Xaq Hooyo iyo mid kalaba Yaa dhowra?!

Published on April 9, 2008 by   ·   No Comments   ·   print

Waxaan in badan aragnaa boorar lagu xardhay hadalo aad u quruxsan ,aadna kuu soo jiisdanaaya sida dhowrida Xuquuqda Insaan ka ,waxaanan aragnaa maalmo la lee yahay waxaa lagu maamuusaa xuquuqaha sida maalinta Hooyada maalida Xayawaanka maalinta Haweenka iyo maalmo aad u tiro badan oo la sheegaayo ula jeedada loo tilmaansaday maalmahaas in ay xaq dhowrid iyo xushmad loo haayo kuwan la tilmaansaday.
Hadaba waxaa aad ula yaab badan in hadaladaas quruxsan iyo maalmahaas la tilmaansaday iyo borarka indhaha naga cawiray aysan wax raad ah ku laheyn nolosha Caalamka manta lagu nool yahay,waayo waxaan aragnaa kuwa ku naadiya xuquuqaha dhowritaan kooda waa kuwa sida ugu ba,an ugu tunto xuquuqda insaanka hadey ahaalaheyd midii Xuquuqda ugu weyneed uguna horeysay waa Xaqa illaah iyo xaqa Rasuulka oo ah xaquuqda ugu muhiimsan ee in la dhowro ugu mudan ,oo waxaan aragnaa manta in illaah shareecadiisa lala dagaalamo iyo ehelkii shareecadii uu ka raaliga ahaa naftooda ku xakumaayay waxaana si cad loo sheegay wax xuquuq ah in aysan la heyn ayadoo la hirgalinaayo mabaadii meesha ka saareyso xaqii sharciga is laamka uu ku lahaa dhulka illaah.

Sidoo kalana xaqii Nabaiga NNKH oo meel looga dhacaa waxa uu noqday wax kaliya ee astaanta u ah xaqa Saxaafada iyo Xoriyada Saxafiga ,taasoo keentay in manta lagu tartamo aflagaadeynta Nabiga Muxamed NNKH anagoo og waxa la af lagaadeynaayo in ay tahay umadda aaminsan maxaa yeelay marka hore Rasuulka aflagaadoo waxba uma dhinto marka labaadna manta asagii ma noola ee waxa loola dan lee yahay oo lagu tumaanaayo xaqii caqiidadooda waa shucuubta muslimiinta ah ee aaminsan diinta islaamka.

Hadii aan u soo daadagano xaqa waalidka guud ahaan waxaan ognahay kuwaan maanta naadinaya Xuquuqda hooyadain ay yihiin kuwa ugu daran eek u tunta ,oo waalidka marka uu joogo wadamada reer galbeedka waxaa xaqiisii uu ku lahaa caruurtiisii lagu dayacay xatrumo xabsi oo kala ah oo waalidka geerida ku sugo ayadoo loo bixiyay xarumahaas magacyo quruxsan sida xanaanda dadka waaweyn taasoo ah marin habaabin cad oo maskaxda dadkaas lagu sameeyay iyo ku xad gudub xaqii waalidka ku lahaa caruurtiisa,taasoo badalkeedna ayadoo la muujinaayo wax uun tix galin ah in loo haayo waalidka yaa maalin sanadkii ka mid ah lagu magacaabay maalintii Hooyada markaasaa maalintaasna hooyada waxaa loo geeyaa Ubaxyo la soo baceeyay mana aragto caruurteeda sanadkii halkaas maalin wax aaan aheyn.

Hadaba soow xad gudub maaha hooyadaii maalin iyo habeenba caloosha kugu siday naaska kusoo nuujineysay saxarada kaa dhaqeysay markaad soo kortayna habeen iyo maalinba u taagneed sidii w ax aad u baran lahed caafimaadkaaga ka fekereysay in sanadkii mar xaqeeda loo ogolaado inta kalana meelo geerida lagu sugu lagu xabiso?!!.

Hadii aaan nahay umda muslinka ah waxaa xaqa waalidka noo cadeysay shareecada islaamka oo na bartay in Rabiga na abuuray raali galintiisa aan ku heleyno raali galinta waalidka oo nolo shooda shareecadu waxa ay na bartay in ay tahay albaabkii janada o noo furan geeridoodana albaabkii oo xermay,sidoo kalana si gaar ah waxaa shareecada noo bartay in Hooyada cagaheeda hoostooda laga helo janada.

Waxaa weliba intaas dheer in shareecada islaamka hooyada siisay xaq ka weyn xataa xaqa Aabaha maadaama Hooyadu sadax jeer ka dhib badan tahay Aabaha oo hooyadu waxey caruurta ku sidaa caloosha ,ka dibna waa dhashaa ka dibna waa nuujisaa sadaxdaasna mid Aabaha waxba kuma laha sidaasaana shareecadu u dheeraad siisay xuqquqda Hooyada.

Hadii aan ognahay in maanta caalamka aan wax xuquuq ah la dhowrin marqaatina aad uga dhigan karto tilmaamaha aan soo tilmaanay iyo waxa manta Caalamka ka socda ee maalin walbaba soo bandhigto warbaahinta caalamka oo xad gudubyo ah ee loo geesto haween caruur shucuub dhan iyo maxaabiista muslimiinta ah ee xabsiyada ugu jira nimankaan sanadkiiba boqolaal jeer soo ban dhiga munaasabaad iyo dabaaldagyo la lee yahay waxaa lagu maamuusaa Xuquuqda insaanka.

hadii xaalku saas yayay maxaa keenay inaan ka xishoon weyno oo angoo diinta islaamka ku abtirsaneyno daba rucleyno dad ficilkooda iyo warkooduba isqilaafsan yahay waxa ay dhibaateynayaana ay tahay umad nagu diin ah nagu jir ah xuquudoodana ku tumaanayo inaan anagana Buunbuunino beentaas aan geedka lagula gamban?!

Waxaan ugu naseexeynayaa kuwa caadada ka yeeshay ku faafinta dhaqamada qilaafsan umdeena Caqiidadooda iyo dhaqankooda ,welibana qilaafsan waxa dhabta ah ee manta ka jira dhulka umada ku nooshahay ee dhibaatada ku xad gudubka Hooyooyinka caadada laga dhigtay in ay isku xishoodaan oo u guntadaan sidii ay uga dhiidhin lahaayeen xad gudubyada lagu haayo diinta islaamka oo Rasuulkii la af la gaadeynaayo ,iyo xad gudubyada lagu haayo shacabkooda,oo aysan ku sirmin xoogaaga dhaqaalaha ee ka soo galaaya in xaflado loo dhigi oo la maamuuso

maalmaha beenta ah iyo ciidaha aan dhamaadka laheyn ee bil walbaba mis cusub jeebka lagalasoo baxaayo,waxaannan leeyay waxaan aad faafineysaan waa wax ay ku weneyn jireen Giriigii mushrukiinta ahaa ahaa iyo Roomaankii illaah yadii ay caabudi jireen ka dibna waxaa soo nooleeyay Mareykanka Gobolo ka mid ah ilaa markii dambe Qaarada Ameerka oo dhan lagaga dayday ka dibna Shiinaha iyo Ruushka iyo wadamo badan ilaa laga soo gaaray sanadkii 1956 21maarso taasoo kuwo dhuuni qaatayaal ah oo u dhashay wadanka Masar bilaabeen u dabaaldaga Maalinta lagu sheegay maalinta Hooyada taasoo keentay in ay u soo gudubto Dadkii muslimiinta ahaa dhulkii ay dagaanaayeen.

waxaa soo diyaariyay cali nuur xoogsade
calixoogsade@hotmail.com

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga magaciisu ku xusan yahay



WordPress Plugin Share Bookmark Email



No related posts.

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

No related posts.

Latest Headlines