoobiya , waxana isku soo baxa maanta abaabulkiisa lahaa Ururka Isku xidhka iyo hor u marinta Nugaal.


Mudaaharadka maanta ayaa ahaa mid aad u weyn waxaana ka qeyb qaadanayay dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada sida Wax-garadka , Culimaa’udiinta salaadinta iyo dhamaan dad weynaha ku dhaqan magaalada.

Dadka isku soo baxa sameynayay ayaa waxaa meel fagaaro ah kala hadlay qaar ka mid ah ururka soo abaabulay banaan baxa iyo qaar ka mid ah Culimaa’udiinta magaalada waxayna ugu horeyn eedayn u jeediyeen maamulka Puntland oo ay ku eedeeyeen in uusan waxba ka qaban wayay amaanka , waxayna sidoo kale cabareeyeen arintii isbuucyadii la soo dhaafay ka dhacday Garoowe iyo Gaalkacyo ee ahayd dad Soomaali ah uu maamulka Puntland u dhiibay Itoobiya.

Isku soo bixii maanta ayaa waxaa sidoo haldalo ka soo jeediyay qaar ka mid ah wax-garadka, cuqaasha iyo salaadiinta gobolka waxayna ku baaqeen in maamulka uu ugu horeyn wax ka qabto amaanka isla markaana uu maamulku joojiyo dadka soomaalida ah uu u gacan galinayo Itoobiya.

Banaan baxa maanta ayaa ahaa mid aad u baraalan wuxuuna ku soo gaba gaboobay xaalada daragaansho mana jiraan wax rabshado oo dhacay intuu uu banaan buxu socday.

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco        U dir saaxiib U dir saaxiib
1 Star2 Stars3 Stars4 Stars5 Stars
Loading ... Loading ...

Fikrad ka dhiibo