MA RUNBAA MA RUNBAA, WARKA RAAMA-CADDEEY

 

Waxa tiriye: Maxamed Xirsi Guuleed 2008-04-16

Maansadan yar ee geeraarka ah waxa aan ku xusayaa goobaha dagaalka ee ay mujaahidiinta Soomaaliyeed ugu jilib dhigeen cadowyada isbahaystay ee shisheeye iyo cawaantooda ay tabcadeen ee soomaaliyeed(koobi Amxaaro). Ma soo koobin goobaha sharafta leh ee lagu macno tiray cududdii iyo xadhig-maleeggii cadowga. Habase ahaatee kama wada tegin. Wuxu yidhi:

 
Ma runbaa  ma runbaa

Warka Raama-Caddeey?

 
Ma runbaa Ballidoogle

In Rasaas laga qaatay?

 
Roobow aabu Mansuur

Raxan uu horkacaayey

Miyaa reer Xudur booqday

Diinsoor ka rigleeyey

Ku ruqaansaday Waajid?

 
Ma runbaa kalabayr

In axmaarki ku riiqday

 
Ma runbaa ma runbaa

Ma Runbaa Garasyaani

Rugta buuleburdood

Halgan reeraha yaallay

Inay gaal rawaxsheen?

 
Ma runbaa ma runbaa

Ma runbaa Dabageed

Inuu raaxo ka quustay

Baladweyne ka rooray

Kalabaydhka u rooray

Mar Tigree la rafiiqay

Yaa rabbii laga sheegay?

 
Ma runbaa ma runbaa

Xamar rawda baxaysa

Rigta Bay laga sheegay

Ramta Ceel-baraf yeedhay

Raadka yaalla cadaado

Ruxaankii Balcad gaadhay

Ama Jawhar ku raagay

 
Ma runbaa ma runbaa

Mar riyaabay ahayde

In jihaadkii rumoobay ?

 
Run qofkii laga waayo

Been ayuu ku raftaaye

Markii haatan la raystay

Cadowgiina rafaaday

Raggaa loo gacan haadshee

Loo riwaayad dhigaayo

Ma rabnee shirarkooda

Ruushka hawla tageen

 

Run qofkii laga waayo

Been ayuu ku raftaaye

Ma rijaal isbahaystoo

Rabbigood tala saartaa

Rartay saanadahooda

 
Rabbii yaa rabbiyoow

Yaa raxmaanu-raxiimoow

Rajadii umaddaasi

Raggaasay ku jirtaaye

Riddadooda hagaaji

 
Rabbii yaa rabbiyoow

Yaa raxmaanu-raxiimoow

Ruuxaddooda badbaadi

 

Rabbii yaa rabbiyoow

Yaa raxmaanu-raxiimoow

U roonoow maxastooda

 

Rabbii yaa rabbiyoow

Yaa raxmaanu-raxiimoow

U rumee niyaddooda

 
Maxamed Xirsi Guuleed

2008-04-16

abdibashir@hotmail.com

 Afeef: Aragtida maansadan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco        U dir saaxiib U dir saaxiib
1 Star2 Stars3 Stars4 Stars5 Stars
Loading ... Loading ...

1 Comment(s)

  1. aaammmiiinnn
    insha allah saya,tii nasrun qariiban.

    cismaan | Jul 15, 2008 | Reply

Fikrad ka dhiibo