Warbixin:- Muqaawamada Soomaaliya… waxay Gil-Gishay Itoobiya & Maraykanka
By SomaliMirror on 19 Apr, 2008 11:56 AM in Main, Wararka
Waxaan idiin soo gudbinaynaa warbixin ay Shabakadda Wararka Carbeed ee Moheet.com ay ka qortay 7 bishan April Xoogaga Muqaawamada Soomaaliyeed oo iyagu mucjisooyinkoodu ay gil-gileen Itoobiya iyo maraykanka. Warbixintan ayaa Qeybteeda Koowaad ku bilaabanaysa dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ay muqaawamadu kula wareegeen qeybo ka mid ah Dalka
Soomaaliya,iyada oo ku xijinaysa khasaarooyinka Ciidamada Gumeysiga Itoobiya iyo KMG ka soo gaaray dagaalka ka socda Soomaaliya waxayna shabakaddu ka soo xiganaysaa khasarooyinkaasi ilo wareedyo Maraykan iyo Yurub ah iyo waliba dagaalka uu maraykanku ka wada Soomaaliya iyo waliba khasaaraha isaga ka soo gaaray. Hadaba warbixinta ayaa u qornayd sidan:-
Qaybta 1-aad
Waxay u muuqdaan waxyaabaha ka socda Soomaaliya kuwo aan wax badan ka duwanayn waxa ka socda Dalka Ciraaq, Ciidamada Gumeysiga Itoobiya iyo xulufadiisa KMG ah waxa ay u haysteen xiligii ay baxeen Midowgii Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliyeed bihsii December 2006 in arintu tahay mid degtay oo soo afjarantay, balse waxa ay uga jawaabeen xoogagaga muqaawamada ha ahaadaan kuwo maxaakiim ah ama Xoogag wadaniyiin ah dharbaaxooyin kulul iyo dagaalo ku dhufo oo ka dhaqaaq ah oo la mid ah kuwo ay ku sameeyaan muqaawamada Ciraaq Ciidamada Gumeysiga Maraykanka.
Waxaana ugu dambeeyay dagaaladaasi 6 April 2008 oo ay Xoogaga muqaawamadu kula wareegeen gacan ku haynta magaalada Balcad oo 30KM dhinaca waqooyi ka xigta caasimada Muqdisho.
Wax-qabadkan waxaa u dheeri ah Sil-Silado guulo ah, iyada oo ay horey u jireen in ay muqaawamadu qabsatay 31 March ee la soo dhaafay magaalada Buulo Barde oo 200km dhinaca waqooyi ka xigta Muqdisho, ka dib markii dagaal mudo socday uu dhex maray Muqaawamada iyo Ciidamada Itoobiya oo ay la socdaan ciidamo raacsan xukuumada KMG ah halkaas oo looga dilay 11 askari.
Afar maalin ka hor inta aysan xoogagu qabsan Buulo-Barde waxaa la dilay 4 askari oo soomaali ah ka dib markii weerar ay ku qaadeen muqaawamada magaalada Jowhar oo 90km dhinaca waqooyi ka xigta Muqdisho, intaa waxaa dheer sil-silado kale oo weeraro ah oo ka dhaca Muqdisho tan iyo December 2006.
Waxaana lagu xusay Warbixino ay baahiyeen iclaamku in weerarada ay qaadaan Xoogaga muqaawamada ay sii xoogaysteen isla markaana ay ku baaheen meelo ka baxsan caasimada Muqdisho Todobaadyadii ugu dambeeyay,
Waxaa suuro gal u ah akhristaha in uu si cad uga arko arimahaasi khasaarooyinka ka soo gaaray ciidamada itoobiya iyo kuwa KMG ah weeraradaasi, iyada oo uu u kaalmaysan karo akhristuhu in uu arko arintu halka ay ka marayso dhulka la isku hayo ee Soomaaliya
Websiteka lagu magacaabo “Al-Arab Online” ayaa ilo Maraykan iyo Yurub isugu jira ka soo tabiyay “ muqaawamada Soomaaliya waxay fuliyeen 241 dagaal oo ka dhan ah Ciidamada Itoobiya iyo kuwa KMG ah, iyo 6 fal oo istish haadi ah intii lagu gudo jiray sanadii 2007” isla ilahas ayaa intaa ku daray “Ciidamada Maxaakiimtuna waxa ay hubka ka helaan cadowga laftiisa ,iyaga oo weerar ku qaada saldhigyada Ciidamada Booliiska isla markaana ka soo qaata wixii hub ah ee yaala”
Waxay kaloo tilmaameen xogtaasi laga soo xigtay Maraykanka iyo Yurub in khasaarooyinka soo gaaray Ciidamada KMG ah lagu qiyaasay ku dhawaad 1409 dhimasho iyo 3278 dhaawac ah, iyada oo khasaaraha Ciidamada Itoobiyana lagu qiyaasay 3059 dhimasho iyo 7492 dhaawac ah.
Sidoo kale Xoogaga muqaawamadu waxa ay ku guuleysateen in ay dagaal cad ama toos ahi la galaan cadowga wax ka badan hal mar iyaga oo kaalmeysanaya Qabiilo, waxaana uu dagaalku isku balaariyay Juquraafi ahaan 7 Gobol oo ku taala koonfurta Soomaaliya, iyaga oo mararka qaarna la wareegaya gacan ku haynta qeybo ka mid ah Degmooyinka iyo Gobolada Dalka si ku meel gaar ah mudo aan yarayn taas oo nqon karta maalmo ama todobaadyo ka dibna isaga baxa iyaga oo ku salaynaya dagaalka ku dhufo oo ka dhaqaaq ah.
Arinka muhiimka ah in lagu baraarugo ayaa ah in khasaarooyin laxaad leh ay soo gaareen Mareykanka, 29 March ee la soo dhaafay waxay daboolka ka qaaday “link Public”oo ah hay’ad kormeer oo xarunt ku leh maraykanka in lagu soo riday Dayaarad Jaajuus oo maraykanku leeyahay xeebta Soomaaliya.iyadooy hay’ada ku tilmaantay in koox Jihaadi ah oo Soomaaliyeed oo isu magacowday magacaba “Dhaq-dhaqaaqa Mujaahidiinta Al-shabaab” ay sheegatay in ay ka dambeysay soo ridida diyaaradaasi isla markaana ugu hanjabahay maraykanka howl-galo badan in ay ka qaadayaan taas oo ay ku sheegeen websit-kooda iyaga oo ku yiri “anagu waxaan u diyaarinay maraykanka….wax uu ku hilmaamo howl-galadii barakaysnaa ee lagula beegsaday Nairobi iyo Darussalam”.
Waxaa muuqda in maraykanku uu si dhab ahi u qaatay hanjabaadyadaasi,waxaana soo ifbaxay digniino sheegaya cawaaqib xumada sii socota ee ka imaanaysa Ciidamada maraykanka oo ah duqeymo uu ka wado Soomaaliya, si uu u waxyeeleeyo shaqsiyaad uu ku tilmaamay maraykanku in ay ka tirsanyihiin Ururka Al-Qaacida iyo kuwii Qarxiyay safaaradihii maraykanka ee Kenya iyo Tanzania sanadkii 1998
Isla arintani oo kale ayay Jariidada “Al-Shar Al-Awsad” ee ka soo baxda London ka soo xigatay Donald Payne ku xigeenka Congreska Maraykanka isla markaana ah ku-xigeenka Xisbiga Dimuquraadiga dhinaca Congreska ee Gobolka New Jersey ahna Madaxa Gudiga Hay’ada Xiriirka Dibada Maraykanka ee Arimaha Afrika oo isagu ka digay sii socoshada duqeymaha maraykanka ee keenay in ay dhintaan dad badan oo shacab ah, taas oo uu ku tilmaamay in ay ku riixayso soomaalida in ay si xoogan oo xoogan ugu biiraan muqaawamada isaga oo yiri “way fashilantay siyaasadu, anagu waxaan noqonay kuwo u badalaya Muqdisho iyo soomaaliyaba Baqdaad kale, anagu waxaan ka dhigaynaa dadkii in ay dareemaan in aan ula dhaqmayno hab khaldan oo ku riixaya in ay qaataan mawaaqif aad u adag oo xag jir ah, xukuumada KMG ah way dhacaysaa sidii ay 13 sano ee la soo dhaafay, laakiin Islaamiyiintu waxay sameysanayaan askar aad u badan, waxayna qabsanayaan magaalooyin, awoodoodiina marba marka ka dambeysa way sii xoogaysanaysaa”.
La soco Warbixinta qeybteeda 2-aad Haddii Alle Idmo
Daabaco
U dir saaxiib





maashaa allaah
abumaxamed | Apr 20, 2008 | Reply
a|c walaalayaal marka hore mida labaad way kumahadsan yihiin walaalahayaga beerdhiga boga labaad ee ay noo sameeyeen waana uga mahad naqaynaa illaahay ayaamahada lahee,mida kale waxaan rabaa in ay noo soogudbiyaan dhacdo kasta ookudhacda cadowga soomaaliyeed iyo dowlad iskusheega soomaaliya .
abdifataax maxamed aftaag | May 18, 2008 | Reply
maashaa allah , ilaahow Soomaali quluubtooda iyo ficilkoodaba midee, aamiin. Ilaahow cadowga Soomaaliyeed iyo ka Islaamkaba jabi aamiin.
Qaadun | Jun 15, 2008 | Reply