Archive for May, 2008

DAABKII MASAARTA »

Gabaygan waxa tiriyey Maxamed Xirsi Guuleed 2008-05-13. Waa farriin ku socota umadda Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaan aqoonyahanka iyo siyaasiyiinta faraha kula jira xal u raadinta mushkiladda umadda iyo xoraynteeda. Magacaabidda hoggaamiyihii maxkamadihii islaamiga Sheekh Shariif Sheekh Axmed, kama dhigayso gabayga mid isaga gaar ugu socda laakiin waa tilmaan cad in Sheekh Shariif ugu horreeyo dadka la hoga tusaalaynayo. Farriintani waxa ay xambaarsantahay sawirka dhabta ah ee mushkiladda umadda iyo mawqifka saxda ah ee ay tahay in laga qaato dabaylaha siyaasadeed ee hadda dhacaya. Maxaa ka soo bixi kara shir la nooc ah kan hadda Jabuuti laga wad-wado???.

Wuxu yidhi:


Damacyada is maandhaafsan iyo danahan kooraysan

Damaqiyo xanuunkaan qabiyo diifta igu taalla

Kala daadsanaantayda iyo duullanka i saaran

Dunidaysu kay kaashatiyo kala dayowgayga

Dabinnada la ii qoolay iyo dalaq ku hayntayda

Dawakhaadda iga muuqatiyo daaladhiciddayda

Dalanbaabi socodkayga iyo dib u hayaankayga

Halkii laygu soo dilay haddeer, samo ka doonkayga

Didmo orodka xiiqayga iyo daw ka lumiddayda

Waxan doonayoo ii dhaw iyo diirad li´idayda

Demanaanta qoomkayga iyo cadow dadaalkiisa

Dublamaasi beenaadka iyo daacadnimadayda

Shirar aan dawaba keenahayn daba wareegooda

Waa waxan la daandaansanee diirku ii gubane

Dibnahaygu waxay leeyihiin duhur cad eedaane

Dareenkay ayaan sheegayaa, diidmadaan qabo´e

Waxba yaan la ii dudin runbaan daah ka furayaaye


Doodyahan Shariifow adaan kuu danleeyahay

Docdaadaan walaaloow ka baqay daad ka soo gala´eh

Ninkii maalmo lagu diirsadee lagu degoow heedhe

Ninkii shacabku wada doonayee, daba socdoow heedhe

Waayadan dareenbaa na galay diilalyiyo ciile

Iyadoo dalkaagii dhammaan cadow ka doobyaayo

Iyadoo nin doorkii hurdada lagu duqaynaayo

Iyadoo ducaaddii sidii duunyo loo qalayo

Sideebaad u dooyeysataa damalka hoostiisa?


Adoo dawlad iyo xooglahaa nimankii kuu diiday

Ma haddood daciif tahay ayey darajo kuu quudhi?

Miyaad dagantay sawtaad ogayd dakharka kii geystay?

Sideed ugu dacwootaa kuwii dooxatada keenay?

Boqolkaa dirays ee nin qudhi tolay dawaarkooda

Ee adiga kuu kala duwani waa dun waaxida eh

Waa duul iskala qaybiyoo dani midaysaaye

Waa kii qorshaha soo dejiyo kii debberay maalka

Iyo kii laguu soo diree, koray dabbaabaadka

Iyo kii dawada siinayee dhab u daryeelaayey


Waa niman waxay doonayaan sii dejoo garane

Nabadda ay haddeer kaa dalbeen, daacad haw qabine

Dib u gurasho iyo waa sidii xeelad dirireede

Daabkii masaartoo kalay kula damcayaane

Marka hore distoorkay ku odhan daaya waa sahale

Marka xiga ducaadday ku odhan daadi waa badowe

Marka xiga nindoorkay ku odhan dayri waa halise

Marka xiga dilkiisay ku fari kii u sii darane

Dembigey faleenbay haddana kaaga dhigi dawwe

Dabadeed aday kugu dulleyn goob darxumo weyne


Doodyahan Shariifoow adaan kuu danleeyahaye

Walaaloow dagaalkani ka wayn dawlad iyo reere

Walaaloow dagaalkani ka wayn duullan xabashaade

Walaaloow dagaalkani ka weyn dano Maraykaane

Walaaloow dagaalkani ka weyn dib u heshiisiine

Waa diinta nebigaaga iyo damac inaad laasho

Diirkaa madow inad nacdoo kii cad darajayso

Waxa dunida khayraad dhexyaal inad ka daaduunto

Dabadhoon inaad noqoto iyo loo dirsade liita

Ama inaad ilaahay dartii, diiddo amarkooda

Oo aad dil iyo weerar iyo filato duullaanba

Labadaas dariiqbaa ka furan degelkii Soomaale


Doodyahan Shariifoow adaan kuu danleeyahaye

Nabad doontayaa iyo colaad duub u xidhataaba

Kuma degayso xaajadu ciyaar doorkan maanta ahe

Waxay doorashadu saarantahay daw cidhiidhayahe

Dar-Allaan walaal kuu baryoo, ruux dun laad tahaye

Ka deg faraska aad saarantahay waa mid noo darane

Ka deg faraska aad saarantahay waa mid kuu darane

Ka deg oo kac oo orod midee, xoogga diriraaya

 

 

Maxamed Xirsi Guuleed

2008-05-13

abdibashir@hotmail.com

 

Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Mudaaharaad balaaran oo maanta ka dhacay magaalada Garoowe »

Waxaa maanta ka dhacay magaalada Garoowe mudaaharaad balaaran oo laga soo horjeedo xaalada amaan daro ee la soo darista Puntland iyo dadka loo gacan galiyay Itoobiya , waxana isku soo baxa maanta abaabulkiisa lahaa Ururka Isku xidhka iyo hor u marinta Nugaal.

Sii akhri »

Dilkii Sh.C/laahi iyo furinta bannaanaatay »

Culimadu bulshada muslimka ah waxay u yihiin indho. Waxay u kala caddeeyaan xaqa iyo baadilka, waxayna u kala soocaan waxa xun iyo waxa san. Culimadu waa kuwa addoomada ku xira Rabbigood, jidka Nabigoodana (scw) tusa. Geerida culimadu waxay keentaa in cilmigu yaraado, ugu dambayntana dadku markay waayaan culimo waxay samaystaan madax jaahiliin ah oo dadka cilmi la’aan ugu fatwooda (su’aalaha diiniga ah uga jawaaba) markaas iyaguna luma, dadkana lumiya.

Waxaa laga yaabaa in qofkeen is weydiiyo muslimiin badan ayaa la xasuuqay ee maxaa keenay in hal Sheekh kaliya laga waramo. Taa waxaa keenay in caalimku u yahay muslimiinta xiddig lagu hanuuno, Ilaahayna hal caalim sababti ku badbaadiyo bulsho dhan. Tusaale waxaa kuugu filan mawqifka uu istaagay Abuubakar (Alle ha ka raalli noqdee) markii uu geeriyooday Rasuulkeenu (scw) oo dadku murugtii la jaahwareereen. Waxaa kale oo tusaale inoo ah maqifkii imam Axmed ibnu Xambal istaagay xilligii fitnada muctaziladu socotay. Qoraalkaanna waxaan uga qasdaynaa in aan ku muujino ahmiyadda culimada iyo in lagaga daydo kahyrka, mana aha dhaqan ugub ina ku ah ee salafku waxay ka qori jireen culimada tarjamo (taariikh nololeed) buuxda, waxaana la yiri: caalimka noloshiisuna waa cibro, geeridiisuna waa cibro.

Taariikh nololeedka Sheekha oo kooban

Sh. C/laahi Maxamuud Ciise wuxuu ku dhashay meel u muuqata magaalada Hurdiya ee gobolka Bari. Sheekhu wuxuu ka baxay macaahiddii Azhar ee magaalada Muqdisho, ka dibna wuxuu ka baxay mac-hadkii Al-tadaamun ee isla magaalada Muqdisho, dabadedto sheekhu wuxuu ka mid ahaa 10 arday oo deeq waxbarasho ka heshay jaamacadda islaamiga ah ee Madiina 1970kii, wuxuuna ka soo qalinjabiyay kulliyadda shareecada 1974kii. Sheekhu wuxuu ka dib noqday garsoore, wuxuuna ka soo shaqeeyay degmooyinka Dajuuma, Sablaale, Qardho, isku-shuban iyo B/bayla. Sheekhu garsoorenimadii wuu isaga tagay, wuxuuna aaday Sucuudiga, muddo yar dabadeedna wuxuu u wareegay dalka Imaaraadka oo uu ka ahaa daaci muddo 21 sano iyo bar ah. Sheekha waxaa laga soo musaafuriyay Imaaraadka 2001, intii ka dambaysayna wuxuu daaci ka ahaa magaalada Muqdisho.

Astaamihii qof ahaaneed ee Sheekha iyo waxqabadkiisii:

Sheekhu wuxuu lahaa astaamo farabadan oo u sahlay in uu waxbadan qabto, quluubta walaalihiis iyo ehelkiisna uu ku hanto, waxaana ka mid ahaa:

1. wuxuu ahaa nin ku adag mabaadi’da diinta oo aan dhinacna uga leexan, cidna uga haybaysan. Xilligii uu garsooraha ahaa wuxuu dadka ku kala saari jirey sharciga ilaa dadkii ay ka wada shaqayn jireen wasaaradda garsoorku ay ku eedeeyeen in uusan aaminsanayn qawaaniinta ee uu kitaabka Minhaajka kilkisha ku sito.

2. Wuxuu ahaa nin diinta iyo wax u qabadkeeda aad ugu qiiraysan, dacwadana har iyo habeen u taagan oo aad moodid in ay dhiiggiisa la shaqayso. Waqtiyadii uu garsooraha ahaa wuxuu kaga tagay magaalooyinkii uu ka soo shaqeeyay raad wacan, wuxuuna xoogsaaray tawxiidka iyo cilmiga xadiiska. Marxaladdii uu Imaaraadka daaciga ka ahaana wuxuu dacwada u kasbay dad badan oo odayaal iyo dhallinyaroba leh. Intii uu joogay Muqdisho dacwada guud oo si joogto ah uu ugu mashquulsanaa ka sokow wuxuu xoog badan galiyay soo hanuuninta qaraabadiisa.

3. Sheekhu wuxuu ahaa sheikh ummadeed oo xambaarsan hammiga bulshada guud ahaan, waqtigiisa iyo juhdigiisana wuxuu u huray wax u qabadka bulshada gaar ahaan dadka tabarta yar iyo dadka ku hawlan dacwada. Dad badan ayuu shaqo geeyay, kuwa kale wuxuu u soo saaray iqaaamado, wuxuu xoogsaaray sidii uu u kafaalaqaadi lahaa macallimiinta, ducaadda, ardayda, agoomaha iyo qoysaska baahan. Waxaa intaa u dheeraa isaga oo qof walba ama gobol walba xil iska saara. Sababta Imaaraadka looga soo tarxiilayna waxay ahayd khidmada uu u qabanayo bulshada Soomaaliyeed ha noqoto kuwa jooga ama kuwa dalka ku sugnaa oo uu kaalmo u raadin jirey.

4. Ilaahay sheekha waxa uu ku galladaystay deeqsinimo, naxariis iyo dareen walaalnimo oo uu u danqanayo qof kasta oo muslim ah, waxa uu heli karana aanu marna kala habsaamayn.

5. Sheekhu sida uu u jeclaa dacwada si la mid ah ayuu jihaadkana u jeclaa. Wuxuu aad u necbaa daadinta dhiigga muslimiinta, dadkana si weyn ayuu ugaga digi jirey gaar ahaan ducaadda oo uu ku oran jirey: dagaal Soomaali lala galo inaka ilaaliya laakiin markii ururkii ashahaado la dirirku 18/02/2006 ku dhawaaqeen la dagaalanka diinta ayuu sheekhu bilaabay in uu dadka ku boorriyo iska celinta cadawga diintooda u soo dhigtay, markii Xabashidu soo gashayna wuu labanlaabay dadaalkiisii dacawiga iyo jihaadiga ahaa, maalina kama aanu bixin Muqdisho sidii gaaladu u timid ilaa Rabbi shahaado ku siiyay (Alle ha ka aqbalee).

Gabagabadii sheekhu wuxuu ka tagey laba gabdhood, labo xaas, labo walaalihiis ah, qaraabo kale oo farabadan, ardaydiisii iyo saaxiibbo farabadan oo diinta iyo dacwada ay ku walaaloobeen. Ilaahay waxaan uga baryaynaa in uu sabir iyo iimaan ka siiyo, sheekhana uu dambigiisa dhaafo, qabrigana uga dhigo beer beeraha jannada ka mid ah, hooskiisana uu hariyo maalinta aan hoos kale jirin, jannadiisana uu ka waraabiyo, raallinimadiisana ku arzuqo… Aamiin.

Sh.Axmed C/Samad
alwaqaar@hotmail.com

Xasuuqa ka dhacay Xamar muxuu xanbaarsanyahay? »

Xasuuqii ay dhawaan ciidamada gumeysiga Itoobiya ka geysteen Muqdisho ma ahayn kii ugu horreeyay tan iyo intii ay magaalada soo galeen dhammaadkii 2006 ee waa qayb ka mid ah silsiladda gumaadka iyo xadgudubyada ay wadeen ilaa wakhtigii ay waddanka qabsadeen, waxaanse xasuuqan si gaar ah ugu xusay in marka laga eego xilliga uu ku soo aaday uu xanbaarsanyahay farriimo dhiig ku qoran oo uu gumeysigu ku tala-galay inuu soo gaadhsiiyo guud ahaan dadweynaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan gaar ahaanna xoogagga Muqaawamada oo qeybo ka mid ahi ay baryahan danbe dabacsanaan ka muujiyeen wadada hadal ay la galaan DFKG ee la shaqeysa gumeysiga.

Inta aynaan akhriyin farriimaha khadhaadh ee uu xasuuqani xanbaarsanyahay bal aan soo qaadno waxyaabaha aan is leeyahay waxay ina tusi karaan ujeedada cadowgu uga golleeyahay xasuuqan ayna wali qaybihiisii ilaa xilliga sadaradan la qorayo wada dhammaanin.

• Xasuuqani wuxuu ku soo beegmay xilli hadallo aan toos aheyn ay kala gaadheen DFKM iyo Isbahaysiga dib u xoreynta iyada oo qolo kasta ay soo gudbisay aragtideeda.

• Sidoo kale wuxuu xasuuqani ka danbeeyay guulo is daba joog ah oo ay soo hoyiyeen Xoogagga Muqaawamadu ka dib markii ay si ku meelgaadh ah ula wareegeen gacan ku haynta magaalooyin ay ka midyhiin Diinsoor, Waajid, Qansaxdheere, Buurhakaba, Jawhar , Buulobarde, Balad weyne iyo kuwo kale .

• Xasuuqani wuxuu yimid iyada oo dad badani is yidhaahdeen waxaa dhowaaday xilligii ay ciidamda gumeysigu bixi lahaayeen, halka ay dad kalena la soo dhowaatay xilligii la heli lahaa dowlad Soomaaliyeed oo loo dhanyahay .

• Wakhti yar ka hor xilliga xasuuqani billowday waxaa soo baxay warbixino sheegaya khasaarooyin laxaad leh oo soo gaadhay ciidamada gumeysiga, waxaana laysla dhaxmaray in uu daal ka muuqdo ciidamada gumeysiga .

• Xasuuqan waxaa lagu bartilmaameedsaday goobo la is lahaa way ka caaganyihiin Millatariga, sida: Masjidka weyn ee Al-Hidaaya oo xarun u ah jamaacada Tabliiqa oo la yaqaanno dunida oo dhan inayna ku lug laheyn arrimo ciidan ee ay ku howlanyihiin in gaal iyo islaamba ay diinta gaadhsiiyaan, waxaana masaajidka dhaexdiisa lagu gumaaday Culimo iyo Arday ay ka mid yihiin culimo waaweyn, sida: Sheekh C/laahi Maxamuud Ciise iyo Sheekh Siciid Yaxye.

Arrimahaas iyo kuwo kaleba waxay ina tusayaan in xasuuqan baaxadda leh ee geysteen ciidamada gumeysiga Itoobiya uu yahay mid si qorsheysan loogu talagalay, lana doonayay in lagu gudbiyo farriimo uu cadowgu doonayo inuu gaadhsiiyo guud ahaanba bulshada soomaaliyeed, farriimahaas inta ii muuqatana waxaa ka mid ah :

1. farriin si gaar ah ugu socota Isbahaysiga dib u xoreynta oo baryahan danbe shaaciyay inuu diyaar u yahay inuu wada hadal la galo DFKM, warbaahintana laga sheegay in farriima aan toos ahayn ay kala gaadheen labada dhinac taas oo sida muuqata ugu yaraan qaybo ka mid ah Isbahaysiga dib u xoreynta ay la ahayd inay keeni doonto in ciidamada gumeysiga Itoobiya ay meesha ka bixi doonaan mar haddii wada hadal Soomaalida dhexmaro ama awood qeybsiga la isla garto.

Haddaba farriinta xasuuqani u sido Isbahaysiga waa inay ka quustaan inay Itoobiya dhib yaraan kaga baxayso Soomaliya iyo inayna gorgortan ka galidoonin sii joogiddeeda taas oo asal ahaan ku qotonta dano gaar ah oo ay Soomaaliya ka leeddahay waxa la doonaba ha lagu sheegee, waxaana muuqata in gumeysigu rabo inuu Isbahaysiga tuso inayna ahayn dad agtiisa muhiim ka ah ama mudan in tanaasulaad loo sameeyo si ay ugu nuglaadaan tanaasulaad badan oo ilaa xad gaadhaya inay iswada dhiibaan, waxayna ila tahay in madaxda Isbahaysigu farriintaas si xooggan u fahmeen ama horayba ay u fahamsanaayeen arrintaasina waxay keeni doontaa in Isbahaysigu awooddiisa isugu geeyo muqaawamada hubeysan inta la gaadhayo xilli uu cadowgu si dhab ah u xanuunsado oo uu isagu go’aansado inuu wadanka ka boxo oo aan baryo ku imaanin, haddii kale waa in lagu talagalaa wadadahadalka qaabkan ku billowda inuu ku dhammaan doono in Muqaawamadu sharciyeyso joogitaanka gumeysiga haddii ay aqbasho inay kuraas (kooban) ka qaadato DFKM ee la shaqeysa gumeysiga. Arrintaas oo wax badan u dhimi doonta kalsoonidii ay bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto siisay Muqaawamada ku howlan dib u xoreynta Soomaaliya.

2. farriin ku socota guud ahaan xoogagga Muqaawamada qeybohooda kala duwan oo macneheedu yahay Faanoole fari kama qodna, in aad malleeshiyooyin Soomaali ah magalaalooyin aan u dhiibannay ka erideenna wax weyn xaaladda ka baddali meyso, ciyaarina waa galin danbe ee guntiga xajista, farriintaasina muhiim bay Muqaawamada u tahay si ay awooddeeda u keydsato wakhtigana uga faa’iideysato mar haddii ay caddahay in dagaalku dheeraanayo waxa dhab ahaan ay Muqaawamada is hayaanna uu yahay gumeysiga, waxaana habboon inay Muqaawamdu xoogga saarto gumeysiga, kana dhaga adeygto intii suurtagal ah daandaansiga dabadhilifka Amxaarada la socda oo dhab ahaan aanu dilkoodu xanuujineynin gumeysiga; maxaa yeelay haddii kun la dilo kun kalae oo cusub ayay helayaan geeridoodana inay ka naxaan iska daaye way ku farxayaan illeyn waa cadow dhaafaye.

3. farriin kale waxay ku socotaa dadweynaha dayaca ka daalay ee wali qaarkood duleedada Muqdisho tubanyihiin iyaga oo sugaya inay maalin dhow guryohoodii ku noqdaan ka dib markii ay maqleen wadahadallo la filayo inay dhex maraan DFKG iyo Isbahaysiga dib u xoreynta, farriintani waxay dadkaas u siddaa dhambaal odhanaya ilaa aad ogolaataan is badalka dhacay iyo in waddanka Itoobiya dowlad ka tahay oo aad sidaas kula shaqeysaan idiin ma dhowa inaad guryihiinnii ku soo noqotaan, haddii aad isku daydaanna marka danbe idinka oo mayd ah ayaa la idinka saari doonaa.

4. farriin kale waxay ku socotaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo uu joogo waxayna leedahay in la isu turo inagama dhexeynin cadowna halka uu u dhimanayo ayaa lagu dhuftaa, Culimada iyo Masaajiddda kumaanaan khaldamin ee waxaan ognahay inay tahay halka aad ka nooshihiin mooryaanta iyo inta idin dhibaysana annaga dhib naguma hayaan haddii loo baahdana ciidan baaban ka dhiganeynaa, dhab ahaanna annaga ayay ciidan noo yihiin haddaba.

Arrinkaasi wuxuu keenayaa inay bulshada Soomaaliyeed ogaato waxa haysta inuu yahay codow kii uxumaa oo amxaaro ah, la iskana ilaawo in laga sugo inuu inoo arxamo, waxaana lama huraan ah in xaqiiqadaas laga duulo oo Soomaaliyi isu raacdo sidii gumeysiga wadanka looga kicin lahaa, loona difaaci lahaa maatada iyo muqaddasaadkaba.

5. farriin kale oo fool xun waxay ku socotaa madaxda DFKM ee la shaqeysa gumeysiga wuxuuna macneheedu yahay shacbiga ma matashaan ee annaga ayaad noo shaqeysaan marka yaa idiin diray wadahadal iyo inaad cid aanaan raalli ka ahayn la kulantaan, shaqadiiinna ku ekaada oo marka aan madaafiicda garaacno sacbiya cadow ayaa lala helayna dhaha, waxayna ila tahay in farriintaas ugu yaraan Nuur cadde fahmay oo isla markiiba ku dhawaaqay inay ciidamada Itoobiya cadow iska difaacayeen, garna ay u lahaayeen ficilka ay sameeyeen, waxayna ila tahay in Soomaalidu garan karto in ragga noocaas ah ee gumeysiga la shaqeeya aan gacal la moodin, ama loo arkin rag gacanta wax ugu jiraan oo talo ka go’do.

Xasan Maxamed Ibraahim
xasanyare@msn.com

Page 1 of 11