Gaari ay wateen ciidanka dowlada KMG ah oo Qarax Miino la gula beegsadey degmada X/Weyne
By SomaliMirror on 18 Apr, 2008 1:33 AM in Main, Wararka
Qarax miino oo xoogan ayaa maanta abaaro 01:00 duhurnimo ee xilliga Muqdisho waxa uu ka dhacey degmada Xamar Weyne ee magaalada Muqdisho.kaas oo lala beegsadey gaari ay wateen ciidamo ka tirsan kuwa dowlada KMG ah ee la shaqeysa gumeysiga Itoobiya.
Gaari dagaal oo ay wateen ciidamo ka tirsan kuwa dowlada KMG ah oo ka soo baxey madaxtooyada ayaa waxa qarax miino oo ahaa mid xoogan waxaa la gula beegsadeyt agagaarka shaneemo Africa oo ka mid ah degmada Xamar Weyne.
Sida ay ku warameen qaar ka mid ah dadkii ka ag dhawaa halka qaraxa miino la gula beegsadey gaariga ay wateen ciidanka dowlada KMG ah, waxa ay sheegeen in ay arkayeen Uuro iyo Holac xoogan oo cirka isku shareeray, ka dib qaraxa miino.
Sidoo kale wararku waxa ay intaa ku darayaan in qaraxa miino uu si toos ah u haleelay gaariga dagaal ee ay wateen ciidanka dowlada KMG ah, oo uu soo gaarey bur bur xoogan, kaas oo la filayo in uu jiro khasaare xoogan oo soo gaarey sidoo kale ciidamdii sarnaa gaariga oo isugu jira dhimasho iyo dhaawacba.
Qaraxa ka dib waxaa halkii uu ka dhacey qaraxu soo gaarey ciidamo kale oo ka tirsan kuwa dowlada KMG ah ee la shaqeysa gumeysiga Itoobiya, kuwaas oo isku gadaamey halkii uu qaraxa miino ka dhacey, ee uu yaaley gaarigii lala beegsadey qaraxa.
Arintan ayaa ku soo adeysa iyada oo maanta qeybo badan oo ka mid ah jidka Makka Al-Mukara ay ku sugnaayeen ciidamo badan oo ka kala tirsan kuwa gumeysiga Itoobiya iyo kuwa la shaqeeya ee dowlada KMG ah, oo halkaa ka hayey ilaalo dheeraad ah , ka dib weerar xoogan oo Xoogaga Mujaahidiinta Soomaliyeed la beegsadeen shaley galab Saldhiga degmada Waaberi iyo isgoyska KM4 oo fariisimo u ah Ciidamada Amisom iyo kuwa DKMG ah.
Daabaco
U dir saaxiib



Fikrad ka dhiibo